Filimkan oo ka dhex muuqda Jaalle Siyaad waxaa la duubay sanadkii 1962.
Bookmark
Email this
Hits: 15472
Comments
(2)

Qarankaa ka wayn Qabiil
written by A Razaak , November 19, 2009
written by A Razaak , November 19, 2009
Sida ka muuqata muuqaalka sare iyo kulanka Madaxweyne Jamaal C/naasir la yeeshay madaxdii dhalinta yarayd ee Soomaaliya waxaad dareemaysaa qiimaha qaranimadu leedahay. Niman dhalin yaro ah oo wadankoodu laba sano keliya uun xor ahaa ayaa si isku kalsooniyi ku jirto waxay ula macaamilayaan mid ka mid ah atoorayaashii siyaasada ee wakhtigiisii iyo weliba hogaamiyihii ugu shacbiyada badnaa ugunaa burjiga badnaa ee taariikhdan cusub soo maray bulshada Carabta waa Jamaal C/naasir eh. Jamaal wuxuu markaas ka hor dagaal ku asqaysiiyay xoogagii Ingiriiska iyo Faransiiska ee soo hawaystay Kanaalka Suweys. Siyaad Bare laftigiisa waxaa ka muuqata haybad madaxwayne nimo inkastoo uusan markaas madaxweye ahayn. Xitaa taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed ma ahayn, laakiin burjiga iyo haybadu waa u dhalasho; madiyina isma yeelyeesho. Allow qarankii Soomaaliyeed sooceli. Aamiin
...
written by jamaal dhoonbe , February 02, 2010
written by jamaal dhoonbe , February 02, 2010
waxaan hubaa in ay hogaaminta iyo hawl wadeenimadu ay tahay hibo ilaah baxsho ee aan qasab iyo isku day lagu gaari karin, ta waxaan ula jeedaa sawirka muuqdaa waa mid cajiib aah kuna tusaya ninka isku kalsoon iyo kan kale, xilligaas 1962 jamaal cabdi naasir waxa soo eegaya indha dinida oo dhan dalalka carabtaa iyo kuwa islaamkuna halyay ayay u yaqaaneen anaguna laba sano ayaan dawlad iyo xoriyad haysanaa kaliya, sas ayaana ku mutaysanay inan lakulano ayna nagu qiimeeyaan dad sarsare, qiyaas maanta halka aad joogto iyo sababta sidan xilka leh ee aan kusuganahay na gayaysiisay
waa qabiil, waa wadaniyad la,aan, waa daciifnmo, waa is aaminaad daro
waa dhul nacayd iyo jahli
ilahay hanoo soo cesho sharaftii iyo meeqaankii aan kulahayn dunda inteeda kale
aaamiiin.
waa qabiil, waa wadaniyad la,aan, waa daciifnmo, waa is aaminaad daro
waa dhul nacayd iyo jahli
ilahay hanoo soo cesho sharaftii iyo meeqaankii aan kulahayn dunda inteeda kale
aaamiiin.