You are here: Home Video Jaalle Siyaad Interview (English) - 1978
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Jaalle Siyaad Interview (English) - 1978

E-mail

Jaalle Siyaad oo wareysi Ingiriis ka hadlaya sababta keentay in Midowga Soofiyeet laga saaray wadanka Soomaaliya sanadkii 1977.

Dim lights

Comments (8)add
Noolow Madaalle
written by Badri Ajaaye , January 23, 2010
Waad salaaman tihiin dhalinyarada websitekan isku dabaridey marka hore. Tan labaad tariikhdu been lagama sheegi karo, Madaxweynaheenii allah ha u naxariiste Maxamad Siyaad Barre kartinimadii iyo geesinimadii uu lahaa bal fiiriya. Yaa maanta ku dhaca oo runta ka hadli kara madaxweynayaasha afrikaanka iyo ku carabtaba. Somaali sheekadeydii raqiiska aheyd oo geesigeenii laga sheegi jirey, jaalle Siyaad reer baadiyo ayuu ahaa iyo hadala kale oo caato ah horta ha iga harto. Siyaasiyiin kale ama leaders oo maanta laxusikaro u maleyn maayo inuu jiroo. Marka ciyaalkeyna waxey u baahan yihiin Archive kaan oo kale sey uu arkaan somaalida gobta ah iyo kuwa caada qaatada ah oo manta nool, bulshadana marin habaabiya. Hala kala barto baan oran lahaa anigu. Noolow Jaalle Siyaadow. Hadal uu oran jirey ayaa mesha uga tagayaa alaha ha u naxariistee Mudane Maxamad Siyaad Barre. Cadow jab, kanaxoow jab, ku farxoow noolow. Salaamu calykum waraxmatulaahi wabara kaatu.
ma laga ducaystay mise waa laga cuqubo kasbaday
written by Bashiir Omar Warsame , January 31, 2010
taariikhdu waa daah cad aan la dadi karaynin, sacabna ninkii dhaha cadceed baan ku qarinayaa isagaa kawar bogi, Naxariistii Janno Alaha siiyee Maxamed Siyaad barre wuxuu nin Mar soobax ah, intii uu xukunka hayey waxay soomaalidu ku maami jirtay Allow Rid balse dhicitaankii Dawladii uu Hogaaminayey Ma caanaa laga dhamay waa meeshii uu abwaanku ka yiri
" Hadaan saanad culus laysla dhicin xamarna saaltaynin
hadaayan sacabka taajiradu dhiganin suuqa
hadii aan Siyaadow Siyaadow waayo lagu suuxin
Soomaali wacal baan ka ahee saas ha la'ogaado"

waana sida haatan dhacday in carabku ka fuqi waayo Siyaad, wax qabadkii uu keenayna wax kaloo usoo dhaweeye la waayey marka waxaan dhihi karnaa Maxamed isagoo indhaha isku haysta Goolkii uu dhaliyey bay iyagoo indha kala haya dhalin waayeen
Taariikh Xusid Mudan
written by M. C. Yuusuf , February 17, 2010
Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa wadani, shaqsi horumar gaarsiyey Soomaliya,laakiin
Soomali wax yar ayaa abaal guda, maanta waxaa haysta cuqubadii ay ka galeen, iyo
abaal li'dii ay ku sameeyeen. Dhibaatada Soomaaliya waxaa ka mas'uul ah:-
1-SSDF
2-SNM
3-USC
4-SPM
Allaah dushooda ha ku shubo dhibaatadii ay noo geysteen, waxay na badeen
dhul la'aan, iyo Caruurtii oo naga gaalowdey !!!!!

doctor
written by ahmed ali jiir , February 19, 2010
waxaan salamaya ugu horayn dhalin yarada bogan isku hawshay samayn tiisa markalabaad waxaan ilahay uga baryay in uunaxariis unaxariisto madax wayneeheenii ama aabeheenii wanaag sana jaalle maxed siyaad barre
wanan halayay lamam ilawaan ah mana umalaynayo in uu inoo dhalan doono usagii ookale alala se haina siiyo
WADANI
written by Yusuf , February 21, 2010
maxamed siyaad bare AUN, waxaan maanta shaki ku jirin in uu ahaa nin WADANI ah oo dalkiisa iyo umadiisaba waxbadan u taray, caalankana meel sare ka gaarsiiyay. mushkiladi ugu wayneed oo qabsatay waxay aheyd dadkiise oo aan la fahmin. maantana waad araktaan meesha inoo danbeesay iyo waxa naga qabsaday. ILAAHA HA U NAXARIISTO . AMIIN
Gaal balan ma leh.
written by Ridwaan , March 11, 2010
Waxaanu ognahay in jabkii Soomaaliya 1977 ay ku timid isku haleen iyo balatii oo ay nooga baxeen reer galbeedka.
beeney waa run! waa kan jaale siyaad oo ku hadlay af-ingiriis.
written by maxamed hargeysa , March 13, 2010
ASC, bacda salaan waxaan u mahadnaqyaa dhalinta soomaaliyeed ee isu xilqamtay soo noleynta tariikhdii madaxweynihii hore ee j soomaaliya jaale maxamed siyaad bare ilaahay ha u naxaristee ahan ka warbiyo janato fardows aamin aamin. anigoo jooga magaalada hargeysa isla markan ah dadkii maxamed siyaad bare wax ka sheeganay, waxaa hubaa in maanta ay dadka soomaaliyeed oo dhan u cadaatay in dowladii kacaanka aheed way aheed dowlada ay soomaalidu argan weyda.

qofkii wax argada ahan ay maata u muqato. hadab waxaa maanta muqat in jaale maxamed siyaad u ahaa nin ku hadla afka ingiriiisiga oo kola ay dad badan oo soomaaliyeed aminsanaayen in an jaale siyaad ku hadlin ingiriisiga.
laakin wareysigan oo la dhubay 1977 waxaay mujinaysaa in isla markan cadeynaysaa in jaale siyaad aqoonta u u lahaa afkaas ay aheed mid aad u qoto dheer.
...
written by sacdia , March 31, 2010
Allah unaxaristo janada allah kawaraabiyo aamiin. Soomaali weey ucadaatay in maxamamed siyaad wax uga roonaa eeysan jirin, usc snm etc.. waan aragnaa halkee soomaali dhigeen ilaahoow janada kawaraabi aabe siyaad wadani Geesi geesi dhaloo ahaa.
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Ogeysiis

Fadlan haddii aad haysid Buugaag, Sawirro, Maqaallo, Filimo ama wax kasta oo ku saabsan Madaxweynihii Soomaaliyeed, Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Guji-riix