You are here: Home Taariikh Waxqabadkii iyo taariikhdii kacaankii 21 Oktoobar ee Soomaaliya
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Waxqabadkii iyo taariikhdii kacaankii 21 Oktoobar ee Soomaaliya

E-mail Print

Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii waxaa maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaantooda ay u sii dheerayd musuq maasuq, qabyaalad, ku takrifalka hantida qaranka, fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd. Ammaankii iyo kala danbeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiilada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan. Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelya darradii ay ku biyo shubatay in Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay.

Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu xasuuqay, waxaana dadweynihii xilligaasi ay ku calaacalayeen Xoogga Dalka Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay, dhowr ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku cabbireen xilligaas musuqmaasuqa dareenkooda hab suugaaneed, waxayna ku maansoodeen “Inqilaab hurdaduu ku jiro la hubsan doone” oo uu abwaan Nuur Cali Qonof tiriyay, sidoo kalena abwaan Qaasim ayaa isaguna tiriyay tixaha ay ka midka yihiin “Cishadii Gashaba waagu waa caynad gooniyahe, Inay curato khayrlihii Kacaan ciidan la arkaaye” iyo suugaan kale oo badan oo ay ku cabbirayeen dareenka ay ka qabaan dhibaatada lagu hayay bulshada.


Doon badweyn ku degtay qof ka dabbaashay markuu berriga gaaro oo cagaha dhulka saaro sida uu u farxo oo kale ayaa dadweynuhu ugu farxaan afgambigii lagu minjaxaabiyay dowladii masuqmaasuqa ahayd, caleemo qoyan iyo raynrayn ayaa lagu soo dhaweeyay talaabadii geesinimada lahayd ee ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya qaadeen, si aan hagar lahayn ayaa Soomaali meel ay joogtaba ay u taageertay golihii sare ee kacaanka, daacadnimo loola shaqeeyay iyo duco ayaa la isugu daray. Abwaanada hal-abuurka hidaha u leh ayaa geeddi socodkii kacaanka garab istaagay

Qaasim 1970kii ayaa ku gabyay “Guryasamo ilaa lagu furay gibisho saarnaane…gaargaarimaysoo askari giigsan baa wadiye” sidoo kale Cabdi Muxumed ayaa ku heesay “cimrigii jiryow caynaanka hay…hay hay waligaa hay (HEESTA CIMRIGII JIRYOOW )“Xasan Xaaji ayaa isna alifay heestii ahayd “guulwade siyaad,aabihii garashada gayigayow” mar kale Xasan waxaa uu alilafy heestii ahayd “Nabee nooma talin maskax nooga roon”Cabdi Bashiir Indhabuur ayaa isna ku maansooday “Wehelkii Calankow wadnihii umaddow noo waar”

Dhan kasta dib-u-dhac dhaqan dhaqaale oo baaxad weyn oo dalka la degay,wadankuna la mid yahay beer bislaatay oo u baahan miraha oo laga gurto kali ah, loona jeelqabay in hogaanka sare labadalo ayaa kacaankii October curtay. Markii la qiimeeyo hormarkii dalka uu ku tilaabsaday 7 sano ee maamulkii kacaanka u horaysay waxaa oo amaan ah iyo in kabadanba maxamed siyaad bare waa uu mudnaa, runtii waxaa la oran karaa soomaaliya waligeedba 7daas sano kali ah ayay dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay. 21/07/1976 illaa 1/7/1976kii awooda maamulka dalka waxay ku jirtay gacmaha Golaha Sare Kacaanka oo uu hormuud ka ahaa jaale Maxamed Siyaad Barre. 7daasi sano waxaa jirta yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana raysatay marxaladii masiibada iyo dhibka badnayd,taasoo laga dhaxlay maamul ku-sheegii dowladii masuqmaasuqa,waxaa la helay hanaan maamul kusocda asluub,kala danbayn iyo wada tashi,waxaana wadanka uu kutilaabsaday hormar tayo leh oo deg deg ah.

Dikreetadii ahayd axdiga 1aadee kacaanka waxaa lagu qoray 13 qodob oo saldhig u hayd mabaadiida kacaanka,qodobadii kusaabsanaa siyaasada dibadda waxaa ugu muhiimsanaa in si dhab ah loo taaggeero oo hiil iyo hooba loo fidiyo dadyowga xaq-u-dirirka ah,iibada dalalka afrka ee waagaas kujiray gumaysiga. Runtii kacaanka waa uu fuliyay balanqaadkaasi,waayo 1973kii shirkii ururka midowga afrika OAU kuyeeshay Rabaad-Marooko dhowr wadan oo afrikaan ah oo ay soomaaliya hormuud u ahayd ayaa loo xilsaaray xoraynta wadamada afrika ee portaqiiska gumaysan jiiyray .si loom eel mariyo qorshihii xoraynta wadamadii kujiray gacanta gumaystaha,waxaa soo maaliya lagayagleelay xeryo lagu tababaro dagaalyahanada gobanimadoonka afrika,waxaana loo-layli baray mucaskar loogu carbiyay sidii ay heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen. Saraakiil fifircoon ayaa laga xulay XDS waxayna safka dagaalka lagaleen dagaalyahanadii gobanimodoonka ahaa kuwaas oo si hufan ugu howl galay wadamada,Angola,Musambig, Namibiya, iyo kuwo kale,howshii jabhadaynta waxaa ay kasoo hooyeen guul iyo libin looga riyaaqay qaarada afrika. Radio Muqdisho ayaa laga joogteeyay barnaamijyo loogu talagalay guubaabinta, kicinta, wacyigalinta iyo dhiiro-galinta shucuubta xaq-u-dirirka ahayd ee reer Afrika HEESTA AFRIKAAY HURUDOOY ayaa kamid ahaa heesihii uu sida weyn radio muqdisho uu soo baahin jiray

Shirkii Rabaat sababta Soomaaliya loogu doortay xoreynta waddamadaas waxa ay ahayd, durbadiiba markii Kacaankii 21ka Oktoobar curtay ayaa waxaa la isku dubba-riday ciidan xoog leh, kana dheelitiran dhinacyada tirada, tayada, tababarka xeeladaha dagaalka, hubka iyo saanadda.

Kulliyadaha Istaraatiijiyada adduunka ee ku taqasusay qiimeynta ciidammada caalamka ku baahsan ayaa waxa ay ciidanka Soomaaliya ee xilligaas u aqoonsadeen inay safka hore uga jireen ciidammada ugu fiican Afrika, waxayna kaga jireen kaalinta afraad, waxaa ka horreeyay oo keliya ciidammada waddamada kala ah Koonfur Afrika, Masar iyo Nigeria.
Soomaaliya oo wakiil ka ahayd tolweynaha Hantiwadaagga waxay qayb libaax leh ka qaadatay xoreynta waddamadii gumeysiga Bortuqiisku gumeysan jiray, gaar ahaanna jabhaddii MPLA ee Agostino Netto uu hoggaamiyaha ka ahaa, inay la wareegto xukunkii dalka Angola xilligaas. Waxaana 30kii November 1971 khudbad qiime leh oo uu ummadda u jeediyay Allaha u naxariistee madaxweynihii Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Soomaaliya jaalle Maxamed Siyaad Barre uu ku cabbiray in Afrika ay midowdo oo ay ka hoos baxdo heeryada gumeysiga, iyaduna ay aayaheeda garato, waxaana uu ku dhiirri geliyay ummadaha Afrikaanka in iskaashi ay uga bixi karaan dhibaatooyinka haysta,

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay xilligaas horumar dhaqan, dhaqaale oo dhan kasta saameeyay, waxayna xilligii uu kacaanka majaraha u hayay ay noqotay dal sharaf iyo karaamo leh oo laga qiimeeyo dunida oo dhan, gaar ahaanna qaaradda Afrika, Haybaddii ay Soomaaliya adduun weynaha ku yeelatay darted, bishii Juun 1974kii waxaa Xamar lagu qabtay shirkii OAU ee midowga Afrika, waxaana guddoomiye sanadeed loo doortay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, balse xilligaas uu Madaxweyne Siyaad barre talada Midowga Aftika hayay Cumar Carte Qaalib oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo u tartamayay jagada xoghayaha guud ee OAU, dhowr cod iyo si dirqi ah ayuu ku seegay in loo caleemo saaro jagadaas.

Xilligii uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee ahaa guddoomiyaha midowga Afrika (OAU) si hufan ayuu uga soo dhalaalay jagadaas, sanadkaasna waxaa la hor geliyay hal-ku-dheggii ahaa Afrikaay hurdada ka toos oo isku tasho , Wargeyska (The Africa, caddadkiisii 34aad ee soo baxay June 1974 ayaa wuxuu qoray shirkii OAU ee lagu qabtay Muqdisho inuu ku dhammaaday guul iyo walaaltinimo dhex-martay ummadaha madow, wuxuu sawiray Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo madaxda Afrika u horseedaya tubta nabadda iyo barwaaqada, Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku guuleystay inuu joojiyo dagaalladii ka dhex aloosnaa waddamada Ugandha iyo Tansaniya, iyadoo colaaddii dhex tiillay labadaas dal lagu beddelay caaqiibo nabadeed.

Dhexdhexaadinta iyo horumarinta qaaradda Afrika keliya kacaanku kuma ekeyn ee wuxuu xitaa uga gudbay xaggaa iyo qaaradda Aasiya. Sanadkii 1971kii dagaalka ka curtay gooni-u-goosadkii bariga Pakistan, Kacaanku wuxuu u diray guddi dhexdhexaadin ah oo Soomaaliyeed oo heshiisiin iyo xabbad joojin ka soo hir geliya halkaas, oo waddamadaas Islaamka ah ay u xil saareen Soomaaliya inay arrintaas soo dhammeyn karto, waxaana guddi caalami ah oo Islaamka ka socda loo doortay Soomaaliya inay guddoomiye u noqoto guddigaas, sidaasna mushkiladdaas ku soo dhammaato.

Haybaddii xilligaas dalku lahaa iyo karaamadii kacaankii 21ka Oktoobar ee uu hor kacayay Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay dalka u soo jiideen awgeed ayey guddigaasu ku soo guuleysteen in dhibaatadii Pakistaan la soo afjaro oo la abuuro laba dal oo walaalo ah oo kala ah Pakistan iyo Bangaaladheesh, sidaas awgeedna Sheekh Mujiibu raxmaan loo doortay madaxweynihii u horreeyay ee dalkaas cusbaa ee Bangaaladheesh. Madaxweynahaasna waxa uu soo saaray xeer muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya u oggolaanayay in uu Bangaaladheesh ruqsad ama Visa la’aan ku geli karo dalka Bangaladheesh, isla markaasna ku noolaan karo, hase yeeshee markii Soomaalidu six un uga faa’iideysatay oo ganacsi suuq madow ah oo dahab ka ganacsi u badan dalkaas lagu qarqiyay ayaa xeerkii loo unkay soo dhoweynta Soomaalida la laalay.
Sidoo kale Kacaanku wuxuu mowqif cad ka istaagay qaddiyadda bariga dhexe iyo Israel, waxaana uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre tilmaamay in Soomaalida oo dowlad Islaam ah ay bariga dhexe waxa ka socda ka soo hor jeeddo, waxaana kacaanku dhaliilay siyaasadda Israel ee ku aaddan dadka dhulkooda xoogga lagu haysto, Siyaad Barre oo xusuusinaya illoowsha dhowida Yuhuudda waagii Hitler ayaa Khudbad uu jeediyay munaasabaddii 21ka October 1971kii waxa uu yiri COD BARIGA DHEXE.

Guulaha siyaasadda dibedda ee uu kacaanku gaaray ka sokow, towraddii barakeysneyd ee uu majaraha u hayay allaha u naxariistee jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu isbeddel gun iyo baar ah ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya. Axdigii Kacaanka 21ka Octoobar ee xagga siyaasadda gudaha waxaa ugu muhiimsanaa in la dhiso bulsho asluub leh oo ku tashata awooddeeda isla markaasna la tirtiro habacsanaanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye,waxaa kaloo geed-ka-go’an laga dhigay in la sugo ammaanka dalka guud ahaan, xasilloonida iyo kala dambeyntana waxaa laga dhigay mid aan horay loo arag. Dhowr gacan ku dhiigle ayaa barqa waxaa lagu toogtay meel fagaare ah ka dib markii ay maxkamadi ku xukuntay dil dambiga ay galeen awgeed, khaarajinta gacan ku dhiigleyaashaasna waxa ay horseedday nabadgelyo buuxda iyo dilalka oo yaraaday, iyadoo qof kasta uu ku naallooday neecaw qabow oo ka dhalatay curashadii towradii barakaysneyd iyo naxariistii Eebbe. Qoyskii bari degganaa ayey u suurto gashay inuu Bogox u guuri karay, Saylac ilaa Sablaale, Jarriiban ilaa Jigjiga ayaa la is dhex mushaaxay iyada oo habar dugaagga mooyee wax laga baqaayo aanay jirin. Kacaankuna waxa uu soo jiitay dareenka bulshada, waxaana la soo bandhigay siyaasad qurux badan oo mujtamaca caalamka ammaan ballaaran looga helay.

Sanaddadii 1970meeyadii inta badan qaaradda Afrika waxa ay la ciirciiraysay nabad gelya la’aan abuurtay xasillooni darro qaaradda halakeysay, dil, dhac, kufsi iyo dhiilla joogta ah ayey Afrika inteeda badan la kacaa kufaysay. Taas beddelkeeda ayaa ammaanka dalka Soomaaliya waxa uu kacaanka 21ka Octoobar ka curtay dalka waxa uu ka dhigay mid si deggan u sugan, waxaana arrintaas ka marag kacay weriye Devid Lamb oo bug uu qoray oo lagu magacaabo “The Africans” ku caddeeyay in Soomaaliya dal xasilloon oo badbaado iyo nabad lagu dhex mushaaxi karo uu yahay.

21kii Jannaayo 1973dii waxay ahayd maalin weyn oo Soomaalida baal dahab ah ugu qoran, waa maalin aan weligeed xusuusteenna ka tirmi doonin, waa maalintii la hir geliyay qorista far Soomaaliga. Kacaanka ka hor waxaa wax lagu baran jiray, oo xafiisyada looga shaqeyn jiray luqadaha Carabiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. Haddaan dib u milicsanno taariikhda raadinta wax soomaalidu wax ku qorato, intii u dhexeysay 1920kii ilaa 1960kii waxaa is xilqaan sameeyay dad doonayay inay luqad wax lagu qoro Soomaalida u raadiyaan, waxayna soo ban dhigeen saddex af midkood in la qaato oo kala ahaa Laatiin, Carabi amaba Cibri. Dowladdii Musuqmaasuqana waxay ku guuleysatay in saddexdaas nooc mid uun hir geliso oo dalka loo qoro far gaar u ah oo uu leeyahay, waxaana xilligaas xisbiyadii jiray ay la kala safteen laatiinka iyo carabiga, iyada oo ay qolo la safatay in la taageero LAATIINKA maadaama madbacadaha dalka yaallo ay laatiin yihiin, qolo kalena taageeray CARABIGA maadaama ummadu ay muslin tahay, laakiin culumada diinta ayaa waxay dhaleeceyn u soo jeediyeen qolada taageertay laatiinka oo ay ku sheegeen LAATIIN inuu la micne yahay LAA DIIN.

Qayb kale ayaa iyaga oo aan u kala harin waxa ay u ololeeyeen in la qaato welibana qasab lagu qaato xuruufta farta Cismaaniyiinta, iyaga oo xilligaas muquuniskaas ilaa xad ku guuleystay, maxaa yeelay SYL ayaa ku shaqeyn jirtay farta Cismaaniyiinta wixii ka horreeyay 1956kii xilligii dowladdii daakhiliga, sababta ay farta cismaaniyiinta SYL u dooratayna waxa ay ahayd Yaasiin Cismaan Keenadiid oo uu aabbihiis Cismaan Keenadiid fartaas Cismaaniyiinta allifay ayaa ahaa xoghayihii ururka SYL. Xisbiyadii xilligii musuqmaasuqa jiray qaarkood waxa ay markii dambe diideen farta Cismaaniyiinta, iyaga oo dalbaday in la isticmaalo farta loo yaqaan KADARIYA, taasoo uu allifay Xuseen Sheekh Axmed Kaddare. Tafaraaruqaas qabyaaladda ku dhisan iyo musuqmaasuqa jiray awgeedna waa tuu kacaanku u curtay bulshada si uu mugdigaas uga saaro, dabadeedna guddoonka golaha sare ee Kacaanka ayaa waxaa la qaatay in farta laatiinka la qoro, iyada oo uu kacaankuna dhiirrigeliyay arrinkaas, runtii waxay arrinta golaaha sare guddoonsaday ay ahayd tallaabo geesinnimo ah iyo guul dhaxal gal ah oo uu kacaanku Soomaalida u gaaray, iyadoo ilaa iminka loo baxsaday.

Kacaanku wuxuu meel mariyay mashruucii libineed ee ahaa “Ololaha hirgelinta farta Soomaaliga iyo Horumarinta reer Miyiga” Kumanyaal isugu jiray macallimiin iyo arday ayaa loo diray berrin kastoo udub aqal Soomaaliyeed ka mudan yahay, waxaana bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay “Haddaad taqaan bar.. haddaadan aqoonnin baro” raadiyaha qaranka ee RADIO MUQDISHO ayaa laga baahiyay guubaabo la xiriirtay wax tarka qorista fartu u leedahay horumarka dalka iyadoo erayadii guubaabada ahaa ay ka mid ahaayeen:

Taariikhda Qarada weyn, Afkeennii ka qatanaa, Qaayaha uu leeyahay, Dunida ka qarsanaa, Qorrax baa u soo baxdoo, Daahii ka qaadee, Carrab ku qaldi maayee, Sidii caanaha qurquriyaaaaaay

Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya, amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge, Iskudare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah, ebyan iyo haddaan magic-u-yaal, ku arkay joornaalka, mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo, mar haddaan ammaahsigii ka baxay, lagu agoontoobay, Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye, ammiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene, Afafkaa qalaad iyo maxaa , eregta ii dhiibay, Anaa macallimoo rabo dad loo furo iskuullaade. Cabdille Raage.

Waxaana bulshada la fahansiiyay in ku hadalka luqadda shisheeye iyo aqoonta cilmigu ay kala duwan yihiin, af qalaad in uusan aqoon ahayn oo ay ku faanaan afkoodii hooyo ayaa shacabka laga dhaadhiciyay, guud ahaanna luqadda Soomaaliyeed iyo suugaanta ayaa sare loo qaaday, gaar ahaanna af-Soomaaligii hore ee qadiimka ahaa ee beri hore lumay ayaa dib loo soo nooleeyay, eray bixintii luqadaha shisheeye ayaa lagu beddelay erey bixin soomaali ah.

Sanadkii 1974 ayuu Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka hadlay qoraalka farta Soomaaliga, waxaana uu tilmaamay in soomaalidu ay ku xirnaayeen waddamo kale oo ajnabi ah, waxaana uu sheegay in markii fartooda la qoray ay u soo noqdeen fartoodii, Waxaana madaxweynihii Soomaaliya Allaha u naxariistee jaalle Maxamed Siyaad Barre uu yiri COD

Waddammada horay u maray xitaa Mareykanka wax barashada iyo caafimaadku waa lacag oo qofba taagtii iyo tabartii ku salaysan, hase yeeshee kacaanku labadaas jiritaanka aadamiga daruuriga u ah wuxuu ka dhigay lacag la’aan. Wax barashada oo nolosha aadmiga aasaasi u ah isla markaasna fure u ah ilbaxnimada aadamiga iyo horumarka bulsho ayaa wixii kacaanka barakeysan ka horreeyay waxa ay ahaayeen kuwo aan tayo lahayn oo aad u liitay. Wax barashada Soomaaliyana xilligii Musuqmaasuqa waxa ay ku socotay habkii uu gumeysigu u dejiyay, taasoo ahayd in soomaalida laga dhowro wax barasho heer sare ah, tirade ardayduna ahaato mid yar oo kooban oo xaddidan, taasna waxaa daliil u ah iyadoo manhajka maadooyinku ay ahaayeen kuwii uu gumeysigu ka tegay, halka dugsiyada dhexe iyo sare ay ahaayeen kuwo fara ku tiris ah.

Kacaanka ka hor musuqmaasuq weyn ayaa dalka ka jiray siiba dhanka wax barashada oo caqabad ku ahayd arday badan oo danyar ah.

Habka maamulka wax barashada wuxuu ku dhisnaa eexasho gaaar ah oo la siiyo madaxda sare iyo kuwa maalqabeenka ah iyadoo imtixaanaadka la siin jiray darajooyin aysan aqoon ku muteysan si deeqaha wax barasho ee dibedda loo aado ay iyaga keliya ugu koobnaato. Ayaan darrada kale ee jirtayna dalka gebi ahaantiis kama aysan jirin jaamacad keliya oo
ardayda Soomaaliyeed xilligaas ay warbarashadooda ka kororsadaan, balse xilligii Kacaanka waxaa durbadiiba la aasaasay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo u xil saarnayd u diyaarinta ardayda kulliyado kala duwan, fasalo wax barasho oo qalabkoodii wax barasho u dhan yihiin,
dejinta manhajyo waxbarasho xilliyeysan kuna saleysan duruus tayo leh, xulashada macallimiinta iyo diyaarinta jiifka, cuntada iyo daawada ardayda, iyada oo waxaas oo hawl ah ay ardaydu u sinnaayeen, isla markaasna ay lacag la’aan ku dhiganayeen.

Jaamacadda Ummadda ee kacaanka 21ka October uu aasaasay ayaa waxa ay ka koobnayd 15 kulliyadood oo kala ahaa Injineeriya, Geologia, Kiimikada, Xannaanada Xoolaha, sharciga iyo qaanuunka, Dhaqaalaha, Luqadaha, Basic
Sciense, caafimaadka, Macallimiinta Lafoole. Beeraha, Culuunta Siyaasadda, Saxaafadda, Farsamada iyo Daraasaatul Islaam. Ardaydii ka qalin jebisay kulliyadahaasna waxay manta kaalin firfircoon oo muuqata kaga jiraan aqoonyahannada dalku sheegto amaba tirsado. Dhinaca aqoonta iyo heerka ay waxbarashada ka gaarsiisneyn qiimeyn caalamku ku sameeyay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxay noqotay mid qaaradda Afrika baal dahab ah ka gashay, waxaana hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ay wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare guddoonsiisay billado dahab ah oo la xiriiray habka hufan ee kacaanku u habeeyay iyo heerka aqoonta lacag la’aanta ah laga gaaray.

Kacaankii 21ka Oktoobar ee dalka ka curtay himmilooyinkiisa towriga ah ee uu hiigsanayay waxaa ka mid ahaa heer inuu gaarsiiyo dalka waxaana uu wax badan ka qabtay arrimo badan oo wax qabad lahaa, haddaba waxyaabaha
uu kacaanku qabtay ayaa waxa ay ahaayeen kuwo aan la soo koobi Karin waxaana ka mid ah sidaan soo sheegnayba dhinaca wax barashada, waxaa kale oo ka mid ahaa hadafka towradda ee la dagaallanka Jahliga cudurka iyo saboolnimada, iyo sugidda ammaanka, sida ay dad badan oo xilligaas kacaanka soo joogay ay xusuustaan waxaa wax aan mar dambe dib loo helaynin ka mid ahaa wax qabadkii kacaanka ee dhinaca Caafimaadka, kaasoo gebi ahaanba ahaa lacag la’aan, waxaana magaalada Muqdisho oo kaliya laga dhisay oo laga hawlgeliyay isbitaallo waaweyn oo ay ka mid
ahaayeen Digfeer, Laansalooti, Martiini iyo Madiina, iyada oo ay jireen isbitaallo waaxeed sida kan ciidanka iyo kuwo kale. Dhaqaatiirta isbitaalladaas ka hawl galayana waxa ay u badnaayeen kuwo Talyaani ah iyo weliba kuwo soomaaliyeed.

Sidoo kale Kacaanku waxa uu degmo iyo tuulaba ka hir geliyay goobo caafimaad, isbitaallo iyo xarumo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka ee MCH, waxaana la dhisay wakaaladda keenista daawada si loo ilaaliyo tayada daawada ee dalka soo gelaysa, iyo in la ilaaliyo qiimaha daawada
in aanu lumin, waxaana markii dambe Kacaanku dhisay warshaddii soo saareysay daawada ee dalku lahaa, Kacaankuna si uu u hanto kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu si weyn ooh agar la’aan ah ugu dadaalay
horumarinta iyo daryeelka bulshada iyo weliba adkeynta midnimada, midnimadii la unkay 1960kii si dhab ah xilligii u dhexeeyay 1960kii – 1969kii looma hirgelinnin, waxaase israacii waqooyi iyo Koonfur ay si dhab ah u meel martay curashadii Kacaanka.

Markuu kacaanku curtay waxa uu jidadka ka ururiyay carruur dibad jiif ahaa oo dowladihii kacaanka ka horreeyay ay dayaceen, waxaana uu u fidiyay daryeel ballaaran, waxaana loo dhisay xarumo u gaar ah oo lagu daryeelo, waxaana ubadkaas dayacan loo bixiyay Ubixii Kacaanka, waxaana la aasaasay hay’adda dhallinta kacaanka oo raacsanayd ciidammada Asluubta, waxaana hay’addaas loo xil saaray xannaanada carruurta Ubaxa Kacaanka, waxaana laga haqab tiray carruurtaas dayacnayd waxyaabaha nolosha u daruuriga ah, iyada oo sidoo kalena loo billaabay waxbarasho ay heer walba ka gaareen.

Hay’adaha la qarameeyay 1970kii ka sokow, Kacaanku wuxuu alkumay oo uu abuuray hay’ado tiro badan, taasina waxa ay dhalisay inay shaqo helaan kumannaan kun oo muwaadiniin Soomaali ah, kacaankuna waxa uu shaqaaleynta shucuubta Soomaaliyeed iyo baagamuuddada waddaniga ah oo shaqo la siiyo ku saleeyay nidaamka Maxaad Taqaan, isagoo meesha ka
saaray habkiii xilligii musuqmaasuqa ee Yaad taqaan oo xilligaas shaqada lagu heli jiray, kacaankuna wuxuu laba jibbaaray tirade iyo tayada shaqaale ee dadka looga saarayay baagamuuddada.

Sidoo kale waxa uu kacaanka curashadiisaba dhiirrigeliyay taageerada uu u hayay haweenka soomaaliyeed oo mar ah xoog, marna xilo, marna xurmo, waxana uu kacaanku
aasaaska bulshada saldhig uga dhigay haweenka, waxaana ay haweenku kaalin firfircoon ka qaateen horumarinta dalka, waxaana kacaanku uu haweenka u fidiyay waxbarasho iyo aqoon ilaa heer jaamacadeed, waxaana ay wax ka qabteen jagooyin sarsare sida wasiirro, duuliyeyaal iyo xitaa
dhaqaatiir. Allaha u naxariistee aabbaha ummadda Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo 3dii Sept 1971 la hadlaya haweenka ayaa waxa uu sheegay in habalaha soomaaliya ay yihiin gobkii wadanka ayna wax uqabtaan dalkooda.

Kacaankii Oktoobar durbadiiba wuxuu dhismaha dowladda ku daray wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga, taasoo loo abuuray daryeelka horumarinta da’yarta. Wuxuu kacaanku u guntaday in la helo garoon ciyaareed caalami ah, waxaana kaalmo laga helay dalka Shiinaha lagu dhisay garoonka ciyaaraha ee Stadium Mogadishu, waxaana u dhammaa
dhammaan qaybaha ciyaaraha, dhanka kalena 14kii Febraayo 1974kii ayey Soomaalidu ku biirtay ururka Jaamacadda Carabta, waxaana isla sanadkaas oo ay abaartii daba dheer ku dhufatay dalka wax ka qabtay kaalmada Carbeed, gobollada ay abaartaasi sida daran u aafeysayna waxaa ka mid ahaa gobolka Togdheer, Nugaal, Mudug iyo Galguduud, waxay galaafatay xoolihii reer guuraaga, waxaana ay abaartu halis gelisay noloshii reer miyiga, waxaana lagama maarmaan noqotay in la badbaadiyo nolosha dadka, gurmadka dowladda iyo shacabkuna lagama maarmaan ayey ahayd, gurmadkii dowladdii kacaanka iyo kaalmooyin ay ka dalbatay kana heshay midowgii soofiyeeti ayaa waxa uu kacaanku ku guuleystay wax ka qabashada abaartaas, waxaana dadka abaartu wax yeelleysay loo raray degaammada u dhexeeyay labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, waxaana si gaar ah loo dejiyay degmooyinka Kurtunwaarrey, Dajuuma, Sablaale, iyo weliba Cadale iyo Baraawe. Kacaanka Barakeysan ee 21ka October ayaa waxa uu markaas ku dhiirri geliyay bulshada intii beeraha tabcan taqaanna inay webiyada daafahooda delegga ku beertaan, intii kalluumeysan taqaanna ay badda
shabaagaha u ritaan oo la cirib tiro gaajada, jahliga iyo cudurka, 3dii Sept 1972 ayuu Jaalle Siyaad Allaha u naxariistee waxa uu sheegay in la cirib tirayo saddexda cudur ee bulshada dilootay eek ala ah gaajada, Jahliga iyo budurka.

Guulaha kacaankii Oktoobbar waxaa ka mid ahaa qarameyntii ilaha dhaqaalaha dalka, 7dii March 1970kii waxaa kacaanku la wareegay oo la qarameeyay Dhammaan bangiyadii shisheeyuhu lahaa, Warshaddii Sokorta ee Jowhar ee SNAI, Warshaddii xoogga korontada ee Xamar, Dhammaan shirkadihii shidaalka, Dhammaan shirkadihii caymiska, Wakaaladdii Mooska ee ENTE BANANE Waxaana ilahaas dhaqaale ee la qarameeyay ku takri falayay oo laga soo qarameeyay shirkado shisheeye oo dhaqaalaha dalkuna uu gacanta ugu jiray.

Guushaas qarameyntana waxaa faa’iidadeeda la
dareemay dhowr bilood gudahooda, taasoo aan tusaale u soo qaadan karno in warshadda sokorta ee Jowhar ay bilo gudahooda dabooshay baahidii sokoreed ee dalka, sidoo kale kacaanka 21ka Oktoobar wuxuu hagaajiyay isla markaasna hab maamuleedkooda dhammeystiray dekedihii dalka oo markii hore ahaa meelo aan tayaysneyn, waxaana hannaanka kacaanku u jeexay ay soo jiidatay ganacsatada adduunka oo maraakiibtooda ay had iyo goor Hogan jireen, dakadaha dalka ugu casrisan waa dekedaha Boosaaso iyo Muqdisho waxaana kacaanku uu dhisay xilli dambe si casri ahna wuu u
dhisay, dekedaha kale ee uu habeeyayna waxaa ka mid ahaa Kismaayo, Berbera oo labadaba la ballaariyay. Warshado badanna waxaa laga dhisay dalka Soomaaliya intuu Kacaanku jiray kuwaasoo daboolay baahidii loo dhisay, waxaana warshadahaasi ay ahaayeen kuwo lagu dhisay kaalmooyin
dhaqaale oo dalku ka helayay dibadaha iyo waddamada saaxiibka la ahaa soomaaliya, waxaa ka mid ahaa warshadahaas warshadda sokorta ee Mareerrey, warshadda burka iyo baastada, warshaddii daawada, warshaddii
sifeynta batroolka, warshaddii tarraqa iyo sigaarka, warshaddii lebenka ee Afgooye, warshaddii doomaha caagga ah, warshaddii kartoommada iyo balaastiigga, warshaddii hubka iyo rasaasta ee Mahaddaay, warshaddii galleyda ee Afgooye, Baydhabo, burco iyo Hargeisa ku yaallay, warshaddii hargaha iyo saamaha, warshaddii khudradda ee ITOP ee afgooye, warshaddii birta ee xamar, warshadda caanaha, warshadda badarka, warshadda saliidda
iyo warshadda habka cusub ee Xamar.


Waxaana kacaanku sidoo kale hir geliyay warshado si gaar ah loo leeyahay sida warshadda Barafuunka oo ay ganacsato Soomaaliyeed furteen, iyada oo xafladdii furitaankana Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre
uu xarigga ka jaray.

Waxaa jiray dhowr warshadood oo dalka ka jiray ka hor xilligii Kacaanka, waxaana ugu weynayd warshadda Sokorta ee Jowhar oo ay lahayd shirkad gaar ahayd oo Talyaani ahayd, sidoo kalena waxaa ka mid ahaa warshaddii
Hilibka ee Kismaayo, Warshadda Kalluunka ee Laasqorey, warshadda Yaanyada iyo Yoogada, warshadahaas oo dayacnaa muddooyinkii ka horreeyay kacaanka ayaa waxaa ay laf dhabar u ahaayeen dhaqaalaha dalka, waxaana
xilligii kacaanka lagu sameeyay dayactir aad u ballaaran taasoo dhalisay in warshadahaas ay waxtarkooda iyo wax soo saarkooduba uu noqdo mid baaxad weyn

Kacaanka 21ka October waxaa uu ka dhabeeyay himiladiisii siyaasadeed ee ku aaddaneyd mabda’a hawl iyo hantiwadaag, waxaana uu Kacaanku la baxay magacyo guul tilmaamayo, waxaana ka mid ahaa Kacaankii Libineed, towraddii Barakeysneyd, himiladii hagaagsaneyd iyo kuwo kale, waxaana kooxaha fanka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba taageero hagar la’aaneed la garab taagnaa kacaanka, waxa ay had iyo goor tiring jireen heeso qaarkood ammaan soocan ay ahayd, qaarna guubaabo iyo kicin
ay ahayd, waxaana heesahaas ka mid ahaa Towraddatan barakeysan.

Dhinaca jidadka ayuu kacaanku wax weyn ka qabtay, maadaama wixii kacaanka ka horreeyay dalku uusan lahayn jid maritaankiisu suurta gelin karo in si sahal ah lagu maro ayaa waxaa kacaanku uu dhexda u xirtay dhismaha jidad kuwaasoo xitaa dhaqaalihii, isgaarsiintii iyo ganacsigiiba sahlay. Kaalmo laga helay waddanka sucuudiga ayaa waxaa
lagu dhisay waddada Muqdisho dhex marta ee Maka-al-Mukarrama, waxaana dhererkeedu u dhexeeyay Km4 ilaa guriga ummadda, waxayna muddaba ahayd waddada qura ee labada seed ee baabuurtu isku feer socon karto, kacaankuna wuxuu ka dhiidhiyay weer uu nin weriye ahaa oo waagaas booqday Muqdisho yiri oo ahayd Somalia waa qaran hal magaalo ah,
magaaladuna hal waddo leedahay Tilmaantaasina waxa ay dhalisay in Muqdisho oo keliya laga dhiso 25 waddo oo casri ahaa, waxaa kaloo la dhisay waddooyin kale oo laami ahaa oo isku xirayay gobollada dalka qaarkood, in kasta oo gobolka Gedo uu ka mid noqday gobollada aan nasiibka u yeelannin taabbagelinta waddooyinka ee towraddu wadday
xilligaas, haddana gobollo badan ayaa waddooyinkoodu ahaayeen laaami, waxaana sharafta kacaanka lagu xusuustaa waddooyinka qaran ee la hir geliyay oo ay ka mid ahaayeen Jidka warshadaha, Jidka soddonka, Jidka wadnaha, Jidka Jaalle Siyaad, Jidka Jeneral Daa’uud, Jidka Nasiib Buundo, Jidka Maxamuud Xarbi, Jidka Kaaraan, iyo kuwo kale oo tiro badnaa.

Isgaarsiinta dhinaca gaadiidka oo ka kooban gaadiidka cirka, gaadiidka badda iyo gaadiidka dhulka ayaa waxa ay ahaayeen ka hor kacaanka barakeysnaa xilligiisii mid aan tayaysneyn, waxaa dhici jiray shilal, iyo aqoon yaraan, waxaana liitay tayada gaadiidka, haddaba si dhibaatadaas looga baxo, waxna looga qabto ayaa kacaanku xoogga
saaraysameynta waddooyinka dhulka si loo yareeyo waxyeellada dadka iyo dalka ka soo gaari jiray jidad xumidaas, Jidadka laamiga ah ee dalka ka jiray ee uu Kacaanku hir geliyayna waxaa ka mid ahaa Waddada isku xirta Beledweyne ilaa Burco oo ay dhiseen Shiinaha, waddada isku xirta Burco ilaa Berbera waxaa dhisay Talyaaniga, Waddada isku xirta Hargeysa ilaa
Boorame waxaa dhisay Hawlaha guud ee dalka, Waddada isku xirta Garowe ilaa Boosaaso waxaa dhisay Talyaaniga, Waddada isku xirta Afhooye ilaa Baydhabo waxaa dhisay oo ballaariyay Shiinaha, Waddada isku xirta Golweyn ilaa Jilib waxaa dhisay Talyaaniga, waddada isku xirta Awdiinle
ilaa Qansax dheere waxaa dhisay Hawlaha Guud ee dalka. Sidoo kale lama tira koobi karo jidadka carro kaawada ah ee dalka laga sameeyay, waxaase ka mid ah jidad badan oo u dhexeeya labada webi ee Jubba iyo Shabeelle.

Muruqa Crash Program waxaa lagu hirgeliyay jidad carro kaawo ah oo beeraha isku xira, gaar ahaan gobollada Sh/hoose, J/Hoose, J/Dhexe iyo Sh/Dhexe iyo wixii soo raaca, sidoo kale waddooyinka gudaha ee isku xira
xaafadaha magaalooyinka Baydhabo, Hargeysa, Burco iyo Kismaayo ayaa waxaa laga dhisay carro kaawo iyo laami cusub.

In kasta oo kacaanku guulahaas gaaray haddana waxaa jirtay in sanaddadii dhexe ee toddobaatameeyadii ay towraddu dejisay xeerka qoyska, kaasoo sida xeerku dhigayay simayay haweenka iyo raga, aragtidaas waxaa si aan gabbasho lahayn uga dhiihdiyay qaar ka mid ahaa culuma-u diinkii xilligaas joogtay oo soo qaatay aayadda dhaxalka eek ala sarreysiinaysa raga iyo dumarka, waxaana ay ku doodeen in xeerkaasi uu khalad yahay kana hor imaanayo shareecada Islaamka, buuqii iyo dooddii ayaa waxa ay dhalisay in dhammaan culumadaas la soo xirxiro, ka dibna maxkamad la
saaro, waxaana lagu xukumay dhammaantood dil toogasho ah, in kastoo markii dambe Allaha u wada naxariistee la toogtay dhammaantood, haddana waxaa is weydiin leh side amarka toogashada uu ku yimid, maxaase kala gudboonaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre xilligaas, waxaa su’aal aan idin hordhigo bulsho.

Sidoo kale Kacaanka waxa uu dadka kala dagaallamayay in ay dhexdooda dib ugu noqdaan xilligii eexashada iyo musuqmaasuqa, waxaana loo sheegay dadweynaha Soomaaliyeed in Qabiilka la aasay, iyada oo maalin qaran oo
aas ah loo sameeyay dabadeedna karfan cad inta lagu soo duubay meel ay bulshadu isugu soo baxday iilka la dhex dhigay, taasoo hadafka uu kacaanka ka lahaa ay ahayd in dadka ay ka fogaadaan qaraabakiilka, iyo eexda qabiil ee dib u dhigi karay bulshada, waxaana warbaahintu ay had
iyo jeer ku dhiirri gelin jirtay buldhada in qabiilku uu yahay wax la hari kara bulshada, waxaana la ilaaliyay in bulshadu ay isugu xirnaato hab qabiil, waxaa la joogteeyay dhaleeceynta kuwa qabiilka dugaashada, waxaa la fogeeyay eexashada ku dhisan qabiilka, waxaana sidoo kale fannaaniinta qaranka iyo guud ahaan kooxaha fanku ay caadeysteen ka wacyi gelinta bulshada dhinaca qabiilka, iyada oo dadka Soomaaliyeed la isu tusayay inay Soomaali isla yihiin wax ka sokeeyana aanan loo baahnayn, waxaana ay taasi dhalisay in degaannada dalka laga wada helo
qabiillada Soomaalida, waxaana sanadkii 1976kii uu aabbaha Ummadda Soomaaliyeed qudbad qaaya leh oo uu kaga hadlayay dhibaatada qabiilka iyo meesha uu kacaanku iska taagay u jeediyay bulsha weynta Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in qabiil uu yahay xumaan laqariyay qabiilna uusan marnaba wanaagsanayn.

Dalka soomaaliya xilgaasi waxaa kadhaqan galay magacyaal farabadan oo soomaalida ay xiligaasi wax kuqabsan jirtay waxaana ugu cad cadaa “ISKAA WAX U QABSO” taa oo uu qofka aqristaha ah uu ufahmi karo in isku duubni wax loowada qabto si madax banaan,arinta looga dhab la ahaa ayaa
ahayd in dalka uu dadka usiman yahay qof walbana uu wax uqabto.

1dii Luuliyo 1976kii waxaa la aasaasay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) kaasoo aasaaskiisa lagu beegay sanadguuradii 16aad
ee xornimaqaadashada gobollada koonfureed ee Soomaaliya, iyo israacii Koonfur iyo Waqooyi oo ay ka curatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana ku dhawaaqidda xisbigu ay timid ka dib markii golaha sare ee Kacaanku ay
sidaas guddoomiyeen, waxaana meesha looga saarayay xukunkii milateriga ahaa, iyada oo nidaam xisbi iyo hab hantiwadaag loo jihaystay, waxaana shir weynihii aasaaska XHKS ee kagu qabtay kulliyaddii Jaalle Siyaad lagu sheegay in laga billaabi 1da Luuliyo 1976kii ay talada dalka
Soomaaliya wadayaan XHKS, taasoo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen.

Qodobkii 1aad ee xeerka xisbigaasna waxaa lagu qeexay in xoghayaha guud ee XHKS iyo madaxweynaha dalkuba uu yahay Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaa kaloo la ansixiyay xubnaha xisbigaas oo 76 xubnood ahaa, kuwaasoo ay ugu horreeyeen xubnihii Golaha sare ee Kacaanka, iyada oo weliba shanta xubnood ee ugu sarreysana loo magacaabay Guddiga Siyaasadda ee XHKS, waxaa kaloo isla qodobkaas 1aad lagu ansixiyay 3 xubnood oo ahaa guddiga dhexe ee barista XHKS. Qodobka 2aadna waxaa lagu sheegay in hawshii sare ee Golaha Sare ee Kacaanka ay
la wareegeen guddiga siyaasadda ee XHKS iyadoo la meel mariyay xeerka iyo barnaamijka XHKS. Waxaana hawshii xisbigu ay ahayd mid aad u xawli ahayd dalkuna uu kaga gudbay nidaamkii golaha sare keliya.

Marxaladdii 2aad ee XHKS waxaa xiritaankii shir weynaha XHKS lagu dallacsiiyay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Samatar oo laga dhigay Sarreeye Guud Maxamed Cali samatar, wuxuuna dhinaca darajada ciidanka xitaa ka sarreeyay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1977kii ayaa waxaa dalka Soomaaliya uu dagaal aad u kharaar la galay dalka Itoobiya oo tiro ciidan iyo tiro dadba ka badan, waxaana dagaalkaas intii uusan billaaban labada waddan ay isku soo hubeynayeen jabhadaha ka soo kala hor jeeday, sidoo kalena waxaa saldhigyo la kala
siiyay jabhadahaas, Horraantii 1976kii aasaaskii XHKS ayey Soomaalidu billowday nidaamka ay ku taageeraysay Jabhadaha oo la hubeeyo lana geliyo gudaha Itoobiya, balse Soomaalidu xilligii jabhadeynta waa ay inkirtay in ay dagaalka jabhadaha gobanimo doonka ahi wadeen, waxaana ay
ku sheegtay in ay yihiin jabhado gudaha Itoobiya ka dagaallamaya waxaan jiray heeso laga alifaya oo ay kamid ahayd HEESTA JABHADAHA GOBANIMADOONKA SOOMAALIYEEDEE GALBEED waxaase dagaalkaasi uu qarxay sanadkii 1977kii waana dagaalka ay Soomaalidu u taqaan 77, kaasoo
xudduudda dheer ee ay labada waddan wadaagaan ka socday, waxaana Soomaalida ay markaas weyday taageeradii reer galbeedka iyo tii reer Bariga ee dhinaca ciidammada, dagaalkii 77 waxaa sida uu general Maxamed Cali Samatar oo ahaa ninka dhinaca ciidanka ugu darajada sarreeyay ku
sheegay Soomaalida ciidammada uga dhintay dagaalkaas inay ahaayeen 5.500 askari tan iyo dagaalkii Balanbal ee u dambeeyay ee sanadkii 1978kii.

Waxaana sidoo kale uu sheegay in sababaha jabka dagaalkaas ay ahaayeen xaalado la xiriiray isbahaysi la’aan dhankooda ah, iyo weliba dhinaca kale oo reer Galbeed iyo reer Bariba ku taageereen dhinaca ciidanka iyo qalabka, waxaana uu sabab uga dhigay General Cali Samatar Itoobiya oo
diin ahaan ay is xigeen iyo dad iyo dhul ahaan oo ay Soomaalida ka badnayd.

Soomaaliya oo waagaas loo yiqiinnay kuwa ugu ciidan fiican waddamada Afrikada Madow ayaa muddo gaaban ku gaaray goobo gudaha dalka Itoobiya ah, waxaana ay ku dhowaadeen magaalada caasimadda ah ee Addis-ababa, hase yeeshee horraantii bishii Maarso 1978kii ayaa xulufadii Itoobiya oo ahayd waddamada Ruushka, Kuubba, Yemen, iyo Liibiya waxay soo jebiyeen Soomaaliya ciidammadeedii, waxaana waqti yar ka dib idaacaddii Radio Muqdisho laga maqlayay hees ahayd Galbeed waa la xoreeyay, Waarsaa gaagixisay. Waxaa taariikhyahannada iyo dadkii goobjoogayaasha ahaa ay
xusuustaan in waddaniyadda iyo is jacaylka ciidanka iyo dalkuba ay gaartay heerkii u sarreysay.

Balse waxaa la is weydiin karaa siduu Sarreeye Guud Maxamed Cali Samayarba sheegay sababihii ay ciidammada Soomaalidu xilligaas u soo jabeen, waxaana dadka xaqiiqada u dhowi ay sheegayaan, in ay sabab u ahayd cilaaqaadkii shisheeye oo ay Soomaalidu cawda u jartay, tusaale,
dagaalka oo meel adag maraya ayaa dowladdii Soomaalida waxay xiriirkii ka jaratay waddanka Midowga Soofiyeeti 13kii November 1977kii xilligaas oo ahayd xilliyadii dagaalku u adkaa, waxaana go’ay xiriirkii iskaashiga
dhinaca ciidammada ee Midowga Soofiyeeti ay la lahayd Soomaalidu oo soo taxnaa tan iyo 1963kii ka dib markii ra’isul wasaare Cabdirashiid uu booqashada ku tegay Moscow

Dhinaca kale waxaa socday dacaayadaha labada dhinac ay is
weydaarsanayeen ee la xiriiray dagaalladaas, waxaana idaacadda kacaanka ka baxayay heeso kala cayn ah oo ay ka mid ahaayeen MINGISTOW WAR LI’IDAA.

Ka dib markii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya lagu soo jebiyay Soomaalida ayaa waxaa saraakiishii hoggaamineysay ciidammadii dagaalka galayay weliba kuwoodii safka hore joogay ay isku dayeen inay inqilaabaan dowladdii Maxamed Siyaad Barre 9kii Abriil 1978kii, in kastoo inqilaabkoodii la fashiliyay waxaana loo xirxiray inqilaabkaas koox ka mid ahayd saraakiishii wadday inqilaabkaas.

Muddadii dagaalkaas ka dibna waxaa dalka Soomaaliya ku soo jabay qaxooti ka soo hayaamay soomaali galbeed kuwaasoo ka soo cararayay abaaro aad u daran oo degaammadaas isaga daba noqnoqday iyo dagaallada iyo jabhadeynta halkaasi ka jirta, waxaana xeryo qaxooti looga ooday gudaha dalka Soomaaliya, waxaana goobaha looga ooday xeryaha ka mid ahaa gobollada Hiiraan, Gedo iyo Shabeellooyinka, iyo gobolka Waqooyi Galbeed, waxaa hay’adaha qaramada midoobay iyo dowladdii Soomaaliya ee xilligaas ay isku qabteen tirade dadka qaxootiga ah iyo inta qoys ee ay yihiin si la isula jaan gooyo raashiinka la keenayo, waxayna dowladdii
Soomaaliya ku tilmaantay in qaxootigaasi uu dhammaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qoys, halka qaramada midoobayna ay sheegeen tiro taas aad uga yar oo ahayd afar boqol oo kun oo qoys, dood dheer oo muddo socotay iyo wada xaajoodyo ayaa waxaa markii dambe la isla gartay in
raashiimmada lagu keeno siddeed boqol oo kun oo qoys, taasoo muddaba ku socotay sidaas.

Laga soo billaabo 1986kii waxaa billowday marxalad kale oo uu dalku galay waxaana gudaha dalka ka billowday jabhado qabiil ku dhisnaa, kuwaasoo doonayay inay dowladda ka takhalusaan, awoodda dalkana marooqsadaan, waxaana ay u arkayeen in ciidammada la kala furfuri karo, jabhadahaas waxay magaalooyinka dalka ee muhiimka ah ka aasaasteen
taageerayaal, waxaana ka mid ahaa jabhadihii SNM, SSDF oo labaduba ahaa jabhado qabiil, ma aysan lahayn hadaf mideysan, mana aysan lahayn dallad u dhexeysa oo markii ay afgembiyaan dalka wadda hogaanka.

Laga soo billaabo 1986kii siyaasiyiintii iyo saraakiishii milateri ee ka soo hor jeeday dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo joogay dibadda kuma aysan guuleysannin hadafkoodii ahaa inay mideeyaan jabhadahaan weyraxsan
ee dhallinyarada reer miyiga ah hubeysatay, iyo waxa ay yeeli doonaan haddii dowladda Siyaad Barre la rido toona, waxaana dareenka hadafkoodu uu xiriir la lahaa meelaha ay ka soo kala jeedaan, Jabhaddii SNM waxa ay iyadu ku doodeysay wax ka duwan wixii magacoodu uu ka turjumayay kaasoo ahaa in ay ka xoroobaan Soomaaliya, halka magacooduna uu tibaaxayo inay yihiin jabhad u dhaqdhaqaaqda

Soomaaliya oo idil, taasina waxaa lagu fasiray inay ku beer laxawsanayeen saraakiishii beeleed ee ka soo hor jeedday dowladda ee hubku gacanta ugu jiray ee aan degaankooda ka soo jeedin, waxaana ay jabhaddani billoday dhaqdhaqaaq ciidan, weerarro jabhadeyn ah oo lagu
qaado xarumihii dowladda iyo dilal jidka loo galo dowladda ah, waxaana arrintaasi ay dhalisay in sanadkii 1988kii weerar ay dowladdu ku qaaddo xarumihii ururka SNM oo ay ugu weyneyd rugta wadaamagoys iyo qaybo ka mid ahaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, waxaana dowladdu tallaabadaas milateri ay ku soo ceshatay awooddii ay ku lahayd waqooyi galbeed.

Jabhadihii hubeysnaa ayaa ku batay Soomaaliya iyada oo meel walba ay ka billowdeen dagaallo iyo fowdo, dalkuna uu noqday mid xaalad qallafsan ku jiray, waxaa Muqdisho iyo gobollada dhexe ay noqdeen kuwo jabhaduhu ka dagaallamaan, taasoo dhalisay in ugu dambeyntii 26kii Jannaayo 1991 ay dhacdo dawladdii kacaankii 21 oktoobar oo uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariisyee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo markii dalku sii qasmayna u ambabaxay dalka Nigeria halkaas oo uu markii dambena ku geeriyooday.

 

Maxamed Gaarane Aaden

Comments (23)add
mama
written by muhaned , January 12, 2010
aniga oo ah arday reer somali ah ayaa ku farxsan taarikhda aan ka faa iday halkan waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka helo in ka sii badan intan anigaa waxa iga maqan taariikhdii ka horaysay 1960_2010 waan hayaa taariikhdii somalia waanaan ka warhayaa waxyaabihii ay soo martay somalia mar kaa waaxaan idinka codsanaayaa inaydu ku dartaan wixii ka horeeyay 1960

bye bye
Waa taariikh Raad igu reebtay
written by Ahmed Isaaq , January 18, 2010
Taariikhdan inta hore oo dhan waan u qushuucsanaa laakiin markaad soo gaadhay laga soo bilaabo 1986-kii oo hal sano uun ka dib dhalashadaydii ku beegan,.. sida aad u dhigtay iyo sida waalidkay iiga sheekeeyeen waa laba aan is lahayn! Markaa halkee wax ka khaldan yihiin?

ps: Ilaahay ha u naxariisto Jaalle Siyaad
waxaana wax lagu qiimeeyo ah horumarka uu wadanka gaadhsiiyay,

Prof
written by Rirasg , February 16, 2010

marka hore waxaan u mahad celinayaa cidkasti oo isku howshay howshan baaxada leh ee taariikh da soomaaliya wax ka mid ah in ay wax ka qoraan markaa waxaan leeyahay fudlan ku soo qora dhacdo kasti wixii aad ka heshaan ee taariikh ah

wabilaahi tawfiiq
...
written by anigoo ka mid ahaa shaqaalihii dekada xamar , March 06, 2010
waxaan tacsi u dirayaa alaha u naxariisto maxamed siyaad bare oo aan ilaahey ugu baryayaa in oow siiyo danbi dhaaaf
aamiin
tan kale siyaad waa wadani waxaan hore u ogeen iyo kii ogaaba taariikhda ayaa sheegtay
salaan iyo codsi
written by mahad , May 02, 2010
waan idin samalayaa waxaana idin soo jeedinayaa in aad dadaalkina mesha ka sii wadana walaahi haddii aynu nahay dhalinyaro waxaa na dhaafay aabbe daacad ah asagoo kale nasoo mari maayo ilaahey waxaa ka abrayaa in uu janadii ilaahey ugu bisshaareyo adinkana waxaan idinka codsanayaa in aad soo galeysaan ololahii qorista farta somali codsi waaye waana mahadsan tihiin ok bahda webka jaalle siyaad
mr
written by s a a , May 02, 2010
Jaale Maxamed Siyaad Bare Ilaah hau naxariisto abaalkiisana janatul fardoowsa alla haka dhigo wuxuu soo barbaariyi umada soomaaliyoo idil oo uuna ka saari mugdigii aay ku jireen wuxuu ahaa nin la dagaalamo aqoon daraada ama jahliga cudurka iyo faqriga laakin waxaay ka door bideen inta uu kala dagaalamaayi oo aayna hogaamiye kaga dhigeen Qabiil , Qabiilkaasi oo marna ah askari marna ah madani laakin wax kama faaidin maanta waxaan mareeynaa kuwii madaniga ahaa oo shiyuuqda isku sheegaayi oo inta aay jahli ka gaareen inaay qabuurahii qodaan alaahu waclam maxaa ka danbeeyo Ilaahoow soo hanuuni soomaalida aamiin
xoogsade
written by cabdulqaadir mohamed ali , May 02, 2010
waxaan mahad balaaran ucelinaya qorayasha isku hawlay inay wax kaqoraan taariikhdan lama ilaawaanka nagu ah oo aanan hilmaami karayn hadaan nahay umada somaaliyeed gaar ahaan inta ka fiyow cudurka viruska oo soomaalidu utaqaan (qabyaalada) waxaan kamid ahaa ardaydii wax ku baratay dugsiyadii dawlada ilaa aan ka dhmaystay waxbarashadii dugsiga sare waxay dawladu naga bur burtay anagoo ku jira shaqadii qaranka oo loo yaqaaney gurmadka waxaan kamid noqday dadkii aan nasiibka uyeelan inay helan wax barasho intaa dheer waayo waxaa naga bur buray dawladii aan lahayn waxay idiin dhamaystiri doontaa inta waxbarashadiina ka dhiman hadaan nahay dadka danyarta soomaaliyeed oo marki horeba aan wax ku baran lacagtooda ama taageero uga timaada meel kale sidaa darteed ayaan waxaan u cadaynayaa dadka naga dada yar ee aan soo gaarin dawladaas iyo wax qabadkeedii iney ahayd dawladii danyarta waxaan ka mid ahaa ardaydii aan dugsiga wada dhigan jirey dadka ugu saboolsan madareemi jirin xaga wax barashada wax faraqa oo noo dhexeeya iniga iyo ciyaalka tijaarta ama madaxdu dhaleen inta lajoogo iskuulka waxaayo waxbarashadu waxay lacag la aan dharka iskuulka lagu dhigto waxa uu ahaa dharkii ay soo saari jirtey wershedii dharka ee balcad oo loo yaqaaney (somali tex) buugaagta aan wax ku baranayno waxay ahaayeen kuwo lagu sameeyo wershedii loo yaqaaney badbacdii qaranka waxay ahaayen kuwo aad raqiis u ah oo loogu tala galay inay gadan karaan dadka danyartaa sidayda oo kale majirin xaga kuraasta iyo miisaadka lagu faiisti wax dabaqaada oo lagu kala garto ardayda sabolkaa iyo kuwa ka yimaada qoysaska tijaarta ama madaxdaa ah xagga waxbatashada waxaan wax kuwada baraneyney hal sabuurad oo keliya imtixaanka waxaan wada geleyney hal maalin oo qura natiijada imtixaanku waxay ahayd nin iyo aqoontiisa waxaa jirtey oo xusid mudan inaan loo ogolayn gabdhaha ka yimaada qoysaska ladan inay soo xirtaan dahabka iyo masarada madaxa lagu xirto oo qaaliga ah waxaa loo ogolaa oo keliya inay soo xidhaan gambadii hooyooyinka oo loo yaqaaney ilyarta oo aad raqiis u ah oo ay gadan karaan gabdhaha danyarta waxaan ilaahay ka baryaynaa inaanu naga dhigin kuwo ka abaal dhaca wixii wanaaga oo kasoo gaarey dawladii danyarta

salaan
written by nasser , July 20, 2010
baba siyaad oo kale kama soo baxayo somaliya
Arday
written by Laascaanoo , August 22, 2010
Waa taariikh muhiim ah, loona baahnaa, markaa waxan ku talin laha in buug laga qoro.
african express airwayss
written by ibraahin xuseen c/ raxmaan , September 11, 2010
waxan jeclahay in ay soomaliya dowladu ka dhalato ma jecli dagaaladan soconaayo
aqoon yahan
written by saleban , September 12, 2010
waa taariikh muhiim ah oo aad u qiimo badan ,waana xaqiiq in siyaad iyo ragii la socdey
ay dalka iyo dadka wax u qbteen iyo xataa kuwii ka horeeyey..caku kuwa hadeer dhexdooda
dagaalamaya !!
mahad celin
written by idris , September 14, 2010
sla waxaan marka hore idiinka mahad celiyaa taariikhdaan aad soo bandhigteen inkastoo ay jiraan dad badan oo somaali aan ka war qabin ama inkarsan iyagoo u weecinaya dhanka qabiilka laakin waxaan leeyahay malaga yaabaa inay mat lake na soo marto dowladaa oo kale
illahay haku naxariisto
written by abdi , January 31, 2011
i am 21 yrs old i always look for the truth history of somali and it obvious that the former prez yaale siyaad bare contribute to the existence of somalism .. i am very gratefull of what siyaad bare did for somali and it's people.R.I>P ma fav prez ever...

just inform you brothers and sister there is a somali political party called hanoolaato.org and i am a member of it .. we are somali young educated established in uk in april 2008 and wants to bring back the greatness of our lost nation... please come join us on facebook or visit the web.... talk is done is time for our youth to stand up and make peace in our counrty,,,,,,,, spread the word......

habeen dhayito waxaan dhagay sanayay bbc waxaan kahad layay proffesor siciid nin ladhawo wuxuu cayinaayay siyaad bare wuxuu dhahay siyaad bare wuxuu somali taray wuxuu baray baa kadaran run ahaantiina anigu waan ka so horjeeda wuxuu ninkaasu kuhadlay maxa yeelay wuxuu siyaad bare nabaray waxaa kamid ah afkeenan wanaagsan aynu kuwada hadlayino kuma khasaarin... marka walaalayaa waxaad in dhahaga ku aragto yuusan ninah kuusheegin kumaad aragto waxnah.... one love somali hope...... the future of somali is depend on us ...... the soonest we wake up the soonest bring back our nation..
wax ma'arke
written by j.d.d , March 15, 2011
waxaan umalaynayaa in aan hada muran kataagnayn kacaankii barakaysnaa laakiin waxaan layaabaa dadka aad moodo inay hurdeen 20kii sano ee kadanbaysay iyo 9kii kahoraysay waxa aysoomaali noqotay iyo waxa ay ahayd waxaan maqlijiray idhaha wax lagama arkee waxaa wax laga arkaa qalbiga
sidaas darteed hadii uu qofku qalbigu madoobaado waxba ma'arko //
jaale maxamed siyaad bare
written by sudaan c/casiis cilmiyuusuf xasan , April 11, 2011
wadani jeele maxamed siyaad bare waxuu kuday shaqo wadanimo waxan lalasocdaa in ay somaliya eheed wadanka africo uku fiican hadana dadka somaliyeed waxay barayan meel xun oo layab leh maxa yeelay meel walbo waxa ku xiran dad somaliyaad hada sanadku waa 2011/3/11 / marka wadanka waxuu maraa xalad adag dagaallo joogdo ah xasuuq barakac majiro qof kafakarayo wadanimo sidii jaale maxamed siyaad bare maxamed siyaad bare waxuu ladagalijiray cadawga somaliyeed waxan kalilaaalijiray gacan shisheeye sidaa itoobiya iyo amerigo jaale siyaad bare waa nin ahaa wadani
Duco
written by Mohamed Ahmed " Borama" , April 30, 2011
Allah naxariistii janno ha siiyo Jaale Mohed Siyaad Barre wax wayn ayuu qabtay KACAANKUNA meel wanaagsan ayuu SOMAALIDA gaaadhsiiyay. Illaahay waxan ka baryayaa inuu qarankayagii SOOMAALIYEED mar uun noo soo celiyo
Macalin
written by cumar , May 26, 2011
Aad bay u mahadsan yihiin dadkii isku hawlay ururinta qoraalkaan,laakiin waxaa fiicnaan lahayd
in dhacda kasta la raacsiiyo sababihii keenay,,,tusaale ahaan kacaanku markuu dhashay aad baa loo soo dhaweeyay maxaa yeelay maamulkii cigaal iyo cabdirishiid ayaa dhibaato xanuun badan lagala kulmay, waana sababta fanaaniintu heesaha wanaagsan ay u tiriyeen,,,.markii danbe fanaaniintu iyagaa kacaanki dhaliilayay waayo?dadwaynahaan u dhaafay,,. shacabki ayaa nacay kacaanki xiligii danbe,,jawaabta dadwaynahaan u dhaafay,wanaag & xumaan kasta sabab bay lahayd,, ha la raadiyo. nabadeey.
Ku dhashay magaalada mugadisho sanadki 1985/6/6
written by Maxamed adow cismaan , October 13, 2011
Ad ayaan ugu farax sana hay marka hore in aan akhristo taariikhdan cajiibka ah eynu soo marnay waxaan se alle ka bar yayaa in aan markalle alle nasoo mariyo sababtoo ah waxaan in dhaha ku kala qaaday dhac boob dil iyo kufsi loo geysanayo hooyoo yinkii umada somaali waxaan markale leeyahay allaha naga saaro duliga iyo dhibaatada umada somaliyed ku dul habsatay aamiin aamiin sharafki iyo karaamadii aan ku la heen bulsha weenta umada caalamka allaha noo soocelsho aamiin aamiin
taariikh xusuus mudan
written by xasan , December 12, 2011
waxaan ka mid ahay dadkii dhashay intii dawladii barakaysnayd ee kacaanka ka danbaysay burburtay, markaa waxaan idinka codsanaynaa in aad noosoo qortaan taariikh buuxda oo ay ku saabsan tariikhdii somaaliya ee xiligii kacaan ka iyo xiligii ka horaysayba. mahad sanidiin.
somal i diplomacy
written by maxamed mursal sulub , June 07, 2013
ugu horreyn salam dhamaan shacabka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay wadabnka
ama aadhaadooda ka soo dhiibtay halkan waxaan odhan laha horta dawr muhiim aha ayuu ka ciyaarey jaall e maxamed siyaad barre dhamaan gayiga afrika amma soomaliyeed kor baanu u qaaday sumacaddi soomaliayeed wax kastana awaa u qabat
SOOMAALI
written by JAALE SIYAAD BARE , March 05, 2014
waxaan halkan ooga mahad celinayaa dad ka sida khaas ka aha isugu dayay ianay waxwayn aykaqoraan taariikhdaa kacaankii tawradii laakiin waxaan usheegayaa dadka leh jaale siyaad waxbuuna yeelay ianay yihiin dadks soomaalirogaya ianay yihii WAAR SIYAAD BARE WU XUUN AHAA HALYAY SOOMAALIYEED WUXUU ahaa aabihii umada soomaliyeed ILAAHAY NAXASIINATII JANO HAKAWARAABIYO AABE SIYAAD
Mr
written by AOOW , June 04, 2014
Mahadsanid/iin hadaad tahay qof ama/iyo qofyaal.
Inti aan aqrinaayay farxad, reyn reyn iyo qab weynin Somaalinimo ayaa qalbigeyga ka da'aysay.
markaan dhameeyay caloolyow, liidasho Somaalinimo, walwal meesha Somaali u socoto, dhaqan dilka nagu socda, damiir xumayaal hungiri doon ah oo hareeyay hogaanka dalka- Allow sidey ku danbeyn?.

Far keligeed fool ma dhaqdee-mAllaha u naxariisto maxamed Siyaad, gidigood ragi golaha sare iyo xoghayayaashi aqoon yahanada ahaa intii dhimatay, inta ka nool raga oo calool xumida ku nool waxaan leeyahay dad badan oo somaali ah ayaa idinla qaba qamuunyada iyo calool xumida na wada heysa.

Mr
written by AOOW , June 04, 2014
Mahadsanidiin, laakiin taariikhdi wanaagsaneed ee la soo maray qorteene yaan lagu dhaafin intaa ee ha la qoro taariikhda xun laga soo bilaabo 1990gi si leysku barbardhigo oo ay u arkan facyaalka soo socda (future generations) ee yaan la dhihin tii hore ee fiicneed oo keliya ayaa qorid mudan. Taariikhdi xumeed waa u joognay ama waa ognahay-maya ha leysla qoro labadaba si loogu faa'iideyo facyaalka soo socda (future generations)
Write comment
smaller | bigger

busy
 


Custom Search

Jaalle Siyaad Book/Buug