You are here: Home Taariikh Oktoobar waa tee waa tumaaa
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Oktoobar waa tee waa tumaaa

E-mail Print

Oktoobareey adaa lahaa!

 

  • Sodon sanaba (Afartan iyo far)Qaran baan ahayn calan u saaraaye Waa maxay sawaxankiyo hadba salowga yeeraayo
  • Sal ka kaca qabiiliyo maxaa ololka soo saaray
  • Soomaali wada ilbixi baan lahaa nacab ha suuxeeyo
  • Saldanadiina adkaysta baan lahaa yaan la saabiline
  • Sumcadooda Toosaan lahaa way isa saamixiye
  • Sareedada Barwaaqada baan lahaa ha u sinaadeene
  • Saqiir iyo kabiir baan lahaa way isa saamixiye
  • Soomaali sidaan la rabay diiday samihiiye
  • Saluugtay oo midnimadii nacday, hoog ma wada saaqay.
    Nuux Saciid Naxar

Oktoobareey ahlan Wasahlan.

Oktoobar waa tee waa tumaa Towrada tan barakaysan, Talaabadii ay qaaday, Dadweynaha tiisa daryeeshoo, tabar iyo taagba garabkiinaan taagnahay.. Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u daday..

Oktoobar waa teeniyo. .

Dhamaan erayadaas iyo kuwo kaloo badan waxay ka mid ahaayeen qaybo ka mid ah Suugaanta lagu soo dhawayn jiray Maalinta ku aadan maanta oo kale oo bishu tahay 21ka Oktoobar. Waa maalintii uu curtay Kacaankii Oktoobar ee dalka ka hana qaaday dabayaaqadii1969, ayna talada la wareegeen Ciidanmdii Xooga dalka Soomaaliyeed. Hadaba waxaa Mudnaan mudan in aanu dib u jaleecno Malintaas oo maanta ka soo wareegatay Shan iyo Soson sanadood. oo run ahaantii ah dhacdo aanan marna ka baa ba'ynin taariikhda casriga ah ee Soomaalioda, iyadoo wadatay Wanaag badan iyo dhaliilaba. Hadaba Akhristoow Saraakiishaas Kacaanka dhalisay Darajadooda iyo Magacyadooda waxay kala ahaayeen sidan: iyadoo ay ka nool yihiin in la eg kala bar.

1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)*
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)*
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri)*
4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)*
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri)*
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri)
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri)*
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri)*
. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri)
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri)
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri)
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri)
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri)*
8. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri)*
0. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri)*
2. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri)*
3. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri)*
25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri)

Waxaan intaas ugu tala galay in aanu ogaano shaqsiyaadkii lagu sheegi jiray Golahii sare ee kacaanka. Hadaba waxaan iswaydiin leh muxuu Ina taray Kacankaas maxuuse inoo dhimay? Waa suaal aad u weyn oo an is leeyahay hadii loogu tala galo in laga jawaabo ay u baahanayso waqti badan iyo baarid qoto dheer, balse aniga waxaan is ku dayayaa Caawa bal inaan wax ka yara xuso arimaaha intii karaamkayga, Ogaadana Soomaalida waxay ku maah-mahadaa Ilaahow Eexna ha inooga tegin aqoon laaana ha inagu cadaabin. Marka qoraalkaya waxaan masdar ugu dhigaya arinkaas.

Sideedaba Shay waxaa la ogaan karaa nafcigiisa marka uu kaa maqan yahay oo aad u baahato, oo maanta waxaanu ogaanay nafciga ay leedahay Qaranimada iyo Dowlad nimada oo waxaanu lanahay Mudo ka badan Dhowr iyo toban sannodood. Walow maanta la leeyahay wa ala yagleelay, balse aanana fara ka qodnayn.

Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo inaga mid ahi uu maanta dareen san yahay Micnaha Dowlad nimada ay leedahay ee aanu lahaan jirnay in ka badan Afartan sanadood..Hadaba anoonan jeclayn in an u boodo meel kale aan taariikh yar xuso Waxa ka jiray Wadanka Kacaanka ka hor.

Sanadihii 1960-1969 dowladihii jiray waxaa loogu yeeri jiray Dowladaii Rayidka oo loogu jeedo in ay ka marnaayeen Ciidamada, waloow hadana Bulshad aay ugu yeeri jirtay Xiligii MUSUQ MAASUQA, oo waxay ahayeen kuwo ku dhisan in mar walba danaha qabiilka laga hormariyo tan gud ahaned midaasoo sii kala fogaysay xasiloonida iyo mid-nimada ummadda Soomaliyeed., waxaa meesha ka baxay in wax loo qabto Bulshada iyadoo ay noqotay in Maamul xumadii iyo muqus maasuqii dalka ka jiray ay keentay in maalin Cad la dilo Madaxweynihii Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma'arke.

Wadanka dhamaantiis waa ay saamaysay maaul xumadaas, maalin kastan xumaanta iyo dhibaatada waa ay sii kordhaysay, taa oo ay dadka ku taamayeen in ay Ciidamada Qalabka sida wax ka qabtaan MUSUQ- MAASUQAAS iyo baa baaas wadanka naafeyey, iyagoo ku taamayey shacabka in mar un ay wadanka ka dhacaan is badel oo ay la wareegaan Ciidmada qalabka sida.. Dowladii Rayidka ahaa dadweynihii waa uu nacay arimaha ay ku eedeeynayeena waxaa ka mid ahaa qaarkood: Himadii iyo rajadii loo qabay oo la waayey dhibaatooyinka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshadeedba oo sii kordhay, Xaqdaradii oo noqotay wax lagu faano, iyadoo uu nin waliba waxa uu doonayo iyo sidii uu doono wax u maamulo, Sharcigii wadanka lahaa oo u muuqday wax meel la iska dhigay, maslaxadii Guud oo la laabay, loona guntaday tan gaar ahaend..Waxaa la tiriyey Suugaano badan oo ay ka mid ahaayeen:

  • Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay
  • Dowladnimada Qabiil dhexgashee kala dhowraay
  • Waan is dhinac wadnaa kala dhowraay
    Cali Sugule 

Akhristoow Bulshada Soomaliyeed meel kasta oo uu joogba waa uu soo dhaweeyey Kacaankaas ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo uu Hormuudna u ahaa Jenraal Maxmed Siyaad Barre. Waxaa Xaqiiq ah in maamulkas ay Soomaali ka dhaxashy Maamuus iyo Magac maamulkaas Kacaanka ahaa waxa uu goaaminyey in ay xididada u siibayaan cadowyada is biirsaday ee naafeeyey ummadda Soomaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen Gaajada, Cudurka, Jahliga iyo Qabiilka.

Kacaankii Oktoobar ee dalka Hogaaminaye in ku dhow 21 sanadod waxa uu wadanka Soomaliya gaarsiiyey Guulo waaweyn oo la taaban karo iyadoo aysan Cidina dafiri karin Guulahaas, hadaba akhristoow waxaa guulahaas ka mid ahaa ;mashaariicda degdega ahaa ee uu kacanka Markii uu dhashay qabtay waxayka kala ahaayen: Wadada isku xirta magaalooyuinka Beldweyne ilaa iyo Burco, taasoo uu dherekeedu ahaa 1070km., warshada hilibka ee kismaayo oo qorsho loo sameeyey, warshada baakadaha ee Jamaame, Warshada Kaluunka ee Laasqoray, Dekeda Cusub ee Magaalada Muqdisho, Warshada Badarka ee Muqdisho, Degeda Cusub ee Magaalada Ber bera, Garoomada Dayuuradaha ee Caalamiga ha ee Muqdisho, hargaysa, Iyo Kaalgacyo.

Waxaa sidoo kale isla sanadahaas la abuuray ururada Iskaashatooyinka, iyo kuwa Shaqaalaha iyo kuwa dhalinyarada iyo Haeenkaba, Bangiga Horumarinta Soomaliyeeed, Wakaaladii Xooga korontada ummada Soomaliyed, Wakaalda Gaadiidka Ex FIAT, Wakaalda Daawooyinka, Ex SPIMA, Wakalada Batroolka Ummadda Soomaliyeee, Wakaalda Caymiska Soomaliyeed, Mashaariicda Faaanoole iyo Dooxada Jubba qaybihiisii Koowaad, Waxay kaloo Dhistay Kacankaas Warshado badan oo ay ka mid ahaayeen Warshdii Hargaha iyo Saamaha magaalooyinka Hargaysa, Muqdusho, Kismaayo, Warshadii Sifeynta Batroolka , warshadii Shamiintada ee Berbara, Warshadii Sigaarka iyo taraqa ee Xamar, Warshadii Saliida ee Muqdisho, warshdii Labanka iyo qudaarta ee Afgooye, warshadii Birta ee Xamar, warshadii Salabka Ciidamada ee Muqdisho, hargaysa, iyo Gaalkacyo.Degada cusub ee Kismaayo, Boosaaso, iyo kuwo kale, dhisida garoonka Cayaarah ee Muqdisho satdium, dhisidii Iskuulad waxbarshada ee tiro iyo tayaba lahayd.

Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka maid ahaa kacankaas:

1-Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta Soomaaliya.(Israc)

2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer. dib u dejin lagu sameeyey in ka badan 125000 oo ah kuwii abaaruhu aay Waxyeelada u Gaysteen.

3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.

4-Dhiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.

5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.

6
-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.

7
-Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.

8
-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)

9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.

10
-Abuurista Jaamacadda Ummadda oo yeelatay ilaa sagaal Kulliyadood oo lagu barto cilmiga Casriga ahaayna ka soo qalinjabin jireen sanadwalba Takhaatiir,Ijnineero,Dhaqaloyahanno,Jooloojiyiin,takhaatiirta xannaanada Xoolaha ,Agronomayaal iyo kuwa kale.

11
-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan, Farsamo iyo mehradoba leh

12
-Baahinta Waxbarshada

13-La dagaalka Jahliga.

14
-Dhowrista Bee'ada (Envioronment)

15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.

16
-Bacaad celintii Shalanbood

 

Comments (4)add
Accountant
written by Abdishakur A. Jama , August 30, 2010
AAh, yaannu barbar dhignaa, ma kuwa badda iibshey, ma kuwa dadka iibshey, ma kuwa walaalka lanoqday cadowga soo jireen ka ah, mase, kuwa boorsoonyinka wata oo usoo noqday boobka.
Ilaah naxaris hasiiyo, isga iyo musliminta oo idil.

xusuus fiican
written by kamas , May 03, 2011
Allow dalka noo hagaaji, allow dadka noo hanuuni, allow dowladnimo noo soo celi...

Dadow waddanka waxaa leh somalia waa naga badan yahay ee somaliyey aan isdaba qabano.
taliye
written by maxamed yuusuf afgaa , March 18, 2014
allaw dalka no hagaaji aamin aamin somalia markii hore dhalinyar baa daba qabatay hada se dhalintii aaway xagooda ayuu dalku ka dayacmay ee dib ha isu urursadaan o wadanka dib ha u badbaadiyaan
anigaana uugu horaynaayo halkan ha la igala soo xidhidho skype name: maxamed.mxumed8
MAAMULE KU XIGEENKA MACHADKA TOBABRADA CAAFIMAADK EE HAJIABDI
written by Cabdifatax cali Nuur {ROMBE} , June 22, 2014
maadaama aan ahay dhalin yarada aan wadanka meelna uga bixin intii ay dagaaladii sokeeye dhacayeen waxaan ku noolaa dalka gudihiisa aaway dhalintii soomaaliyeed ee dhiiraneed oo lagu yaqaanay in ay wadankooda difaacdaan aaway aqoon yahanadii ,aaway culumadii diinta .anigu waxaan isleeyahay in loo baahan yahay dadkaan ku jah wareeray wadama kalae in ay utilaabaan
marka dhalin yaro maxaa inoo tala ah
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search