By Garaad Ciise Gabay
Asalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakaatuhu Maantay oo kale markay taariiqdu aheyd oktoobar 21,1969
Soomaaliya waxaa looga dabaaldegay curashadii kacaankii Barekeysanaa oo dalka soomaaliyeed ka curtay. Umada Soomaaliyeed oo aan heysanin hogaamiye mudo tadoba Cisho ah ayaa xaaladu waxay mareysan mida maantay mid ka daran Waxaana halmar umadii Soomaaliyeed ka farxiyaay cidamadii Soomaaliyeed ee kalaha Maleteriga iyo Booliiska oo la wareegay Taladii dalka waxaana la qaaday Heeso badan oo aan is orankaro Waxay muujineysan farxda umada Soomaaliyeed ayqabeen.
Maantay oo ay taariiqdu tahay Oktoobar 21, 2008 oo ay kasoo wareegtay 39 sano markii uu Kacaankii uu hogaaminayay AUN marxuum Maxamed Siyaad Barre taladii wadanka la wareegay Oktoobar 21, 1969 ayaa waxaa la'is weydiinayaa waxa ay ku sugan tahay xaaladda dadka iyo dhulka Soomaaliyeed? 21-ka Oktooba ayaa waxaa lagu xasuustaa dabaaldagii ama fantasyihii weynaa ee sanad walba ka dhici jiray dalka Soomaaliyeed, taas oo ay in badan ku xasuusanayaan macna Dowladnimada iyo qiimaheeda.
Waxaa La ogaaday in (Allaha u naxariistee marxuum madaxeyne Maxamed Siyaad Barre) uu ahaa nin muwaadin ah oo jeclaa Dalkiisa iyo dadkiisa, ayada oo ay in badan oo bulshada caalamka ka mid ah ay is weydiinayaan "dib danbe umadda Soomaaliyeed ma'usoo mari doonaa asaga oo kale?."
Aaway dalkii iyo dadkii waa kaas la kala qeybinayo oo la rabo in qeybna lagu daro ITOOBIYA, qaarna KENYA? Waxaa hubaal ah in Soomaaliya aysan dib danbe ku soo naqon doonin sidii hore, waxaanana dad badani xilagaan la joogo markay daawadaan sidii uu waa hore ahaan jiray Wadankii Soomaaliya ay ooyaan xasuus darteed iyo waayihii nabada iyo Caanaha lagu jiray, waana hubaal in la xasuusan doono dowladii Soomaaliyeed ee sharafta iyo wanaag u soo jiiday dalkoodii Hooyo Allaha u naxariistee marxuum madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweyne wadani ahaa oo aan xadin xoolihii umada Soomaaliyeed gudaha iyo dibada iyo dhamaan ilmo Maxamed Siyaad Barre qofkii rabana xaqiiqdaas ha ila soo xiriiro.
Maantayna Soomaaliya waxay ku socotaa 21 sano oo dowlad la'aan ah, marka waxaa iga Su'aal ah 21-kii sano ee ay dowladda jirtay bal ha la barbar dhigo jawaabtana waxaa la weydiinaya Taariiqda oo marwalba runta sheegta, waxaan arkay website badan iyo dad badan oo weli wax ka sheega Alle ha'u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku sheegayaa in uu ahaa KALIGII TALIYE, balse aan sheegin waxay geesteen 18 sano ee la soo dhafay KULIGOOD TELIYAASHA!.
Cilmigu caqliga ma kordhiyaa? Jawaabtu waa maya. Hadaad ka hadashaan KELIGII TELIYE, maad ka hadashaan KULIGOOD TELIYAASHA iyo faa'iido daradooda? Waxaana u dan leeyahay kuwa isku heysta inay cilmi leeyihiin, yaqaana sida loo qoro afka gaalada
siiba ingiriiska iska daaya marxuumka.
NABEY NOOMA TALIN
MASKAX NOOGA ROON
NACABKAA HA JABO
NOOLOW SIYAAD NOOLOW
NACAS IYO NIN RAGA
MARKAY MADAX NOQDAAN
AYAA LAKALA NACAA
NOOLOW... NOOLOW, SIYAAD NOOLOW!!!
A.U.N Marxuun Maxamed Siyaad Barre
Xoghayihii guud ee XHKS, isla markaana ahaa
Madaxweynihii Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliyeed

written by baydhabo , August 12, 2009
written by Moh'ud Bulle Moh'ed , October 05, 2009
written by ABOKOR JENTELMAN , March 31, 2010
written by ABOKOR JENTELMAN , April 03, 2010
written by Said Mohamed Addow , June 22, 2010
Nasiib daro waxaa dhacday wixii soo dhisay mudo 21 sanno ah in lagu burburo mudo ka yar 21 cisho ka dib markii la afgenbeyay, waxaan soomaalida xasuusinayaain uusan kaligii taliye ahayn balse uu ahaa haddiiba eed la galay dadkii la shaqeynayay ayaa galay, oo dhalay kaligood taliyaal ka badan xataa dhamaan Xubnihii kacaanka ee 21 oktoobar, oo haddana sii dhalay in dadkii soomaaliyeed ay sharaf la'aan ku nool yihiin caalamka oo dhan meelaha qarna la yiraahdo marka la arko qof soomaali ah hilib Arri ayaad tahay iwm.
waxaa kale oo soo if baxay ummad wadda Xildoon ah, wadda xildhibaano ah, wada qaatiliin ah, maato iyo biri ma gaydo aan dhaafin, tirtiray dhaqankii iyo taariikhdii Soomaali lahaan jirtay.
war Soomaaliyay tashada oo marxuumka u duceeya adinkana ilaahay u noqda.
written by wadani , July 13, 2010
inagaa kenuwaa cirkoo ee
caadna laheen ee caashaqa ee.
written by Abdulkadir , November 09, 2010
ILLAHEY HA KU NAXARIISTO SIYAAD BARE.
written by yahye foodcade , February 04, 2011
written by Lafoole , February 08, 2011
Waxaa dalkeena gubay oo burburiyay, kuwo uu ugu horeeyo ina yeey, oo ku faana weli inuu ahaa kacaan diid, iyo qabiilestayaal aan dal iyo dad aqoon.
Siyaad wuxuu ahaa geesi dad waayay.
Ilaahay janadiisa haa kaa waraabiyo.
written by hussein , March 24, 2011
written by mohamed husein mohamed , August 16, 2011
written by said khalaf , November 30, 2011
written by Khadar cabdi , February 26, 2012
written by Khadar.cabdi , February 26, 2012
written by Anas , November 03, 2012
written by said abdilatif farih gaas , May 23, 2014
lkn hadalka waxa iiga muuqday qoraagu inuu yahay nin rajo beela oo leh soomaaliya inay sideedii kusoo noqoto waa mustaxiil ,taasna waa mid la rabo inaysan ku fakirin shakhsiyad muslima waan aaminsanahay dhibta jirta inaynu ka bixi doono maalin un insha allah allana waynu ka baryaynaa inuu inuu dadajiyo wabilaahi towfiiq
written by khaalid cisaman xasan , November 12, 2015
written by Yakup yrs , February 13, 2016
waxaan hubaa in ay jiraan dhalin yaro farxadooda ujaray sidii ay dalkooda dıb ugu soo celin lahaayen oo an kamid ahay...
waxaa hubaa ummadda somaliyeed in aysan kusii jiri dooonin Qabyaaladda nahareesay sidee noqotaba aan ugu ciribtirnee
Waxaan hubaa mar labaad in aynu dunida nagala maamuusi doono
Waxaan hubaa in markale markii magaceena lamaqlo nagala yax yixi doono insha allah ....Somaliya somali baa leh....