You are here: Home Taariikh Kicinta iyo Dhismihii Bulshadii Kacaanka Soomaaliyeed
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Jaalle Siyaad Book
 

Kicinta iyo Dhismihii Bulshadii Kacaanka Soomaaliyeed

E-mail Print

Kacaankii 21kii Oktoobaar intii uu dalka ka curtay si weyn ayuu u daryeelay isku dubbaridka bulshada. Waxaana arrintaas looga dan leeyahay in bulshada Soomaaliyeed ay qayb libaax ka qaatayn dhismaha lagu horumarinayey dadka, ayagoo niyad saafi ah ku dhaqmayey. Bulshadu waxay ka kooban tahay guutooyin kale geddisan oo mid walba ay dhinac ugaga jirto dhismaha mujtamaca ay ku wada nool yihiin. Guutooyinkaas bulshada waxaa ka mid ah:-

Shaqaalaha, Beeraleyda, Ardayda, Hooyooyinka, Guulwadayaasha, iyo kuwa kale. Guutooyinkaas waxaa mid walba loo sameeyey urur u gaar ah si hawlahooda lagu maamulo, looguna diyaariyo dhismaha dalka ka socdoy.  Waxaa kale oo guutooyinkaas loogu sameeyey ururradaas, in danahooda guud ahaan lagu daryeelo, aqoontooda guudna sare loogu qaado.

Kacaankii Somaaliyeed guulaha uu gaaray waxaa ka mid ah inu tirtirayo dabaqadihii kale sarreyey ee mujtamacu ka dhisnaa waqtigii hore. Wuxuu kale uu baabi'iyey quurshadii, iyo erayadii xunxumaa ee dadka shaqooyinka kale duwan haya lagu kale socci jirey, ujeeddada weynina waxay tahay in la wado shaqaysto.

Waxaa la dhisay intii Kacaanku jirey xarummo lagu carbinaayo bulshada. Waxaa kale oo meel walba laga furay tababarro iyo hanuunis ballaaran oo lagu barbaarinaayo bulshada.


Jaalle Siyaad wuxuu yiri:

Dhallinyaradu waa in ay ka qayb galaan dhaqaalaha, siyaasadda, tacliinta iyo caafimaadka dadka ilaalintiisa, waa in ay la dagaallamaan cadawga dalka dibedda iyo gudahaba kaga yimaadda
Comments (1)add
student
written by maryan , December 09, 2011
marka hore waan ına salaamayaa waxaan ına leeyahay waad waanagsantıhıın maadaama aad ıtus teen waxa uu ahaa abıhıı kacnka soomaalıyeed allaha unaxarıısto waxaan aad uga murugaysanahay maanta sıdan nahay ıyo sıdıı aan ahayn mar hore wana wax ıllaahay qadaray marka wxaan ınagı ınagu boorınayaa ınaad kashaqaysaan ısku keenıda soomaalı wayn ılaahay ha ınala garabgalo waan ıdıın ducay nayaa
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Buug Cusub / New Book