You are here: Home Taariikh Kaalintii Jaalle Siyaad Ka Qaatay Wadajirka Afrika
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Kaalintii Jaalle Siyaad Ka Qaatay Wadajirka Afrika

E-mail Print

Madaxweynihi Golaha Sare ee Kacaanka, Jaalle Siyaad, isaga oo fulinaya himilooyinka guud ee Kacaanka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan siyaasadda dibedda ee Soomaaliya, qayb weyn buu ka qaatay xoojinta iyo taab-gelinta wadajirka qaaradda Africa, iyo xoraynta dadka Africa ee weli ku jiray gumeysiga shisheeye, sida Simbabwe, Koonfur-AFrica, Nambiya, Xeebta Soomaaliyeed, iwm. Dawrkii Soomaaliya ka qaadatay dhex-dhexaadinta Ugandha iyo Tansaaniya iyo heshiiskii nabadeed ee labadaas dal ee walaalaha ahi gaareen wuxuu muujiyey in kacaanka Soomaaliyeed ku mintidayo wadajirka Africa, oo ayan marnaba uu suuro gelin in gumeystayaalku isku laayaan dadka Africa, taas oo ah himiladooda weyn. Sidaas darteed, Ururka Midowga Africa, iyaga oo tixgelinaya siyaasadda horukaca ah ee Kacaanka Soomaaliyeed ku socdo, kalsooni weynna ku qaba kartida iyo waaya-aragnimada Jaalle Siyaad ku hoggaaminayo Soomaaliya, waxay Madaxtooyaddi qaaradda oo idil ee sannadii 1974-1975 u dhiibeen Jaalle Siyaad bishii Juun 1974kii, markii Shirweynihii 11aad ee Africa Xorta ah lagu qabtay magaala-madaxda Soomaaliyeed, Xamar. Taasi sharaf weyb bay u ahayd Soomaaliya, isla markaasna mas'uuliyad culus bay ahayd oo Africa ka sugeysey Jaalle Siyaad in uu fuliyo.

Sannada uu madaxtooyada hayey guulow waaweyn buu Jaalle Siyaad u soo hoyiyey Africa guud ahaan sharaftii Soomaaliyana sare bay u sii kacday. Markii horeba Madaxweynuhu socdaal dheer buu ku so maray dalal badan oo Africa ah, si uu madaxda dalalkaas ugala tashado arrimaha qaaradda, iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka jira.

Jaalle Siyaad wuxuu kale oo ka qayb galay, isaga oo Afrika ka wakiil ah, Shirweynihii 29aad ee Ummadaha Midoobey ee New York lagu qabtay Sebtembar 1974kii. Khudbaddiisii taariikhda gashay. Jaalle Siyaad wuxu ururka adduunka hor dhigay ariimaha culculus ee gaar ahaan ku saabsan qaaradda Africa, sida xoraynta dalalkii weli ku jiray gumeysiga shisheeye, baabi'inta fikradda foosha xun ee midabtakoorka ee caddaanka yari kaga dhaqmaan Koonfur-Africa, xaqa qofka oo la aqoonsado, baahida loo qabo in nabad iyo xasillooni waarta uga dhacdo adduunka oo idil, si horukac, sinnaan iyo barwaaqo aadamigu u gaaro. Talooyinka iyo tusaalaha Jaalle Siyaad u soo jeediyey shirweynaha adduunka waxay ahaayeen tallaabooyin wax weyn ka taray tixgelinta Africa iyo dawrka ay ku leedahay adduunka.

Comments (17)add
Allaha unaxariisto
written by Cxa , October 13, 2010
Allaha unaxariistee waxa uu ahaa aabihii umada soomaaliyeed iyo qaarad weynta africa. Ladagaalankii kacaanka umad weynta africa waxa aay halkaa ku waayeen dal iyo aabihii maamuli jiray. Illaah waxa aan kabaryayaa in uu umada soomaaliyeed dhibka kaqaado in sha allaahu.
SECTION MANAGER
written by MAXAMED CADE , November 03, 2010
ALLAH HA U NAXARIISTEE JAALE SIYAAD WAA NAGA DHINTAY TAARIIKHNA SOMAALIYA WAA U REEBAY LAKIN TAARIIKHDII IYO SHARAFTII KUWO AAN DAMIR WADANI-NIMO KU JIRIN AYAA KU TUNTAY MAR EY AHAATABA JAALE SIYAAD SI SHARAF LEH UMADDA SOOMAALIYEED WAA UWADA XUSI DOONTAA ANAGOO MIDEYSAN KUNA FAANEYNA SHARAFTA IYO HORUMARKA AAN GAARNEY EE AH IN AAN SUMCADII AAN ADDUNKA KU LAHEYN EE AABE SIYAAD NOO BILAABAY SOO CESHANAY INSHA ALLAH
ilaah haku naxriisto siyaad bare
written by Abdirisaq , November 16, 2010
asc siyaad bare waxaa eheed madax weeynii somaliya ebid hormarka garsiyey ugu badnaay mana lagu ilabaayo janadi fardoowso ilaheey haka warabiyo...afrikeeey abaal maledihinsomaliya awaalke ni gashay maanta inaa iska indho xirtaan sooomadan garina lakina micna malahan...somalideeyna anaga isku filan...malinteey noqoto waaa istaagi dona
ilaahey hakuu naxariisto madaxweyne
written by bohar , December 11, 2010
waxan ahay 25 jir aan waligiis somalia oo degan arag. lkn waxaan aaminsanahay in ow ahaa nin sharaf u yelay wadanka aan kudhashay ee somaliya ilaahey naxariis hasiiyo
Ilaahay janadii fardawsa ha ka waraabiyo
written by Abdirahman Abdilahi (Abu_kaysar) , April 12, 2011
waxaan ilaahay uga baryayna inuu janadii fardawsa ka waraabiyo geesigii somaaliyeed madaxwaynihii dhabta ahaa ee jamhuuriyada dimoqradiga somalia
sharafta iyo sumcada somaaliyeed waxa run ah inuu kor u qaaday madaxwayne mu waadin ah oo ka danbeeyayna somaaliya ma uusoo marin.
ilaahay waxaan ka rajaynaynaa inuu mid la mida oo sharafta somaliyeed soo celiya noo keeno
muwaadin soomalyeed oo dalkiisa iyo dakiisa jecel
written by yaasiin aadan rooble , May 17, 2011
allaha u naxariisto maxamed siyaad barre, ninkasta ha iska haddlo,taariikhda ayaa xusin
Dhagaqaal1@hotmail.com
written by Hersi honesti , August 02, 2011
Al'laha u na xaris te jalle maxamed siyad bare ma arag dowladow madaxda ka ahana ma arag la kin mar kan aqriya tariq disa il'lah wax la ma ahan inu ka o kale sidisa nin u fican in u na siyo al'low somali faraj qayir qabo u fur aaaaaammmmiiiin
...
written by lafaha23@hotmail.com , December 05, 2011
runtii aabihii umada somaliyeed waa halyaay maghac sharafleh kuleh umada soomaaliyeed iyo africaba allaha kuu naxariisto runtii somalia wey kutebtay soomaaliyeed tashada maanta maanta maanta maalin weyne maanta
Muwadinkii somalia
written by Xasan xaji , December 07, 2011
Allaha u naxariisto madaxweenihii somaliyaee aan nasiibka u yeelan in an dhasho waqtigiisi lkin nasiib xuma xuma ma arag dowlad waxuu ahaay abe somaliyed gaarsiiyane sharaf hor mar lkin walagu casiye lkin inti wax garada kuma ilaawayaan ilaaj janadii firdoosa haka warabio
20012
written by ayax , September 15, 2012
alaha unaxariisto danbigiisana alaha dhaafo Maxamed siyaad bare waa halyayki taarikhda
ani ahaan ma arag soomalia oo nabad ah
lkn waan qiiroodaa markan maqlo kacaanki dawladi barakeysnayd iyo barwaaqadi soomalia tariq la aqriyana waxan ujacekey taariiqada jaale siyaad
allaha unaxariisto
written by abdirzasaq sheikh hussein , July 21, 2013
aduun weynaha oo idil iyo qrada afrikaba sumcad iyo sharaf weynbuu kulahaay madaxweynaha umada iyo midka afrikaba waxaaa mudan inlaguqoro tariiqda somaley tashada qabiil kana aan iskadhaafno waxa hoos nooodhigay waqbiilke ninkii curiyay in qabiil laduugo asiguu ahaaye allow unaxariso kudayadho wacan kuwa hada xilka u hayo somalia illaah ha idin tusiyo tubwanagsan sacadaa aa qoraya hadalka wadankeyga majogo wadan africaa jogaaa oo dadkeena lagulaayay ilaah anosoceliyo wadankeena anogaa nabadaa iyo asigoo barwaqo iyo naba ah aamiiiiin
Zaka-abd@hotmail.com
written by Zakariye , July 30, 2013
Masha Allah somali oo dhan wax xuso adaa lagaa arkay masha Allah ilaah haku daayo ishana ilaah hakaa ilaaliyo
Alaha u naxa risto madax wey nahenii
written by Mr mmc , September 08, 2013
Waxan leyahay wa wadani an cidna ka qar saneen e somaliyeey qof walba wuxa u qabto tariiq da ayaa xusi donta e an uga dayano intiisi wanag saneed marxun siyaad bare alaha unaxaristee madax weynihii qaran ka somalia & dhaman africa
hoggaamiyayaal
written by cawil kaalinjoog , September 06, 2015
waxay ila tahay inaan u baahan nahay rag u godoomay hogaamin sharaf leh oo ka madax banaan
shisheeye iyo hagardaamooyinkiisa qabiilo badan ka kooban dantoodu tahay so celintii sharaftii
ummadan,sharci u yaal ninkii qabyaalad eex,musqmaasuq,ku kaca,madaxa gooya aan jidka ku kala leexan, maanta waa u jeedaan godka aan ku sii dhacayno iyo daluunta la inoo qoday,talo ha la keeno somaaliyeey. saani si maaha,lama eegan karo.
Soomaali
written by Maxamuud Shiiikh Maxamed , February 27, 2016
Allaha u naxriisto Madaxweynaheena General Maxamaed Ziyad Barre waa madaxweyne qaaliya run ahaantii waa tiirkii Africa iyo Somaliya waana Aabaha Somaliya waxaan ALLE uga baryayaa in JANATUL FIRDAWSO geeyo Kitaabkana Gacanta Midig kasiiyo anaga Xaqaan ka galnay allaha nagacafiyo ana Dambigiis iyo Dambi Waalidkiisba Allah dhaafo

AAAAAAAAMIIIIN AAAAAAAAmiiin

Midabtakoorka Somalia
written by Ibrahim Abdighafar , March 28, 2017
Soomaali haddaan nahay waxaa mar walba naga maqan waxyaabaha ay tahay inaan muhimadda siino intaanan u gudbin ficiladeena laab la kaca ah, sidee bay ku suuragli kartaa nin dalkiisaba uu nidaamka midabtakoorka ka jiro inuu yiraahdo Afrika ayaan mideynayaa iyo South African xorreynayaa. Qowmiyad dhan oo Bantu ah ama Jareer ayaa la dulminaya oo la leeyahay xuquuq ma lihidiin, iyagoo weliba ahaa maskaxdii kaalinta weyn ka geysatey aasaaskii SYLL io dhaqdhaqaaqii gobanimadoonka. Shame on us!!!!!!
...
written by habsade de senator , April 21, 2017
Alloow u naxriiso waa adoonkaaga AABE M.SIYAD BARRE allah maxuu ahaay somali daryele iyo africadaan hada nacabkyna so keeyaha ah.....GUUL WADOOW SIYAAD ABIHII GARASHADA GAYIGAYAGOOW
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search