You are here: Home Taariikh Jaalle Siyaad: Aragtidiisa Dhaqaalaha iyo Siyaaso - 1974
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Siyaad: Aragtidiisa Dhaqaalaha iyo Siyaaso - 1974

E-mail Print

1.    Aragtida Dhaqaalaha:

Jaalle Siyaad wuxuu u arkay in dhaqaaluhu yahay lama huraanka (necessity) nolosha wuxuuna ku yimaadda maalka (wealth) dalka oo ah: dadka (xoogga dadka), duunyada iyo dhulka (ciidiisa, geedihiisa, biyihiisa iyo hawdiisa).
Dalkeennu wuxuu hodan ku yahay maalkaas.

Si looga faa’iideysto maalkaas, dhaqaalahana loo dhiso, waxaa shardi ah in la helo madaxbannaani siyaasi ah, marka hore, dabadeedna baraarug dadweyne lagu dhiso dhaqaale dadweyne.

Jaalle Siyaad wuxuu yiri:


"Tabarta maalka Soomaaliya aad bey u weyn tahay, waana mid dadkoo dhan ugu bishaareysa barwaaqo. Markii shacbigu baraarugo, waxaa la filayaa wax la inoo soo doonto mooyee, inaynan mar dambe wax baryi doonin."

Jaalle Siyaad wuxuu u arakay inuu yahay dhaqaaluhu "Burbax", ama natiijo (Result), qofkuna uu yahay sababta natiijada dhalisa.

Jaalle Siyaad wuxuu yiri:

"Dhaqaaluhu iskiis isaga iman mayo (iskiis uma abuurmo) ee in laga shaqeeyuu u baahanyahay".

Shaqo qof la’aanteed ma dhisanto. Qofku (xoogga qofka), haddaba waa u shardi dhismaha. Shaqada dadku waa isha uu dhaqaaluhu ka soo burqado. Laakkiin, Jaalle Siyaad wuxuu qabaa in xoogga qofka kaligiis ussan kifaaya ahayn. Waxaa shardi ah inay la jirto dhawr arrimood, sida ay la ahayd Jaalle Siyaad: marka hore, waxaa loo baaran yahay fikrad (fikrad xor ah) qofka caqligiisa ka timaadda oo dhaqaajisa kana shaqaysiisa xoogga qofka; marka labaadna, aqoon, marka saddexaadna waxaa loo baahan yahay tandiim (organization) horusocod ah; marka afraadna aqoon. Sidaad daradeed Jaalle Siyaad wuxuu qabay in xoogga qofka fikradda aqoonta iyo urur horusocod ah ay dhisaan dhaqaalaha wadanka.


Fikradda horusocodka ahi kama imaan karto qof kasta, waxay ka imaan karta qofka fayow ee ka fayow xagga akhlaaqda iyo xagga maskaxda. Macnuhu waxaa weeye, si dhaqaale buuxa loo dhiso, waxaa waajib ah in la dhiso qof cusub oo toosan, fikrad ahaan iyo akhlaaq ahaanba, Jaalle Siyaad wuxuu qabay in loo baahan yahay in la helaa qofkaas marka la doonayo in la dhiso dhaqaale dheeli tiran. Golayaasha hanuuninta, carbinta dhallinyarada iyo ololayaasha isdaba joogga ah waxaa loola jeeda in la helo qofkaas aan tilmaamayno si loo dhiso dhaqaale ina deeqa.

Arrinta dhaqaaluhu waxaaa weeye dhibaatada haysata dunida iyo qofka. Dhibaatadu ma aha dhaqaalaha laftiisa, laakin waxaa weeye habka dhaqaalaha iyo siduu u qaybsan yahay.

Dhaqaaluhu marna waa hoogga iyo ba’a beesha marna waa hannaanka iyo quruxda ama barwaaqada beesha (mujtamaca). Dhaqaaluhu wuxuu yahay hoogga mujtamaca marka la isku gumeysto (addoonsado) oo dadna gaajo ugu bakhtijo, dadna dhereg ugu bukoodo. Habka hantigoosadka ah kii wax leh iyo kana an wax lahayn labaduba dhib bay ku qabaan habbka hantigoosadka, hase yeeshee nimanka maalqabeenka ah waa ismoogaysiiyaan dhibaatada hantigoosadku ku hayo. Dhaqaaluhuu wuxuu nicmo iyo baraare yahay marka loo siman yahay oo la wada leeyahay, maxaa yeelay waa badan yahay waana laga wada baahi la’yahay. Sidaas awgeed, aragtida Siyaad ee dhaqaalaha waxaa weeye in uu ku dhisnaado Lahaan dadweyne iyo mid iskaashatooyin.

Haddii la soo kobo aragtida Jaalle Siyaad ee dhaqaaluhuu waxaa waayo:

 


1)    In dhaqaalaha loo sii jeediyo danaha guud ee dadweynaha.
2)    Inuu noqdo mid yareeya farqiga u dhexeeya magaalada iyo miyiga.
3)    Inuu noqdo mid socda oo aan istaagin.
4)    Dhaqaalaha sidaas ah waxaa shardi ah:
5)

b) Madaxbannaani siyaasi ah iyo isku kalsooni dadkeenna.
t) Dhaqaale isku filan xagga ilhiisa
j) Qof fayow, aklaaq ahaan iyo maskax ahaanba.
x) Nidaam iyo asluub dhaqaalhu ku socdo (Organization and Discipline)


2.    Aragtidisa Mutamaca

Jaalle Siyaad wuxuu u arkaa beesha inay tahay hal cutub oo is haysta, nool (organic unity), isku naf ah, isku nool, isla danqada , isla farxa, wada shaqeeya, islana shaqeeya. Waa lama huraan in beesha sidaas ah, yeelato baahi, han iyo hadaf isku mid ah, kuwaasoo gooya in beeshu isku jid (waddo) qaaddo, islana dhuuso, si ay ku daboosho baahideeda, kuna gaarto oo rumeyso hankeeda iyo ujeedooyinkeeda.

Jiritaanka, xaqiijinta hanka iyo horumka beeshaasi waxay ku xiran yihiin hadba cidda hoggaanka haysa. Baahida iyohanka beeshu ma aha wax go’an oo meel ku eg. Baahida iyo hanka  beeshu waa wax aan dhammaad lahayn (infinite). Damaca fac walba waxay, leedahay baahida iyo han ka horumarsan, kana duwan kii ka horreeyey. Macnuhu waxaa weeye hadafka iyo baahida beeshu waa cusboonaadaan, waxayna la socdaan taariikhda dunida oo hadba heer taagan.

Haddaba aragtidadii Siyaad ee arrintaas la xiriirta, waxaa weeye in ay khasab tahay in la tixgeliyo oo loo hawl galo sidii loo qorshayn lahaa oo looga faalleyn lahaa mustaqbalka da’ kasta hankeeda iyo hadafkeeda. Sidaas manacheedu waxaaw weeye in Jaalle Siyaad aaminsana isbeddelka iyo horukaca beesha ee taarikhiga ah: cusboonaan, isbeddel iyo socod joogta ah oo waajib tahay in la raaco mar. Mar kasta waxaa isbeddelkaas (development) la soconaya isbeddel ama wax u kordha garaadka, aqoonta, teknikada iyo dhaqaalaha ay beeshu leedahay.

Sidaas daraadeed horumarka beesha iyo aqoonta dadku ma taagna heer keliya ee isbeddel iyo socod bay ku jiraan mar walba.Waxaana lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin waxyaalaha beesha lagama maarmaanka u ah iyo xeerka mid ah heerarka horumarinta bulshada.
Aragtida uu Siyaad u arko in beeshu tahay hal cutub oo is leh waxay diidaysaa in cutubyadaas I u kala qaybsami. Karaan gogo’an ama qabiilooyin, dabaqaad, kooxo diin ah, madaahib iska soo horjeedda, iyo wax kasta oo kala qaybin kara ama kala googoyn kara beesha.

Wuxuu u arkaa in beeshu u nidaamsanaato si baahida wax ka qaban karta. Taasi waxay ku iman kartaa in beeshu u habaysanaato laamo ama raamo, sida wasaaradaha iyo wakaaladaha iyo ururro ijtimaaci ah, oo mid kasta u go’an yahay shaqo lagama maarmaan u ah nolosha beesha guud ahaan. Intii isku shaqo ahba waa in ay ururu leedahay. Tilmaan: Ururka dadweynaha shaqeeya – shaqaale iyo beeralay – oo ay hawshodu tahay in ay daboolaan baahida maaddiga (material need) ah ee beesha, kooxaha ama ururada ku shaqa leh waxbarashada, barbaarinta, aqoonta fanka, difaaca iwm. Oo ayaguna daboola baahida dadka xagga caqliga, ruuxa iyo jirka, badbaadad iwm.

Laamahaas, ururadaas iyo kooxahaas waxaa shardi u ah inay hoos yimaadaan urur (political organization) guud ee siyaasi oo horusod ah, si ay u noqdaan kuwo waxtar u leh beesha oo daboola baahida beesha. Waxaasoo dhan waxaa asaas u ah oo ay salka ku hayaan jiritaanka iyo xannaanada reerka (hooyo, aabbe iyo caruur). Reerku waa abuurka beesha, waxaana waajib ah in abuurku noqdo mid fayow si uu dhalo mira fayow dabadeedna bulshada u noqoto mid ayana fayow oo caafimaad qabta.

Sidaas daraadeed beesha wanaagsani waxay ka koobantaa reer o wanaagsan.

 

 

Comments (5)add
ibragt@hotmail.com
written by ibraahin abuubakar cabdi , September 04, 2011
alle ha unaxariisto jalle maxa'd siyaad wuxuu qalmay in uu hogaamiyo africa oo idil
doqontii la dagaashyna wali way is maagayan waxaa la ogaaday dad waalan in uu xabsi ku haayay hadana ay ka fakadeen ayna la'yihiin cid xanaaneysa
waxayna isu qaybiyeen
somaliland puntland, juba land ,banaadir land, hiiraan land, galmudug, xibin ayo xeeb, ssc, kuli dawo ayay ubaahanyihiin
naxariistii jano allah ha u waasiciyo siyaad iyo waalidkiisba
written by xamda axmed , December 21, 2011
allah ha u naxariisto halyaygii somaliyed geesigii umada somali kama horayn kamana danbay ogoon iyo rajay noqotay somalidii dalkiina cadow u ciil qabay ayaa helay iyo waxan mawaadin lagu sheegi karin alaah baan leenahay masloxo khayr ayaan sugaynaa wabilaahi tofiiq
mohamedcade1142hotmail.com
written by mohamed bunjile , October 22, 2013
illah ha u naxariisto koley waxu aha nin wadani ah dalka iyo dadka jcl somalida isfahanka la aan na ayeey illa hada sidan u tahay marka dhaman wa inaa duceysana

Jannada allaha geeyo qabrigana Allaha u waasiciyo aabaheeni
written by Jabirey , June 15, 2014
Mid badala eebow nasii colaada wax magaratada ay dhaliyeen eebow inaga qaad
...
written by jaamac cali mr muwaadin , July 19, 2014
as/c ww
maanta war indhaa dhaama waayo? marba haddii aynu 24 sano kadib aynu dhawr iyo toban maamul u kala qaybsan nahay miyaynu dawlad hore wax ka sheegi karaa hadii aynaan xanuunsanay, dadku marka ay maamul hore wax ka sheegayaan horta waa in ay muuqata doorsonaan iyo horumar, anigu ma sheegin hadii dadka oo la laayo ay horumar noqotay iyo boobka dhaqaalihi dalka iwm, siyaad ama keli talis ku sheega ama wax kale ku sheega haddii somaalida kale oo dhan la siiyo cimri 1000 sano ah fartii ma gudi karaan.isba bini aadan buu ahaa oo wax waa ka khaldanayeen lakiinse goorma khadldiisa la sheegi kari lahaa markaynu ka raysano xukunkisii, xamar oo caalamka casimada ugu nabada badan ahayd maanta waan u jeedna, marka waxaynu ka hadlayno baaba iska yar caqli hadaan leenahay aan alle u noqono oo in badan alle barino.
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search

Buug Cusub / New Book