You are here: Home Taariikh Dismahii Iskaashatooyinka dhagaxa nuuraddda iyo ciidda
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Dismahii Iskaashatooyinka dhagaxa nuuraddda iyo ciidda

E-mail Print

Golahii Sare ee Kacaanka iyo Golihi Xoghayayaasha Dawladda waxay wadajir ugu so baxay 25 go'aan oo taariikhda Kacaanka Soomaaliyeed kaga jirtay dhan weyn ee Ummadda Soomaaliyeed waxtar iyo qaayaba u leh.

25-kaas go'aan waxaa ka mid ahaa, in qodaalka dhaqaxda, shidashada nuuradda iyo ciidda dhismaha oo markii hore ay dad gaar ah shatiyaal u haysan jireen, in laga dhigo iskaashato dhaqaale ah oo wixii macaash ah ee dad gaar ah ay heli jireen, gacaanta loo geliyo shaqaalihii markii hore xaqirnaa.

Go'aankaasi intuusan ka so bixin Golihi Sare ee Kacaanka iyo kan Xoghayayaashii Dawladda, kawooyinka dhagaxda, waxaa laga maamuli jirey Wasaaradda macdanta iyo biyaha, laakiin markii u go'aanku so baxay, maamulka iyo iskudubbaridka iskaashatooyinka, waxaa lagu so wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud.

Dad dibusocod ah ayaa waxa isku dayeen in ay hor joogsadaan dhismaha iskaashatooyinka, iyagoo faafinaya wax qalbi jab gelin kara ruuxii aan isku kalsoonayn oo garadkiisuna aad u hooseeyo.

Inkastoo dhibaatooyin lagala kulmay dhismaha iskaashatooyinka, haddana waxaa laga gaaray guul weyn oo waxaa la dhisay 21 iskaashato; kuwaasoo ay ka mid yihiin labo iskaashato oo ka koobanta guulwadeyaal.

Markii la dhisay iskaashatooyinka dhagaxda; Wasaaradda Hawlaha Guud, waxay isla markiiba ku dhaqaaqday inay iskaashatooyinka ku barbaariso fikrad ku dhisan kacaannimo, iyadoo u dejisay barnaamij tababbar; hanuunin iyo far farbarasho ah oo lagu ciribtirayo aqoon la'aanta

Heesta hoos ku qoranna waxaa tiriyey nin ka mid ah Iskaashatada:

Waa dharaartii iskaashatada Dhagaxa jebisaa ay dhalatay oo iid bey nooga dhigantahoo waa ku dhaadanna.

 

1. Haddaan dhadhaab la jebin oo aan lagu dhammayn
Dhudhun iyo laxaad
Dhabbe lama mareen dhismana ama arkeen

2. Haddaan dhadhaab la jebin oo aan dhidid la qubin
Horuukac dhaqso ah maskax dhaxal gashiyo
Dhereg lama fisheen

3. Dhaaxay in badan dhiigmiiratadu
Nagu dhaansatee iska dhicinnayoo
Urur dhiirranoo aqoon dheer watoo
Miinada la dhigo ee lagu dhanbalo
Buurta dhumucda weyn ku dhiirrano
Ka dhursugaayannu nahay
Urur dhiidhiyoo aqoon dheer watoo
Daafaca dhulkana u dhaarsanoo u
Dhimanayoo ku dhiirrano ka dhursugaayannu nahay.


Comments (6)add
Wadani ka tagay taariikh dahabi ah
written by Ahmed Abdi , February 12, 2011
ALLAHA u naxariisto Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaa uu ka tagay taariikh aan tirtirmeyn xilli la joogaba. Madaxweyne dhintay isagoon hanti laheyn, guri lahayn isla markaana xisaab meelna uga furnayn.
Waa mid aanay suurta gal ka hayn madaxweyne kasta oo Addunka jira ama soo maray. Bal hadda u fiirso Xusni Mubaarak oo xaely is casilay waxaa lagu qiyaasayaa hantidiisa inta u dhaxaysa $40-70 bilion taasoo ka dhigaysa ninka u taajirsan dunida.
Bal farqi intee la eg ayaa u dhaxeeya Madaxweyanayaasha Adduunka iyo ALLAHA u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre? Taasi waxay caddetnaysaa inuu ahaa waddani diyaar u ah inuu si daacadnimo ah ugu shaqeeyo DalkiIsa iyo Dadkiisaba.
alle hanaxa risto
written by jama , March 13, 2011
anigu waxaan ugu ducayna yaa in janadii fardaysa kawaraabiyo waayo madaxweynuhu wax yaa lihii uumada soomaliyed iyo qarada africa u qabtay lama soo koobi karo markaa qoof kastoo soomali ah ha uduceeyoo
amin
wadani@hotmail.com
written by xuseeen yare , April 29, 2011
waxaan ahay wiil waayay mustaqbalkii oodhan kadib markii ayku ciyaareen qab qableyaashii soomaaliya ee eedeyntaku waday madaxweynihii ummadda soomaaliyeed ee maxamed siyaad barrekaa soo ahaa madaxweyne wanaagsan kadib markii dhisay wadankii oodhan eeyna burburiyee qab qableyaashii soomaali isku sheega ahaa waxaanse u qiirroonayaa madax weynihii umadda soomaaliyeed ee jaalle siyaad bare waxaanna leeyahay aallaha kuu naxariisto qabrigana allaha kuu waasiciyo waxaadna tahay madaxweyne caadil ah
tubeeye2008@hotmail.com
written by jaamac tubeeye , September 01, 2012
walaahi aniga ma ihi mid soo gaaray wax qabadkii siyaad barre lakin taariiqdiisa ayaa xoogaha ka maqlay marka dowladii maxamed siyaad barre aad iyo ad ayeey u hor marintay dalka somalia l marka alla waxan ka baryaa in alla inooga dhigo mid tii hore ku dayato oo umadeeeda wax u qabato shacabkaan haraadsan oo baahida iyo qaxo dilay
jaalesiyaad
written by mamiin ahmed , January 26, 2013
tani waataariikh muhiimahoo dhaxal innnoqankarta hadynunahay dadfikarayoo dhowranayo dhaxalkooda kudayanao dadkiihore ilbaxnimiyo aqoon dareen wadaninimo daacadnimiyohufnaan dadaalwadaninimo daryeel umadeed dib udhiska dalkeyni daryeelka maatidaya aynu udoobano dhamaantey
huuda@gmail.com
written by axmed xasen , February 18, 2014
Asc dhamaan umada somaliyeed
Alaaha una xariisto geesigee somaliyeed.halyay gee somaliyeed.halgamaagee somaliyeed. Taarikh yahankii somaliyeed.gadh wadeenkii somaliyeed. Alaaha geeyo janatul fardawsa.amiin
Hadabamaxamed siyaad waxa diiday.qofkii somali diida
Ninkii diidayay m,/siyaad mantaba daawo somaliya
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search

Buug Cusub / New Book