You are here: Home Taariikh Book Review - Somali President Mohammed Siad Barre His Life and Legacy
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Jaalle Siyaad Book
 

Book Review - Somali President Mohammed Siad Barre His Life and Legacy

E-mail Print

BOOK REVIEW

MOHAMMED SIAD BARRE: HIS LIFE & LEGACY



Buuggan daah furkiisa wuxuu ku soo haggaagay sanadguuradii 42aad ee ka soo wareegatay dhalashadii Kacaankii Oktoobar ee  uu hogaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ka curtay Soomaaliya 21kii Oktoobar, sanadkii 1969., wuxuu kaloo Buuggan ku soo haggaagay sanadguuradii 21aad burburkii loo gaystay guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana guulihii Kacaanka u soo hooyay Dadkiisa iyo Dalkiisa.

Marka laga hadlayo taariikhda iyo hal-abuurkii siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxay la mid noqonaysaa taariikhda iyo halgankii Kacaankii Oktoobar u soo galay horumarinta siyaasadda  dalalka soo korayo, adkaynta iyo horumarinta nolosha Bulshada Soomaaliyeed iyo dhisidda iyo kobcinta  dhaqaalaha Soomaaliya.

Buuggan oo ka koobnaa 314 bog waxa uu u qaybsan yahay (4) cutub. Cutubka 1aad wuxuu ka hadlaya barbaarintii Maxamed Siyaad Barre iyo hanaqaadkiisa iyo mihniddisa military iyo darajooyinkii uu ka gaaray ciidanka iyo sidii ugu hanweynaa xagga siyaasadda iyo sida ugu biyo-diiddanaa siyaasaddii xisbigii siyaasasiga ahaa ee SYL oo u xuubsiibtay in uu ku shaqeeyo masaalixda Imbiryaaliyadda Caalamiga ah  ay ka lahaayeen Somaaliya, iyadoo Qoraaga Buugan sabab uga dhigay damaca siyaasadeed ee Jen.Maxamed Syaad Barre  waraysi uu siiyay sanadkii 1966 Wargayska caanka ahaa ee “UNITA” oo ka soo bixi jiray dalkaas Taliyaaniga.

Waraysigaas, wuxuu Jen. Maxamed Siyaad Barre ku xusay sida uusan raaliga uga ahayn siyaasadda xisbiga talada hayay ee SYL, iyo sida loogu baahan yahay in dalka ka dhaco is-beddal siyaasadeed.

Cutubka 2aad wuxuu xoogga saaray in uu ka hadlo talaabooyinkii uu qaaday Kacaankii Oktoobar intii u dhaxaysay 1969 iyo 1975. Cutubkan oo ah kan ugu dheer Buuggan, wuxuu si mug leh uga hadlaya sidaasaddii Gudaha iyo kan Dibadda ee Kacaanka ugu talo galay in uu ku hoggaamiyo dalka.  Siyaadda gudaha wuxuu Qoraaguu ku nuuxnuuxsaday mashaariicdii horumarinta, gaar ahaan, la dagaalankii musuq maasuqa iyo qabyaaladda. Qaramayntii warshadaha gaarka ah iyo Bankiyada shisheeye iyo Ololihii Horumarinta reer Miyiga iyo Qoristii Farta Soomaaliyeed iyo Abaartii Dabadheer oo Qoraagu si habsami ah u soo bandhigay, inkastoo uusan xusin doorkii taariikhiga ahaa ee  Midowga Sofyeeti ka soo qaatay samatabixinta iyo gurmadkii lagu badbaadinayay dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaaray Abaarta. Cutubkan waxaa lagu soo bandhigay siyaasaddii Kacaanka ee ku  wajahnayd arrimaha Dibadda. Siyaasaddaas waxay  xoog saaraysay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya la lahayd Adduunka, gaar ahaan Afrika, Bariga Dhexe, Waddamada Dhaca Qaaradda Aasiya, waddamadii Hantiwadaagga iyo guud ahaan adduunka.  Guulaha laga gaaray siyaasaddas, waxaa ka mid ah iyadoo Soomaaliya u horseedday in adduunka si weyn looga tixgeliyo iyo in lagu aamino in Soomaaliya ay martigeliso shir sanadeed Ururka Midowga Afrika ee (OAU) iyo Somaaliya oo loo oggolaaday in ay xubin buuxa ka noqoto Ururka Jaamacadda Cabta, inkastoo aad moodda in Qoraagga Buuggan uu ka habaabay in uu xuso.  Ku Biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaan aamin sanahay in ay ahayd tilaabo hore loo qaaday, waxayna wax weyn ka beddashay nolosha dad badan oo Soomaali ah, waxay door ka ciyaartay dhismaha dalka iyo kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo u abuuridda kumanaan kun Soomaaliyeed oo ilaa manta mirihiisa la guranayo iyo ardayda Soomaaliyeed tan iyo maanta wax ka barta jaamamacaadka iyo kulliyadaha waxbarasho ee dalalkaas.

Cutubka Saddexaad wuxuu Qoraaggu kaga hadlay dhacdooyinkii siyaasadeed intii u dhaxaysay 1976 iyo 1991 oo si weyn ugu nuuxnuuxsaday gaar ahaan dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Jabhadihii Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku ay hal-abuureen iyo sidoo kale Ololahii joojinta caleenta QAADKA iyo sida uu u saamaeeyay nolosha iyo siyaasadda Soomaalia iyo shilkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu galay iyo qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhashay.

Cutubka 4aad, wuxuu Qoraagu kaga hadlay dagaalkii sokeeye iyo geeridii ALLE ha naxriistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Qoraagga Buuggan wuxuu ku dadaalay in uu soo xusho sawiro tiradoodu gaaraya 152 xabo oo dhammaan ka tarjumaya waxbadkii Kacaankii Oktaabar iyo buuqashooyinka Madaxweynaha uu ku soo kala bixiyay adduuka iyo madaxweynahii iyo masuuliyiinta dhiggiisa ahaa ee soo booqday Soomaliya.

W.Q: Osman Amin

http://jaallesiyaad.com/new-book-buug-cusub

http://jaallesiyaad.com/video/soo-bandhigga-buugga-taariikh-nololeedkii-jaalle-maxamed-siyaad-bare-mohammed-siad-barre

Comments (9)add
Jama
written by Abdillahi , December 02, 2011
Allaha Janadii firdowsa ka waraabiyo Somali ma sugeyso isaga ook kale inuu ka dhasho(AUN)
Mahadnaq iyo doco
written by Abdirahman qoslaaye , December 09, 2011
Allaha unaxariste halgama mohamed siyad barre waxo aha nin tarikh kuleh umada somaliyed waxna ugutagay e kuso xasustan waxa kalo umahad celina inta isku mashquuliso ina wax ka ogano halgamaaga somaliyed siyad barre
allaah janatul fardowsa ka waraabsho.
written by ismail , December 13, 2011
He was a great president allaah ha u naxariisto amin amin.
Nacas iyo nin rag ah markay madax noqdaan ayaa la kala nacaa!
written by Abdi Ashkir , December 16, 2011
"Nacas iyo nin rag ah markay madax noqdaan ayaa la kala nacaa!"...Xigmaddaasi waa run; kuwo badan oo Siyaad Barre mucaarad ku ahaana, markii uu xukunka ka dagay, ayay soo baxday ama in waxa kaliya oo ay yaqaanaan qabyaalad ahayd, ama in gumaysiga u adeeg yahiin!

M. Siyaad Barre Allah u naxariisto, waxuu u qabtay Soomaaliya taariikhda ayaan ka khiyaami karin, laakiin, qof walba oo mucaaradayow, keen taako in le'eg oo aad la soo shirtagto!
WRITTEN BY MAXAMED ALI AXMED
written by MAXAMED , December 20, 2011
asc walal dhaman waad mahadsantihiin mada aad ina xasuusi seen madaxweeniheenii maxamed siyaad bare alaha u naxariista midakale aniga dadayda waa 20 year wali gayna ma arkin madax weenaheegii lkn waxaan o gahay in aan lee yahay waxaa uu ahaan nin wanaagsan ala dambigiisa dhafe waxaana markasta ale u baryayaa in aan helno mid la imid ah in sha alaha waan heleenaa hadii ee ba raali kanoqdo waxaana jeclahay in aan markasta aan aqrista noolashiisa waxaa ay ahan jirta si hadiin wax la iga waydiiyo aana u dhin ma aqaan waana ku dadaalayaa idinka ale

Mr
written by hasan dirie , December 20, 2011
well written book ad i hope you keep writing more books about him and his work.
wadani soomaaliyeed
written by Gargaar macalin cali , January 03, 2012
Illaha jannatul fardowsa ugu bishaareeyo wuxuu ahaa aabihii umada soomaaliyeed waxaana garan Kara qof kasta oo wadani soomaali ah daneynayana dadka iyo dalka somaliya
waxa uu qabteyna lama koobi Karo laakiin taariiqda ayaa xusi doonta nin walba iyo wax qabadkiisa
President Mohamed Siyaad Barre a True Hero,Somali Patriot and Visionary person
written by Qoraxay anayska leh , January 20, 2012
I appreciate President Mohamed Siyaad Barre of what did for the Somali Cause.Because of his Job became being a Somali something to be proud of and respected to.If there is somebody arguing,there were wrongdoings,it may be true.But he did so many and so many good Things than his Mistakes.Look at a little bit where somalism and somali Cause is Today more than two Decades of his Departure!Clan against another.Mogadisho,Al-shabbaab,Azania,Dooxada shabeele,Gal-mudug,Puntland,Khaatumo State,somaliland,Awdal state.....almost all of them are in Competition to Addis ababa.Is it fair to insult the former President putting responsible of the Failures of others?I pray Allah to forgive him.
...
written by write by somaali , January 22, 2012
siyaad baare waxuu ahaa madaxwene go,aanqadasho fican waxanad kucadenahaya madaxdi kadabeysay waxaad kaloo firisa waxuu qabtay meshi dalka garsiyey asaga iyo saxibadisi sidas daradeed miyusan ahaan hogamiye laxasusto tankale ninka buugan qoray aad iyo aad banugu mahadcenaya mahad allaleh
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Buug Cusub / New Book