BOOK REVIEW
MOHAMMED SIAD BARRE: HIS LIFE & LEGACY
Buuggan daah furkiisa wuxuu ku soo haggaagay sanadguuradii 42aad ee ka soo wareegatay dhalashadii Kacaankii Oktoobar ee uu hogaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ka curtay Soomaaliya 21kii Oktoobar, sanadkii 1969., wuxuu kaloo Buuggan ku soo haggaagay sanadguuradii 21aad burburkii loo gaystay guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana guulihii Kacaanka u soo hooyay Dadkiisa iyo Dalkiisa.
Marka laga hadlayo taariikhda iyo hal-abuurkii siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxay la mid noqonaysaa taariikhda iyo halgankii Kacaankii Oktoobar u soo galay horumarinta siyaasadda dalalka soo korayo, adkaynta iyo horumarinta nolosha Bulshada Soomaaliyeed iyo dhisidda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Buuggan oo ka koobnaa 314 bog waxa uu u qaybsan yahay (4) cutub. Cutubka 1aad wuxuu ka hadlaya barbaarintii Maxamed Siyaad Barre iyo hanaqaadkiisa iyo mihniddisa military iyo darajooyinkii uu ka gaaray ciidanka iyo sidii ugu hanweynaa xagga siyaasadda iyo sida ugu biyo-diiddanaa siyaasaddii xisbigii siyaasasiga ahaa ee SYL oo u xuubsiibtay in uu ku shaqeeyo masaalixda Imbiryaaliyadda Caalamiga ah ay ka lahaayeen Somaaliya, iyadoo Qoraaga Buugan sabab uga dhigay damaca siyaasadeed ee Jen.Maxamed Syaad Barre waraysi uu siiyay sanadkii 1966 Wargayska caanka ahaa ee “UNITA” oo ka soo bixi jiray dalkaas Taliyaaniga.
Waraysigaas, wuxuu Jen. Maxamed Siyaad Barre ku xusay sida uusan raaliga uga ahayn siyaasadda xisbiga talada hayay ee SYL, iyo sida loogu baahan yahay in dalka ka dhaco is-beddal siyaasadeed.
Cutubka 2aad wuxuu xoogga saaray in uu ka hadlo talaabooyinkii uu qaaday Kacaankii Oktoobar intii u dhaxaysay 1969 iyo 1975. Cutubkan oo ah kan ugu dheer Buuggan, wuxuu si mug leh uga hadlaya sidaasaddii Gudaha iyo kan Dibadda ee Kacaanka ugu talo galay in uu ku hoggaamiyo dalka. Siyaadda gudaha wuxuu Qoraaguu ku nuuxnuuxsaday mashaariicdii horumarinta, gaar ahaan, la dagaalankii musuq maasuqa iyo qabyaaladda. Qaramayntii warshadaha gaarka ah iyo Bankiyada shisheeye iyo Ololihii Horumarinta reer Miyiga iyo Qoristii Farta Soomaaliyeed iyo Abaartii Dabadheer oo Qoraagu si habsami ah u soo bandhigay, inkastoo uusan xusin doorkii taariikhiga ahaa ee Midowga Sofyeeti ka soo qaatay samatabixinta iyo gurmadkii lagu badbaadinayay dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaaray Abaarta. Cutubkan waxaa lagu soo bandhigay siyaasaddii Kacaanka ee ku wajahnayd arrimaha Dibadda. Siyaasaddaas waxay xoog saaraysay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya la lahayd Adduunka, gaar ahaan Afrika, Bariga Dhexe, Waddamada Dhaca Qaaradda Aasiya, waddamadii Hantiwadaagga iyo guud ahaan adduunka. Guulaha laga gaaray siyaasaddas, waxaa ka mid ah iyadoo Soomaaliya u horseedday in adduunka si weyn looga tixgeliyo iyo in lagu aamino in Soomaaliya ay martigeliso shir sanadeed Ururka Midowga Afrika ee (OAU) iyo Somaaliya oo loo oggolaaday in ay xubin buuxa ka noqoto Ururka Jaamacadda Cabta, inkastoo aad moodda in Qoraagga Buuggan uu ka habaabay in uu xuso. Ku Biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaan aamin sanahay in ay ahayd tilaabo hore loo qaaday, waxayna wax weyn ka beddashay nolosha dad badan oo Soomaali ah, waxay door ka ciyaartay dhismaha dalka iyo kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo u abuuridda kumanaan kun Soomaaliyeed oo ilaa manta mirihiisa la guranayo iyo ardayda Soomaaliyeed tan iyo maanta wax ka barta jaamamacaadka iyo kulliyadaha waxbarasho ee dalalkaas.
Cutubka Saddexaad wuxuu Qoraaggu kaga hadlay dhacdooyinkii siyaasadeed intii u dhaxaysay 1976 iyo 1991 oo si weyn ugu nuuxnuuxsaday gaar ahaan dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Jabhadihii Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku ay hal-abuureen iyo sidoo kale Ololahii joojinta caleenta QAADKA iyo sida uu u saamaeeyay nolosha iyo siyaasadda Soomaalia iyo shilkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu galay iyo qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhashay.
Cutubka 4aad, wuxuu Qoraagu kaga hadlay dagaalkii sokeeye iyo geeridii ALLE ha naxriistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Qoraagga Buuggan wuxuu ku dadaalay in uu soo xusho sawiro tiradoodu gaaraya 152 xabo oo dhammaan ka tarjumaya waxbadkii Kacaankii Oktaabar iyo buuqashooyinka Madaxweynaha uu ku soo kala bixiyay adduuka iyo madaxweynahii iyo masuuliyiinta dhiggiisa ahaa ee soo booqday Soomaliya.
W.Q: Osman Amin
http://jaallesiyaad.com/new-book-buug-cusub
written by Abdillahi , December 02, 2011
written by Abdirahman qoslaaye , December 09, 2011
written by ismail , December 13, 2011
written by Abdi Ashkir , December 16, 2011
M. Siyaad Barre Allah u naxariisto, waxuu u qabtay Soomaaliya taariikhda ayaan ka khiyaami karin, laakiin, qof walba oo mucaaradayow, keen taako in le'eg oo aad la soo shirtagto!
written by MAXAMED , December 20, 2011
written by hasan dirie , December 20, 2011
written by Gargaar macalin cali , January 03, 2012
waxa uu qabteyna lama koobi Karo laakiin taariiqda ayaa xusi doonta nin walba iyo wax qabadkiisa
written by Qoraxay anayska leh , January 20, 2012
written by write by somaali , January 22, 2012
written by Mubarak Abdi , February 03, 2012
written by Farah A AliDirir , February 23, 2012
written by Abdulazizi sh. Nur , March 30, 2012
written by Abdullahi mohamoud abdulle , July 12, 2012
written by moa , December 02, 2012
waxan kalo leeyahay mamulki hore siyad barre waxu dhisamy 1969 wuxuna sitoos ah u wiiqmay ilaa 1977-1991 hda somali nahayna inte goobjooga u ahayd iyo inti aan ogayn ee tariikhda maguurtada ah haysa oo aniguba an kamid ahay waan ognahay waxyaabaha sababy in mohamed siyad bare uu wadankisa ugu diyarin wayey mustaqbl fog uu isaga gadaashiis kusi noolado.
is waydiinmayno wa xukun jeceel ama wadaniyad hdba kii lagu mcneeyo, waxan si digniinleh uga codsanaya mdxda kuloolamysa inay wadanka somalia wax uqabtaan inay iska ilaaliyana kursi jeclysi ama xukun umacaansiga aan mcnaha wayn lahayn oo danaha rabitaankooda ka hormariyan danta wadnkooda kana fakaraan mustqbalka wdnka iyo sii noolaanshaha mgaca somaliyeed.
(moha little zalwa) hadalki walaayey.
written by Pierre Ekango , January 10, 2013
Somalia is a country divided by clan loyalties,but this was not encouraged by the government of Siad Barre.Rather,the populist were encorageged to place all their alliegances in the state.This philosophy was abandonned after his departure to the detriment of all.
written by axmed ganacsade , March 05, 2013
written by Cumar mursal salaax(cumar-waddani) , April 16, 2013
max'ed siyaad barre dhamaan somalida inta wanaaga jece samir iyo iimaan alle hakasiiyo iyo mid fekerkiisiile cidina madafiri karto wii Dadkiisa,Dalkiisa iyo guud ahaan qaarada africa-ba usoo hoyi
yey taariikhdayna ka dhex muuqa taa geesi jecel dadkiisa,dalkiisa diintiisa,qaaradiisa,dhamaana ay u simantahay umada soomaaliyeed qabyaalada,musuqmaasuqa iyo beentaba neceb ayuu ahaaa.
JAALLE MAX'ED SIYAAD BARRE
ALLE HA U NAXARIISTO
AAMIIN-AAMMIIN-AAMIIN-AAMIIN..






