You are here: Home Taariikh Ababkii Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo Kacaankii Oktoobar
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Ababkii Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo Kacaankii Oktoobar

E-mail Print

By Abdi Jama Aw-Aden

Max’d Siyaad Barre awoowgi Barre Cabdulle Yuusuf waxaa lagu dilay dagaalladii sokeeye isagoo madi ah.Wuxuu markaas ifka uga tagay 7 nin oo kala ahaa:

1-Xasan Barre Cabdulle oo lagu dilay dagaalkii ba’naa ee Qaranro-Balo oo dhex maray dh/dhaqaaqii Daraawiish iyo xoogaggii ka soo horjeeday,wuxuuna ahaa Darwiish.
2-Muuse Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalladii Daraawiish,isagoo Darwiish ah.
3-Xirsi Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalkii Talyaanigu ku qabsaday Itoobiya 1936 isagoo ah askari Talyaani.
4-Siyaad Barre Cabdulle waxaa lagu dilay Mirrig abbaartii 1926 wuxuuna ka mid ahaa kacdoonkii Fallaago oo ka horyimid gumeystaha Talyaaniga 5-Faarax-Madow Barre Cabdulle waxaa lagu dilay degaanka Wardheer isagoo socoto ah,waxaana loo dilay dakane qabiil.
6-Max’uud Barre Cabdulle wuxuu ku dhintay dhulka GEDO tii allaana u timid.
7-Jaamac Barre Cabdulle tii allaa u timid,wuxuuna dhintay abbaartii 1938dii isagaana ugu dambeeyay ilma Barre.

M S Barre wuxuu ku dhashay sida loo badan yahay aagga Laas Gacal oo ka mida degaanka loo yaqaan Ceel Gaab oo maanta ka tirsan degmada Shilaabo ee Kiilka Shanaad ee Itoobiya. Wuxuuna dhashay abbaartii 1915/1916. Anigaan erayadaan qoraya, waxaan ku dhashay qiyaastii meel u jirta Shilaabo 10 KM, haddana waxaa ii diiiwaan gashay inaan ku dhashay degmada Dhuusamareeb, waayo waxaa laga baqayey in aan dugsiga la ii oggolaan anoo aan Jumhuuriyadda ku dhalan awgeed…isla sidaas si u eg baa laga yaabaa in J/lle M S Barre loo diiwaan gashay inuu ku dhashay Gedo. Arrintaan godobteeda waxaa leh gumeystihii dagallada S/liyeed kala qoqobay oo geyeensiiyay beelihii reer guuraaga ahaa khalal nololeed.

Si kastaba ha ahaatee, hooyadi Shaqlan Warfaa Maxammad waxaa aabbihii ka dumaalay adeerki Xasan Barre ,iyadoo laba gabdhood oo hal hameyn Abris ku dilay waa dambe dhulka Gedo u leh. Waxaa kale oo hooyadi aabbihi u dihatay laba gabdhood oo kale ah, Faadumo Siyaad Barre oo u dad dhashay Cali Dhoorre Muuse iyo Xaliimo Siyaad Barre oo dad dhashay Cali-Nuur Aadan Sanyare iyo Aw Cali Cumar.Waxaa kaloo la dhashay laba gabdhood oo kale ah,Fadumo Siyaad Barre oo dad dhashay Faarax Max’d Ciise-Gurey iyo Xaliimo Siyaad Barre oo dad dhashay Jaamac Xirsi. Gabdhaha la dhashay M Siyaad lababa waa isku magac.

Markii la jabiyey dh/dhaqaaqii gunnima diidka ahaa ee Daraawiisheed oo jifada M S Barre ee reer Kooshin Ugaas Diini badi ku tirantay iyadoo Daraawiish la safnayd iyo waliba in kaloo tira badan oo tokiisa Mareexaan ah,kuna dhinteen Daraawiish rag reer Barre ah ayaa qoyskii Siyaad Barre iyo qoysas kaleba u qaxeen dhulka Gedo oo markaas carro nabadeeda, waagaasna dhabarkaa lagu siday Max’d. Hooyadina waxay dhimatay isagoo wali cunug aan weynaan ah.

Aabbihi ayaa dib ugu soo noqday dhulkay hore uga guureen,wuxuuna soo gaaray qeybo ku harsanaa oo reer Barre Cabdulle ah. Wuxuu la kulmay kacdoonkii Fallaago oo uu hoggaaminayey Naa’ib Cumar Samatar, wuuna ku biiray kacdoonkaas. Markii Siyaad la dilay oo Max’d wali wiil yar yahay ayaa adeerki Jaamac Barre dib ilma Siyaad ugu soo ceshay dhulkii Doh, Ceel Gaab iyo G/gaduud oo ay hore u dagi jireen. Dhulkaan baa Max’d ku qaan gaaray ,wuxuuna ka qortay askarta Talyaaniga Baladweyn 1936dii,wuxuuna ka mid noqday “Corpo Zaptie, Polizia Africana Italiana”.Wuxuuna galay dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya.

Markii la qabsaday Itoobiyana waxaa loo soo beddalay Xaafuun oo maxaabiistii dagaalka ee Xabashida oo ka shaqaynaysay warshaddii Milaxa ee Xaafuun hor jooge ka noqday.Xanuun lagu sheegay Riyaax baa ku dhacay ka dibna waxaa loo soo gudbiyey Xamar.

Markii uu geeriyooday adeerradii kii ugu dambeeyay waa Jaamac Barree,yahayna wali inan da’ yar baa dani ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto dhulkii miyiga oo uu oday u noqdo agoontii iyo xaasaskii badnaa ee reer Barre Cabdulle. Wuxuu markaas ka dumaalay adeerki Jaamac, Faadumo Aw Muuse fiqi oo hore u dhashay Cabdi-Dhuux Jaamac Barre iyo Ashkiro Jaamac Barre.

Abbaaraha laba sano ayuu u xoojinayey agoomihii reerkooda,asagoo markaas dhawr iyo labaatan jir ah buuna ka noqday mas’uul reer ballaaran,waxayna noqotay bilawgii xilqaadnimadiisa, ka dib wuxuu dib ugu noqday askartii. Intii uu ka soo maqnaa agoomihii ayaa waxaa la dhacay duunyadoodii.

Maxamed Siyaad wuxuu u yeeray nin adeer labaad u ahaa oo wadaad ahaa, Odayna u noqday xaasaskii iyo agoomihii reer Barre,lana oran jiray Aw Nuur Cali-qaal Yuusuf. Wuxuuna M Siyaad u dhiibay lacag uu rabay inuu wax uga caynsho agoomihii la dhacay. Aw-Nuur oo lacagtaas ka soo qaaday Baladweyn baa lagu dilay safarkaas aano qabiil awgeed,waana laga furtay wixii uu siday.

Markii dib Ingriisku u qabsaday Soomaaliyana dagaalkii labaad ee dunida waxaa M Siyaad loogu diray Kenya waxbarasho. Markii uu soo dhammeystay tababarkii “African rifles at Kabetti,Kenya” wuxuu ka mid noqday Laanta Gaarka ah ee Booliska Isticmaarka Ingriiska “The Special Branch of the British Colonial Police” oo xilkii kale wareegtay “Corpo Zaptie”. Halkaan wuxuu ku gaaray darajadii ugu sarreysay.

Markii 1949kii Soomaaliya loo oggolaaday Talyaanigu inuu gaarsiiyo Xornimada,waxaa M S Barre lagu abaalmariyey labo sano oo waxbarasho ah,wuxuuna galay kuliyadda “Carabinieri Police College in Italy”.Ka dib markii u ka soo noqday Talyaaniga wuxuu Muqdishow ku qaatay waxbarasho dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadda iyo maamulka . Waayo ka dib,wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee u dallaca sarkaal buuxa,waxaana laga dhigay taliyaha Booliska ee gobolka Banaadir.

1958dii baa la dhisay Booliska Soomaaliya, Siyaadna wuxuu gaaray Sarreeye Guuto “Brigadier General of Police”. Markii Apr. 1960kii la unkay Xoogga dalka Soomaaliyeed/XDS, wuxuu Siyaad noqday ku-xigeenka Taliyaha XDS. 1965tii markii uu dhintay taliyhii XDS S. G Daa’uud, Wuxuu Siyaad oo ah Sarreeye Gaas noqday Taliyaha X D S ”Commander in Chief of Somali army”.

KACAANKII OKTOOBAR

Intii u dhexeysay 1960 iyo 1969kii waxaa dalka ka talinayey dawlad rayid ah oo qaab doorasho talada ku heli jirtay, hase yeeshee waxaa jiray xisbiyo aad iyo aad u tira badan oo ku dhisnaa hab qabiil. Arrintaas waxay dalka geyeysiisay qulub siyaasadeed iyo dabac hannaankii hoggaaminta dalka.Waxay arrintu murugtay markii Okt. 1969kii lagu toogtay Madaxweynihii dalka Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake magaalada Laascaano.

Haddaba Okt.21, 1969 oogtii hore ayaa ciidammadii qalabka siday isku gadaameen barihii doorka ahaa ee dawladdii ,waxayna xabsiga u taxaabeen badi madaxdii sare ee Taliskii dalka.

Labaatan sarkaal oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ah iyo 5 sarkaal oo booliska ah,ayaa S.G Max’d S Barre ku hagay afgambi aan dhiig ku dadaan (bloodless coup d’tat) ama la yiri waa Tawraddii Caddayd. Waxay golihii sare ee kacaanku oo markaas isku magacaabay SRC (Somali Revolutionary Council) laaleen distoorkii dalka, waxay xireen golihii shacabka ( council of parliamentarians), waxay maanaceen xisbiyadii siyaasadda, maxkamaddii sarana way tireen.Dalkiina waxaa dib loogu magacaabay Jumhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (Somali Democratic Republic…SDR).

Saraakiishii kacaanka hoggoominaysay waxay taariikhd ku xarriiqeen in Kacaankaan noqdo kii 3aad ee ugu weynaa kacaannadii geyiga Soomaliya ka curtay. waxay muujiyeen firfircooni, waxayna jaangooyeen qorshayaashii siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka wax looga qaban lahaa. Waxay qaadeen ololayaal waxqabad ah oo dhan kasta oo nolosha dadka Soomaaliyeed taabaneysa.Waxaa mudan in la xuso mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso oo xubno badan ee dadka S/liyeed ah oo aan hore u lahayn xirfado w/soo-saar lagu tababaray, arrintaan oo door weyn u lahayd dalka. Sidoo kale waxaa dalka laga hirgaliyey mashaariic badan oo dardartay u fulayeen mar Soomaaliya u ekaatay dal ka ruqaansanaya fadhiidnimmadii dunida seddexaad.

1974 waxaa Jaalle M Siyaad oo markaan ah Guddoomiyihii Golaha Sare ee kacaanka iyo M/weynihii dalku la saxiixday dalkii Midowga Soofiyeetka ee itaalka lahaa heshiis mug weyn . Isla sannadkaas wuxuu Siyaad saxiixay xubin ka ahaanshaha Soomaaliya Jaamacadda Carabta. Haddana isla sannadkaas wuxuu Siyaad noqday Guddoomiyaha Uruka Midowka Afrika.

Dhallintii firfircoonayd ee kacaanka horseedka ka ahayd waxay isdabajoog ugu baaqayeen himmiladay la doonayeen horumarinta dalka iyo barnaamijyadii hanuuninta dadweyna oo tubtay rabeen ku duwaysay bulshada S/liyeed.

1972 ayaa meel fagaaraha ee dad badani isugu soo baxay waxaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay J/lle Max’d S Barre, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in markii ugu horreysay afka Soomaaliga la qoray,laguna qoray xuruufta Laatiinka. Intii uu khudbaddiisa waday ayaa wax dul heehaabay fagaarihii, raxan diyaarado ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo daadinayey dhambaallo tusaaleynaya sida farta cusub loo qoray.Maalintaas waxay bog cusub u furtay guud ahaan taariikhda S/liyeed, waxayna ahaatay astaan mar walba lagu garan doono w/qabadkii kacaankii libineed iyo sharaf ku lammaansanaan doonta magaca J/lle Siyaad.

Si farta cusub loo hirgaliyo ayaa waxaa lagu booriyey shaqaalihii dawladdu inay galaan imtixaanno lagu hubinayo inay barteen farta. Sidoo kale,waxaa dalkoo idil laga joojiyay sannad dugsiyeedkii 1974-1975 laba fasal mooyee,waxaana dhammaan ardaydii dugsiyada dalka loo baaliyey inay dadkooda ka hammuun tiraan wax-qorista iyo wax-akhriska. Abaabul heer qarana oo aad u ballaaran baa la galay.

Waxaa jid walba ku baxay gaadiid sida guutooyin arday ah oo u ambabaxay goob kasta oo beel Soomaaliyeed taal,miyi iyo magaalaba. Waxaa dalkii oo idil ka oogmay kacdoon waxqabad leh, waxaana halheys noqotay BAR ama BARO; oo loola jeeday haddaad taqaan wax qorka Bare noqo, haddaadan aqoonna imminka baro.

Hal sano ka dib, markii uu dhammaaday olalihii weynaa, waxaa dadkii Soomaaliyeed ee in yar wax qori jirtay, mar qura intii badnayd isu rogtay dad wax qori kara, akhriyina kara. Horumarkaas degdegga ah ee la yaabka leh wuxuu ahaan doonaa mid raadkiisu qoyanaado inta qaran S/liyeed jiro. Loogama harin qoristii farta intaase, waxaa la diyaariyey eray bixinta culuumta kale geddisan ee dugsiyada lagu dhigto oo si aad ugu habboon loo habeeyay, waxayna arrintaasi hirgashay ilaa manhajyada dugsiyada sare.

Intii ay Soomaali dawlad laheyd iyo ka horba waxaa jiray hammi ku fog dadka Soomaaliyeed oo idil oo ku beegnaa dhulkii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qoqobay, waxaana ugu darnaa qeybtii Soomaali galbeed ee gumeystaha madow ee Axmaaradu ka talineysay. Dawlidihii Soomaaliyeedna waxay ka mid aheyd arrintaasi ajandooyinka kowaad. Haddaba, Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka S/liyeed ee la abuuray 1976 golihiisii dhexe ee J/lle Siyaad ka ahaa Xogyaha Guud baa ansixiyey in XDS gacan siiyo Jabhadihii xornimo doonka ahaa ee Soomaali Galbeed oo intii muddo ahba loollan adag kula jiray taliskii Axmaarada.

Wuxuu XDS galay dagaallo aad u culus, waxaana caan noqday goobo dagaal sida; Godey iyo Jigjiga oo gaashaan-qaadka S/liyeed ku muujiyey karti dagaaleedkiisa dabiiciga ah iyo tan la bartaba.Waxaa muddo yar ku guuleystay XDS oo xoreeyay badi dalkii S/maali G/galbeed, ka dib markuu Axmaarada ku jabiyey goob walbaba.Dagaalkaas waxaa galay qaranka S/liyeed oo idil dawlad iyo dadba.Waxaa mudan in la xuso Suugaantii dagaalka ee sida talantaaliga ah uga baxaysay Radio Muqdisho taas oo aan ka awood yarayn holaca baaruudda. Suugaantuna sideedaba waayihii kacaankay u kobocday si aan hore loo arag, loogana sheekayn.

Waxaase xagal daaciyey guushii cimriga oo uu haleelay qaranka S/liyeed, J/lle Siyaadna ka ahaa halyeygii dumayey ololahaas Xoogaggii ugu itaal roonaa dunida ee Ruush iyo Maraykan oo mar qura iyagoon hore ugu heshiin walaxna intii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee Isbahaysyada NATO iyo WARSOW, si taariikhda yaab ku leh ugu heshiiyay inay Soomaali weyn kala dhantaalaan. Waxaa dawladdii Soomaaliyeed si cad oo handadaad wadata loogu sheegay inay kala baxdo dhulkii Soomaali G/beed ciidammadii xoreeyay.

Si muruga leh buu M/weyne Siyaad u amray in laga soo baxo dhulkii geesiyada S/liyeed xoreeyeen oo diricyadu u qubeen dhiig badan. Waxaa la wariyey inay ahayd, in XDS si la isla oggolyahay uga soo guuro goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase taas rogay cadawgii gudaha oo u beddalay in si dalanbaabi ah looga soo baxo.

Waxaa jabay hankii weynaa ee shacabka Soomaaliyeed ee si joogta ah ugu haliilayey haabashada Soomaali weyn….waxaa jabay hankii halyeeyadii qaranka ….waxaa dumay dhaqaalihii dalka oo si hagar la’aana loogu huray baadi-goobka Soomaali weyn. Iyadoo daqarkii weynaa ee gaaray Soomaaliya aan wali la dhayin, tawstii ku habsatay ummadda iyo dawladdana lala liicayo ayaa si lama filaan ah, xubno xoogga dalka ka tirsan u maleegeen afgambi dhicis noqday 1978.

Afgambigaasi wuxuu horseed u noqday fidnadii ka hurtay dalkii mar hugunkiisa laga maqlay hareeraha dunida oo idil, dhammaadkiina ka dhigay Soomaaliya meel aan dawlad lahayn oo dawanka madfaca iyo dananka rasaasta Aakaha un laga maqlo …mullaaxdii kacaanku u diiray Shacabka S/liyeedna ku aasay dambas.

Baadi goobkii Soomaali weyn ee kacaankii Oktoobar uu horseedka ka ahaa ma wada hungoobin ee waxaa xurnimadii haleelay Jubuuti Juun 27, 1977 . Waana loo marag dawrkii Dawladdii S/liyeed iyo Shacabka S/liyeedba ku lahaayeen guushaas soo hoyatay.

Maalintii ,1991dii kacdoonkii qaran dumiska ahaa ee maangaabka S/liyeed ka taliyey dumiyey taliskii dalka, J/lle Siyaadna ka baxay Xamar, ma jirin dawlad waxtar leh oo la sheego ee waxaa jiray qalfoof dawladeed oo aan ficil nool lahayn….waxay dawladdii iyo madaxdeeduba u ekaayeen kuwo xawli dheer ku orday oo xuurtadii markaan la xiiqsan. waxaana xoogaggii riday qalfoofkaas noqdeen Haarey duulaysa oo waxay aragtaba leefaysa, ilaa dalkii oo idil noqday lama degaaan iyo lafo wada qayaxan.

Aarkii la ganay iskama huleelin ee wuxuu ka soo jeestay GEDO, isagoo wali gaylamaya…dhulkii isagoo gabana uu u qaxay buu haddana u qaxay isagoo guxushaa gaboobay ah.Wuxuu u qumay iska difaacii xoogaggii u haliilayey dhiiggiisa iyo kan dadkiisaba….Markii dambana wuxuu dumay guluf lixaad leh oo uu damacay in uu ku soo ceshado Heemiskii laga tuuray. Arrintaan dambe ma suurtoobin oo waxaa dhagar iyo dhabar-wareen ka yimid xubno ka tirsan cududduu ku tiirsanaa.

J/lle Max’d S Barre, wuxuu dhammaadkii magan u noqday Nayjeeria oo si wacan loogu marti galiyey …ilaa uu ku geeriyooday magaalada Laagoos Jan 2, 1995. Gadaashi Soomaaliya waxay ku sidbatay haadaan dheer oo ba’ iyo hoog leh. Waxayna tabaysaa halyeeyo u kacoo wax uun ka caynsha…malaha waxay tabaysaa hal-abuurkii iyo hawlkarnimadiisii …malaha waxay tabaysaa madiixiisii iyo maxaa wacaydii.

TARANTII MAX’D SIYAAD BARRE:

Max’d Siyaad Barre wuxuu ahaa nin madi ah oo wax raga ayna la dhalan, wuxuuna guursaday dhawr dumar ah oo u dhalay 8 raga iyo 12 gabdhood, waa intii hanaqaadaye. Dumarkuu guursaday iyo intay u dhaleen waa sidatan:

1-Faadumo Aw Muuse Fiqi oo u dhashay; Shamhaad M Siyaad, GS Cali M Siyaad (Shigshigow) iyo GS Shire M Siyaad.

2-Khadiijo Macallin Ismaaciil oo u dhashay; SG Maslax M Siyaad, GS Xasan M Barre (Rubeeti), Dr. Cabdullaahi M Siyaad, Canab M Siyaad iyo Cosob M Siyaad.

3-Falxado Gurrac oo u dhashay Faadumo M Siyaad.

4-Maryan Xasan oo u dhashay Suuban M Siyaad.

5-Dalaayad Xaaji Xaashi Jaamac-Gari oo u dhashay; Guuleed M Siyaad, Diiriye M Siyaad, Ayaanle M Siyaad, Xaawo-Luul M Siyaad, Deeqo M Siyaad, Shamso M Siyaad, Ijaabo M Siyaad, Haweeya M Siyaad, Hodan M Siyaad iyo Ladan M Siyaad.

6-Waxaa jirtay marwo kale oo u dhaxday J/lle Siyaad oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo Ibraahim Ciise Cabdi oo waayihii dambe ee uu GEDO ku sugnaa uu guursaday,waxna isuma aysan dhalin.

Comments (65)add
thanks
written by abdi , September 06, 2009
Allaha u naxariirto
Taariikh Muhiim Ah
written by Bootaan Kalimore@hotmail.com , October 21, 2009
Maanta waa 21 Okt 2009.
Xagee joognaa?
Xagee se joognay 21 Okt 1969?
MASHALLAH! AFKAGA CAANO IYO MALAB LAGU QABAY!
written by CABDIKARIM MUXUMAD CALI DHOORE , October 21, 2009
Aad iyo aad ayad uu mahadsantahay walaalo. Khayr ilahay ha ku siiyo, waayo taarikh saxsan aanay been, xin iyo xaasidnimo ku jirin ayad ina bartay. Maxamed Siyaad Barre Soomaaliya iyo Soomaalidii ayu waligii u shaqaynayay wuxuuna aha gob wax garad ah oo caynkiisa oo kale Soomaali wali lagu arag. Ilahay ha uu naxariisto awoowgay bu ahayee. Ruunti wan ku faraxay bogaaga iyo cilmigaaga, Ilahay ha ku daayo walaalo runtaadana iyo wadanimadadana guul ha ku nooqoto yawm al qiyaama!
Xuskii kacaankii barakaysnaa ee 21-kii Oct
written by FAARAH , October 22, 2009

Waa 21kii Oct 2009 Alle ha u naxariiste Madaxweyne Maxammed Siyaad Barre wuxuu xukunkiisii dhamaaday mudo iminka laga joogo 18 sanadood
wuxuuna Mootan yahay mudo ah 14 sanadood.

Sideed iyo tobankaa sanadood oo afar iyo toban ka mid ah uu mudane Jaalle Siyaad dhulka ka hooseeyey (Illaah ha u naxariistee)ayaa wali waxaa jira oo aad maqlaysaa dad soomaaliyeed oo weli ku andacoonaya in uu Maxammed Siyaad dhibkaa oo dhan isagu keenay. dadkaas ayaa had iyo jeer iska indha tira wanaagii iyo wax qabadkii Madaxweyne maxammed Siyaad Barre. hadii aan wax yar ka sheego wax qabadkii Jaalle Siyaad waxaa ka mid ahaa Qoritaankii afka Soomaaliga, qabyaalad la dirirka, warshadaha, wadooyinka, tacliinta, iyo waliba u gargaarkii iyo dib u dejintii dadkii ay dhibtu ka soo gaadhay abartii daba dheer.

dakaa aan soo sheegay ee weli eedeeya marxuum Maxammed Siyaad waa kuwa maanta wadankeenii kala qeybiyey si toos ahna Addis uga amar qaata had iyo jeerna ku faana in ay Amxaaradu uga sokeyso soomaalida. waa kuwaa wadankii ka degi la yahay ee maalina koofiyad qabiil umada ku laynaya maalina cimaamad diineed ku gumaadaya iyagoo himiladoodu tahay in ay mar uun wax xukumaan, waa kuwaa maalin walba walaalahood oo ay laba dible u xidheen amxaaro ito tigree gacanta u gelinaya ee weliba ku faanaya, waa kuwa gaalo iyo shisheeye u adeega ah una fasaxay in xeebahenii iyo dhulkeeniiba ay noqdaan qashin qub sunta lagu shubo taasoo keentay in maato iyo caruuri ay ku dhintaan ama ka qaadaan cuduro xun xun.

Dadka astaamahaas leh ayaa ikula fiican oo ku indha adag in ay marxuum Maxammed Siyaad oo maanta dhulka ka hooseeya ku eedeeyaan in uu ka masuul yahay dhibka maanta umada soomaaliyeed haysta.

Waxaan ku soo dhamays tirayaa hadalkeyga soomliyeey Jaalle Siyaad wuxuu ahaa shaqsi bini aadam ah khaladaad wuu lahaa waayo muu ahayn malaa'ig waxaadse ogtihiin oo aad aragtaan in isaga iyo kuwa maanta joogaa aan la is bar bar dhigi karin oo ay kala yihiin mugdi iyo iftiin
sidaa darteedna uu kacdoonkii lagu kacay Msadaxweyne Siyaad xukunkana lagaga riday uu ahaa mid xaq daro ah, iminkana loo baahan yahay in kuwa haatan jooga lagu kaco lagana qabto umadan ay halaaga u hor seedeen waayo maanta ayaa loo baahan yahay in ay soomali kacdoon samayso xaqana loo diriro.

ILLAAHOOW MAXAMMED SIYAAD BARRE U NAXARIISO.
ILAAHOOW SOOMAALI BADBAADI.
ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo aabo siyaad
written by samaroon saciid , October 27, 2009
aabo siyaad waxaa uu ahaa aabihii soomaaliyeed ee dhabta ahaa , ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu naxariistiisii jano ka waraabiyo.
walaahi waxaa uu ahaa somali dhab ah, hogaamiye daacad u ah dalkiisa oo aan aqoon qabyaalad, nin karti iyo dulqaad badan
anigu kuma taageerayo qabiil oo ma ahi qabiilkiisa waxaan ahay nin ka soo jeeda gobolka awdal,
walaahi waligay qabiil ma taageerin mana sheegto laakiin aabo siyaad waxaa uu ahaa hogaamiyihii ugu dambeeyay soomaali ee daacad ahaa
dabadiina uma malaynayo in uu soo socdo nin jagadisii buuxiya
ilaahayoow janadadaadii farduusa ka waraabi lana kulansii saalixiintii iyo nabi maxamed
aamiin aamiin aamiin
aabihii dad weynaha
written by anas , December 15, 2009
mar ka hore sxb waxad kumahad santahay soo qorida taariikhdii aabihii soomaliyeed iyo family giisii waxaa aad iyo aad dadbadan kaxumadan wanaagii uu dadka ugu ye e rayay iyo xuman tey raadinaayeen meelaha ugubadan ee maxamed siyaad dhisay waxay ahad koon furta soomaliya mee lihii mucaarada waa ubad naayeen waxaa qabsaday nabsigii ilaahada waa meesha ugu dhib badan allaha unaxariisto maxamed siyaad wan hubaa wax badan inuu uqabtay wadan kasoo maaliyeed allaha ka abaal mariyo
kacaankii barakaysnaa
written by written by Anfac jamac , December 28,2009 , December 28, 2009
Allaha unaxariisto janadii farduusana haka waraabiyo maxamed siyaad barre ninkii yaqaanayna waa yaqaan kii taariikhdisa maqlayna waa ogyahay waxuu ahaa iyo waxuu dalka iyo dadkaba u qabtay qofkastoo soomaliyed oo wadani ah baana fahmi kara ama dareemi kara waxa uu maxamed siyaad o kale uu soo qabtay ama taariikhda meesha uu kaga jiro marka waxan dhihi lahaa maxamed siyaad barre nin karti iyo wadaninimo isku darsaday buu ahaa gadaashiisna wax halaaba mooyee wax hagaagay majiraan laakiin insha allah ilahay xaaladu waa dhabaqdee sidatan hada ay tahay si ha ogu badalo umada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaana wax fahansii aamiin waa mahadsantihiin.
Marxuum Maxamed Siyaad Barre Ilaahay Naxriistiisa ha ka waraabiyo
written by Saciid Axmed , April 19, 2010
Qiimaha caafimaadka waxaa la ogaadaa kolkay jirro timaad. Qiimaha nabaddu waxaa la ogaadaa kolkay colaad timaad. Qiimaha qofkana waxaa la ogaadaa kolka uu geeriyoodo ama la dilo oo tii Rabbi ku timaad.

Marxuum Maxamed Siyaad inta wanaag ah oo uu Soomaali u qabtay (N.B. wuxuu ahaa ibn aadan khaladaad waa uu galay) waxaa inkiri kara oo keliyah ruux XAASID oo weliba Jaahil ah mooye. Dadka maanta Maxamed Siyaad ka soo horjeeda oo isku daya inay xumaan ka faafiyaan waa da Maxamed Siyaad Barre WAX BARE OO ILBAXIYE oo SOO IF BIXIYE.

WUXU AHAA HALYEEY SOOMALIYEED....ILAAHOOW U NAXARIISO ..AAMIIIN..
written by Maxamed , April 28, 2010
Waxan somaliya ka tegey ka hor intii aanu dhicin dagaalkii77,anigoo dugsiga hoose dhigta, waxaana garanayaa sida waqtigaas Dawladdu u xoog badnayd ,dadkuna u midaysnaa.. Sanadka 74/75 waxan ahaa ardaydii laga joojiyey ,si Ololihii reer miyiga wax loogu dhigo..waxam xasuustaa Wallaahay iyo Billaahay macalimiin dhalinyaro ah oo ka yimi Hargeysa oo miyiga sanaag ee dhinaca Bari la geeyey oo wax baraya reer guuraaga.. oo sida loo qaderin jirey aadan malaynin,markay magaalada ceeri yimaadaanna wallaahay aanu walaalkayo run ah oo kale u arkeyney ...Ixtiraamka iyo soo dhoweeynta iyo in aanu marti ahayn ee uu gurigiisii joogo ayaa xaalku ahaa,.wax qabiil ah wallaanan haybsan jirin,aan ahayn in uu reer Hargeysa ayahay...Ilaahoow Qaadiroow SOOMALIDA jacaylkii dhexdooda iyo kala danbayntii iyo sharaftii u soo celi ..Aamin.. Meel kasta oo ololuhu ka socdey sidaas ookale bay ahayd waan hubaa...Intaas ayaanan weligey illaweyn ..somaalaaay isu naxariista.. adduunka waa maalmo yare, sumcaddana ilaaliya.. nabadeeeey ......
Mr
written by A Weli , April 29, 2010
Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay, taariikhda tafatiran ee aad soo ururisay, Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariisto, tussale hogaamiye ayuu ahaa waxaan maanta taagan wixii uu ka digayay,
allaha unaxariisto
written by shacni , April 29, 2010
allaha unaxariisto madax wayneheenii
allaha unxariisto
written by amir alanle , May 22, 2010
aniga ragii hore kama fogi waxaa marqaati ah wuxuu ahaa iyo waxa aan hada nahay kala quruxsan oo kala qaayo weyn
Taariikhda j/lle maxamed siyad barre
written by Dahir & maxamed , June 22, 2010
Anagoo ah dahir & maxamed waxan runti si weyn ugu mahad celineyna qoraaga taariikhda madaxweyne siyad barre, wlh waa taarikh run ah oo an wax beyn ah kujirin waxan lenahay waxan kuu rajeyneyna cimri dher iyo cafimad iyo inad raxo ugu nolato dunidan inta cimrigada kaharsan aakhirona janatu nacin
...
written by ogaadeen women , June 27, 2010
alaha unaxariistee aabo siyaad ilaahey waxaan ka baryeynaa jana fardoosaal aclaaaaa in eebe ugu bishaareey o aaaaaaamiiiiiiiin magac iyo sharaf maalintaaas ayaa noogu danbeyseyy soomaali qoys qoys ayey noqotey ogaadeena waxuu noqdey in labada dhuuni qaatayaasha s.land iyo b.laandey doolar ku raadsadaan qabiilweynaha reer ogaadeenya!!!!!!!!!!!!!!!!!!
ubadkuu siyaad ka tageyna ifka alaidinku guuleeyo intii dhimateyna alaha unaxariisto aaaaaammmmmiiiiiiiiinkanaxow nafta waa kuwii kabaha siyaad u qaadi jirey ayaa maanta wax kasheegaya!!!!!!!!!!!!!!!
jawhar somalia
written by daahir med , July 10, 2010
waxaa ka qanacsanahay runta tirada badan e halkan lagu qorey iyo sidey dhalinta soo
koreysa ee soomaaliyeed loogu barayo taariikhda halyeeyadii soo marey umada soomali
-yeed alle ha u naxariisto med siyaad bare
mujaahid SNM
written by ahmato , July 16, 2010
walaahi in aanaan la dagaalaneen ridneena dawladii m. siyaad waayo waa lana qalday oo waxa na qalday rag hantida umada cunay oo baxsaday oo qalad wax noogu sheegay.
waar hargeisa ayaan jooga wadadu kacaanku dhisaan isticmalaa, biyuhuu soo saaraan cabaa, iskuuladuu dhisaan wax ku baranaa,kuwiii riday ayaan maantana ayaan daraydayda aan doortay oo wax cun mooyee wax kale aqoon.
alha unaxa riito abihii umada somaliyeed janadii firdowso hakawaraabiyo
written by abdirashiid abdalah omar , October 05, 2010
abihii umada wixii uuw haayi somali oo dhan way ogaadeen markaan soo xasuusto waa iska ooyaa tacliintii uuw isoobaray ayaan maanta kushaqaytaa wiikayga waxaan ubixyey siyaad si aan uiloowin owgeed waxaad ogaataan umada ninkii wax uqabtay mailowdo ileen ragbaa umada intii kasoo hartay laaynya konfur iyo waqooyi inta uqubad kagashay umada ilaahay ayaakajaasinayaa war iya dhamaantii ilaahay haunaxa riisto janadii firdowso haka waraabiyo ihelkiin samir iyo iimaan aaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii
iiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii
iiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
figrad
written by ABDIRAHMAN MUKTAR , October 15, 2010
run ahaantii wuxuu ahaa nin wadani ah walow ayjiraan wax yaabo lagu dhliilayo
hasa ahaate hada walooo darsaday waayo xata lamahayo wax kaxun wax kafican iska dhaafe inkas too anaan arkin qaymaha ay leedahay
nabadu hadana waad rakaa oo waaba
wax iska cad in u madu u baahan tahay wax hogaamiya xataa ha xumadaane

...
written by ng ; c/rashii cabdulaahi owjaamac , October 28, 2010
snm iyo usc iyo kuwo badan oo umada halaagay ayaa maanta abe siyaad waxkasheegaya nin waliba wuxuw doono hasheego aabe siyaad ookale majiro somali ma arkeyso kuwii fal dambiyeed kagalay ayaa maanta doonayaa in ay wadankii utaliyaan aabe siyaad umbay waxkasheegayaan ilaahay haunaxariisto janadii firdowso alaha kawaraabiyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiii
iiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii
iin
Waa Ehelu-Janno Maxamed Siyaad
written by Mohamoud Musse Ali "Caarre" , October 31, 2010
Marka aan si hor ilaah ah u cabbiro hiyigiisii Soomaalinimo, waddaninimo iyo dadnimo; waxan Ilaah ku aqaan in uu naxariis waasac ah ku mannaystay; hoggaamiyihii Soomaalinimada.

markaan saas leeyahay, waxan ka ambaqaadnahay, in aanu isagu lahayn, dunuubta dadka kale iskood u galeen.

Geesi lama ilaawaan ah
written by Maasha allaah , November 01, 2010
Soomaali maalintay israacdoo wadanyeelato waxaa bugaagta wadankeenu qorayaa in uusan nasoomarin Maxawayne la mid ah Marxuum Maxamed siyaad ilaah janadii hageeye
maxamad siyaad adduunyadiiisi
written by j m x , November 04, 2010
aakharo wuxuuu heluuu leeyahay,laakiin adduuunka wax dhaama ma sooomarin u talinta soomaaaliya. waxaan halaaag ahyn lagama helin saaritaankiisi. qofkii caqli leh wuxuuu arkayaaa in ay ahayd in an loo hiiilin kuwii rabay inay dumiyaaan qaranka.

anigu ehelaaan la ahaa ninkii dumiyay qaranka.hadda arkayo inuu kaliya rabay inuu dalka ka taliyo,laakiin hadde uma noqon oo waaba la dilay.caydiid waxaan ku dhalanay isku meel. walaalkay wuxuuu ahaa isgaaarsiin u haye.kaliya shallay ka joogno waxaan samaynay intayada nooli.fg:anigu ma galin dagaalkii oo qurbo joog baan ahaa.
waa mahad celin
written by dhdir@hotmail.com , November 26, 2010
walaal waxaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad uxasuusan tahay aabaheenii labaad allaha u naxariistee siyaad barre , maanta waxay taagan tahay oo la ogaaday in somali aabaheed uu dhintay oo aabo kalena oo la mid ah aanan la haynin ama aan la heli doonin waayo taariikhda ayaa qorayso ee ma aha wax aan aniga iska dhahaayo . umadda qaar ayaa ku leh malaga yaabaa in waayahii 80kii ay marlabaad dib usoo noqoto ama mid la mid ah taariikhdaasi
20kii sano ee la soo dhaafay waxay la tahay wax riyo ah oo laga bixi doono
balse waxay ogaaseen in wax dhamaanayo aysan ahayn oo weli ay riyoonayaan
markaa walaal somaali way agoontowday oo aabo la,aan ayaa ku dhacday
xataa heer waxaa la gaaray haddii magaca somali uu bedelmaayo in la,iska beddelo
waayo caalam ruuxa somali ahaan marka loo ogaado lama jecla lamana qaddariyo
qiimoina ma laha , taana waa midaan anaga isku keenay
markaa walaal waad mahad san tahay
somali ilaahay ha soo haddeeyo
waa walaakaa fil isdlaam [c/naasir faarax dhidir]
w/s/c/w/w fii amaani laahi
ku kordhin rayi
written by khaalid , December 04, 2010
aad iyo aad ayey u wanaagsantahay in taarikhda somaliya sidaa loo ilaaliyo isha alla wixii tariikh aan ku daryana waan kusoo dari doona
...
written by Sadiiq.abukar.ali casir , December 13, 2010
Mansha alah afkada cana lagu qabay walal ilaheyna ajir hakasiyo maskaxdadana ilahey cilmi hakugu saidsho mida kale abahi umada somaliyedna janatul faardoso ilaahey haka warabiyo mid asaga camalana ilahey hanasiyo amiiin amiin
alle ha unaxariisto dhamaan intiidhimatayba
written by ethiopian , December 14, 2010
walaal aad baan kaaga mahad celinayaa taariikhda aad qortay maadama aad is xilqaantay waxaase kaa maqan in gobolka soomaalidu dagto ee ethioipia uunan kla tirsanayn soomaaliya ee uu yahay mid ka tirsan ethiopia taasna la soco xataa hadii aan ka gono ethiopia inaanaan soomaaliya ka mid noqonay taas aamin
adigoo mahadsana inaadan ku darin inaanu soomaaliya ka mid nahay
alkaha u naxaristo wadani daacada
written by hami mcj , December 14, 2010
dadka illahay masina nin walbana garad kii suu hadlaa somalinimadu maa han mid dhaqanta nin somalida kenya oo madax ayaa malin sicara leh igu yiri waxan kufaani jirnay somalinimo oo waxan dhihijirnay qabiilkeyga waa somali wadankeygana waa somalia qabkeni idinkaa kuciyarten manta mafano ayuu igu yiri.mahadsanid qofki qoray tarikhdan aan kafaa iiday wax badan mahadinaq balaran waxaa leh cidi furtay mareegtan.marka hore jiritankena allaha soo celiya midnimadu manoqm doonto wax muran kujira wixii iga maqan wanheli inshaa allaah dadka somalinimada aaminsan allaha dhowro ILLAAHAYOW HARKADA GALI MAALIN UU JIRIN HADH HADHKAADA MA OGIYE.M.S.BARE.AAMIIN YAARABI.
Ninkarmeed
written by Hanad Abdullahi Jama , December 17, 2010
Soomaaliya kaama danbayn Siyaad adna Illaahay Janaddii ha kaa waraabiyo Aaamiin
Mahadnaq
written by masuul , December 19, 2010
Cabdi Jaamac Aw-Adan waad ku mahadsantahay qoraalka tariikheed ee (Marxuum)Jalle Maxamed Siyaad Barre. Allah uga baryayaa in Jannatul Fardowsa uu ugu bishaareeyo, qabrigiisana waasic uu uga dhigaa. Xukunkiisii hadduu fiicnaa amaba xumaaba, wa qofba siday u aragte, wakhtigaa qoraayaa.
Waxaanse kuu hubaa 20kii sano ee wadanka uu soo xukumay haddii aad la barbardhigto taan maanta aan ku jirno, 20kiisa waxay aheyd Faro ka dhuuq
Mahadsanid
allaha u naxa riisto jalle maxamed siyaad bare
written by abdikaadir mohamed abdulle , December 22, 2010
maasha allah waxaan la dhacay dalkeena taariiqduu soo maray} waxaanah la qiirooday dalkayagu xumaantuu ku jiro iyo jahliga urka uga beeran kolay anigu tariiqda somaliya sida xaqiiqda ah waxaan ka arkaa meesha tani waxaan kulee yahay allaha ku amaansado madaama aad u faa iidaysay mid aniga oo kale amah m,id kale oo iga horeeya maasha allah ayaan kulee yahay madaama aad tahay qoraa somaliyeed oo hadanah wadani nimo ka muuqato aad tahay waxaan kaloo lee yahay dalka yaga alaaha inoo amaan sado kolay wax walba dhaam ayeey lee yihiin dadkayaga xumaanta iyo dhiiga ay daadi nayaa alaha ka dhigo mid ay ka danbeeso samaan iyo mira wanaagsan ay ku inti faacaan dhalaanka imaan doona iyo kuwa hadaba jiro amiin amiin
Dr.
written by Mohamed.A.M , January 01, 2011
This is pure knowledge and classical and relevant to every generation.


Dugsi dhaxta laga galo
written by farta , January 26, 2011
Dalkii waxaa burburiyay doqon darajo lasaaroo inta duubka loo xiray qabiil lagu difaacee
Dalkjirkii Siyaad Barre dugsi dhaxanta laga galo iyo inuu darbi ahaa
Danyartana uu wadi jiray waxaa taa diliil u ah
Imisuu dugsiyo dhisay muxuu warshado daahfuray Imisuu dakad iyo wado dacalka isaga xiray
Imisaa reer danyar ahaa oo dabka loo shidin ilmahoodu dugsi tageen dabdeedna jaamacad galeen
oo dabqad sareeysiyo maanta darar ku nooloo ku dakeeya nolasha
duug ma noqoto taariidkhduye intaa waxaa kasii daran hadaan fartaan dahabiga ah kacaankii noogu deeqeen duli aan wax qorin iyo sow damiin lama ahaadeen.

ka qeyb gal
written by ina xuseen cadaaan , February 07, 2011
aad ayaad u mahadsan tihiin dadkiina qoray taaariiqda laakiin anigu waxna ka beeni maayo waxna karumeyn maayo maxaa yeelay wax sidaa u badan oo taariiq ah kama heyn jaale siyaaad
well done inta wakhtiga siisay inay sida habsamida leh taariikhdii geesiga oo kooban u diyaariyaan.
written by cabdirisaaq gama'diid maxamuud , March 19, 2011
waxyar uun kahor ayyay kusoo dhacday maskaxdayda geesigii ina siyaad barre iyo in bal toloow aan wax ka ogaan lahaa taariikhdiisii, inta carruur ah ee uu leeyahay oo kale, waxaanan isku majiiray google, waxaana iigasoo baxay jaalle siyaad.com, sidaa ayyaanan ku helay wixii maskaxdaydu ay dareentay ee ay rabtay inay wax ka ogaato.

fartan aan maanta qorayno ee innagoo meel kasta joogna aan isugu jawaabayno ruuxii doono ha hindiso oo ha keeno e, maamulkiisii geesiga dhexdiida ayyaan ka dhex hallay, isagaa inoo suurta galiyay inaan afkeenna waxaan rabno ku qoranno.

meel aan ka naxay baa jirta intiisii badnayn intii uu xilka hayyay ok buu ahaa, waaxa mar uu ka hadlayay aayado iyo asxaab, dhaxalka, sundus iyo thuluth, hebel iyo hebel oo taajiriin ahaa, ilaahay wixii khayr iyo asxaan ah ee uu sameeyay miisaankiisa xasanaadka aakhiro ha u saaro, wixii gaf ka dhacayna ha u dambi dhaafo, ninna perfekt ma aha.
ahmed sakiin
written by ahmed sakiin , April 20, 2011
Asc dhamaan asxaabta runti inkastoo anan arag nabada waxa ay tahay hadana waanu dareensanahay in uu ahaa nin wanaagsan oo umadu ay tabtay aabe siyaad ilaahay hakuu naxariisto ayaan oran lahaa idinkana waa ku mahadsantihiin kuwa soo qora wabka jaalesiyaad
allaha unaxariisto geesigii halyaaygii somaliyeed sareeyo guuto maxamed siyaad barre
written by ahmed omar osman , May 23, 2011
inkastoo aanan soo gaarin maalmihii iftiinka badnaa ee oo somaliya xukumayay allaha unaxariistee jaale maxamed siyaad bare hadana markaan aqriyay tariikhdiisa waxaan la ooyaaa xasuus waxaana dareemaaa in aan weynay geesi somaliyeey waxaan ilaah ka baryayaa in oo noo keeno kid lamid ah maxamed siyaad bare
exaskari
written by bulxanfiqi , June 21, 2011
waan idin salaamayaa,wan idiin mahadinayaa,aniga iyo intii askari ahayd ayaa qiimaha waddanka,quruxdiisa iyo kacaanka barakaysan naqaan,sidaa daraadeed tashada soomaali oosoomali dhab ah oo sax ah sidii dhallinyaradii syl ay u tashatay noqda maantaad ka cilmi badan tihiin,fidno iyo beenta boggaga lagu soo qorayana joojiya,nin walba waxa uu qorayo,iyo waxa afkiisa ka soo baxayo ha laga fiirsadomarkaasba nabad la heli karaakacaanku wuxuu qabtay ninna ma inkiri karo,wuxuu galay iyo wuxuu guday, soomaali waa ogtahay ,waayo taarikhdu isma qariso.waadd mahadssantihiin
MANTAY WAA AUG,2011 WAXAGAN JOOGNA
written by AHMED CALI WARSAME CILMI , August 02, 2011
WAXAN LEYAHAY JANADII FARDOWSA ALAHA HA KAA WARABIYO MAHAMED SIYAAD BARE AABE ILAHAY HA KUU NAXARIISTO BAAN LEEYAHAY WAXANA LEEYAHAY HA IS CAFISO SOMALI WAXANA AAN QABSANO MARKA WAXA NOO QABSOOMAYAAN WAAA MARKA QOFKII ILAA WALIGI DALKAAN U SOO DAGALAMAYAY OO CAALAMKA BARAY AANU KA DLBANO CAFISA OO AAN UDUCAYNO WAAD MAHADSAN TIHIN, NIN KII QORALKAAN SOO GALIYAYNA SIGAAR AH BNA UGU MAHADCELINAYAA

Masha,allah
written by A.maajid C.C.Q , October 31, 2011
walaal aad iyo aad ayan ugu mahad san tahay taariikhda aad sida saxda ah aad uqortay allah ha,kaaga abal mariyo. :NOTE[danka xumanta kuhaya m s barre waxan dhihi laha danbi ayad kaqadaysan ee iska dhafa.m s bare waa nin ibnu aadam ah inbnu aadamka neh qalad wuu gala marka inta aad xuman kashegi lahayd oo danbi kaa soogaari laha waxa kaaga roon adigo uduceya]
Alaha unaxaristo marxuun maxamad siyaad bare
written by Hassan ahmed , December 20, 2011
Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay quralkan oo nasoo xasuusiyay aabaha soomaliye mada kale alaha geeyo janadi fardowso wa geesigii soomaaliyee ? Aamiin sida ogtihin ma uusan dagalamin marku aragyay jaahilada dalka inee qasaan rawaan qafna ma uusan ka dilin wuna ku mahadsanyahay hadane saad ogtihin jaahil nimadi ceediid heysay aya heeso somalidu badna ee intaan wax ogen alaha ha hanuniyo allane hana siyo madaxweynihi hore cml
Rag iskuma jiree nin raguu ahaa 100%
written by C/naasir jaamac jowhar , January 11, 2012
Runtii waxaa xaqiiqo ah in maxamed siyaad uu ahaa nin karmeed dhabtii waxaa cadayn u ah taas in umadii uu hogaanka u hayay la isku keeni la yahay mida kale ee ka sii wayni waa dalalka dariska ah oo isku xaari jiray markuu s.g m.s.bare uu hadlo maantana maxaynu aragnaa haaaah haaah ...,.. Waxay ka dhigantahay lugtaneey nin waliba mar ku arag
Mr
written by Abdisamad Abdulahi khaldaan , January 15, 2012
waxaan aad ugu faraxsanahay mar haddii maanta la xusay geesigii umadda soomaaliyeed u kacay 1969 si umadda xaqooda ugu soo celiyo ma ihi qof qabiil waxaan ahay wadani soomaaliyeed jecelna wanaagga umadiisa allaha u naxariisto madaxweynaheenii hore maxamed siyaad barre wuxuu ahaa geesi u kacay umadda soomaaliyeed una iftiiminayey dadkiisa horomar iyo barwaaqada iyo kheyraadka wadankiisa kana saaraayey jahliga una ifinayey cilmiyada kala duwan ee aduunka lagu barto.taasina wuxuu ku gaaraay kartidiisa iyo dhalinyaradii yaryaa ee golahii sare ee kacaanka oo iyaguna lagabtaagnaa hiiliyo hooba,waxaasa ka dambeeyey rag iyagu dhulkooda ku iibsanayo jagooyin iyo lacago yar ragii hore waakaa guushaas horumarka leh u keenay umadda soomaaliyeed iyagoo ka dhiidhiyey labadii dawladood ee musuqmaasuqa ku dhisaa iyo qabiilka,waxaan xusid mudaan dumarka soomaaliyeed kuwii hore iyo kuwa maantaba oo markasta u taaganbadbaadaa dadkooda iyo dhulkooda naftoodana u huraya waxaan idin leeyahay ragma jiro allaha idin badbaadiyo ee maanta badbaadiya dadkiina dalkiina allaha idnla garab galo Amiiiiiiiiiiiiiiiiiin
by Samoow khaldaan


Nolosha sidedaba waa dareen ma umaleynayi nin ka fikrad fican iyo nin ka caqli badan ma.ed s/ barre allaha unaxaristo managa dhimanine woo naga tagay nin tagay waye
written by Hassan ooley , February 13, 2012
Asc dhaman allaha maskaxdada kukordhiyo walal wadna kumahadsantahay inkasto nosogudbisay tariiqdii halgankii jalle maxamed siyad barre allaha unaxaristo waa abahen lawad oo naga tagay salan ayan usaray abaha somali katagay ilahey ha unaxaristo
...
written by Aadanow Cabdulle , March 14, 2012
ASC Walaalayaal. Ogaada Aabe Siyaad, Halyeeygii Umadda Soomaaliyeed aan horay u soo marin gadaalna aan wali laga heyn. Fadlan u duceeya wuu muteystaye. Intuu noolaa waxaa la yiri NOOLOOW MA DAALE hadda wuu dhintaye A.U.N u aqri Khulhuwallaha oo Allaah u bari please
hogaami'yihii soomaaliyeed
written by c.qaadir calaamo , April 02, 2012
Allaha u naxaruusto max'med siyaad barre waxa uu Ahaa nin aan mar'na la ilaawi karin somalia na uu san soo mari doonin waayo kuwa hada jooga xayawaan wax ma'dhaamaan waa dad u'jeeda doolar kaliya ay'san ka fikirin umada soomaaliyeed iyo aayahooda!! Max'med siyaad barre alaha janadii firdow'so allaha ka'waraabiyo aamiin..... Somalia somali baa leh! Somalia iyo mustaq'balka waa isumid!!
...
written by axmed salaax xaaji dheere jamaame. , April 03, 2012
waad ku mahaadsan tahay walaal taariikhda aad ka hadashey waa wax jiro oon weli goob joog ka ahaa anigu waxan ku dhashey gobolka jubdda hoose kismaayo degmadiisu jamaame gobolkeyga keliya wuxuu ka qabtey kacaanka ilaah baa og ana waan ogahay .koow warshida sokorta mareereey .warshida caaga iyo kartoonka inkaas
.wirshida hilibka .warshida bariiska.soomaali faruut.iyo kuwa badan aan la soo koobikaran. ee max,ed siyaad barre alah u naxriisto jano alah geliyo mana u maleynaayo in ay soomaali heleeyso mid sidiisu camal. ee soomaali waa la iibsadey wax bilaa damiir baa somaliya gacantu u gashey laakin ilaah baa u maqan somali inshaa alaah aloow sideynii hore naagu soo celi umadeydu hadey dembi galeen ee cafi adaa qofuurul raxiim ah yaa alaah.aamiin. aamiin. qorey axmed saalax ,xaaji dheere. jamaame.
riyaadh
written by markaawi , April 28, 2012
SIYAAD BARRE ANIGU WAAN QAABILEY WAXAAN KU Q2AABILEY JAAMACADII UMMADAA SOMAALIYEED OO SHAQAALE KA AHAA,INKASTOO AANAN ISKU QABIIL AHAYN,MARKA RUNTA LA SHEEGO WAX BADAN AYUU WADANKA U QABTAY
Muxiyadiin@hotmail.com
written by Bookh , July 03, 2012
Allaha unaxariisto walahay waxan ku so barbaray hesti ahayd(gulwadaw siyad abihi garashada gayigayagaw)
Cabdinuur jaceylow
written by Caaqil nuur , July 07, 2012
Allaah illahow u naxariso jaalle m/ siiyaad barre horumarka am hada ku taganahay waa kii un noogatagay
N/A
written by Barni , October 21, 2012
Naxariisti jano alaha siiye , ma ka dhalani kara Somali shaqsi la mid aha ama u dhow, dad iyo dal iyo dowladba gadashis lama arag lama maqal, u duceeya oo ka duceesta duriyadiisi, dalkan isga taga duulkalan u doonenaye.

wadani assala ayuu ahaa
written by amina , November 14, 2012
allaha u naxariisto aabihii dalkuu ahaa somaliana taariikhda ay aduunyada kuleedahay ama lasheego waa 21kii uu wadanka xukumayay wixii ka horeeyayna waxba lama ahayn hadda waaba duni gadoontay ilaah ayaan ka baryeynaa sidaan beri ahaan jirnay
Nabadoon
written by Mohamed m Dheere , November 29, 2012
siyaad bare wuxuu ahaa halyeey somaliyeed waxaan ku xusuustaa wax baxashadiisii bilaashka ahayd ilaahow godkaaga qabooji
Somaliya wali waxaa ku nool dad m siyad oo kale ah iyo waliba qaar ka wanaagsan
written by Caseyr ibnu cabdillaahi bin mohamed , December 30, 2012
Ma'ansha Allaah
Allaah u naxariisto mohamed siyaad waxa uu ahaa halyey somaliyeed
laakin waxaa muhiim ah in aan hadii aan aregnay taariiikhdiisa ku fakarno saan sidaa oo kale iyo si ka wanaagsanba dalkayaga ugu soo celin laheyn xornimadiisi iyo horimarkiisi
Naayaa
written by Taajiroow114@hotmail.com , March 15, 2013
Alaha u naxariisto maxamad siyaad barre waxaa uu ahaa nin aadya aad ugu hanweeyn sidi eey soomaliya ugaari laheey dunida meesha ugu weyn lakin meeysan u suurta gelin oo waxaa dhax da kaga soo dhacay wax ma garato kuna dheeshay dadninadi iyo dalnimadiba ilaaheeyse waa noo dhali karyaa asigoo kale koleey soomaleyeey ale kabarya inaad heshaan sidii soo kale waad mahadsantihiin aruuri yaasha qoraalkaan maxamad siyaaad barane ilaaheey haka waraabiyo naxariistiiisa aaamiiiin aaaamiiiin aaaaamiiiin
Naxariistii ilaah ha geeyo abahii ummada
written by Salmaan cismaan , April 14, 2013
Waxaa calaamad u ahayd in uu xaqa qeexo, in uu ka hadlo danyarta soomaaliyeed, in uu ku faano soomaalinimo, in uu ku xaragoodo hida iyo dhaqanka soomaaliyeed, in dhiiri galiyo kana mid dhigo gabdhaha soomaaliyeed sida rag oo kale, in uu xurmeeyo bartana odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed, in uu xusuusto ragii iyo dumerkii u soo halgamay dalkeena isaga oo u eegin qabiil, in uu sineeysiiyo kuwa laga tiri badan yahay iyo kuwa tirada badan, in uu ku jeclaysiiyio ciideena iyo calankeena, in uu yeelin awaamiirta gumeysiga.

Waxaa uu ahaa hibo ilaahay usoo diray umada soomaaliyeed waxaa uu nageeyay cirka waase lagaranweynay Aabe Siyaad. TIME WILL TELL ONE OF THE GREATEST LEADER WE EVER HAD. MAY ALLAH BLESS AABO SIYAAD. WE MISSED HIM SO MUCH BUT WE WILL NOT FORGET YOU WHAT YOU HAVE DONE FOR US. THANK YOU
odey beeleed
written by maxamud Biite , July 09, 2013
maxamed s. barre waxuu ahaa halyeygii 2aad ee smaali soo mara wayse garan waayeen AALLOW u sahal.
Halyeygii ka horeeyay ee soomaali garan waydayna waxuu ahaa Sayid Maxamed cabdalle Xasan. labadoodaba ALLAH raxariistii jano haka waraabiyo.
Soomaalina ALLAH ha il bixiyo hana garato danteeda.
ILLAAHAYOW mid sadexaad oo aad na garansiiso oo xaqa oo wada xaqa ah ku rida ILLAAHOW Soomaali usoo saar. ALLAH MAHAD LEH.
Idina saaxiibayaal waad mahadsan tihiin.
ALLAHA UNAXARIISTO AABE SIYAAD
written by sharmaake , August 15, 2013
Soomaali oo idil kii sare uqaadoow. Sadriga iyo laabtaan kaa salaanay aabe siyaad. Subax walba saacad walba saadirkaan kuu barinaa naxariis inuu kuu fidshee aabe siyaaad. Nin yaroow colaadi dhashaan ahay nabadna wali arag balse runti aabe siyaad. Anigoo taariiqdiisa waxyar kahayay markaan maanta qormadaan arkay xaqiiqdi waan qiirooday waana iska ilmeeyay sidi wiil yaroo agoomay. Waxa maanta naheystana waa wixi uu umada somaliyeed ooga digay waliba inti dhibaatada waday xiligi kacdoonka dowladiisi lagu riday si somaali kala sooc ahna la isku heeyb ceeyrsaday. Aabe wiil kaa dambeeyay hooya ma dhalin. Ee ilaah baan kuu barinaa inuu adoon uusoo dhaweeyo kaa dhigo janadii udgoneydna jiilkii asxaabtiyo rasuulkii suubanaa kula safee""""" allaha kuu naxariisto aabe siyaad




ALLAHA UNAXARIISTO AABE SIYAAD
written by sharmaake , August 15, 2013
Soomaali oo idil kii sare uqaadoow. Sadriga iyo laabtaan kaa salaanay aabe siyaad. Subax walba saacad walba saadirkaan kuu barinaa naxariis inuu kuu fidshee aabe siyaaad. Nin yaroow colaadi dhashaan ahay nabadna wali arag balse runti aabe siyaad. Anigoo taariiqdiisa waxyar kahayay markaan maanta qormadaan arkay xaqiiqdi waan qiirooday waana iska ilmeeyay sidi wiil yaroo agoomay. Waxa maanta naheystana waa wixi uu umada somaliyeed ooga digay waliba inti dhibaatada waday xiligi kacdoonka dowladiisi lagu riday si somaali kala sooc ahna la isku heeyb ceeyrsaday. Aabe wiil kaa dambeeyay hooya ma dhalin. Ee ilaah baan kuu barinaa inuu adoon uusoo dhaweeyo kaa dhigo janadii udgoneydna jiilkii asxaabtiyo rasuulkii suubanaa kula safee""""" allaha kuu naxariisto aabe siyaad




students
written by nasiid nagib , August 25, 2013





ad baan unecbaa lkn maanta wuu dhintay waxba kama sheegi karo haduu noolaan lahaa waan u maydhi lahaa





Geesigii gayoga somaliya jaale siyad barre
written by idriss abdi yusuf (idriss bebe) , September 07, 2013
waxan umahad celinayaa qoraagii qoray taariiqdan qiimaha badan marka xigta dadka qaar baa aminsan in qoraaga qoray tariiqdan uuka been sheegay qabyaalad aawgeed lkn sidaa mahan xaqiiqdii anigu waxan ahay nin hawiye ah waliba habar gidir hada sidaa eey tahay waxan kudharanayaa in jaale siyad uu ahaa wadani somaliyed dibna aan loo arki doonin halgamaa smaliyeed oo isaga lamid ah
waxan illah kaga baryayaa inuu naxariistii jano kawaraabiyo madax weeynihii umada somaliyeed jaale maxamed siyaad bare oo ahaa geesigii gayiga somaliweyn iyo afrikaba waxa ilaah kabaryaa inu dib usoo celiyo sharaftii iyo karaamadii umada somaliyeed eey dunida kulahayd nabad iyo barwaaqana kusoo dabaalo gayiga solaliyeed
ILAAH NAXARIISTII JANO HASIIYO
written by WIIL SOOMALIYEED , January 12, 2014
WALAAL AAD AYAAD UGU MAHADSANTAHAY WAANA KU FARXAY REALY MARKAAN AQRIYEY WAAYOO INTAAN NOOLAA WAXAAN MAQLI JIREY WAXYAABO KALE LAKIIN WANAAGIISA AYAA KA BATAY LAKIN WAXAN JECLAAN LAHAA IN AAD SOO GELISAAN WAXYAABIHII UU SAMEYN JIREY SIDA WAXAAN MAQLEY HADA KAHOR IN UU U TAGAY SHIR WADANKA ISUTAGA IMARADKA CARABTA MARKA UU DIYARADII SIDEY AIRPORTIGA CAGA DHIGATEY AYAA LAGU YIRI WAXAA BANAANKA KUGU SOO DHAWEYNAYA DHAXAL SUGAHA WADANKA MARKAAS AYUU KU YIRI DIYARADA II KAXEE IGUNA CELI WADANKEYGII MARKUU YIMI SOMALIYA WAXAA DIYARAD KA SOO DABA QAATEY MADAXWEYNIHII WADANKAAS ALAHA U NAXARIISTEE SHEEKH ZAYID OO MUQDISHO UGU TAGAY SI UU U RAALI GAREEYO MARKA WAXYAABAHAAS IYO WAXAA JIRO WAXYAABO AAD U BADAN OO UU CAAN KU AHAA PLS CIDII HAYSA WAX YAABAHAAS OO SHARAFTA SOMALIA KOR U QAADEY SA HA NOOSOO QOREEN AMA AHA NOO SHEEGEEN HADII AY JIRAAN BUUGAAG AY KU QORAN YIHIIN. WABILLAHI TOWFIIQ.
jaale maxamed wuxuu ahaa seef laba af leh
written by salamaan , February 13, 2014
waxaynu ognahay in maxamed siyaad barre dalka iyo dadka somaaliyeedba gaadhsiiyay meel aad u sareysa lkn hadana markii danbe wixiiba isaga yaa baa.biyey

...
written by isbedel , March 30, 2014
masha alah allah ha bareakeeyo nin rageedkan taariikhda madaxweynahayagii naga siiyey taariikhdan ifaysa ,hadda ka hor maanan arag cid saan uga war bixisey waaana mahadsan yahay waaw aadan
alle haw naxariisto m/wayne M.S.Barre
written by khadar haybe axmed (khadarmataan) , April 27, 2014
Madax iyo mijoba waa la qaldamaa waayo waxaan u nahay bila aadam ma nihin malaa'ig. lakin ta meesha taalaa waxa weeye inaan cid na wax qabadkeedii la dafirin ........ M.S.Barre waxuu ahaa muwaadin noqday madaxwayne wax badan na u qabtay dalkiisa walow uu gegaf badan oo dhinac diined iyo dhinac bilaa aadminaba leh galay hadana marnaba lama aasi karo horimarada ilaaa hada loo aaayay ee qabtay sida, qoritaankii afka somaliga, erey bixintiisii.
...
written by sh.xasan sh. maxamud , July 11, 2014
Ala una naxariisto jale siyad waxanu ley nahay inaa lilaahi wa ina ilayhi ra jicuun
Write comment
smaller | bigger

busy
 


Custom Search

Jaalle Siyaad Book/Buug