You are here: Home Taariikh 21kii Oktoobar Qarankii Soomaaliyeed uu tabey shicibkuna waa u darsadey
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

21kii Oktoobar Qarankii Soomaaliyeed uu tabey shicibkuna waa u darsadey

E-mail Print

Waxaa xaqiiqo ah in Soomaali ka dhaxashey Maamuus iyo Magac xumo, dhibaato wajiyo badan leh, Xurmo daro, Geeri badan, Barakac, Boob iyo dhac, Kufsi Daryeel la,aan, Qaxootinimo, Baryo iyo Dawarsi kaddib markii ay noqotey Dowlad la'aan. Marka laga reebo in yar oo abaal dhacay mooyee shicibka Soomaaliyeed waa xusuusanyahay wax qabadkii badnaa ee Dowladdii Kacaanku u qabatey Dadka iyo dalka, waxaana lagu tilmaamey waxyaabihii dhacey 12kii sano ee aan Dowlad la'aanta aheyn Cajaa'ibaadka ugu waaweyn dhanka xumaanta ee Adduunka ka dhacay intii uu dhisnaa. Dadka Soomaaliyeedna waxyaabaha ay taariikhdii Kacaanka 21kii Octoober ee uu hormoodka ka ahaa Marxuumkii magaca iyo maamuska lahaa ee General Mohamed Siyaad Barre ( Siyaad Barre) ku xusuusandoonaan ebed marka laga reebo in yar oo ujeedo leh waddanina aan aheyn oo aysan dhibeyn xumaanta aan kor ku sheegney iyo qaar kale oo badan, waxaa ka mid ah:

1- Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta Soomaaliya.(Israc)

2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer.

3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.

4-DHiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.

5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.

6-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.

7- Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.

8-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)

9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.

10 Abuursitii Jaamicadaha.

11-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan

12- Baahinta Waxbarshada

13-La dagaalka Jahliga.

14- DHowrista Bee'ada (Envioronment)

15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.

Dowladdii Soomaali ugu danbeysey ee Kacaankii 21kii October intii xusuusan way garanayaan haddaaqii dadweynaha Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay raaliga uga ahaayeen Hoggaamiyahooda waxaana ka mid ahaa hadaaqaas (HORTA QABO SIYAADOO BAL CID KALE KU SOO DARA). Haddii aad eegtid intii uu meesha ka baxay Marxuumku waxaa sheegtey Madaxweynenimo dad badan oo inta aan ka xusuusto ka mid ahaayeen:- Cali Mahdi Mohamed, Mohamed Faarax Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur, Mohamed Ibrahim Cigaal, Cabdullahi Yusuf Ahmed, Daahir Riyaale Kaahin, Cabdulqadir Salad Xasan iyo Jamac Cali Jamac.

Comments (1)add
Salan
written by Ifraax cabdi , June 15, 2011
Wlh wan murugoda markan maqlo dhibadada hadajirta iyo sharaftan lahan jirnay labatan sano kahor marka ale hanosoceliyo mamul wanagsan like mohamad siad barre amin yarbi
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search