Maalinta 21-ka Jannaayo 1973, waa maalin weyn oo taariikh dalkeenna iyo dadweynaheennaba u leh, maxaa yeelay, waa maalintii Guddigii Golaha Sare ee Kacaanku go'aan ku gaaray in laga dhaqan geliyo Afkeenna hooyo dugsiyada, maamulka Dawladda iyo dhaqankeenna oo idilba. Maalintaasa dadweynaheennu ka xooroobey xagga dhaqanka iyo fakarkaba. Sida la wada ogyahay Afku waa hubka keliya oo lagu dhowro, laguna diiwaaniyo suugamaha iyo murtiyaha.
21-ka Jannaayo 1973, waa maalintii qarannimada Soomaalidu ay lugaha ku istaagtay, lagana aqoonsaday adduunka oo idil. Isla maalitnaas dadweynaheennu wuxuu bilaabay, sidii loogu taabbo gelin lahaa aqoonta adduunka taalla Afkeenna hooyo. Qoraalka Af Soomaaligu intaas oo keliya kuma ekaannine, haddana waxaa loogu isticmaalay kicinta dadweynaha. Isaga oo ka hadlaya ariintaas, Jaalle Siyaad, wuxuu yiri:
... Ma Doonaynno in ummaddeennu u qaybsanto in yar oo warqadda isku afgarata iyo in badan oo hadal keliya wax isku gaarsiisa; mana doonaynno in ummaddeennu ay ku qaybsanto in yar oo akhriska ku korisa aqoonteeda iyo in badan oo aragtideedu ku dhisan tahay wax garadkooda.

written by reer dudaaye viva reer madiino , November 17, 2009
written by maxamed , April 05, 2010
written by xaawo. , January 22, 2011
Aamiiiin.
Aamiiiiiiin.
written by C/WAAXID J , January 27, 2011
written by By Abdirashiid , August 16, 2011
written by Hussain , October 17, 2011
dadkii soomaalida ku wada daatay aduunka, dadkii gudaha dalkiisana joogay gaajo iyo amaan la'aan haysata.
Taasi waa iney darsi noo noqotaa ayna soomaalida dib u fekertaa sidey isku ra'yi noqdaan oo wixii qalad ah la yiraahdo waa qalad ayadoo qabiil la eegin ee taasi soomaalidu ma sameyn karaan???
written by My nam c,m,s , July 05, 2012
written by Abdinajib , July 23, 2012
written by Faadumo maxamed , March 24, 2013
written by Asia abdi , May 26, 2014
Ilaahaw usoo celibacy somaali iimaanka kana dhali madax Wayne daacada
written by Sahal , June 15, 2015