You are here: Home Suugaan Xanay ku har xaasidow ku jab - 1972
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Xanay ku har xaasidow ku jab - 1972

E-mail

Intii xoogsanaysee, xalaashuun ku noolayd,
horana loo xaqiri jiraye, hadday maantu xukunkii,
xaggoodi ka haystaan, xaney ku har xaasidow ku jab


waa xaqiiqa inaan xorownee.


Xamladii qabiilkiyo, ayaa reer xiniinay
kumay xayrtu Weyntahay, ayaa xoolo badan qaba,
haddii xeerkaa laga tiray, xaney ku har xaasidow ku jab


waa xaqiiqa inaan xorownee.


Xigmadii Kacaankiyo, xeerkii Siyaad dhigay,
haddaan xarafna laga tegin oo xukun shaqaale ah,
loo taagay xididdada, xaney ku har xaasidow ku jab


waa xaqiiqa inaan xorownee.


Afkeennii la xooree, midka nacabku uu xaday,
ee aan la xaalayn, haddii xuubka laga rogey
oo uu maanta xay yahay, xaney ku har xaasidow ku jab


waa xaqiiqa inaan xorownee.

Comments (0)add
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search