You are here: Home Suugaan Soo Dhaweyn Siyaad ee Hargeisa - Cabdillaahi Suldaan Maxamed Timacadde
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Soo Dhaweyn Siyaad ee Hargeisa - Cabdillaahi Suldaan Maxamed Timacadde

E-mail

Abwaan Timacadde wuxuu u tiriyay Madaxweynahii Golahii Sare Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre markii uu booqday Hargeisa 1971 kii. Wuxu gabaygu u kala baxaa lix raabe; soo dhaweyn wafdi, warbixin ku saabsan kadeedkii dadku soo maray 9kii sannadood, taageero ku taxan halkudhegga ah " lskufillaansho", geesinnimo gelin ah in qofkii kacaanka ka horyimaada qoorta loo dheereeyo, tusaale ku saabsan himilada dheer ee dadka Soomaaliyeed ka qabaan kacaankii curtay 21 kii Oktoobar iyo duco ah in Eebbe madaxda ku guuleeyo xilkaa weyn ay Soomaali u hayaan, wuxu yidhi:

lndhoweydba waataan sahladay sadarradaydiiye
ma sifaynin maansooyinkaan saayidka u helaye
salku leer ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede
subuucii, dhammaadaba mar baan saari jiray luuqe
sidde la qabsaduu leeyihiyo subucyo dhaadheere
labadaba markuu seego way kaa surgucantaaye
an sifeeyo maantana tixday sihatay laabteydu

Saydhin maayo araaroo waa salaan gogosheede
Sarreeyow Madaxweyniyo wafdigii la socdayee
soo siyaartey woqooyiyow Soomaali joogtey Hargeysa
sibiilkeediyo aami qof ma seexan xalayta oo
salaaddii dabadeedna sidaasaan u tubnaynoo
adigaan ku sugaynayoo sallaankaad ka degaysiyo
sibidhkaad cagta saartiyo ilaa suuqiyo daartii
seebkaa la isku hayayoo safkaa Ia isku cidhiidhiyayoo
ubaxa miidhan siteenooy gacmaa saydhinayeenoo
Sarreeyow Madaxweynihii talada saafi ogaayeen

surma seejis aqooninoow annakoo siganay
sahankii na dejayee dunidoon la sinnaaniyo
saldhigba noogu horeeyayoow soo dhowoow" ku lahaayeey
Saaka waan is ogaynoo seerahan caawa an joognana
sii eegoo bal u fiirsa oo sidii oo kale weeyee
Sarreeyow Madaxweynoow annaga waa nabad suubban
idinna waa socod fiicane eraygu wayga su'aale
sidaan kuu hambalyayniyo ma ku deeqday salaantu yoo
sedkaagii ma ku siinnay mise waad na saluugtay?
lntaasi waa iga salaane subciyayoo iska dhaafaye
sidii aynu ahayneey sebigaa garanaaya oo
qayrkeen waan ka sokaynayoo sagaalkii sannadood
sifa dawlad u eeg iyo siyaabaad u malaysiyo
sawirkeedba ma oolline calanku waa iska sudhnaayoo
Nimankii na salooshaye seefta daabka hayayee
siyaasiyiinta ahaabaa la saaxiibay gumeysiyoo
ummadda waa la sumeeyay oo
shacbigoo isku soohan iyagaa kala soocayoo
inba gooni u saarayoo waatii la isa sadqeeyayee
isku aakhiro seegtayoo ummaddeenna sidaasee
saxariirku dhammeeysay nin siraa hodmi maayoo

ninkii ciidda sagsaagana seetaa geed ugu duubanoo
dunidaa iska sidaas oo soodhbaa maanta dul taagan.

Subciyayoo iska dhaafaye lsticmaar ku sabaaya oo
sawaariiqda dhacaysiyo cadawgaaga wax siiya
waa ku seexinaayaaye gobannimo saboola oo
waaxeeda isu sargoysa sidii aad ku dhawaaqday
suuroowdoo aragnayoo gacan baan kugu siinayoo
annagu suuqi Hargeysa waa horaanu sifaynayoo
sekedii cusbataalkiyo masjidkiiba samaynayoo
seedeheenni la gaaxshey saakaba waynnu u aaynayeey
Subciyayoo iska dhaafaye Sarreeyow Madaxweynoow
Guddidiina Sarreeto saddexdii magac Eebbiyo
sifihii lagu dhaartiyo ninkii seega dariiqa e
isukeen sogobaaya e gumayste u sanqanaaye
dhiiggeedaa subag mooda saqajaan ha ku quusto e
ha la waayo surkiisa Subciyayoo iska dhaafaye
geeluba suunta kaliisha isagoo surmi saanoo
isku saydhay habeedda Sabanaad ka cabbi buu
suudiga u hadh galaa anagoo ku sugayna oo
si walba kuugu ·kalsoon oo mar walba kuu sabri doonna

intaad seeska dhigayso Sarreeyoow Madaxweynoow
Wershada aad u samaysiyo safiidda iyo badroofka
safka ciidda ka buuxa soo saartood ku dadaasho
SarreeyoowMadaxdaxweynoow annagoo sibirtaadiyo
sarsarkaaga maraynna Allii saatir ahaa iyo
Sayidkii u jecfaa iyo Sabbaxa iyo Watiin iyo
Wa-safad iyo cayn iyo saad baan kuu baryayaaye
xifka weyne ku saaran siddaan guuf kugu siinnayoo
cadawgaa ma siraata oo tafadu kaama safguurta oo
arrimaa siddohoodana Illaahay kuma seejo
sidaana waan ku duceeyayeey

Comments (1)add
...
written by Axmd yuusuf , January 16, 2014
Soobano afkago kan kudhasho adiga marti u horeeyo
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search

Buug Cusub / New Book