You are here: Home Suugaan Siyaad - Xaaji Aadan Axmed Afqallooc
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Siyaad - Xaaji Aadan Axmed Afqallooc

E-mail

Saddex buu ka yahay qaadaddii aradka Soomaale

Surwaalkii ma dhigin iyo dharkii sawjarnimadiiye

Sar intuu abuurtay uma bixin soohdin laydh badane

Socdaal uguma kicin Yurub intuu saydhey maal badane

Suhuun kuma leh baanka iyo shirkado soorta iibsade e

Sokeeyaan lahaa iyo ma odhan seeddiyay xiga e

Saqda dhexe intuu liida tegey looma sacabbeyne

Sidii uu dad kale yeeli jiray wuu ka saahidaye

Soo jeed habeen iyo feker baa solay naftiisiiye

Sabab iyo taqadum lagu gaadho buu ku hurdo seegaaye

Sidaasay dadweynuhuna kalsoonida dhab ugu siiyeene

Saciim buu Afriiqiya u yahay saadiq aaminahe

Sida qamarka oogada socda bay sare u eegaane

Sawdkuu la yeedhiyo codkaa loo sid tiriyaaye

Seeftii nasriga iyo wuxu sitaa suuratul ikhlaase

Sagal hooray buu noo yahay iyo seermaweydada e

Sidii lagu tilmaamaba runtii uga sinaad roone

Sidaasay dadweynuhuna kalsoonida dhab ugu siiyeene

Translation:


He is the supreme leader of the Somalis
He continues to wear his battle dress
He does not build breezy mansions for himself
He doesn't go gallivanting to Europe and luxurious locales
He doesn't own wealth in banks and big Corporations
He doesn't practice nepotism nor promote his in-laws
He doesn't go debauching at the beachside bars late at night
He's is not the way of his corrupt and depraved predecessors
A wakeful vigil and worry has exhausted and depleted him
For the cause of Somali progress he loses sleep
And that is the reason he retains the confidence of his people

Most magisterial of all Africans, he is a generous and trusted leader
All Africa looks up to him like the moon in the night-sky
As they hold fast to his every word and pronouncement
He wields an evenging sword and Allah's Words.

To us, he is like a cooling breeze and refreshing rains
Words fail to describe the glory of our leader
And that is the reason he retains the confidence of his people

Comments (4)add
xaaji adan
written by mb , August 01, 2009
xaaji aadan afqalloc alle ha u naxariiste waxu ahaa abwaan ka caan ah somali wuxuuna ku dhintay ilaa 120 sano.
shalaay ma horeeyo waa danbeeyaa
written by fartuun , February 06, 2011
asc somaliye waxa halaagay waa imaan la aan. sababtoo ah iyagoo ah AFRIKADA CAD, ayey dhaheeyeen waxa ku jirnaa gumeysi, dhib, laakiin runtii kuma jirin ee waxay ku jireen nolol qaali ah oo waa laga cabsan jiray,All Arab waxay noo aqoon jireen GEESI,jaceel ay noo qabaan jamacada carabta naguma darin ee waa dano ay lahaayeen iyo cabsi ay ka qabeen aduun weynaha,afrika waxan ka eheen wadanka ugu horumarka badan,waxan heysanay FREE school,FREE hospital,laakiin qof sheegi jirtay ma jirin (KA XAAXAABIYE HEE)shalaay ma horeeyo waa danbeeyaa lol dagaalka markuu dhacaayey waxan ahaa arday dhigata dugsiga sare Bartamaha xamar fasalka form 2,maantana waxan ahay qaxooti jooga wadan shisheeye,
Graphic designer
written by A/kariim jama , January 23, 2013
waa gabay murti iyo run badani ku duugantahay
mahadnaq
written by Caalamiin , October 27, 2015
aad baan ugu mahadnaqayaa sida quruxda badan eed guud ahaan u aruuriseen taariikhdii waynayd ee uu lahaa allaha unaxariistee madaxwaynihii ummadda soomaaliyeed jaalle maxamed siyaad barre.soomaalidu aad bay utawday kacaankii maantana waxay wada qireen in jaalle siyaad ahaa aabihii ummadda soomaaliyeed gaarsiiyey horumar aad uwayn.waxaa nasiib daraa kuwo madax sheeganaya cirbad caaradeedna aan dadka iyo dalka waxba utarinin inay caadaysteen in ay wax ka sheegaan jaalle siyaad.dawladkasta oo la dhisaa hadaynan halbeeg ka dhigan xusina hogaamiyiihii kacaankii barakaysnaa waa hubaal in dawladaasi tahay dawlad fashil ah waayo xaqiiqda oo la diidaa waxay kugu ridaysaa inaad dhalanteed noqdaan jidkaad qaado. waxaa marag madoontaa in kacaankii horumar aan la sookoobi karin uu gaarsiiyey dalka,dadka soomaaliyeedna ay garoowsan yihiin libintii kacaankii barakaysnaa ee uu hogaaminyey madaxwayne jaalle maxamed siyaad barre ilaahay naxariistii janoo hakawaraabiyo aamiin aamiin
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search