Siriqduu gumeysigu ~ soomaali geliyey
Silic iyo dhibaatadii ~ geesigii ka saarow
Siyaad - Siyaad
waan ku garab soconna ~ salabka waan sidannaa
sidaad nagu amartaba ~ waannu suubinaynaa
sarreeyaha guudow siyaad ~ subax waa baryaba
salaan iyo ducaan ~ kuu soo dirnaa
tawraddii Oktoobar ~ nimankii sameeyoo
sulubkiii ugu horreeyoo ~ soo abaabulayow
Siyaad Siyaad Siyaad
sareedada dhulkeenna ~ iskaa wax u qabsaan
ku soo saari doonna ~ ~ jaallihii noo horseedow
soortaan wadaagno iyo ~ hawshoo loo sinnaado
in qabiilku suuloo ~ samawadihii na barayow
Siyaad Siyaad Siyaad
Bookmark
Email this
Hits: 2646
Comments
(0)






