Siraadka Afrika Laabtiisu saxar madow lahayn
Aabaha Soomalida cusub Soo jeede foojigan
Siyaad
Sadkiisa lama cunee sir ma qabe dadaal badan
Libtiisa lama sidkee sareedo iyo guul barwaaqo
Loo siman yahay sacaado noogama horreyn
Siyaad
Sidaan u qaadannay tawraddaan ku dhaadanay
Sifaalahaan u soo marnay sama doqontii seexataa
Seceedu dibi dhalaa
Negaade suubanow salguri baan dhisnee
Sareedo noogama horreyn loo siman yahay
Siyaad
Saacado noogama horreyn
Siyaad
Sidaan u qaadannay hanti wadaagga nolosha noo simay
Silic iyo saboolba waan sagootinnay
Tallaabadii Siyaad sokeeye iyo nacab
Siyaasad huftan buu dunida kula socdaa
Sareeda iyo guulbarwaaqo loo siman yahay
Sacaado noogama horreyn
Siyaad
Bookmark
Email this
Hits: 12452
Comments
(1)

...
written by maxamed cumarcali aawdheegle , March 28, 2014
written by maxamed cumarcali aawdheegle , March 28, 2014
aabe siyaad waxaa xusi doona muwaadin walba oo ku nool dunida guudkeeda aabe siyaad wuxuu ahaa nin dalkiisa iyo dadkiisa jecel waxaa bur buri yay dad xukun doon ahaa oo isu bedelay bilaa himilo dib uwaawan meeyno gumeeysi doonimeeyno gurguute raaci meyno inshaa alaah