You are here: Home Suugaan Ololoha Horumarinta Miyiga - Cali Cilmi Afyare
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Ololoha Horumarinta Miyiga - Cali Cilmi Afyare

E-mail
 By Cali Cilmi Afyare
 
Waar Soomaali duullaanka iyo dirirta ay heyso,
dunjigoodba qiirada gashiyo dooyada isdhaaftay,
duurkiyo miyiga loo kacee lagu dareeraayo,
danta loola jeediyo macnaha daallin baa garane,
dulucdiyo runtii waa jahliga inaynu duugnaaye,
dab munaafaq shiday baa la yidhi duul dhan buu gubaye,
dullaalbaa arlada meeraayiyo tuug la soo diraye,
adoo daacad wada bay si kale wax u duwayaane,
dacar iyo dhunkaal uga qadhaadh malabka Doocaane,
ducaqabaha iyo kii sanbaa looga digayaaye,
afkeennii la dilay wey-yada loo dikriyayaaye,
nimankii dusha cadaa waxay nagu duduucaanba,
dhaqankeenna doorka ah waxay hoos u dumiyaanba,
daayeerka gerigii Sanaag uga dul geeraaray,
oo hawdka goortuu ku diley dib uga sheekeeyey,
dalanbaabi iyo ciil wixi dacas na soo gaadhay,
doqontaa ilowdiyo nimaan damac ku noolayne,
dulliqabaha beentiyo fidmada kugu darrooraya,
dhabadhilif shisheeyahay la jiraa nooma duurxulo e,
dadnimadaada oo muuqatiyo duubigiyo xoogga,
dugaag iyo cadowgii ku neceb way derderayaane,
innagoo darteeniyo ogsoon waxaynu doonayno,
dalku waa u baahnaa fartee cidaha deeqsiiya,
durdur iyo rakaad waa inaad ugu dadaashaane,
deelqaafku waa ba'anyahaye daacad ugu sheega,
yaan xarafku dalab yeelannine diirka ugu qaada,
murtidii la duugaayey iyo dogobka nooleeya,
dildilaacsha maansooyinkaa dahab ku buuxaaye,
dararta iyo heesha macaan looxa ugu duuga
duuduub wixii kugu noqdaa kaama daadego e,
siyaasadda la doortiyo waddada doogga lagu gaadhay,
hantiwadaagga baaqiisa iyo dawladnimadeenna,
duqu haddalladuu sheegey iyo waxaynnu doonayno,
Ugu dara durrustaad dhigtaan garasho waa doore,
dacwadaasu waa macallimida midaan dareensiiyey,

Comments (9)add
md
written by mohamed , February 08, 2010
waxaan ahay wiil soomaaliyee oo ku dhashay dalka muzanpique ilaa iyo hadana kunool waxaa aad oo gufarxayaa aragtida sawirada jaale maxamed siyaad bare
waa soomaali bayuur
written by aadan xaashi mire , May 10, 2010
soomaaliya waxay ubaahantahay dad wadani ah oo wadaninimadoodo dhabtahay sidii alaha unaxariistee mudane maxamed siyaad bare iyo halyeeyadii ka horeeyey in taba soomaaliya alaha ku sooceliyo nabadgalyo waarta iyo tiir aandumin abikii aamiin aamiin ilaahoow iga aqbal sidaa iyo nabadgalyo
maxamd shire boss
written by msboss67@hotmail.com , August 07, 2010
waan ku soo dhawaynyaa wiilka suugaanta qoray waadna ku mahadsantahay 100% dhalin yarada waa inay kaagag day daan sidaa wanaagsan ee waad ugu shaqay naysid umada somalia oo aad ugu heelantahay uruuriska suuganta anaguna waaan kula shaqayn doonaa waa mahadsantahay
...
written by abwaan cabdikhayr , August 30, 2010
waa inaan dalkeenaa dhumiyo sharafta doonaaye
waa inaan cadaawaha dahsoon dibada keenaayo
waa inaan dulmiga nalagu wado dhiig ku dadab naaye
gobonimadii doorsoontayee yaa na dabandaabsha
...
written by saleban , September 12, 2010
gabaygan waxaa na loogu dhigay maadada suugaanta xiligii j siyaad ..
waayo waayo iyo xusuus ..........
AAN OO YEE ALBAAB KA EEXIRA
written by muna , February 21, 2011
asc walaal waad ku mahadsan tahay sida quruxda badan ee aad u soo diyaarisay
markii aan akhriyayay ama aan maqlay waxyaabaha aad soo ban dhigtay runtii waan ilmeeyay
waxaan soo xasuustay waayo waayo iyo qaranimo
maantana wadan shi sheeye ayaaan qaxooti ku ahay
ciilow way iiiiih oooh calool xumo waynaa
maxaan qaranimo macaan keed ku noolaa maxanse maanta calool xumo ku noolahay

...
written by cabdi , July 16, 2014
waa gabay cajiib ah
ganacsade
written by jaamac cali mr muwaadin , July 19, 2014
as/c ww
ninkii damiir lihi oo dhami wax waa fahmayaa wadanku siduu ahaa iyo maanta siduu yahay, haduu jiray qof wax uun tebi jirey waqtigii dawladii mantuu war hayaa sababta oo ah horumarka somaalidu gaadhay ayaa wuxuu noqday oo keliya in qofka muslimka ah layska dilo macni daro,qofkii qof af ku dhibateeya ayaa jeel geli jirey maantana kii shanta boqol ama kunka qof dilay ayaa suqisaa iska dhex maraya marka waxba isu sheegi mayno hadaan somaali nahay mana kala naqaano waxa xun iyo waxa wanaagsan e halkenaa aan tiih ku jiro inta nin kasta qiyaamihiisu kacayo ama besti iyo dayac haw dhinto ama halkayska dilo.
arday wax ka barta waddanka india
written by Warsame Abdi Said (weedhsame) , October 21, 2015
Eng weedhsame Abdirahmaan
waxaan u mahad celinyaa qoraaga qoray gabaygaan runtii waan qiiroodaa markaan arko ama aan aqriyo gabayadda waddaniyadda ku dheehantahy tusaale: gabaygaan waxan dhigtay anigoo ah dugsiga dhexe fasalka sideedaad 2008 runtii aad ayan u qiiiroon jiray markaan aqrinayo gabaygaan , waanna ka jeclaa gabayadda kale ee aan qaaddan jirnay waayo waa gabay itaabtay iina taabtay si aad iyo aad ah ; wax yaalaha aan lasii qiiroon jiray waxaa ka mid ahaa waxaan is odhan jiray hadii uusan jirin afsomali qoran oo waagaa aan la hirgaliyeen maxaad maanta gabayaddan wanaagsan ku aqrin lahayd
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search