Waxaa taagan qofkaan garan ma garto waxaa soo socda, xagga garashada Eebbe dadka kama simin, waxaa jira qof saadaalin kara mustaqabalka waxaa dhici doona, sida qaalibka ah gabyaagu wuxuu leeyahay Ilhaam ay wax ku odorosaan. Gabyaa lagu magacaabo Nuux Saciid Naxar (reer Xaafuun) oo ilaaliye ka ahaan jiray daarta Baarlamaankii hore ayaa horaantii 1990kii la yaabay carcarta mushkiladdii bilaawga ahayd ee nuxurkeedu ahaa: (qabiil ku bururka, kursi u qooqa, qarannimo diidka, qabyaalad jacaylka, xasadka, dhabar-ka-wareenka, is-naca, sohdimaha qabiilka iyo seero beeleedka). Gabyaa Nuux oo ka tiiraanyeysan belaayada soo higleh ayaa hanuunintii maalinta Talaadada loo qaban jiray shaqaalaha dowladda ka tiriyey gabay taariikhi ah, wuxuu ku maansooday:
Sabca iyo sabciin baan jiraa maalmo saa'ida'e
Suugaanta maansadana hantiyey sa iyo wowgeede,
Waxaaan saxay waxaaan saadiyey iyo waxaan samayn doono,
Aan sawiro bal maantana halkaan saanta dhiganayno,
Soddon sanaba qaran baan ahayn calan u saaraaye,
Saldanadiina adkaystaan lahaa yaan la saabiline,
Saracadaan lahaa labada webi dooxadaan sare’e,
Soomaali sidii aan la rabay diiday samahiiye,
Saluugtoo midnimadii nacdaye hoog ma wada saaqay,
Waa maxay sawaxaankiyo haddaba salawga yeeraaya?
Su'aashaa jawaabteeda sugan sidatan weeyaane,
Soddon qaad rasaastiis aan sinaba loo waayin,
Saqiir iyo toban jirkiinii sitaad nabad sugaysaane,
Safar la laayiyo naflahaan salashay laabtiisu,
Sanaadiiqda lacagta laga buuxiyee dibedda loo saaray,
Saqiir ooyi hooyada sawaxi oday gacamaha sayrin,
Sirqa baahan dhalinyaro sahwiday oo gaajo ay solatay,
Suuq ololay beesada sabayn aan qaar indhaha saarin,
Saraha dabaqa dheer Laanguruus nimanka saanyooday,
Safkayaga dhergaaya oon bulshada eegin siliceeda,
Seedaha sokeeyaha is jaray nabadda seerowday,
Sulfaha dhacay abaaraha sanqaray waxaakan sooyaamay,
Saddex Allifle Jannankii ka biqi yeyna soo maraye,
Sababaha dhibaatadan ku timid waa la soconaaye,
Soomaaliyey Kitaab beenah baa saan inoo galaye,
Saatirkeenna ma loo noqonayaa weyna saamixiye,
******
Sugaanta meeeshaan la rabay waa nigaa sugaye,
Siyaadkaa noo sareeyiyo intuu sahanku noo muuqdo,
Saxiixiisu intuu soconayaan siinad leenahaye,
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaada...
written by abdirashid ahmed , January 08, 2010
; dowlad laan, daqala laan, disma laan, dac, daawac, dimasha, dawa laan, dusuq, dowrsoon laan, daryeel laan, dimrin laan, dagaal joogta ah, dariiq goos,
written by hussein , January 15, 2010
Runtii waxaa aan ogahay in gabayga (the poetry) iyo suugaanta ama litratureku uu yahay hanti ilaah maskaxdayada ku manaystay, laakiin dhibaatooyinka na helay waxaa ka midda marku abwaan ama gabyaa dhacdo ka hadlo laguma sameeyo research ama baarimtaan, lagama dooddo, lamana geeyo jaamacadaha. Tusaale ahaan, gabayga saas uqiima badan, ilama aha in la dhex geeyay jaamacadii umada, si loogga dooddo oo ay oga hadlaan culimo iyo rag bartay sociologyga, waayo waa xog waran, tusaalooyin, taariikh, iyo saadaal mustaqbal. Ugu danbayn, bal soomaaliyeey hada aan "saatirkeen ma loo noqonayaa wayna saamixiye"
written by abdiqani ahmed hassan siciid naxar , March 02, 2010
Gabyaaga waa awoowahay. kolay somalida wixii wax tari lahaa way dileen wixii wax udhisi lahaa oo ay ka mid yihin wax garad aqoon yahan ganacsade dhakhtar iyo macalin, intaba may dhaafin oo ilaa iyo hadaa la dilayaa.. dadka kaliya oo maanta xikmadii ku hartay waa dadka fanka haya macnaha waa dadka gabya, marka nasiib xumo iyagana waxaa dishay dowlad la aantii iyo abaayo duruufo marka ilaah bay leeyihin soomalida..
naxar@hotmail.co.uk
salaama calaykum
written by xaafid , April 29, 2010
written by Dr mohamed abdalla isse (gaaladiid) , August 03, 2010
written by GOOBJOOGE , August 05, 2010
waa qayrul-caadi, Boqollaal Madaw iyo Cadaan ah, Shisheeye iyo Sokeeye ah, Culimo iyo Caama ah,
Indheergarad iyo Professero ah, Maalintii Talaadada ahayd, 1991, ee loo fadhiyey Hanuunintii
Shaqaalaha, Balaayada Maanta 2o jirsatayna loo sacaba tumayey, Xaqiiqatan dakaasi waxba kama aysan karin walow xataa aan aniga ku jiro.
NUUX SACIID NAXAR, Ma ahayn nin caadi ah, balse waxaan xaqiiqo ah Suugaanyahanno badan iyo
rag kale oo gabayaa ah oo caan ah, aniga maanta waxaan siiyey dARJADA kOOWAAD ee Xakiimnida
Waxaan xasuustay Rag Shaaciriin ahaa ama suugaanyahan ahaa ama Culumaaudiin ahaa ee qarinigi
18aad iyo bilowgi qarnigi 19aad , noolaa oo shicirradoodi ay ka hadleen , la arkay waxa
qarnigan 21aad la taaganyahay. Waa yaab iyo yaabkiis, Gabayaagan soomaaliga ah ee reer XAAFUUN,
waxaa uu la darajo yahay culimadaas suugaanyahaka ah ee aan soo xusay.
Allow kuu naxariiso, Afkaada Caana lagu qabay hadaan nooshahay sida rag kale oo webkan wax ka soo
qoray ay sheegeen, hadaad dhimatayna Allow kuu danbi dhaaf oo Jannadi ku gee, AAMIIN, AAMIIN.
waxaan halkaan ka salaamaya dhammaan qoyska iyo ehelada, NUUX SACIID NAXAR, Waxaan Salaamayaa
Wiilka uu Awoowaha u yahay ee ABDI-QANI AXMED XASAN SACIID, NAXAR.
Sidoo kale waxan salaamayaa Akhyaarti webkan soo galisay gABAYGAN aragtida dheer leh,
waxaan leeyahay Inshaallah Jaamacadaha ayaa lagu baran doonaa, Macsalaama.
written by jaalle , September 05, 2011
written by Burhaan , July 14, 2012






gabaygaan,dabadeedna uu ku soo gooyey. "soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaado" Waxay ila tahay calaamadihii burburka yuu arkey,wuxuuna ku ogadey iney sidaa noqoneyso xigmad iyo indheergaradnimo alle ku manaeystey. Alle ha u naxariisto Nuux Siciid Naxar haduu noolyahay ama naga hooseeyo.