Dable Cali Cabdi Magan wuxuu aha gabyaa kacaan. Gabayadiisu waxay ka soo hor jeedeen dibusocodka iyo gumeysiga cusub. Isagu gabaygaan wuxuu ku taageeraya xaqa, caddaaladda, sinnaanta, wuxuu ku cambaaraynayaa gabaygiisa dhiigmiiratada, hantigoosadka iyo dhabadhilifka gumeysiga, afmiishaarka iyo cadawgii Kacaanka oo dhashay 21kii Oktoobar 1969, ee ay horseedayeen Gudoonshaha Golaha Sare ee Kacaankii, Jaale Siyaad iyo Kaaliyayaahiisi ku jiray Guddiga Golaha Sare ee Kacaanka iyo waxgaradkii Ummadda Soomaaliyeed, shaqaalahihii, ciidamadii salabka siday, beeraleeydii iyo xoolo dhaqatadii Soomaaliyeed!
Tixahan gabayga ahi, waxay ku saabsan yihiin KAcaankii Oktoobar oo baaqa dheeraa. Dable Cali Cabdi Magan wuxuu gabay ku yiri:
Kacaankii inoo dhashoon dhiigba lagu daadin
adduunyadu dhammaanteed qirto dhaxalgal weeyaane
Dhulkiyo cirka wada ogsoon dhayrki uu dhalaye
Murtidii Siyaad noo dhigiyo dhaxallay guushiiye
Dhalanteed ninkii moodayow waa dhab tawradduye
Fikrad dheer inay leedahaan dhaar ku marayaaye!
Anaa idin ka dhaadhicinayee dhego u soo jeesha
Waa shaqaalaha intaa dhimanayee dhididka maalaaya
Waa kuwa iskoollada dhigtee dhabarku boogoobey
Waa ciidammada dhaarsanee gama' ka dheeraaday!
Waa kuwa jabsada dhagaxa ee muruqa dhuuxaaya!
Waa ciidda kuwa kala dhambala dheellidiyo beerta
Waa kuwa kalluunkiyo ku dhaqan badaha dhoofkooda!
Dhinac kale haddaan fiirnnoon dhaqanka faallaynno
Gabadhihii ku dhiman jirey haddaan dhoollo ka caddeeyo
Saddexdii dhudood boqorka ay dhab ugu laafyooto!
Dhaaclihii la qaadan jiriyo khaylidiyo dhuugga!
Kabo wada dhalaaliyo dhawr go' oo quruxsan
Kuushii hiddaha laga dhaxloon laabta ko u dhaafin
Masar siiga dhawroo timaha lagu dhaqaaleeyo
Dhoorkii la heeraari jirey dhawr saniyo saa'id
Dhalo subag ahoo gooniya dhaashigii subagga!
Dharkaasay kurtood xiran jireen dhaqanka weeyaane
Dhanna umay seexan jirin duhur dharaareede!
Dhagta waaga bay kici jireen dhaxan arooryaade!
Qabo aad u dheer iyo argeeg dhiilo laga suubsho
Dhulkay maar ka soo guran jireen mayrac dhacadiidda!
Dhalasaarka dheegfuulka iyo weerka dhinac yaalla
Dhigdhaxada dhagaagtiga biraha dhiisha iyo looxa!
Dhuure iyo fandhaal dheriga xeelo dhacadiidda!
Gogol saxarki laga dhawray iyo tolane dhiidhiiya
Raro dhawr sambala bay markaas dhab u sameeyaane
Haddiise guur dhadhamo kaa gashood hadal u soo dhiibto
Jidka kuguma dhaafaan inay kugu dhawaaqaane!
Dhawr sano adoon raadinoon dhiiggu kugu joogsan
Dhayal uma heli jirin kinkii dhudi jeclaadaaye!
Haddiise meher kuugu dhaco oo calafku kuu dhiibo
Iyadoon ninnaba dhawriniyo booyiso u dhaamin
Iyadoo adduunyada dhaqdoon dhididka diideynin!
Iyaddoon masruuf kugu dhibeyn beeso ay dhigato
Iyadoo dhashii nuujisoo dhabarka saaraysa!
Ayay dhawrsanaan dumar lahayd sarafay dhawrtaane!
Kuma dhumay haddaan fiirnnana dhimasho weeyaane
Dhoobay lugaha kula jiraan dhaqan shisheeyaade!
Toob saracda dhaafsiisanoo dhuunta kala jeexan
Kabo taako dheerliyo ciddiyo dhiig la soo mariyey!
Dhiirdhiiskaa socodka iyo baarka laga dheelo
Boorso dhinaca lagu qaato iyo suuq la dhalandhoolo
Madax dhalada loo fiiqay iyo naaska dhinac qaawan!
Diintuba waxay dhaaftay bay dhinaca haystaane
Dhinac kale haddaan fiirinnoon nimanka dhayruufno
Kuwii dhaqanka hayn jirey haddaan dhuuxa ka caddaynno
Shaley faraqyo dheer iyo maryaha quruxda loo dhiibey!
Billaawaha dhankaa midig ku xiran waran dhalaalaaya
Gaashaan jilbabaha loo dhigiyo geesinnimo dhaarsan
Awr dhebile nirig dhalatay iyo dhoobir lagu raaco
Dhakal caano lagu kaydiyey dhab u yaqaanniine!
OO way ku dhaadani jireen dhaqanka weeyaane!
Kuwa dhumay haddaan fiirinnana dhimasho weeyaane!
Dhabbihii ibleyskey hayaan dhaqanki gaalaade!
Dhalanteedka iyo beenta bay dhab u maleeyaane!
Dhilladiyo khamaarkay intaa dhabar wareegaane!
Dhalo aalkoliyo biirahay dheef ka deyayaane!
Khididkoodi iyo xooggey dhab u halleeyeene!
Dhabbaha iyo dariiqay sidii dhiriq u yaallaane!
Afartaa dhammeeyaye waxaan hadal ku soo dhaabay
Dhanna hawga bayrina waddada dhaqanka loo yeelay
Dharka saad u qaadani jirteen haysta dhalankiina!
Iska dhawra diintuu qarbigu nagu dhex beeraayo
Ku dhintaay! hidduhu waa sharciga dhaxalgakiisiiye





