By Jaalle Cabdi Muxumed
Illoobimayso taariikhdu,
Ayaantii afkeennu,
ee uu ahaaday kii arlada lahaa
Illoobimaynno taariikhda,
Ayaaantaa ubadkeennu,
ee uu ahaaday kii af qoran lahaa,
Illoobimaynno taariikhda,
Ayaantii aan itaalka,
ee aynnu eriny eray nin kale lahaa.
Ayaantii Oktoobar ilayskii
kii jahliga eryadey
Illoobimaynno taariikhda,
uu addoonsiga ka baxay,
illoobimayso taariikhdu,
uu addoonsiga ka baxay,
illoobimayso taariikhdu,
awooddayada ogaanney,
Illoobimayso taariikhdu,
ka baxayey uu noo ahaaday
Bookmark
Email this
Hits: 10392
Comments
(2)

...
written by cabdulqaadir sheekh ismaaciil , November 28, 2009
written by cabdulqaadir sheekh ismaaciil , November 28, 2009
waxaan idiinku mahadineynaa haddaan ummadda soomaaliyeed nahay aruurinta suugaanta ummadda iyo taariikhdeeda.
...
written by abdikaadir mohamed abdulle , December 22, 2010
written by abdikaadir mohamed abdulle , December 22, 2010
soomaalia soomaali baa leh allow dalkayaga nawad iyo nimco aan bi,in ka yeel allow dadkayaga burcad isugumari bekooda allow uwadkayaga jahliga iyo ilxumada ka qaad allow hooyooyin kayaga raxmad ugu deeq allow abayooyin kayaga raxmad ugu deeq allow jahliga aqoon inooogu badal allow umadayada ayadoo dalkeena wada joogno iyo barwaaqo inooqo deeq } dhamaan waan idin wada salaamay umada somaaliyeed meel walba ay jogto gar ahaan somalida ku howlan uruurinta tariqda dalkeena iyo jiridiisi hore iyo tan hadawa waxaan idin wada lee yahay aniga oo ah abdikaadir mohamed abdulle samaan iyo naxariista eebe ha waayina amiin