Heestan oo ka mid ah heesaha loogu dabbaaldego iidda Oktoobar waxay la curatay kacaankii bishii Oktoobar 1969kii.
Heestu waxay tilmaamaysaa sida Ummadda Soomaaliyeed ay ugu riyaaqday dhalashadii kacaanka. Waxay kale oo tilmaamaysa himilooyinka Ummadda oo ah in laga madax bannaando qabiilo, cadaalad darri, musuq-maasuq iyo wixii la mid ah. Heestaa waxa curiyey abwaanka Cali Sugulle oo ku dhashay Oodweyne. Cali wuxuu ka mid aha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha
Oktoobar waa daruur hillaacday oo Soomaali u
da'dee ay ku dooqsadeene, Oktoobar.
dalkii baa iftiimay, Oktoobar
dadkii baa u riyaaqay, Oktobaar
dulli baynu tuurray, Oktoobar,
qabiil baynnu duuqnay, Oktoobar,
xooggi baa dadaaloo, xukunkii dalka haystee,
dadkiina waa ku raacee, hambalyo diiran hooya.
dantu wada jir weeye, daryeel aynnu gaadhno.
Oktoobar, Oktoobar,
Oktoobar waa daruur hillaacday oo Soomaali
u'dadoo ay ku doogsadeene, Oktoobar
Waagii baa dillaacay, Oktoobar
dabkii baa la qaaday, Oktoobar,
Xaqii baa la doonay Oktoobar
Xooggii baa dadaaloo, xukunkii dalka haystee
Dadkiina waa ku raacee, hamalyo diiran hooya
Dantu wadajir weeye, daryeel aynnu gaadhno.
