You are here: Home Suugaan Hantidaan wadaagno - Cali Xuseen Xirsi (Makaadshe)
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Hantidaan wadaagno - Cali Xuseen Xirsi (Makaadshe)

E-mail

Gabyaaga caanka aha, Cali Xuseen wuxuu tiriyey "Hantidaan Wadaagno" 8-da Jannaaayo 1974.

Wuxuu yiri:


Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiinno
Oo aad hirgalisaan mabda'a lagu hayaamaayo
In horumar laga gaarayaa bubanti weeyaane
Habarhabarta waagay ahayd habti la illaaaway
Haleelada irmaan iyo ninkii laga horweyn qaado
Wow hiillinayseen intaad hub u gurataane
Maxaa loo hagranayaa dhulkaa hugun u baahnaaye
Hayeeshe, waxaa jira mid aad shalay halmaanteene
Gacmaha hoorso gaalkii dantiinna u halleynaaya
Hidinmaayo caawimo ninkii shalay ku heesaayay
Wax ma heli karaan buu isyiri ku hawalkiisiye
Miyaan ficili idin hayn nin raga xumaanto hiinfaarye
Sida haan tigtigan oo furkiyo hilayga loo giijey
Calooshii higaagane dulmigu huurshay gudaheeda
Qabiilnimo afkii ka hirgashay oo uurka ka hugmaysa
Mid hangoolla dheer sidata oo heello tirinaysa
Yaa haatan lagu maamula hoobay shicibkiiye
Rag halyeey la mooday oo Goluhu hawl u kala dhiibay
Oo inay hoggaanshaan khalqiga lagu halleeynaayey
Oo dhaar hagaabaha ku maray inaan hanuunaayo
Oo hoosta ka xun aad dushana hanaddo moodayso
Oo harag shabeello huwan baa qodaya haadaane
Ninkii hilibka saa'ida bartaa waa u hamuumaaye
Waxay hibanayaan waa musuqa halabihiisiiye
Hadurkii u shuba been dadkoo heelka wada buuxa
Nin hagaagsan moodeen dantana ka highigoonaaya
Hagoog laba wejilaha cadowga u hadaafaya
Wakhti ay halecshaba nabsigu wuu haraatiyiye.

Comments (0)add
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search