Heestan waxaa curiyey Ciise Maxamuud Faarax oo ku dhashay magaalada Laasqoray sanadkii 1947kii. Abwaanku wuxuu heesta inoogu macnaynayaa waxa uu guulwaduhu dadka iyo dalka u galo. Waxay heestu inoo caddaynaysaa inuu guulwaduhu yaha ama lagu tilmaami karo qof allaale iyo qofkii xooggiisa iyo hantidiisa si hagar li'i ah ugu hura, xil gaar ahna iska saara danaha kacaankiisa iyo ummaddiisa.
Wuxuu kale ee is-hortaagaa sokeeye iyo shisheeye wixii dalka iyo dadka kula kaca hagardaamo.
Suaale Dadweyne:
Adigoo garmaamo gabbal dhaciyo waa goonyaha magaalada
Hadba gaaf wareega, gaaddada ku gaartay il-guduudan
Guulwadow sheeg? Maxaad gashaa, guulwadow sheeg?
Aragnee. Hadda Sheeg, bal noo sheeg, maxaad guddaa,
Jawaab Guulwade:
Kii gaabinaayee, u gargaara cadowgee,
Gacan siiya nacabkee, guulaha kacaankiyo,
Garab mara wanaagaaan, godka biyo u gelinnaa,
Goondaha gammuuniyo, rasaas aan ku goynaa.
Garwaaqsi:
Garasho waa kaskii wacan galladi waa agjoogee,
Gudbiyoo hawsha wad, kula garannee hawsha wad,
Guulwadow hawsha wad!
Su'aal Dadweyne:
Adigoo garmaamo gabbal dhaciyo waa goonyaha magaalada
Hadba gaaf wareega, gaaddada ku gaartey il-guduudan,
Aragnee, hadda sheeg, bal noo sheeg, maxaad guddaa,
Guulwadow sheeg? Maxaad gashaa, Guulwadow sheeg?
Jawaab Guulwade:
Kii gowracaayee u guntada gaadmo
Gaasiraaya gobannimo, garsoorka dalkiisa
Caasiyee gardiidaan godka biyo u gelinnaa
Gondaha gammuuniyo rasaas aan ku goynaa.
Garwaaqsi:
Garasho waa kaskii wacan galladi waa garab agjoogee
Gudbiyoo hawsha wad, kula garanee hawsha wad,
Guulwadow hawsha wad.
written by wadaniyada qarniga , November 24, 2011
maanta oo dhan waxaan raadinaye heestii ahed "gulwadow sidaadow"laakiin waanba waayahay si kastaba hadii aan u baaray oo waxaan arkaa talyaani qadayo oo klaiya marka heestaa masoomaali baa leh mise talyaani waan kala garan la,ahay oo in uu qaado dhib malahan laakin waa in aan helnaa heestaa oo uu ku luqeynayo qofsomali ah si aan erayada wax u gufahan no
mida kale aniga kuma aan soo gaarin kol kii laqaadaye heestaa oo waxaan rabaa arday walbo school kiisa hees ayuu heystaa oo wadanka iyo guusha ku saabsan marka hadii aan aniga aqoonin jiilka da,deyda ah ama kuwa iga danbeyn doono sidey u ogaanayaan in uu waqti wadanka hormar ahaa uu jiray pleas inoo sheega heestaa aan baranee ileeh danbi ma ahan wax labarto oo hees ahna iyadaa ugu fiican inta kale waa song bad







waxaan filayaah somali waa heystaa jawaabta markeey rideen jaale siyaad in sheydaan iyagaah iskuu direey
mana lahelayo waax lamidaah oo soomli kadhsheey jaale siyaad HANOLAAAADO ilaahna haa uu naxariisto AMIIN