Xaawo Jibriil waxay Bishii Maajo 1971kii gabay ay ku tirisay sida dawladihii hore ee Kacaanka 21ka Oktobaar horreeyey ay wax ku maamuli jireen iyo sida isbaddel ku dhacay, sidii yaabka iyo isxilqaanka lahayd oo ay Dawladda Kacaanka ahi ugu hortagtay Cudurkii Daacuunka ahaa ee foosha xumaa. Waxy tiri:
Sir dadkii an qabin yaa biyaha saab u celiyaaye
Samir lagama rooniyo wixii suga Ilaahaye
Saamigiisu waa fiican yahay sikhina weeyaane
Sarta guduudan nimankii fadhiyey nuguma sii deyne
Waxaa lagu salladay ciidankii saanka (saanadda) hayn jiraye
Subixii Oktoobare hadduusan salalin Xooggeennu
Asuusan salabki soo qaadanoo sawdki naga baajin
Soomaaliya waxay noqon lahayd maanta saharaa e (lama degaan)
Sacabbada Allaa noo goglaye sigannay waagiiye
Sujuud baana nugu waajibtiyo xoolo sadaqa ahe
Annagoo samirnay oo daalley oo socon aqoon weyney
OO aan seexan karin oo hurdada qarow ku so jeedna
Saxansaxo udgoon oo qalbiga saaqday lugu toosye
Siraadkii Adduunka iyo mahdigan sugeyney weeyaane
Wax dhan baan saraadnaye Ilaah saymo noo di'iye
Sahankood waan mahadinnay iyo samafalkoodiiye
Tanna qofkii saluugaa baluu saadsanahayaaye
Samayskiyo sharciga loo sinmiyo nabadda loo seexday
Dhulka saxarka laga dhawray iyo siiqadiyo boorka
Sanaca beeraha iyo badarkayaga suuq walba yaalla
Markii sulufku dhacay daawadii cudurradii saartay
Qabiilkii nakala socay oo haatan naga suurey
Laaluushka laga soomay oo sanaq la siin waayey
Saraqii wax xada oo gacmaha la isu saaraayo
Sawirkii wax dila oo barqadii suuqa lugu toogto
Subxiyo habeenkii ardada subaca qaadaysa
Si walbaba u eegoo nebcada Eebe inay siiyey
Sansaan dowladnimo leedihiyo horukac waa saase
Suldaan haddii ad maqashaan dad ways kala sarreeyaaye
Waxa sabarka weyneeyey waa sooryo aabiyehe
Haddii aan sawowney oo kurteen wada sinnaanayno
Sufihi waalan iyo saaqid iyo kii saldana haysta
Suuqaa la wada joogi jirey saacad iyo leyle
Qof qaliba sadkuu cunday hadduu dhidid u sayraayo
Sarrika lacagta dahab baa hortii layska siin jiraye
Iyadoo siddeda ah haddaan dibadda loo saarin
Sannahaabadoodii qarbigu nagu sumeynaayey
Hadduu ina Siyaad yiri ma rabo inaand na siisaane
Sansaan dawladnimo leedihiyo horukac waa saase
Waxbase yaanan soolka iyo cidlada sawdka qabadsiine
Waxa inay sugaayaana waa Sohaliismada e
Haddii aynnu saanraaco waa hilin salaama ahe





