You are here: Home Suugaan Gabay Amaan - Cabdulqaadir Xirsi Yamyam
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Jaalle Siyaad Book
 

Gabay Amaan - Cabdulqaadir Xirsi Yamyam

E-mail

Indhoweyd ga'dii ka tegey gocashadeediiye

Ma googoynnin maansooyinkii igu gulaalnaaye

Garaadkayga sheekada haddaan gelin ka faalloodo

Gebi maaxday iyo xareed galacle weeyaane

Guuxaygu waa sida libaax kaynta soo galayee

Waa fiinta galabtii cidiyo galawga fiidkiiye

Waxaan uga golleeyahay haddaan idin garwaaqsiine

Xiisahayga gaarka ah haddaan soo gudbiyo caawa

Gu'yaal badan ninkii soo jiree guudka ka cirraystay

Iyo kii garaad lihiba way garan karaayaane

Bal guddooma faallada halkaan uga gol jeexaayo

Guurti talisa, Golaheenna Sare, odayo loo guuxay

Guddidii Af Soomaaligiyo geeshka iyo xoogga

Gobal taliye agaasiimaha guud hawl intii gudata

Dadka ganacsadiyo beeraley nimanka gaadiidka

Dugsiyada kuwaa noo galiyo ubaxa gaagaaban

Oo inay gadaa noo tashaan dhaxalku gaarsiiyo

Gugumaha abeesada gudiyo mici lamaareyda

Iyagoon halaq gooya iyo gocondho eegeynnin

Abaar guun ah meel geed la'iyo gubato qiiqaysa

Giyi ebera jiila! gurracan oo gaaja iyo oon le

Ayagoo an sahay gaarta iyo guuyo badan haysan

Iyagoon gargaar qolo ka rabin garab inay siiyso

Iyagoon gashiga qaadanayn oo gunnimo diiddan

Gobannimada iyagoo harsaday calanka guudkooda

Waxay goobayaanoo hurdada gama'a loo diiday

Inay libin ka gaaraan dhulkii gaaxsanaan jiraye

Allahayow ku guulee hadday gacanta qaadeene.

Comments (4)add
Kis
written by Yusuf abdi , August 15, 2011
Allaha u naxaristo gabayaaga, takale sxboyal gabayadiisa wan ku maqsuuday
Fikrad
written by Zakariye sh cabdi xasan warsame surcad , November 28, 2011
Marka hore salan dhamaan eheladi iyo qaraabada uu ka baxay abwanku. Marka xigta darenkeyga aad ayan oladhacay markan aqristay gabaygan xakmada badan.
talo
written by saciid maxame xirsi , January 01, 2012
mashaa allah c/qaadir xirsi yamyam allah ha u naxariisto waa abwaanka kali ah ee aniga sugaantiisa aan aqristo soona jiidan kara dhamaan dareenka ruux wax garanaaya.waxaa talo iga ah in suugaantiisa aad loo fududeeyo waxaa jira damcan sugaantiisa kuwa ugu nuxurka badan ma anan ku arag halkaan sida gabaygii uuka tiriyay shirkii soodare iyo uniteeed nation uu u tiriyay
AUN
written by TaleexDistrict , January 25, 2012
Allah Ya Arxama, Alloow Naxariis Dheeraad Ah Yamyam Sii, Been Allah Xaratimeeye Anigoo Gabayada Somaliyeed Aan Saas U Xiiseyn Oo Isweydiinaya Toloow Maxay Nimankii Reer Galbeed Magaca Beenta Ah Ee Nation Of Poets Noo Siiyeen Baan Sayidka, Timocade Iyo Ismail Mire Gabayadoodi Oo Qoraal Ah Bilaabay In Akhristo, Aad Baan Uga Helay Oo Waxaan Bilaabaay Inaan Dhamaan Ragii Wada Gabyi Jirey Gabayadoodi Wada Akhristo Ama Dhagaysto. Dhowaan Bay Aheyd Inaan YouTube-ka Yamyam Gabayadiisi Ku Arkay Sidii Baan Yamyam Ku Jeclaadey Oo Ilaa Maanta Uu Yahay Gabyaaga Aan Somali Ugu Jeclahay, Markasta Aan Dhagaysto Yamyam Waxaan Xasuusta Geeridiisi Naxdinta Laheyd Oo Aan Isweydiiya Allah Toloow Muxuu Allah Nooga Qaaday Geesigan Xiligan... Alloow Yamyam U Naxariiso
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Buug Cusub / New Book