You are here: Home Suugaan Gabay Amaan - Cabdulqaadir Xirsi Yamyam
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Gabay Amaan - Cabdulqaadir Xirsi Yamyam

E-mail

Indhoweyd ga'dii ka tegey gocashadeediiye

Ma googoynnin maansooyinkii igu gulaalnaaye

Garaadkayga sheekada haddaan gelin ka faalloodo

Gebi maaxday iyo xareed galacle weeyaane

Guuxaygu waa sida libaax kaynta soo galayee

Waa fiinta galabtii cidiyo galawga fiidkiiye

Waxaan uga golleeyahay haddaan idin garwaaqsiine

Xiisahayga gaarka ah haddaan soo gudbiyo caawa

Gu'yaal badan ninkii soo jiree guudka ka cirraystay

Iyo kii garaad lihiba way garan karaayaane

Bal guddooma faallada halkaan uga gol jeexaayo

Guurti talisa, Golaheenna Sare, odayo loo guuxay

Guddidii Af Soomaaligiyo geeshka iyo xoogga

Gobal taliye agaasiimaha guud hawl intii gudata

Dadka ganacsadiyo beeraley nimanka gaadiidka

Dugsiyada kuwaa noo galiyo ubaxa gaagaaban

Oo inay gadaa noo tashaan dhaxalku gaarsiiyo

Gugumaha abeesada gudiyo mici lamaareyda

Iyagoon halaq gooya iyo gocondho eegeynnin

Abaar guun ah meel geed la'iyo gubato qiiqaysa

Giyi ebera jiila! gurracan oo gaaja iyo oon le

Ayagoo an sahay gaarta iyo guuyo badan haysan

Iyagoon gargaar qolo ka rabin garab inay siiyso

Iyagoon gashiga qaadanayn oo gunnimo diiddan

Gobannimada iyagoo harsaday calanka guudkooda

Waxay goobayaanoo hurdada gama'a loo diiday

Inay libin ka gaaraan dhulkii gaaxsanaan jiraye

Allahayow ku guulee hadday gacanta qaadeene.

Comments (27)add
Kis
written by Yusuf abdi , August 15, 2011
Allaha u naxaristo gabayaaga, takale sxboyal gabayadiisa wan ku maqsuuday
Fikrad
written by Zakariye sh cabdi xasan warsame surcad , November 28, 2011
Marka hore salan dhamaan eheladi iyo qaraabada uu ka baxay abwanku. Marka xigta darenkeyga aad ayan oladhacay markan aqristay gabaygan xakmada badan.
talo
written by saciid maxame xirsi , January 01, 2012
mashaa allah c/qaadir xirsi yamyam allah ha u naxariisto waa abwaanka kali ah ee aniga sugaantiisa aan aqristo soona jiidan kara dhamaan dareenka ruux wax garanaaya.waxaa talo iga ah in suugaantiisa aad loo fududeeyo waxaa jira damcan sugaantiisa kuwa ugu nuxurka badan ma anan ku arag halkaan sida gabaygii uuka tiriyay shirkii soodare iyo uniteeed nation uu u tiriyay
AUN
written by TaleexDistrict , January 25, 2012
Allah Ya Arxama, Alloow Naxariis Dheeraad Ah Yamyam Sii, Been Allah Xaratimeeye Anigoo Gabayada Somaliyeed Aan Saas U Xiiseyn Oo Isweydiinaya Toloow Maxay Nimankii Reer Galbeed Magaca Beenta Ah Ee Nation Of Poets Noo Siiyeen Baan Sayidka, Timocade Iyo Ismail Mire Gabayadoodi Oo Qoraal Ah Bilaabay In Akhristo, Aad Baan Uga Helay Oo Waxaan Bilaabaay Inaan Dhamaan Ragii Wada Gabyi Jirey Gabayadoodi Wada Akhristo Ama Dhagaysto. Dhowaan Bay Aheyd Inaan YouTube-ka Yamyam Gabayadiisi Ku Arkay Sidii Baan Yamyam Ku Jeclaadey Oo Ilaa Maanta Uu Yahay Gabyaaga Aan Somali Ugu Jeclahay, Markasta Aan Dhagaysto Yamyam Waxaan Xasuusta Geeridiisi Naxdinta Laheyd Oo Aan Isweydiiya Allah Toloow Muxuu Allah Nooga Qaaday Geesigan Xiligan... Alloow Yamyam U Naxariiso
jibro_aro@hotmail.com
written by jibriil maxamed ciise muuse , February 14, 2012
asc aad ayaan u naxay balse geeridu waa xaq ilaahow na sii halyeeygaa ad qaadatay mid la mida abwaanku waxa uu ahaa abwaan meel dheer wax ka arkaaya abwaan jecel dadkisa iyo dadkiisa waa abwaan aan jeclaaday walaalayal alle ha unaxariisto u duceeya markasta

Aarka
written by By abdirahman daahir , November 28, 2012
Allaah u naxaristo abwaan c/qadir xirsi siyaad yamyam wuxuu ahaan abwaan somaliyeed wuxuu ahaa nin indheer garad ah oo meel foga waxa ka arka marka waxaan dhihi lahaa dhamaan sugaantiisa ah la aruuriyo.................. Thanks
Warcelin Afar Sano iyo Bar ka Dib
written by Cabdiraxmaan Diini , April 11, 2013
ACW
Raga taariikhda lama ilaawaanka ah bogaan soo geliyay way mahadsanyihiin. Wixii wanaagsan qof walba oo caqli leh wuu garan karaa.

Yamyam 50kan sano cid la mid ah oo suugaanyahan ah ma jirin. Wuxuu soo baxay AUN 1973 isagoo 25-27 jir ah tartan gabay ku guulaystay Hargeysa, ka dib Xamar u wareegay kama uusan tagin Muqdisho wixii colaad iyo nacabay ka dhacayay ilaa 2003 oo Nairobi ugu tagay inuu caruurta bal meel nolosha u sahlan geeyo. Soo noqosho dhow ayuu damacsanaa laakiin Malag ayaan meel kugu simayn hadaadan Nabi ahayn.

Yamyam AUN bog taaariikhdiisa oo kooban ayaa ah http://so.wikipedia.org/wiki/C...aad_Yamyam

Abwaanada Soomaaliyeed waxay noo ahaayeen taariikhyahano, cirbixiyeeno, naaquudayaal, falsafadyaqaano, sahmiyeyaal, aabayaal xogta laga dheehdo lacala qoyska aan lahayn aabe saa u sii garaad badan, abaanduleyaal cadowga runta ah noo sheego.

Cirbixiyeen iwm markaan leeyahay waxaan ula jeedaa kalmadaha ay ku hadlayaan ama gabaygada ku arkayso waa wax kaa yaabinayo-aqoon rasmi ah ayay u leeyihiin badaha, cirka, dhulalka fog fog dad iyo dhaqan iwm.

Waa tii horey loo yiri "Duqaydii dhamaatee tolow yaa dirirka noo eegi doona." Dirir waa xidigaha lagala socda roobka, hawada, jahada, jabaqda duulaanka iwm. Inta abwaan ee uu taxay TaleexDistrict iyo waliba 15 kale ayaa nagu haboonayda inaan hal buug ku uririno taariikhdooda.

Hadraawi, Idaajaa iyo Sangub ayaa abwaan magac leh ka nool maanta. Yamyam wiilkiisa Raage isna waa uu soo baxay jecelyahayna gabayada iyo suugaanta. Waa saldano aabihii uga tagay AUN.

Ilaa 20 Gabayaa ama abwaan oo waxaa jira halis ah. Cidii ururin karta oo aan eex aqoon Alle ayaa u sahli. Gabayga ama suugaantana aan muusiga lahayn dambi maaha.

Mahadsanid Jaallesiyaad.com
Ruuncadami@hotmail.com
written by Maryan bashiir , April 11, 2013
Markaan iskuulka dhigan jiray gabayada yamyam ayaan u jeclaa alloow kuu naxariiso
Dariiqa janada
written by Mohamoud xuluu , August 16, 2013
Maaaansha allaah illaahoow janadii kaa waraabi abwaan yam yam muftaax caalim ah buu ahaa
Gedo
written by Max,ed cumar max,ud , October 22, 2013
Allaha u naxisto c/qadir xirsi yam yam wa aabaha suugaanta wuxuna ka tagay gabayo dhaxal gal ah
Aj
written by Mr.yamyamle , December 09, 2013
Mashaa alaah
habashi
written by boqor , May 26, 2015
masha allah walee waa gabay casjiib ah sxbyaalow

...
written by deka , May 26, 2015
alle haw naxariisto abwaanka

Mahad celin iyo Duco
written by Abdikadir daahir , August 04, 2015
Allaah naxariisto Abwaankii C/qaadir Xirsi Yam-Yam, Naxariistii Janno ha ka waraabiyo, Annaga DAbadii Allaah Hanaga yeelin kuwa Fidmooba.
Waxaan mahad gaar ah u Naqayaa llaah suurta geliyey inaan ka dhiibto Fakarkayga Gabaygan ilana kodliyey.
Journalist
written by Abdi Nur Ade , August 28, 2015
Aad ban ugu riyaaqay run ahaantii
waadna ku mahad santihin.
Qoraa
written by Bashe Abdi Harun , May 14, 2016
Asc, amaan iyo mahad idilkeed ALLAA leh
kasokow asxaabta Ku dhiiratay in ay sidan qurxoon u keydiyaan suugaanteena ayaa mahadsan marka xiga waan u duceynayaa afmaalkii weynaa Mr. Yamyam qabrigiisa ALLE ha waasiciyo eray bixinta uu u isticmaalay iyo godadka uu ka gabyo aad baan u jeclahay naxariis janno ALLOW sii
duco
written by Kamaal C/raxmaan Aadan , August 05, 2016
asc runtii abwaan C/qaadir Xirsi Yam-Yam horteena Allah ha cafiyo gadaashiisane Alle nama fidneeyo wax yaabo badan oo aan lasoo koobi karin ayuu ku suugaanta ku cabirey naxariis iyo jano sare ayaan ugu duceynayaa abwaanka

janaale
written by Deeq hussein Rooble , August 13, 2016
Allaha ha u naxaristo abwaanka somaaliyeed wa maktabad gubatay hdi qof cilmi bdan le dhinto wxan leyahay allow u naxariiso dhamaan abwaaninta somaloyeed
aaran
written by Abwn shirdoon , January 19, 2017
written by By Abwn Shirdoon janyo 19, 2017Allaah u naxaristo abwaan c/qadir xirsi siyaad yamyam wuxuu ahaan abwaan somaliyeed wuxuu ahaa nin indheer garadah oo meel foga waxa ka arka marka waxaan dhihi lahaa dhamaan sugaantiisa ah la aruuriyo.................. Thaks
Salaan
written by Ugaas Cabdi cawaale , January 26, 2017
Waxaan salaamayaa ehelada abwaamada soomaaliyed iyo jeneraal siyaad
sumad
written by muudey yare , September 25, 2017
Allhu akbar alla weyn allow unxariiso abwankeena somaliyeed abwàn c/qaadir xirsi yam yam allow u fur albaabada janada ameen ameen
Janaale
written by Nuradiin kulle , January 18, 2018
Alla weyn ha u naxriisto Abwaanka wuxuu ahaa Abwaan c/qadir xirsi yam yam
Janada sare ayaan ugu duceynaya abwaanka..
Abwan nuur hirsi
written by Nuur maxamed hirsi , March 09, 2018
Masha allah

...
written by Cabdulcaziz Muxammad Xirsi , March 24, 2018
Ilaahay Nacariistiisa Waasica ah haka waraabsho kuwii dhaxli lahaa/beddeli lahaana kabadbaadsho Aafada Socota
...
written by Mubaarig haybe , September 09, 2018
Asc dhaamaan umada afka soomaaliga ku hadasha

C/qaadir xirso siyaad

YAMYAM ALLE HA UNAXARIISTO ALLE ALBAABADA JANADA HA U FURO

waa abwaan aan xigmadiisa ku faani doono waa abwaan aan xusuusan doono wakhti walba

1c/laahi suldan timacade
2c/qaadir xirsi yam yam
3cabdi iidan
4salaan carabey
5xasan shekh muumim
alleh ha u naxariste waa abwaanadi somaliyed ee aan
taarikh dooda iyo murtidooda
aan badh badh ka akhriyaye ilaa alaan way i socdaan
...
written by Said cali , June 24, 2020
Aun
Allen hau
...
written by sihaa! shaacie , March 12, 2023
maasha allaah
Write comment
smaller | bigger

busy
 
Custom Search