You are here: Home Suugaan Dhunkaal - Cabdillaahi Suldaan Maxamed Timacadde
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Dhunkaal - Cabdillaahi Suldaan Maxamed Timacadde

E-mail

Gabaygan waxaa tiriyey Cabdillaahi Suldaan (Timacadde), waana kii labaad ee uu ciriyey intii Kacaanka dhashay. Wuxuuu yidhi:

1. Dhimasho iyo noloshaa isu jira, labada dhooloode
2. Dhako meyd markay yeelatey baa geeshku dhiidhiyaye
3. Dhurwaayada kuwii naga xidhxidhay, way na dhiciyeene
4. Dhammaantoodba waa u mahad naqnaa, kuna dhawaaqnaaye
5.
Dhanbaallada is daba yaacaya iyo dhabaq la'aanteeda
6. Dhaantada shacbigu qaadayaa, waa dhibtii hore e
7.
In kastoo Wasiir dhibi lahaa, jeelka lagu dheelmay
8. OO dhoorrayaashii sar sare dhababka loo jiidey
9.
Dadku Towradduu dhawrayaa oo waa dhursugayaaye
10. Dhoobadu halkii ay fadhiday looma dhaadhicine
11
. Dhexda nimankii noo joogsadey ee dhaxanta noo saaray
12. Dhiigyacabyadii lam qaqaban, dhiiranaan jiraye
13. Jeeroo Maxamed loo dhisoo, dhididku hoobaano
14. Nin waliba wuxuu dhimay, ilaa dhabarka loo saaro
15. Jeeroo waxay naga dhaceen, lagaga dheemaalsho
16.
Daarahan la dhiibsaday ilaa laga dhawaateeyo
17.
Dhacadiidkii jeero rag badan dhawda laga saaro
18. Jeeroo rag lagu dhugtamow dhaaftay la arkaa yo
19. Dhunkaal shilinku jeeruu noqduu, dhuunta mari waayo
20. Dhabaqsiga la dayn maayo iyo dhiilkii la is ba raye
21. Dhabbaha aan soo jilay haddii laga dhabayn waayo
22. Dhutis xaalku kama baaqsadee, dhuuxa hadalkayga

(*) Cabdillaahi wuxuu yidhi, Gabaygaa waxaan tiriyey markaan arkay saraakiil siduu uu wax u wadey.

1. Sharaxa Erayada:



1. Laba dhooloode: isu dhow sida labada dhoolood
2. dhako meyd = Socod la'aan, maamul xumo
3. dhiidhiye = Xanaaqay, ka xumaaday
4. dhiciyeene = nabadgeliyeen
5. dhambaallada = nabadgeliyeen
6. dhabaq = xumaan
7. dhibi = waxyeeli lahaa, xumayn lahaa
8. dhabbay = Ooday
9. dhaadhicin = daadegin
10. dheemaalsho = daato
11. dheemaalisho = magdhabo
12. dhiibsaday = taagey
13. dhacaadiid = fadhi xun
14. dhugatamo = toogto
15. dhunkaal = geed sun ah
16. dhabaqsi = leefid
17. jilay = gooyey
18. dhuuxa = ogaada
19. dhowrayaa = sugayaa
20. dhawaateeyo = laga wareejiyo


2. Sharax guud


Xumaha iyo wannaagu aad bey isugu dhow yihiin waanay is daba socdaan. Markii uu maamuulkii xumaaday ee ay dawladdii dhanna u socon weydey baa ciidanku gilgishey, oo kuwii sida waraabaha na boobayey naga dhiciyey. Waxaannuu u mahad celinnaa ciidankayga: dadkii na sirayey naga qabqabtay. Waxaana taas ka mrag ah dhambaallada iyo farriimaha tahniyadda ah, ee shacbigu meel uu joogaba soo dirayo.

Inkasta oo Wasiirradii wax dhibi jirey la qabtay, awooddiina laga fogeeyey, haddana dadku weli kacaanka wuxuu ka sugayaa in maamulka hoos loogu dhaadhoco oo kuwa xafiisyada jooga ee dadka luggoynaya la qabqabto. Dadkii qanci maayo ila rag badan oo xafiisyada weli fadhiya abaalkooda la mariyo. Kuwaasoo wax badan dadweynaha ka dhacay - shacbigu qancimaayo ilaa uu shilinka dawladduu xabag dhunkaaleed noqdo, oo uu cunaha dhafi waayo.

Haddii aan waxaan soo tilmaamay wax laga qaban, arrintii weli fari kama qodna ee sidaas ha la ogaado.

Comments (5)add
wadani
written by hussein , June 29, 2011
tima cade wadani buu ahaa lama xaqiri karo, koley dadkii uu ka tagay ee uu dhalayna waa sidoo kale malaha

MURRTIDII GABAYADA TIMACADA
written by Abdi Kulmiye , August 20, 2011
Timacade waa gabayaaga qudha ee somaaliyeed ee diiday inuu qabyaalad ka gabyo, wuxuu ahaa gabayaa waddani ah dawladihii xukunka wadanka Soomaaliyan u kala dambeeyeyna gabayga wixii dhaliila ugu sheegi jiray. Wuxuu ku caanbaxay gabayadi xornimada iyo kuwii u kaka hadli jiray xumaanata qabyaaladu leedahay, Isaga oo aan waxbarasho duggsiyeed lahaeyn, hadna wuxuu gabayadiisa kaka hadli jiray dawladnimadu waxa tahay iyo sida laggama maarrmaan u tahay in dawladu sinnaan, cadaalad iyo si dheeli tirran khayraadka dalka ay u qaybiso. Hadii, taa la waayo wuxuu gabayadiisii qaar ka midda kagga diggay in gaiygga Soomaaliyeed uu noqon doona mid dagaal, gaajo, iyo colaad aan dhamaan ku habbsan doonto. waana ta maanta Soomaali dunida dacaladeeda u kala hayaantay, wadanninimana la waayey. Waxa fiicnaan lahayed in Soomaaliddu dib u dhageysato gabayaddi qiiimaha lahaa ee Cabdillahi Suldaan TIMACADE. AHN.
amaan
written by Cali Maxamed Sh. Ibraahim , July 30, 2012
waa gabay aad u xikmad badan halu waano qaato

...
written by ahmad caruus , September 19, 2012
somaliyey dad waa dadkii hore abwanadina waa abwanadii hore
...
written by Mohamed abdi , October 17, 2013
Abwan Timacade wuxu ahaa abwan soomaaliyeed oo qaali ah,gabayadiisuna waa ku wa ku dayasho mudan,
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search

Buug Cusub / New Book