You are here: Home Suugaan Dhugmo Hoose U Yeelo - Guhaad Cabdi Gabayr
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Dhugmo Hoose U Yeelo - Guhaad Cabdi Gabayr

E-mail
By Guhaad Cabdi Gabayr
 
lyagoon dhereg waayin
lyo dhiibaaraas ku jiraa
Iyo dhulkaba ay xukumaan
Caanaha dhiilka nin buuxshey
Iyo arrin uu dhayal moodiyo
Baarlamaanki dhunkaasha
Ee dhuungaleeyey Maraykan
Bakhtiga dhuuni xalaala
Dhug ka siiyey cantuugee
Cadawgeennu dhigaankiyo
Dhenged aynnu ku saarnay
Dhoofka soo celiyaan
Ku soo Iaabtay dhexdeenna
Inay soo dhixiyaanee
Dhufeys soo galgashaanba
Iyo dhuunla joogto nafteennu
Iyo Guddidii nafta dhiibtey
Geeshka caadda u dhaarsanoo
dhukuskooda arkaayey
garbadduub dhuyuc xooggu
Wisaaraddaynna dhababnay
dhacmaa u adkaynnay
wixii ay dhigayeen
mar uun bay dhacayeenoo
dhan intaad uga tuurto
ilmihii aan dhicisayn
uu sidkiisi dhammaaday
dhabta hooyo ku hoyso
ee dhulkay daaddihisaa,
Wax dhibaatiyo hoog iyo
dhakafaar laga qaaday
ee dhaliishiisu badnaatay
dhaxamaa iyo tuugtu
arrinkeenna dhagaa la'
dhanna loo fulin waayey
wax ka yeelay dhufaanka
xumaantoo dhan dhigaaya
dhisaneen cid maqleyn
dhisinkeer qushigood iyo
ee dhuungalaa cadawgeenna
masaakiinta dhifkeediyo
 
 ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
 
oy dhacaddiid iyo raaxo
dhaashanow Calankeenna
oon ladnaan u dhinnayn
dhudhub uu isku qaado
dheeldheel buu ku jabaa
iyo dhaanwadaa Qarbi doontay
ee dhallankooda cadkiisiyo
dhaylada moodey carruurta
dhaafi weydey cunaaha
dagaalkii dhibta laa iyo
inay dhiigyacabkii
oo isticmaarkeeniyo
iyo dhaqangooyo tabcaayey
soo dhiraandhiriyaanee
markay dheeha wadnaha
Golaha Tawriga dhaartay
dhiirratee ku dhaqaaqday
dhabarkay nabayeeniyo
oo intaa dhawranayey
habeen uu dhab u siiyey
dhufannay aynnu Oktoobar
dhan markaan wax eegno
dhaawacoodu wax maaha
kursigaad ku dhalliishay
mid kaleeto dhigeysey
sagaalkiisi bilood iyo
ee caafimaad ku dhasha
dhabarkuun kama saarra
dhabanhays iyo yaab iyo
ee dhaqaalaa waddankeenna
qabyadeenna dhantaalan
dhawrtu soo hullaneyso
ee sida dhooba walaaqan
dheddigoodka sidiisiyo
ee dhulka ceebta ka buuxdiyo
ragga dhaydan cabbaayee
dhalanteedka xafiiskiyo
la dhextaagan qabiili
iyo taajiriinta ku dheehanee
la cunaayey dhunkaasha
ku lahayn wax dhimaal
 
 ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
 
qudbadda aan dhanna ceeb iyo
abtirsiina nin dhaatay
dhicii geeliyo qaadka
dadkii laysugu dhiibey
dhidhkii reer hebel saartay
runta laysma dhalliile e
dheel arooryoo qabaw
murtidiisa nin dhuuxayoo
dhamac ay ka shidayso
isagoon waxba dhaafin
uu dhammeeyey Siyaad
nimankaa dhibsanaaya
een dheg u raaricineyn
dhoosha nooga qoslaaya
dhan ka soo tumaya
boqnaha dheer na jaraaya
mid dhijaasba la siiyo
haddii aan la dhex qaadinoo
dhabannaano ka muuqan
Siyaadow dhismeheenna
dhutis hoosta ka gaabsha
inkastaan ku dhammaanno
dhexda aynnu u duubnoo
dhinac loo wada jeesto
dheerayn maynno tallaabo
dhudhunkay na hayaanoo
dhurwaadaynnu xeraynnay
iyo dheemmanteenniyo luulka
dheri maalin ka doortay
waa dhambaal walahay
qasnadihii la dhuraayey
waa intii la dhameysey
wacdiga aad u dhigaysiyo
waa dhaguugan yihiin
Shaydaan baa ka dhamaasay
dhalan Eebbe ma doorsho
dhaamimaayo sidiisi
iimaan laan ku dhasheen
Dakhtarna loo heli maayo
dhaqasho loogama jeedo
iyo bugtadeeda dhukaanta
iyo dhibiiq (dhamiijo) looma adkaysto
aynnu dhaafno dabeede
Afartaa dhidba xoog leh
 
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
 
tollaay yaa dhamas laa
Warmuhuu isu dhoobtay
naxligii isu dhaanshey
xaqa uu dhambalaayo
dhabta uu ku hadlaayo
inkastuu dhaxan joogo
dhadhanshaa qalbigiisa
dhawaaqa waanada fiican
wax dhimaalna lahayn
ee maskaxdeenna dhacsiiyo
ee ku dhandiidsanaya
dadku yaanu ku dhaadinna
sacab aan dhab ahayna
dhanna seefta halbawliyo
taranisfeer mid u dhoofiyo
midaan Jeelka u dhiibno
aan dharbaaxo lixaadliyo
oo ka dhammaannin xafiiska
iyo dhaqankeenna gudaba
iyo dheduun baa ku hawaarta
hanti-hawsha-wadaagga
dhammaanteen isu raacno
dhididku uu na tifleeyo
dhexday noo fadhiyaanoo
xarig bay nagu dhaadan
ee dhulka hooyiyo ciidda a
af muggi wax dhammayn iyo
dhidarkii ka yaraa iyo
wax u dhiiban jireen,
iyo dhacaankeennii la eeday
ee shubaneysey dhankooda,
wax u dhaadhici maayo
dhaguhu waa xiran yihiin
duddun dhooba aboor iyo
dhagaxna kuu danqan maayo
sida dhuuryada haadkey
dawo aynnu ka dhawrniyo
wanaag aynnu ka dhawrniyo
cadhoolaha dhogor hoolma
iyo neef dhaleeco ku taal
ha ku daalin dhagoolee
dhuugga geela ka laa!
iyo dhaabad aan xididdeeyiyo
dhaafay oo iska daayey
 
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
 
ma ka yeclay dharaar,
runtaan dhaaxo u sheego
dhoohaney kuma toosto
maalintay dhimato
iyadoon dhicinayn
hibataa dhaxalkecda,
dhakhsa loo qaban waayo
isagoo dhan u duulay
iyo dhikidii kala gooyey
oo aqalkii dhulka yaal
hadalkaygu dhab weeye
ee mirkaana ha dhaafin
inta uu dherer le'eg yahay
geeraarkii ku dhammeeyey.
weligeedba ma dhaaddo
dhinac bay ka martaa
ay dhammaatay dabeed
wixii dhaafay darraad
haddii dheelliga awrkana
dhabbaduu ku ridaa
oo dhoonhoraaddiyo weelka
oo ubadkii dhan ka sayray
oo dhacay baa la arkaa,
dheh uun uugama jeedo
Siyaadow ha dhalliilsan
dhugma hoose u yeelo 

Comments (2)add
mr
written by somali baan ahay , July 14, 2009
waxaa aad ugu farax sanahay in helay aqristay (website) sidan ah run waxay tani i xasuusisay aan iloobay, soomaaliya hanoo laato hamidow marlabaad.
...
written by khadar , January 25, 2016
alle haw naxariitee abwaankii waynaa ee guhaad cabdi gahayr waaga iyo wixii noolaaa si wanaaagsan ayuu ula hadlay

Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search