Buraamburkan waxay tirisey gabadh la yidhaahdo Xaliimo Khayre oo ku dhalatay Eyl 1939kii. Waxaanay tirisay markii Tawradda barakaysani dhalatay, ay aragtayna sida fiican ee ay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaan horumar iyo barwaaqo, caddaalad iyo sinnaan. Waxaanay tiri:
Golaha Sare Tawradda iyo Geeshka Maxamed wado,
Gumeysi ma qaataan ee guushay hoggaamiyaan
Garsoor wadayaasha, Rabbiyow gargaarayeel,
* * *
Guddiga Sare Tawradda iyo geesigii Siyaad, hoggaankii
Bay hayaan oo hawshii wey qabteen, oo wey hagaajiyen
Ee waddankeenna, hore u wada.
* * *
Siyaad Soomaali aabbaheed, midkaan horuu u socon,
Saafi noo ahayn waa in, siriq lagu ridaa.
Kacaanka Oktoobar qodobbadiisu waxay ahayd
Sinma Soomaaliyey, oo yaan la kala sarrayn.
Kacaanka Oktoobar qodobbadiisu waxay ahayd,
Xaqii Soomaaliyeed yuu xisaab la'aan.
Kacaanka Oktoobar qodobbadiius waxay ahayd,
Midkaan Soomaali doonayni inuu socdaa
Kacaanka Oktoobar qodobbadiisu waxay ahayd,
Jahli in aan dhaafno, oo jiifka laga kacaa.
Kacaanka Oktoobar qodobbadiisu waxay ahayd,
Baryo in aan diidno, oo baahi laga baxaa.
Kacaanka Oktoobar qodobbadiisu waxay ahayd,
Aqoon in la urursho ubadkii dariiqa yiil.
Qabiil la diido, jahliga, cudurka, oo baahida jarnaa.

written by abdullahi siyd weel kisi , October 21, 2009
written by yusra xaaji , May 27, 2010
waxan idin dhihi lahaa halaga duco doonto maalinti la saarayay aad baad ugu riyaaqdeen
maantana waa la wadaa ooyayaa ilaahay mid sidi siyaada ha dhaliyo wadankana alaha
qaboojiyo duliga iyo waxaan xukunka aqoon alaha ka saaro aaaaaaaaamiin ya rabi