Cibaado waxay ku dhalatay magaalada Bosaaso 1923kii. Iyadoo tusaale tusaale ka bixinaysa taariikhda wacan ee uu dalkeennu soo maray intuu kacaanku jirey ee uu dalkeenna iyo dadkeenna hoggaaminayey, waxay tiri:
Indhihii kala qaadnay arligiina noo iftiin
Xaqii oodna abaabkiisi baa la furay
Siyaadow ma iishe weligaaba noo arrimi
Alla'e taariikhda nin arkaaba waa ebyamey
Aarmigii lagu Islaama la eegayaa
Adaa Afrikaanka amarkaagi wada anfacay
Ul iyo diirkeed Islaamkii hadday noqdeen
Diinkii la addeecyey sharcigiina noo adkaa
Niman Ilaahood yaqaan baa arlada xukuma
Ururka Tawraddu adduunkay iftiimiyeen
Dadkii wadankiisa u adeegayoo anfacay
Aftahammiyo orodba dumarkii ku aadi jirey
Islaanimo waa sidii Taako lagu ajaley
Annana inamihii abraaraayey baannu nahay
Orodkii Dhagaxtuur awaarihi ayaanti dhacay
Ummuurihi nala tusiyo aarmigii la ridey
Markaan waddankeena u adkaanay baan aflaxay.
Hantiwadaad baynu nahay hawsha horay ka wada
Dawlad hodamaynnu nahay oon hagaraqoon
Hoggaamiyaheennu amarkiisu waa hagaag
Dalkeennaa hodoma oo waa hanuunsan nahay
Hurdadii laga reysayoo hawsihi laga sinnaa
Hoggaamiyaheennu amarkiisu waa hagaag
Afkii hooyaa hikaaddiisi lagu hormaray
La hindisaayoo kalaankeenna lagu hadlaa
Horkiciyo harada ceegaagta hogosha roob
Naqa hanaaday oo Islaameedku wada harqaday
Ilaaheen hiilki weeyo cadaw halaag
Jannada hooskeeda nin habaabay ma harsan karo
Hir doog weyn baa horweynkeennu daaqayaa
Haleelada dhashaa nirgaha loo hitiqinayaa
Hayaankii dheerna hayin baa la raran hayaa
Faras la heenseeyey baa lagu horseedaynaa
Haybaddii dunida Soomaali loo hibey
Horukacnayoo hawada gaarney sida la hubo
