You are here: Home Shop
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Jaalle Siyaad Book JSB

InteriorInterior 2
£ 15,00 each
Weight: 800 g
45 items in stock
+
-

ONLY AVAILABLE IN UK


WORLD WIDE RELEASE IN MARCH 2012

 

Somali:

Daabaacaadii kowaad ee buugga taariikh nololeedkii iyo hogaankii madaxweynihii ummada Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa soo baxay. Buggan oo ku qoran luuqada Ingriiska ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya noloshii, hogaankii iyo guud ahaan taariikhdii madaxweynihii sadexaad ee Soomaaliya. Buugan oo ciwaankiisu yahay “Somali President, Mohammed Siad Barre: His Life and Legacy” ayaa gaaraya illaa 320bog oo xanbaarsan sawiro taariikhi ah.

Jaalle Siyaad waa hoggaamiyihii cinqilaabka aan dhiigu ku daadan ee ciidanka Soomaaliyeed kula wareegeen talada dalka 21 Octoobar, 1969. Sagaal sano ka dib xoriydii curdoonayd ee dhalatay 1960, inta aanay ciidanku talada la wareegin xaalada dalku waxay ahayd mid aad u jaahwareesan. Maamulku waxaa uu ahaa musuq aad u tabar daran, waxaa jiray qabyaalada, dalkana horumar kama jirin. ka dib markii ay dhalatay towradii Kacaanku waxaa bilowday isbal taariikhi ah iyo horumar. Tawradii kacaanku waxay ku tilaabsatay wax-qabad ku wajahan; kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee horumarka bulshada. Waxaana la mamnuucay qabyaaladii. Waxaa la hirgaliyay iskaashatooyin xoogan oo laf-dhabar u noqday horumarkii ummada. Dalkii waxaa lagu dhisay iskaa wax u qabso. Waxaa la qorey Af-Soomaaligii, ubadkii dalkuna waxay nasiib u yeesheen inay afkoodii hooyo wax ku bartaan.

Buuggani waxa uu markhaati iyo raad reeb ka yahay taariikhdii dheerayd ee Jaalle Siyaad, xumaantiisa iyo wanaagiisa, waxaana uu da’yarta iyo dhamaan ummada inteeda kalaba siinayaa fursad ay dib ugu jaleecaan cutub ka mid ah taariikhdii bari-samaadkii Soomaaliya. Waxaa uu akhriste kasta uga jawaabayaa su’aalo badan oo muhiim ah. Waxaa uuna u soo bandhigay qoruhu siday ahayd sax iyo khaladba. Waana lagama maarmaan in qof kastaa akhriyo.

Waxaa qorey Maxamed Ibrahim Shire oo ah nin dhalinyaro ah oo ku barbaaray yurubta galbeed, bartay culuumta sayniska, dagana dalka Ingiriiska. Qoruhu waxaa uu ku dhashay Soomaaliya oo uu mudo 21 sano ah moogyahay. Waxaa uu mudo dheer ku gudo jiray aruurinta iyo soo bandhigida taariikhda Soomaaliyeed. Waxaana uu hirgaliyay dhawr sano ka hor shabakada JaalleSiyaad.com oo lagu kaydiyo laguna soo bandhigo taariikhdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

“Waa Buug Xiligiisii Joogga, Qoruhuna U-hagar Baxay”

English:

Mohammed Siad Barre was the architect of the Somali October Revolution and the third president of the young nation. At the time of independence in 1960, Somalia was touted in the West as the model of a rural democracy in Africa. However, tribalism, extended family loyalties and conflicts were social problems the civilian government failed to eridicate and eventually succumbed to itself. A bloodless coup led by Mohammed ushered Somalia in to the modern era. He brought radical postive developments including volunteer labour harvested and planted crops, and built roads and hospitals. Virtually all industry, banks and businesses were nationalised. Co-operative farms were heavily promoted. He forbade tribalism and stressed loyalty to the central authorities. He introduced Somalia's first writing script for the Somali language. This is his definity story that will detail both his positive as well as his negative achievements.

Mohammed Ibrahim Shire, BSc (Hons), was born in Somalia but moved to Europe at a young age. Having been detached from his country for over 21 years, Mohammed recently kindled his passion to research about Somalia's history. The life history of the late president is one of the many series to come that will extensively look at our rich history.

Comments (24)add
xildhibaan
written by xildhibaan osman bube yusuf roble , December 15, 2011
waa wax lagu farxo oo wanaagsan oo guulna u ah umada somaliyeed soo saraha buugani waa muwaadin istahilaa ixtaraam iyo qadarin mudan awaal tii u sareesa ee uu qaranka bixiyo madamaa uu isku taxalijiyay in uu ka soo saro buug jaale maxamed siyaad bare alaha u naxariistee xogahayahii guud ee xisbiga hantiwadaaga kacaanka somaliyeed dhamaan waxaan u rajeeyay umada qeer iyo wanaag by
Hambalyo
written by Abdirizak Ibrahim , December 20, 2011
Asc Waan salaamayaa Saaxiibka qoray buugga waana wax loo baahan yahay cid kasta oo wadanka wax u qabato in si soomaalinimo ah loo xuso. haddii aan dib idiin xusuusiyo waxaa ka mid ahaa hadaladii Madaxweynihii hore ee soomaaliya Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Bare inuu yiri cidii wadankan waxa u qabatay waxaa xusi doono taariikhda waxaana wax ka qori doona soomaali xalaal ah oo ka run sheegaya taariikhda saxda ah, waana hadal cajiiba sababtoo ah sadar muuqda su,aal ka dhan.
warixe
written by abdi rashiid , December 25, 2011
a-c dhamaan madaxda webka jaallesiyaad shaqaalaha waan wada salaamaxaa intaaaa kadib
runti siyaaad bare aniga ma aana arkin xukunkiisa ama wax qabadkiisa laakin waxa aan qirayaa
inuu ahaaa madaxweyne isaga oo kale ah aaan somaliya u dhalan doonin nasiib daro aniga
waxa aan ka mid ahaaa caruurti ku goray muqdisho waxa aana in dhaha aan kala qaaday
ama aan wax gartay iyada oo cidkasto cidi eeydoonto iska dileeyso waxeey aragto
dhaceeyso dumarki aad doonto iska kuf saneyso hadana waxaas dhan oo dhacaayo danbi
kama aheen magaalada muqdisho wayoo majirin cid kugula xisaaab tameyso waxii aaad sameyso
oo danbi ah waana taaas mida xalaal ka dhigtay in wax kasto eey iska caadi noqdaan
tankae aan qiraayo waxa eey tahay siyaad bare kadib waxaan arki jiray dad madaxweyne ah lkn waxa
aaan is weydiin jiray madaxweyna yashaan iyaga lagama rabo miyaaa sida siyaad bare
in eey dadka wax u qabtaaan oo ey schoolada lacagta ah lacag la,aaan u badalaan
taaa aniga ayaaaba hadana iska qanciye oo waxa aan arkay indowladi dhanba eey ku shaqeyneyso
guryo ijaar ah iyada oo madax tooyadi qarankana eey muqdisho ku taal
waxa aan markasto aaan aaad uga xumadaa in qarnigii aan ku soo beganay uu ahaaa qarni aaad u mugdi ah sida dhanka amaanka wax barashada shaqada, waxii jiilki madaxweyne
siyaad bare ka dan beeye ku dhacay inta laguma soo goobi karo iyada oo waliba
dadki dowladaas maalinti eey ladagalamayeen eey la wanaag saneed laakn
hada shalaay kajooga waxii eey filayeen waxaan aheen meesha uga soo baxay
waxa aan hadal keega aan ku soo afmerayaa allaaha u naxaristee xikmad hadal ah
oo aan madaxweyne siyaad bare aan ka maqlay marki uu wadanka isaga baxaaye aniga oo ka dhageestay idaacada isaga oo leh< ninki moodaye inaaan aniga kursi aan ku fadhiyo waxa aan ku fadhiyaa boosaneer laakin marki aan ka dul kaco ayaaad arki dontaan urkiisa

...
written by Cabdulqaadir , December 27, 2011
Qoraha Buugan Waxaan leeyahay waad mahadsan tahay woyo maxamed siyad waxa uu galey waa wax aan qarsoomin iskuuladuu dhiseyna iyo heerka wax qabad ama wax barasho waa aan la ilaawi karin
anaa wax ku soo bartey kuna soo barbaarey malaha markaan maqlo magac somaaaliya waxaan is iraahdaa
awey siyaad lakiin waa aduun allaha u naxariisto maxamed siyaad
mahadnaq
written by Abdisalaam dhagey qodob buraale , December 31, 2011
sxb waxaa lagu farxikaraa in nin yar u isku xilqamay qopritaanka buuga jaale maxamed siyad bare waa arin aad ii farxad galisay waxaanan aad u jeclahay in aan helo o aan akhriyo insha allahu
mahadsanid
written by maxamed yare , January 06, 2012
salaama caleeykum umada soomaliyeed inta samaanta iyo wanaaga jecel kana fayoow cudurka weeyn ee qabyaalada ,bacdu sallaan waxaan rabaa in aan iraahdo qoraha iyo raga kale oo kala shaqeeyay inta promoted ka sameeysay aad baan idinkugu mahadnaqeeynaa shaqada wacan ee aad u qabateen shacabka soomaliyeed iyo anagoo awalba ka dharagsaneeyn wadanimadii jaale siyaad iyo kacaankii uu hormuudka ka kahaa iftiinka aad noogu sii ifiseen taariiqda wacan ee uu nooga tagay allaha u naxariistee aabihii umada soomaliyee jaale MAXAMED SIYAAD BARRE.waxaa muqadas ah midnimda umada soomaliyeed meel walba oo ay joogaan ,
Mahadnaq
written by Nuuradiin maxamed calsow (nur oday) 25-01-2012 , January 25, 2012
Waxaan salaamayaa dhamaan ragii iku hawlay buugaan qiimaha badan ,waxaan hubaa aniga oo, aan a
aqrisaan in uu lamid yahay buugaag tii laqoray halgamayaashii dalka lahaay,sida Axmed gureey ,Sayid maxamed cabdule hasan, SYL iyo kowo kale oo badan oo wadaniyiin ah. markaan u soo laabto maxamed siyaad bare allaha kawaraabiyo janadii fardoowso maxamed siyaad ma dhimanin waa nool yahay ee waxaa dhin tay nin kii aan taariiq dhaxal u ah dadka iyo dalka uga tagin kuwo badan yaa buugaag laga qoraa balse dhadhan iyo qiimo malahan qoraal kooda. waxaana qiimo tiray sideey u dhaqmayeen iyo waxeey adeeg sanayeenMaxamed Siyaad wanaagiisa iyo waxa uu katagay waaxaan kufaano ilaa hada lagumasoo koobi karo qar niyaal hada soo socda nin kuu ahaa iyo waxa ku dhex jiray gudihiisa marka waxaa loo baahan yahay wixii la soo shaqeeyay in ay boor ka iska jafaan meesha ka qaadaan soomaaliya ayaga oo taxadaraaya caqli iyo cilmigii syaad bare idn baray ee nadiif ka ahaa ee wadaniga ahaa ee xaq dhoor ka ahaa ee dad jaceel ka ahaa ee dar yeelka ahaa maali walba waxaa dhin ta nin kamid ah ragii lasoo shaqeeyay Maxamed siyaad bare ayagoo wax dhaxal ah reebin . waxaan leeyahay raga aqoonta ciidamada leh iyo kuwa barafisoorada noqday in ay iskaa shadaan dalkana hasamatabixiyaan ayagoo is ticmaalaya wadadii Maxamed siyaad bare waa lahubaa in uu dhumeen nin kii qaata wadadaas waana tan cad maanta iftiinkeeda waana idin saalamay dhamaan wadaniyiinta soo maali yeed .

ka ja waabida buuga aad qortay
written by daacad , January 27, 2012
ACWW. walaalka buugaan qoray ee da,da yar waan kuu hambalyeynayaa ee halkaa ka sii wad

Hadaan u soo dago dulucda hadalkayga walaal buuga aad qortay wuxuu noqonayaa buug taariikheed
waana arin aad loogu farxo inaad noqotay qofkii ugu horeeyey ee qora taariikhdii halyeygii soomaaliyeed ee mohamed sayaad bare oo ahaa madaxweyne caldaalad ahumadana u sinayd dalkiisa iyo dadkiisana jecel ahaana geesi aan libiqsan iskuna kalsoon kala saraytana aan ogalayn.
waxaa ka mid ahaa hadaladiisii hal qabsiga ahaa qofkasta oo wax qabta waxaa sheegi.
taariikhda iyo umada soomaaliyeed ee wax garadka ah cadaliyiinta ah ,maka walaal buuga hala turjumo maxaa yeellay umada soomaali weeye , waxaa jira dad badan oo aan luuqada ingiriiska aqoon
halka ka wad dadaalkaaga
Shacab
written by ahmed dalhage , January 28, 2012
waan soo dhawaynayaa sababtoo ah waa ninka kaliya ee wax ladaawankaro ama la aqrin karo umada ogatagay waana loobaahan yahay inbuugu qoero wanaagii waayeelkeena Alaha unaxariistee iyo wareerkii Duqa 2 dhinacba wax inuu kaqoro ayaan rajaynayaa ninka raga ahna wanaag iyo dhaliil waaleeyahay
...
written by Abdikadir , February 04, 2012
Asc bacda salaam, akhiyaareey Buugaan ayaa rabi lahaa inaan gato. Waxaana jogaa Mareekan Marka waxaad igu caawisaan meesha laga helo
waa buug taariiiqi ah
written by osman mahamud mahamed lugayare,, ciiloow avisione , February 05, 2012
waa loo baahnaa buugaan , so loo ogaado runta , iyo dadka iska indho tiraaya xaqa , Pr, Siad BARRE ,, waxuu ahaa , madaxweyne ad adag oo goaan leh, caqlina leh , geesina ahaa, una gargaara dadka jilicsan , madaxana uga istaaga kibirlaha , waxuu ahaa nin jecel garta in la gooyo, ma jecleen qabyaalada , qofkii wax weeydiistana ma celin jirin qabiilkuu doono ha ahaado , dadkii uu u arko in aay ka horjeedaana madaxuu u laabi jirey si inta soo hartay u badbaadaan , mar la weeydiiyey , dowladnimo ? waxuu ku jawaabay ,,,, alaha u naxariistee,,,, Dowladnimo waa geed barwaaqo ah , oo ku baxa dhiiga dadka ,,, taasna waa run , waan ku raacsanahay , ,,,Kacaankuna waa tareen , marba meel ku reeba ninkii ka hara ee la socon waaya,,, alaha kuu naxariisto, waqtigiisii waxaa jirey , xero agoon , isbitaal lacag la,aan ah, waxbarasho lacag la,aan ah , qabiilkana wuu duugay intii tabartiisa ah , Siad barre ma aheyn qof ama shaqsi xun ee waa la xumeeyey , markii la weeydiiyey , inuu xukun jaceyl ugu dhegen yahay kursigana, ? waxuu ku jawaabay , Weli ma arko qof u bisal oo hogaamin kara umadaan wareersan , Hadalkaasna waan argnay oo waa la joogaa,,, . masoo koobi karo taariiqdiisii , Allaha u naxariisto , jnadii fardowsana alaha geeyo, qaldaadkii uu galayna ileyn waa baniaadame , allaha ka cafiyo ,, Aaamiin AAMIIN
mr
written by geele , February 14, 2012
Ugu horayn waxaan hambalyo iyo boogaadin usoo jeedinayaa qoraagii buugan marka xigta waxaan filayaa in la soomaray waqti dheer oo umada soomaaliyeed laga weecinaayay wadada saxda ah lagana been sheegaayay waxqabadkii iyo horumarkii Kacaan kii barakaysnaa ee uu hogaaminayay Jaalle Siyaad Allaha naxaristii janaad ha ka waraabiyee waxaan qabaa sidoo kale in qoraagu uu yahay geesi dhiiran waqtigii saxda ahaana la beegtay buugan waayo Soomaaliya xiligii kacaanka wax qayraadkeeda bada iyo midka barigaba soo haweysanaayay majirin waatii ruushka oo ahaa quwadii aduunka markaas ugu xooga badnayd dawladii soomaaliyeed ee kacaanku 24 saacadood loo qabtay in uu uga baxo Soomaaliya. maantana kuwa hormuudka noo ah waa dad looyeeriyo waxa ay samaynayaan oo dhaxalkii jiilka soo socdo mugdiga galiyay,waxaan ku soo gabagabynayaa ilaahay umada soomaaliyeed ha u keeno dad cadaalad ku dhaqo oo Diintooda iyo shaqsiyadooduba fiican tahay wadanka iyo umadana udanqada ama u jiir naxa AAAAAAAAAAAAAAAAAmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Mahad naqad iyo tusaale
written by Deka M Siad , February 27, 2012
ASC, ugu horeyntii waxaan boogaadin buuxda iyo mahadnaq u dirayaa qoraaga buugan ee ah nin aad iyo aad u da' yar; sida uu isugu taxallujiyey ka salgaarida qorida buugan. Waxaan kaloo doonayaa inaan ummadda Somaliyeed tusaaleeyo war soddon sano iyo hodhodho ayaan ku sii soconaa miyeydaan damiir lahayn wax garta iyo damqasho jireed midna. Waxaa la yiri haddii caano daataan dabadooda la qabtaa. Wiilkii ama gabadhii dhalatay berigaas maanta madaxweyne way noqon karaan. Mohamed Siyaad wuxuu tray qofkasta oo somaali ah oo wax garanaya waa ogyahay.Soomaali waxay ku maahmaahda LIBAAX NIN GALAYNA OG NIN GALLADAYNA OG. Soomaalidu markay inta iska dayso qabiilka iyo gobolaysiga hadda la raaciyey, markaas ayaan filayaa inay israaci karaan. Madaxwyne Siyad Barre waxaa hal haysyadiisi ka mid ahaa DOONAA WAA GARAA, marka haddii umaadu isku taxalujiso inay wadan dhistaan I think they CAN. Waxaan mar labaad bogaadin u soo jeedinayaa qoraaga, Ilaahayna waxaan ka rajeynayaa Somalida inta badan ayaa wanaaga jecele in Ilaahay xaqqa iyo wanaaga tuso. Madaxweynii umaddana jannadii fardowsa in Ilaahay ugu bishaareeyo AAAmmmiiinnn.
Mahadsanid
...
written by zamzam , February 29, 2012
asl walaalkay waxad tahay will ad uyar misana ka misana gartay inu ka qoro wadankisa wixii ay horay u so martay marka waxan kuleyahay wafigrad ad u wanagsan wankugu racsanahay anagana waxankugu dhamno an kaso xigana waliden ankugu so siyadino waxan leyahay allah unaxaristo inta lodanbidhafona allah kadhiyo oo gasho janatulfardowso ameeeeeeeeeen
hambalyo
written by saalix , March 01, 2012
A.C INKASTOON ARAG JECLAAN LAHAANNA INAAN ARKO QORAAGA WAAN OOGA MAHAD CELINAYAA ANOO KA QIYAAS QAADANAYO BULSHADA AKHRISAY, TAA KADIB JAALLE MAXAMED ALLAHA U NAXARIISTO WUXUU AHAA WADANI WAX MAGARATO AYAA SI XUN UGU ABAAL GUDAY LABAATAN SANO KADIB AYAA WAXAAA LAMARAYAAA WADOOYINKII UU DHISAY ANIGU WAXAAN KUJIRAA DADKII INTICFAACSADAY ALLAHA KA ABAAL MARIYEE OO AY UGU HOREEYO QORISTA.
Biyo dahab
written by Seed , March 04, 2012
Asc walaalayaal waxaan halkan kasalaamayaa dhammaan dadka fikiradooda ka dhiibtay buugan waxaa kale oon salaan diiran oo kal iyo laab ah u soo jeedinayaa wiilka faraha kaga gubtay qorida buugan waxay ila tahay inuu mudan yahay buugani in lagu qoro biyo dahab sadarada taariikhdana baal dahaba kaga qormo. Anigu aad baan ugu riyaaqsanahay buuga lagaga waramayo nin ka mid ah ragii soomaali soomaray ku wii ugu waaweynaa
...
written by Mohamed Abdi , March 06, 2012
Buugga akhriskiisii waan bilaabay, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa qoraaga oo aad u da'yar sida uu isugu taxluujiyey qorista buuggan. Waan jecleystay qof kastana waxan kula tallin lahaa gado oo xafid taariikhda soomaaliya badhkeed. Qoraaga waxaan oran lahaa turjum buugga oo ku soo dar khudbadihii Macallinkii Siyaad allaha janno iyo raxma ha siiyee.
Taariikh lama ilaawaan dheh!
written by Mohamed Abdi , March 07, 2012
Qoraa Mohamed Allaha ku xafido, M S Barre allaha Janno iyo raxmo ha siiyo, Ummadda Soomaaliyeedna waxan oran lahaa war yaanu idinka taariikhdii Soomaaliya oo Soomaali leedahay wax ka barta, maantay u adeegge dan shisheeyey ayaa iska haysta wadankiiye, illaah hana samata bixiyo.
well done!
written by abdirashiid ibrahim , March 08, 2012
aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa qoraaga, waana wax loo baahnaa,waxuuna noqon doonaa taariikh loo laabto markay arimaha qaarkood jiq isku noqdaan,.....JIZAKUMALLAH KHEYR !
hambalyo
written by moahmed ali , March 16, 2012
sallaan qiimo badan ka dib waan kuugu habalyeenayaa juhdiga aad galisay buugan ka sheekaynaya mid ka mida madaxdii soo martay soomaliya waa wax aan lala yaabi karin taariikhda in quf walba waxaa uu jecleesto qoro maadaam sida muuqata aad tahay nin da'ahaan yar waxaad filayaa inaad taariikh sax & mid khaldanba aad soo bandhigtay wax qabadkii dowladii malatariga 10sano ee u horeeyay waa wax lagu amaani karo waxaase lagaa khariyay qoraa taariikh badan oo hadan badan oo madaw&cadaanbaleh oo jiray waqtigaa oo soo maray m s bare waxaase rajaynayaa inay soo bixikaraan qaar badan oo iftiimiya qalaadkii badnaa ee uulahaa dhickartan inay yaaliin waxaase ku xusuusinayaa sxb oo wallaal inaad soo xigatay qusuusidii amaba daakiriintii xisbigaas oo si saxa taariiq kuu wadasiin dhinac kaliya wax kaatuseen waxaase kuu dardaarmayaa inaa wax badan wax kac ogaatid mahadsanid
Mr
written by Musa Abdullahi osma , March 21, 2012
Ad baan ugu Farxey markaan arkey tariikhdii qarsooneed ee geesigii mahamad siyad barre

Anigu waxaan deganahay sydney Australia e.mailkeygu waa mussa06@hotmail.co
Waxaana jiclahay in aan book badan gadano ii soo sheega qeymaha uu ku imaanyo sydney
Mahadsanidin
Thank you for bringing up Siad Barre's history
written by Sahra Ugas , April 13, 2012
My name is Sahra Ugas and I am 15 years old. I did research about Somalia before and after Siad Barre and he accomplished great things in Somalia. Especially his advancements in education in Somalia. One thing we will remember about him is creating the script of Somali language.
...
written by ugaaso othman , April 25, 2012
sidaan u helikaraa buugan hadaan is idhaahdo iibso fadlan iigasoo jawaaba
...
written by nura , May 14, 2012
i would to buy that the book but i want to know if its in Engilsh and i ilve west london where is the nearly place to get thanks
Write comment
smaller | bigger

busy