1. Aragtida Dhaqaalaha:
Jaalle Siyaad wuxuu u arkay in dhaqaaluhu yahay lama huraanka (necessity) nolosha wuxuuna ku yimaadda maalka (wealth) dalka oo ah: dadka (xoogga dadka), duunyada iyo dhulka (ciidiisa, geedihiisa, biyihiisa iyo hawdiisa).
Dalkeennu wuxuu hodan ku yahay maalkaas.
Si looga faa’iideysto maalkaas, dhaqaalahana loo dhiso, waxaa shardi ah in la helo madaxbannaani siyaasi ah, marka hore, dabadeedna baraarug dadweyne lagu dhiso dhaqaale dadweyne.
Jaalle Siyaad wuxuu yiri:
"Tabarta maalka Soomaaliya aad bey u weyn tahay, waana mid dadkoo dhan ugu bishaareysa barwaaqo. Markii shacbigu baraarugo, waxaa la filayaa wax la inoo soo doonto mooyee, inaynan mar dambe wax baryi doonin."
Jaalle Siyaad wuxuu u arakay inuu yahay dhaqaaluhu "Burbax", ama natiijo (Result), qofkuna uu yahay sababta natiijada dhalisa.
Jaalle Siyaad wuxuu yiri:
"Dhaqaaluhu iskiis isaga iman mayo (iskiis uma abuurmo) ee in laga shaqeeyuu u baahanyahay".
Shaqo qof la’aanteed ma dhisanto. Qofku (xoogga qofka), haddaba waa u shardi dhismaha. Shaqada dadku waa isha uu dhaqaaluhu ka soo burqado. Laakkiin, Jaalle Siyaad wuxuu qabaa in xoogga qofka kaligiis ussan kifaaya ahayn. Waxaa shardi ah inay la jirto dhawr arrimood, sida ay la ahayd Jaalle Siyaad: marka hore, waxaa loo baaran yahay fikrad (fikrad xor ah) qofka caqligiisa ka timaadda oo dhaqaajisa kana shaqaysiisa xoogga qofka; marka labaadna, aqoon, marka saddexaadna waxaa loo baahan yahay tandiim (organization) horusocod ah; marka afraadna aqoon. Sidaad daradeed Jaalle Siyaad wuxuu qabay in xoogga qofka fikradda aqoonta iyo urur horusocod ah ay dhisaan dhaqaalaha wadanka.