You are here: Home
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

 
May06

Jaalle Siyaad: Aragtidiisa Dhaqaalaha iyo Siyaaso - 1974

1.    Aragtida Dhaqaalaha:

Jaalle Siyaad wuxuu u arkay in dhaqaaluhu yahay lama huraanka (necessity) nolosha wuxuuna ku yimaadda maalka (wealth) dalka oo ah: dadka (xoogga dadka), duunyada iyo dhulka (ciidiisa, geedihiisa, biyihiisa iyo hawdiisa).
Dalkeennu wuxuu hodan ku yahay maalkaas.

Si looga faa’iideysto maalkaas, dhaqaalahana loo dhiso, waxaa shardi ah in la helo madaxbannaani siyaasi ah, marka hore, dabadeedna baraarug dadweyne lagu dhiso dhaqaale dadweyne.

Jaalle Siyaad wuxuu yiri:


"Tabarta maalka Soomaaliya aad bey u weyn tahay, waana mid dadkoo dhan ugu bishaareysa barwaaqo. Markii shacbigu baraarugo, waxaa la filayaa wax la inoo soo doonto mooyee, inaynan mar dambe wax baryi doonin."

Jaalle Siyaad wuxuu u arakay inuu yahay dhaqaaluhu "Burbax", ama natiijo (Result), qofkuna uu yahay sababta natiijada dhalisa.

Jaalle Siyaad wuxuu yiri:

"Dhaqaaluhu iskiis isaga iman mayo (iskiis uma abuurmo) ee in laga shaqeeyuu u baahanyahay".

Shaqo qof la’aanteed ma dhisanto. Qofku (xoogga qofka), haddaba waa u shardi dhismaha. Shaqada dadku waa isha uu dhaqaaluhu ka soo burqado. Laakkiin, Jaalle Siyaad wuxuu qabaa in xoogga qofka kaligiis ussan kifaaya ahayn. Waxaa shardi ah inay la jirto dhawr arrimood, sida ay la ahayd Jaalle Siyaad: marka hore, waxaa loo baaran yahay fikrad (fikrad xor ah) qofka caqligiisa ka timaadda oo dhaqaajisa kana shaqaysiisa xoogga qofka; marka labaadna, aqoon, marka saddexaadna waxaa loo baahan yahay tandiim (organization) horusocod ah; marka afraadna aqoon. Sidaad daradeed Jaalle Siyaad wuxuu qabay in xoogga qofka fikradda aqoonta iyo urur horusocod ah ay dhisaan dhaqaalaha wadanka.

 
Feb10

Dismahii Iskaashatooyinka dhagaxa nuuraddda iyo ciidda

Golahii Sare ee Kacaanka iyo Golihi Xoghayayaasha Dawladda waxay wadajir ugu so baxay 25 go'aan oo taariikhda Kacaanka Soomaaliyeed kaga jirtay dhan weyn ee Ummadda Soomaaliyeed waxtar iyo qaayaba u leh.

25-kaas go'aan waxaa ka mid ahaa, in qodaalka dhaqaxda, shidashada nuuradda iyo ciidda dhismaha oo markii hore ay dad gaar ah shatiyaal u haysan jireen, in laga dhigo iskaashato dhaqaale ah oo wixii macaash ah ee dad gaar ah ay heli jireen, gacaanta loo geliyo shaqaalihii markii hore xaqirnaa.

Go'aankaasi intuusan ka so bixin Golihi Sare ee Kacaanka iyo kan Xoghayayaashii Dawladda, kawooyinka dhagaxda, waxaa laga maamuli jirey Wasaaradda macdanta iyo biyaha, laakiin markii u go'aanku so baxay, maamulka iyo iskudubbaridka iskaashatooyinka, waxaa lagu so wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud.

 
Jul15

Siyaasadda Gudaha iyo Tan Dibedda

Jaalle Siyaad wuxuu yiri:

"Dal waxaa lagu horumarin karaa markii ummadda deggani israacdo oo ay isku niyad noqdaan, iyagoo daacad u ah dalkooda, taasi waxay ku imaan kartaa in la helo ummad u bisil siyaasadda dalka, iyagoo ka bogsada cudurrada foosha xun ee ah eexda, qabiilka, laaluushka, caddaaladarrida iyo qaraabakiilka"

Mar kalena wuxuu yiri:

"Qaranna ma gaari karo gobanimada runta ah ilaa intii dadkiisu aynan diyaar u ahayn dhibaato, dagaal badan iyo guntigoo dhiisha ay iskaga dhigaan, ayna muujiyaan daacad iyo daryeelidda danaha dadka."
 
Page 5 of 9

Buug Cusub / New Book



Khudbadii ugu dambeesay 1991 Version 2


Khudbadii ugu dambeesay 1991

 

Latest Comments


About

Author Developed and maintained by
Mohammed Ibrahim Shire