Somali:
Daabaacaadii kowaad ee buugga taariikh nololeedkii iyo hogaankii madaxweynihii ummada Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa soo baxay. Buggan oo ku qoran luuqada Ingriiska ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya noloshii, hogaankii iyo guud ahaan taariikhdii madaxweynihii sadexaad ee Soomaaliya. Buugan oo ciwaankiisu yahay “Somali President, Mohammed Siad Barre: His Life and Legacy” ayaa gaaraya illaa 320bog oo xanbaarsan sawiro taariikhi ah.
Jaalle Siyaad waa hoggaamiyihii cinqilaabka aan dhiigu ku daadan ee ciidanka Soomaaliyeed kula wareegeen talada dalka 21 Octoobar, 1969. Sagaal sano ka dib xoriydii curdoonayd ee dhalatay 1960, inta aanay ciidanku talada la wareegin xaalada dalku waxay ahayd mid aad u jaahwareesan. Maamulku waxaa uu ahaa musuq aad u tabar daran, waxaa jiray qabyaalada, dalkana horumar kama jirin. ka dib markii ay dhalatay towradii Kacaanku waxaa bilowday isbal taariikhi ah iyo horumar. Tawradii kacaanku waxay ku tilaabsatay wax-qabad ku wajahan; kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee horumarka bulshada. Waxaana la mamnuucay qabyaaladii. Waxaa la hirgaliyay iskaashatooyin xoogan oo laf-dhabar u noqday horumarkii ummada. Dalkii waxaa lagu dhisay iskaa wax u qabso. Waxaa la qorey Af-Soomaaligii, ubadkii dalkuna waxay nasiib u yeesheen inay afkoodii hooyo wax ku bartaan.
Buuggani waxa uu markhaati iyo raad reeb ka yahay taariikhdii dheerayd ee Jaalle Siyaad, xumaantiisa iyo wanaagiisa, waxaana uu da’yarta iyo dhamaan ummada inteeda kalaba siinayaa fursad ay dib ugu jaleecaan cutub ka mid ah taariikhdii bari-samaadkii Soomaaliya. Waxaa uu akhriste kasta uga jawaabayaa su’aalo badan oo muhiim ah. Waxaa uuna u soo bandhigay qoruhu siday ahayd sax iyo khaladba. Waana lagama maarmaan in qof kastaa akhriyo.
Waxaa qorey Maxamed Ibrahim Shire oo ah nin dhalinyaro ah oo ku barbaaray yurubta galbeed, bartay culuumta sayniska, dagana dalka Ingiriiska. Qoruhu waxaa uu ku dhashay Soomaaliya oo uu mudo 21 sano ah moogyahay. Waxaa uu mudo dheer ku gudo jiray aruurinta iyo soo bandhigida taariikhda Soomaaliyeed. Waxaana uu hirgaliyay dhawr sano ka hor shabakada JaalleSiyaad.com oo lagu kaydiyo laguna soo bandhigo taariikhdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
“Waa Buug Xiligiisii Joogga, Qoruhuna U-hagar Baxay”
Ahmed Adan (fridaybulletin.com)
English:
A book detailing the life account of the late Somali president entitled 'Somali President Mohammed Siad Barre: His Life and Legacy' is finished and is due to be released in end of October 2011.
About:
Mohammed Siad Barre was the architect of the Somali October Revolution and the third president of the young nation. At the time of independence in 1960, Somalia was touted in the West as the model of a rural democracy in Africa. However, tribalism, extended family loyalties and conflicts were social problems the civilian government failed to eridicate and eventually succumbed to itself. A bloodless coup led by Mohammed ushered Somalia in to the modern era. He brought radical postive developments including volunteer labour harvested and planted crops, and built roads and hospitals. Virtually all industry, banks and businesses were nationalised. Co-operative farms were heavily promoted. He forbade tribalism and stressed loyalty to the central authorities. He introduced Somalia's first writing script for the Somali language. This is his definity story that will detail both his positive as well as his negative achievements.
Mohammed Ibrahim Shire, BSc (Hons), was born in Somalia but moved to Europe at a young age. Having been detached from his country for over 21 years, Mohammed recently kindled his passion to research about Somalia's history. The life history of the late president is one of the many series to come that will extensively look at our rich history.




written by Yusuuf Laacib , September 25, 2011
written by Mohammed Abdullahi Artan , September 28, 2011
The wonders of this sad but well motivating story of an unique character in Africa when African leaders were nothing but racial, corrupt and power hungry comes an story of a man with a mission of reform, building a society which turned animosity, tribal feuds and wars with neighbouring countries as well as internal conflicts. This book leads you to that mission of Siad Barre and his ideas of reform, of which he has accomplished some while never realising others and how his governments as well as his legacy changed to a suppressive and corrupting entity.
Well written and researched by Muhammed Ibrahim who has been compiling all that is Siad Barre for the larger part of a decade.
Good work.
written by Omar Hassan Mohamed(omardheere) , September 30, 2011
Omardheere
written by Omar Hassan Mohamed(omardheere) , September 30, 2011
Buugan waxa uu soobaxay waqti loobaahan yahay aniga iyo dhaman ubixii kacankuna waxaan helaynaa xasuus iyo in aan dib ujaleecno kacaankii libineed ama kacankii barakesnaa.
Mohamed aad iyo aad baad ugumahadsantahay inaad soobandhigto buugaan qaaliga ah. Ajar iyo xasanaadna ilaahay hakaasiiyo.
Mahadsanid
written by layla nuux aadam , October 03, 2011
aniga waxaan ka mid ahay dhalinta soomaaliyeed oon nasiibka u helin inay arkaan dawlad soomssliyeed dawladii uu madaxda ka ahaa maxamad siyaad barre waxay ahayd dawlad nidaam & hanaan dawlad nimo leh ayada oo ay jiri karaan khaladaad badan oo ay lahayd waxaa kaloo jiray wanaag badan oyn lahayd ilaa & maantana lama hayo dawlad udhigant amase udhaw oo laga yagleelay soomaaliya waxaa loo baahan yahay in wixii khalad ahaa oo ka dhacay dawladaas laga digtoonaado wixay ku wanaagsanaydna looga daydo
written by abdi shukri shiikh ahmed , October 04, 2011
written by Janaale , October 04, 2011
written by muatafa , October 07, 2011
taasna waa idiinka mahad celinayaa thanks bro dhamaantiin
written by Xabiiba , October 11, 2011
written by Omar , October 12, 2011
All the best,
Omar
written by abdi lixle guled , October 12, 2011
written by Saylici Sheekh Diini , October 12, 2011
Bacda salaan,
Allaha kuu barakeeyo buugan iyo iftiimintiisa shaqsiga uu ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo wuxuu Soomaali nacab iyo gacalba u qabtay 1969-1991. Amiin Caamir ayaa 2007 sawir horay ugu muujiyay inaan ahayn dad indha xiran Madaxwaynahana uu noo waday dhul doog leh iyo meel lagu hirto mudada gaaban ee nolosha.
Buugaan hambalyo iyo bogaadin ayaan ku leeyahay. Dhalinyarada da'daada ah gabdho iyo wiilaal ayaa iska leh dhaxalka wadanka. Doqomada waaweyn iyo kuwa yar yar midna dheg jalaq ha u siin.
Adiga iyo inta howl guud qabata horyaalka aayaheena ayaad tihiin. Maxamed Ibraahim Shire waxaad horay ugu guulaysatay in shabakada Jaallesiyaad.com aad ku soo bandhigto xog aan la inkiri karin. Waxa wanaagsan mar walba dad ayaa isku daya inay hor istaagaan. Diinta Ilaah xitaa nuurkeeda dadbaa isku daya inay damiyaan, afkoodana ku damiyaan mana yeeli karaan.
Waayihii Soomaaliya soo maray ee wanaagsanaa ee ummadnimadeena na tusaysa waxaa ka mid ahaa Xornimo u Dirirkii, Kacdoonkii xigay ee Hanoolaato, Xoriyadii iyo Kacaankii uu horkacayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre AUN, qoristii Af Soomaaliga, warshadayntii wadanka, gurmadkii Abaaraha 1975 iyo ficilo kale oo aan la soo koobi karin. Wanaagaas waxaa nooga dambeeyay in wixii wanaagsanaa iyo qofkii wanaagsanaa xumaan lagu tilmaamo, qabiil walbana uu doqon soo caleemo saarto isaga oo dirac ku sheegayo wadankiina sidaas lagu dumiyay maantana doqomadii qabiilada ay diracyo iska dhigayaan "Land" iyo dhul dhexe intaba.
Dadkii xukunkii M. S. Barre diiday waxay noo horseedeen mudo aad u gaaban gumaad guud, dhac, dil, kufsi iyo geeri toos ah nus million shaqsi iyo barakac aan is istaagain 2 jiil ama 20 sano iyo dheeraad. Waxay ku xijiyeen inay wadankii goobo goobaystaan gumeysi cusubna gacanta u geliyaan. Taas waxaa nooga filan Maxamadow inaan buugaaga ku jaleecsano noloshii la soo maray iyo halyaygii na hogaaminaayay. Shacabkana mar walba waa waa shacab wanaagsan.
Haday wax naga khaldanaayeen qaran ahaan, saxitaankeeda cidii rabtay, naf ka goyn hal ruux xitaa ma ahayn inay noo horseedo carro Allana noo soo jiido.
Waxna waa taariikh laga tusaale qaato waxna waa, "Hadal yar iyo howl badan." Aan dadaalno dar Allana u caawino walaalaheen meel walba ku dayacan. Waxyaabo kale oo badan ayaan kaaga fadhinaa nin dhalinyar oo Ilaah fahan siiyay ayaad tahay. Guulayso.
Wabilaahi Towfiiq
written by ahmed hasssan jooye , October 15, 2011
written by roraye , October 18, 2011
written by deeqa cali , October 19, 2011
written by shacni , November 22, 2011
written by MOHAMED GULLEDE , November 22, 2011
written by saciid , November 24, 2011
mudane Madaxweyne maxamad siyaar barre waxaan illaah oga baryaayaa qabrigiisa in uu unuuriyo hade wade haduu gafayna allaha u danbi dhaafo , ayi muwadin somaliya waxaan ka codsan lahaa in uu uduceeyo madaxweynihii somaliya aabihii garashada guul wade siyaad s/c/s/w
written by cabdixakiim sahal muxamuud , November 24, 2011
written by somali , November 27, 2011
written by axmed dheere sheikh maxamed , November 28, 2011
written by Mahad mohamed ibrahim , December 27, 2011
dalkii iyo dadkiiba aawey somaliyeed waxna waad cunteen waxna waad karsateen waxna bada ku shubteen waxna qaxooti ayaa ka dhigteen waxna macaluul ayaa ku disheen welina siyaad bare oo la idiinka baqi jirey ayaad aflagaadeynaysaan balxasuusta xiliguu talada somaliya hayey xitaa xabashidu dhulkeena way ka biqi jireen xaduudka markay marayaan waxay dhihi jireen ilaahoow siyaad bare ciidankiisa hana tusin intaan ka fogaanayno
dawlad quwad leh oo aduunka laga yaqaano baynu ahayn
nin nin jilicsana somalia u ma talin karo waa inuu somaali isku mid ka dhigaa qabiilna meel saaro oo la iska ilaawo siyaad bare waxa uu yiri somaliyeed qabiil daawo maleh wuxuu dumiyo mooyaane
laakiin idinka wadana dumiyey oo isticmalay wax kasta oo xun
bal talo keena hada maxaynu samynaa waxaad ogaataan inaan wadan keliya dhisnaan karin dad la'aan dadkaasi waa inay marka hore aasaan qabiil hadii kale somaaliya dawlado badan ayaa kala qeybsan somalidana wadamada deriska ayaa lagu kala dari doona waayo waa xayawaano aan caqli lahayn aan ka ahayn qabiil waxayna ku wada dhiman doonaan iyagoo qabiil daba ordaya waxana aaqiro sebenka la soo saari doonaa iyagoo qabiii wada daba ordayo kadibna cadaabtaa laga wada buuxuun wey na qixiyeen somaali alaah ha qixiyo caruurteenii gaalaa ka wada dheregtey duli baa wada tihiin somaaliyeey alaah ha idin duleeyo waxaan ahay hooyo soomaaliyeed oo xanuun aad gaarsiiseen markaa wadankeedii ka qixiseen alaah yarxam siyaad bare ilaahay ha u naxariiste
written by deeqa , March 24, 2012
written by Bilaneeeyahmed , February 22, 2013







Many thanks to my dear brother, Mohamed Ibrahin Shire, who gifted his precious time and his great mind as to write this new book. You have done a wonderful task which will be thanking to you for your entire life.
Thanks.