You are here: Home Khudbado Taladii Asiibnay - 1974
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Taladii Asiibnay - 1974

E-mail

Khudbad Jaalle Siyaad u jeediyay dadweynihii u soo bannaan baxay tageeradii Soomaaliya oo ku biirtay Ururka Jaamicadda Carabta

Jaalleyaal,

Dhammaan-ahaantitin waad salaaman tihiin, aad iyo aad baan idiin ku mahad naqayaa, Jaalleyaalka ka tirsan Goloaha Sare ee Kacaanka, kan Xoghayeyaalka iyo dadka Soomaalida oo caafimaadka qaba oo dhan. Shirkakan qaayaha leh oo aad maanta meeshan isugu timaaddeen, kuna taageereysaan go'aannadii ka so baxay Golaha Sare ee Kacaanka iyo kan Xoghayeyaasha, kuna saabsanaa ku-biiridii dadka Soomaaliyeed ee Ururradaas dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, wax-wadaqabsiga ah ee Carbeed.

Sababihii noo geeyey in aannu qaadanno go'aankaas, danaha dadka Soomaaliyeed ugu jiraan inay ku biiraan Ururkaas, ama danaha ugu jiraan Ummadda Afrikaanka ah iyo Ummadda Carabta ah guud ahaanteeda wixii kasta oo aannu ku dhaqaaqnaa iney gundhigoodu yihiin, ama sal ay u tahay maslaxadda ama danta Ummadda Soomaaliyeed, sida cad oo aad mooddo iney ka sii dhiirdhiirraan tahay xataa siyaalka kale oo aad u tageerteen go'aankaas.

Innaga Soomaali ahaan, daa'imankeenba waxaynu ku xirneyn Ummaddda Carabta, dhaqaaleheenna ayaa ku xirnaa, tacliinteenna ayaa ku xirneyd, beecusharadeenna ayaa ku xirneyd, diinteenna ayaa ku xirneyd. Hiil iyo hooba markii aynnu ku jirney ciriiri, ilaa maalintii aynnu u dagaal galnay xornimadeenna dooniddeeda, dhiigeenana aynu ku daadinnay, waxay ahaayeen kuwii si qaraabannimo ah, walaanimo ah inoo gees qabanayey, ilaa heer ay ku gaaraan in iyaga kuwo ka mid ihi qadiyadda Soomaaliyeed darteed xataa magaalada aynnu joogno oo Xamar dhiigoodu ugu daato, oo aynu ka soo qaadi karno geesigii Kamaaluddiin oo aan filaayo dadka waaweyni in ay aad u xusuusan yihiin dagaalkii dheeraa oo uu ka soo galay Soomaali in xornimadeeda la gaarsiiyo ee horistaagga iyo macaaridka la macaaridaayo in laga daayo waxa weeye ninkii yiri oo annagu xaawi annanu u ahayn, annagoo og idinkuna in aad xaadir u ahaydeen:

Soomaaliya waay iney Soomaaliyu yeelataa ee ma aha masaraasar iyo maqaarsaar iney noqoto
 ninkii yiri weeyaan.

Markii ay joogtay, waad xusuusan tihiin baan u maleynayaa, in Ummadaha Midoobay la geeyey Soomaali in xornimadeeda la siiyo, waxaan filayaa in aad garan kareysaan, dhibaatadii ay ku so mareen iyo sidii ay isu keen garab taageen oo caddaanka ahayd. Waxaan xusuus nahay, markii aynu xornimada qaadannay in ay dhib ku jirtey si dhabbihii xornimada loo gaari lahaa loo qaado, kaas oo ku saabsanaa dhinaca tacliinta ah oo Ummadda dhallinyarada ah loo gaarsiiyo, waxay ahaayeen Carabtu kuwii ugu horreeyey oo yiraahdeen:

Soo dira dhallinyaradiina annagaa wax bareynee."
Waan xusuus nahay 750 arday oo Soomaaliyeed ayaa gegida Diyaaradaha ee Xamar ka dhoofay, iyadoo koox dhallinyaro Soomaali ah oo khaarijka loo oggolaado tacliimaad dhaadheer gaaraan ayan jirin, in dhallinta Soomaaliyeed tacliin dheer oo Jaamici ah ay gaarto, fureheedii ay noqdeen. Meel kastaba markaas ay ka bilaabatay in loo oggolaado in dadka Soomaaliyeed ay u doontaan tacliin khaarijka, waxaa weeye kuwa markastaba wax ka qabtay tacliinta Ummadda Soomaaliyeed, si caddaan ah oo aan qayla lahayn oo aan gurbaan lahayn, si xornimo ay ku hanato ama si Soomaalidu dhaqaaleheeda hore ugu dhigto, ama wixii kale oo Siyaasad iyo garabistaag ah amrkasta oo ay ciriiryoonayd.

Waxaan filayaa in aad garan kareysaanniin qiimaha ay markaas inoogu fariisan karaan Ummadda Carbeed. Haddaan xaggeenna u soo noqdo innagu ma aynaan noqonnin dad gun ah oo wixii loo tara illooba. Maalintii ay noo soo meertay, heer kastaba ha joogtee, ila xornimada maalinteynu qaadannay waxaannu garab taagneyn wixii iyaga dantooda ah, dandarradoona col beynnu ku ahayn, dariiq beyna ino ahayd. Waxaan qabaa in aynnu wax badan ka tarnay, aynuna maanta ku faani karno ineynnu wax tarkeennii ama garab qabadkeenni ama gees-istaageenni uu noqday mid miro dhalay oo maanta ay ictiraafsan yihiin Ummadda Carbeed ama ha ahaato shicbi ama ha ahaato mas'uuliine. Waxaan filayaa hatanna iney iyaguna inoo baahan yihiin, innaguna aynnu u baahan nahay. Marka isku-biirkeennu in uu noqon doona quwad waxtar u noqota labadeenna Ummadood, sila markiina waxtar ka noqota adduunka dhexdiisa.

Sida aad ugu war heysaanniina aad baynu isugu daynay in aynnu la jahaadno beenta isticmaarka oo caadadiisur ay tahay Ummadaha Adduunka ama Ummadaha isku Waddanka jooga inuu iyaga kala fogeeyo, isku diro una diido wax dhaqdhaqaaq horukac ah, oo ama dhaqaalohooda ama mujtamacooda ama ah tacliintooda. Bal adba eeg Carabta gudeheeda waxyaalaha ka dhexeeya oo is-afgaranwaaga ah. Waan hubaa ineyan iyagu mas'uul u hayn, laakiin weligood isticmaarkaa mas'uul u ah, iyaga oo wixii horukac ah madaxda kaga istaaga, kana shaqeeya had iyo goor in dadku ayan isu dhowaannin, is-garabsannin, wax isku tarin, ama ayan gaarin ujeeddadooda, ama horukacooda habboon oo dhaqaalaha iyo tacliinta iyo xornimada Siyaasigaa intaba. Waxaa la mid ahaa taas tan Afrikaanka, bal adiguba iyagaba eeg sidey u kala qalqalloocsan yihiin oo qoladii walbaba loogu xiray qolo kale iyo isticmaarkoodii hore, maantana ay u joogaan isticmaar cusub oo idinkuba aad garaneysaan sida uu u foolxun yahay ayna weli dul saaran yihiin. Waxaa marka aannu gareynaa in shaqadoodu ay ahayd Ummadaha iney kala fogeeyaan oo ay isku jeediyaan, isla markiina kuwa jaalka ah ama saaxiibka noqon kara ama dantoodu isku xiran tahay iyagana iney col ka dhigaan oo kala fogeeyaannin. Taas waxaa ka mid ahayd matalan Ummadda Carabta iyo Ummadda Afkrikaanka ah, ineyan is-afgaranni, ineyan istaageersan, ineyan marnaba Ummad iyagu xor-ahaan iyo sinnaan-ahaan wax u wada qabsada oo quwad muuqata noqonnin. Saas bey ku shaqeyn jireen.

Marka, Alle mahaddiis ha ku gaadho, weynnu garannay innagu qiddadaas foosha xun. Waxaynu isku daynnay 4tii sano ee aannu soo gudubnay inaannu u sheego Ummada Carabta oo niraahno

War qalad yaynaan ku dhicin, isticmaarka qiddadiisa aynnu garanno, sirtiisa aynu garanno, meeshuu u socdo aynnu garanno, sidaas darteedna aynnu tusaaleynno, xaga yaynaan ka leexannin, siyaasaddeenna iyo danteenna
sla markiina intoo kale,waxaannu ku lahayn Jaalleyaalkeenna Afrikaankba ah in ay is-afgaranwaaga. Isla markiina Ummadda Carbeed ay Afrikaanku gartaan iney yihiin kuwii ugu dhow, kuwii aan waxba ka dooneyn, kuwa is-garabsidoogu uu faa'iido weyn u dhali karo ama uu buuxin karo, iyada oo tahay sinnaan iyo caddaalad. Waxaan filayaa in aad taasna ku cilmi leedihiin, ineynnu wax badan ka gaarnay oo aan isleeyahay marag waxaa u ahayd dagaalkii Oktoobar 1973kii oo aynnu soo gudubnay, kana dhacay Bariga Dhexe, markii Ummadaha Soomaaliyeed meel ka so wada jeesteen, isticmaarkiina uu keligiis meel cidla ah uu ku haray kuna baab'bay, kuna ceeboobay.

Marka, maxaa himilooyinkeenna ka mid ah? Waxaa ka mid ah hawsheennaas goobtaas, oo ka sii shisheysa ineynu innagu aqalkeenna keliyo eegno, inaannu weli ka sii shaqayno oo u helno xoog aannu ugu shaqeynno oo isu keenno aakhirka dambe Ummadda Afrikaanka ah iyo Ummadda Carbeed. Markaasna ay danahooda caalamiga ah waxtar ka noqdaan, isla markiina ay maslaxad weyn u noqdaanniin nabadgelyada caalamiga iyo xuquuqul-insaanka Ummada Aduunka ku nool oo idil iyo xoreynta Ummadaha weli addoonka ah oo kuwa Afrikaanka ahi ka yihiin.

Haddaan soo koobo waan hubaa marar badan in aynu kala habawnay intaynu soo jirney ama aynnu xornimadeenna daba soconnay iyo dhismadeeda. Laakiin waxaa hubaa markaanu in uu aad ugu leexsan yahay markii aynu kala hawbaawnay, markaani uu yahay markii aynu taladii asiibnay, xaqii markaynu asiibnay, danteenni markii aynu garannay, waxaynu u sameynnay xaydaan adag oo nooc kastaba ah Ummaddeenna danteeda, horusocodka, dhaqaalaha, tacliinta iyo caafimaadka Ummaddeena. Ummad ahaanteenna Soomaalinimo si kastaba haw socotee. Waa ineynnu ka galno xubinta aynnu xaqa u leennahay Ummadaha Aduunka oo maalin walba ka tashanaya danaha Adduunka ama mashaakillada Adduunka ka taagan oo idil. Wuxuu yahay dagaalkeennu in aynnu gaarno si aynnu xaq u leennahay, ama Afrika ay gaarto, Carabu ay gaarto in Adduunka loo wada taliyo ee isticmaar iyo dad yari ayan u talin, in dhamamaan loo taliyo innaguna aynu qaybteenna ka qaadnano. Marka aan sidaas leeyahay uma socdo in aannu aammnisan nahay maskaxda gumeysiga, ma qabno cudur cadawnimo Ummadda ku nool dalalka isticmaarku haysto. Laakiin waxaannu qabnaa fikrad ah xuquuda aan leeyahay anigaa u talinaya, anigaana wada haya, uma oggoli in anigoo nool wakiil la ii noqdo. Aan ku soo xiro, dhammaanteen hambalyo, tasa oo aynu taladii haleelnay.

Ha dhaco isticmaarka caalamiga ahi! Dhabadhilifkiisuna ha ka daba dhaco! Wadajirku ha noolaado! Horukacu ha jiro! Midnimada Soomaaliyeed ha jirto!

Waad mahadsan tihiin, Jaalleyaal.

Comments (0)add
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search