You are here: Home Khudbado Siyaasadda Gudaha iyo Tan Dibedda
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Siyaasadda Gudaha iyo Tan Dibedda

E-mail

Jaalle Siyaad wuxuu yiri:

"Dal waxaa lagu horumarin karaa markii ummadda deggani israacdo oo ay isku niyad noqdaan, iyagoo daacad u ah dalkooda, taasi waxay ku imaan kartaa in la helo ummad u bisil siyaasadda dalka, iyagoo ka bogsada cudurrada foosha xun ee ah eexda, qabiilka, laaluushka, caddaaladarrida iyo qaraabakiilka"

Mar kalena wuxuu yiri:

"Qaranna ma gaari karo gobanimada runta ah ilaa intii dadkiisu aynan diyaar u ahayn dhibaato, dagaal badan iyo guntigoo dhiisha ay iskaga dhigaan, ayna muujiyaan daacad iyo daryeelidda danaha dadka."

Comments (33)add
Somali
written by Maxamed Ali , August 02, 2010
Ale ayaan naxariis u weydiinayaa marxuumaka,somaali gadaashiis magacena iyo Qarannimadi maanta majiraan ee sharafteena aan soo ceshano qofkastana oo somali ah xil ayaa kasaaran aanu ka shaqeyno Thanks.
MP
written by Abdirashid Sheik , August 04, 2010
Wacyiga siyaasadeed ee hoggaamiye marxuum Muxammad Siyaad wuxuu ku tusayaa in aan dunida hadda jirta tii tagtay daaye, ay dhif tahay amaba aysan jirin hoggaamiye ku kulmin kara si kooban cabirka falsafadda dadkiisa iyo strategiga siyaasadeed ee dalka uu madaxa ka yahay si qoto dheerna weedho kooban ugu sharxi kara wadada dheer ee sugaysa. Waa yaab sababta Soomaali ula garan weyday.
...
written by abukar romano , August 18, 2010
anigoo ah abukar romano ku na nool wadanka feynland waxaan jacleeystay allah u naxareestee jalle siyad mamulkiisii dowlada jamuriyada somaliyeed iyo awooda uu ku xukumaayay -
alle u naxariiste ma laga yaabaa in eey soo noqoto awoodaas. qore enj abukar romano
...
written by cananuug , August 19, 2010
Naxariis allaah ayaa leh, Laakiin Maxamed Siyaad Waddanka Soomaaliya wuu dhisay, Mana jiro Waddan ay bilaash tahay Tacliinta dugsiyada waxbarashada ilaa heerjamacadeed iyo cafimaadkaba. Balse akhristoow Burburka Soomaaliya waxaa ka dambeeyey Cadow badan oo uu Maraykanku hormood u yahay, ilaa haddana gacmaha kula jira.Haddaba Soomaliyeey qaranimadiina soo ceshada aad ciil baxdeene.
ubaxii kacaanka
written by fu,aad , August 25, 2010
ilaahoow kuu naxariiso janadiina ku gee aabo maxed siyaad barre
waxa uu ahaa wadani geesi dalkiisa iyo dadkiisa jecel gaaladana neceb dabadhilifka iyo ruufiyaankana neceb
alaha u naxariisto
...
written by mohamed mxamud , September 07, 2010
allaha u naxaristo jalle maxamed siyad bare wa abehe somaliya waa wadani jeclaa dadkisa iyo dalkisa iyo dintisa waninki jecla in africa midowdo jalle siyad bare somali aya fahmi waysay waxan illahay ugu baryaa jano fardoso uabii kacanka waa wax la xasosto
SOOMAALIYADII HORE IYO TAN HADA JIRTA
written by GEELLE , September 09, 2010
Soomaalidii hore waxaa hogaaminjiray waxgarada waana marxuun Mohamed siyaad bare Alaha jano iyo raxma sii yee waxuuna ahaa nin jecel Dalkiisa,Dadkiisa iyo Diintiisa waxaase badalay Daba dhilif,xasid,danayste,maxishoode,iyo kuwo ku qaraabanaya Diinta. Waxaan kusoo gabagabaynayaa ALAHA nagaran siiyo danteena nagana dhigo kuwa isfahma oo kafakara danahooda iyo aayahoodaba aaaaaaamiiiiiiiin yaaaarabi
...
written by raamoole , September 16, 2010
ilaahay ha kuu naxariisto jano ilahay ha ku geeyo aabo maxamed siyaad baree amiinn
...
written by abdullahi , September 30, 2010
ilaaheey waxaa ka baryaa in ee somalia madaxweyne fiican hesho, somalia waqtigii siyaad barre ee fiicneed.
waxaa hubaa in ee somalida badankood ama kuligood ee yihiin wadani, qof walba oo somali wadankiis woo jecelyahay, laakiin waxaa loobaahanyahay siyaasi cilmi iyo aqoon iyo karti leh oo daacad u ah umada iyo qaranka.. taasi neh ilaaheey aa ka baryeenaa in oo nasiiyo, sida ugu dhakhsaha badan..
Illahay ha u naxariisto Lionkii Africa Al ustaad Mohamed Siyaad Barre
written by Abdala Haji , October 10, 2010
Dadka waxaad modaa in eey bislaadeen oo eey garteen wuxuu inoo haayay Gen,kii allaha u naxariistee Lakiin maanta Gumeysi in aan hoos fadhino Waxaa Noo keenay anaga nafteena iyo qurunka iyo qabyaalada inga buuxdo ee wali aanan ka xuroobi la'anahay ee aan la'sootaganahay een ku indhacadnahay
rabbi waxaan nooga baryayaa in uu inoo naxariisto Oo uu faraj Kheyr qabo noo furo oo uu nookeeno Mid kafikira dadkiisa dalkiisa iyo diintiisa ee naga korqaado cadawga kaasna waa anaga ee aan fadhiga ka kacno waayo qofkale banaanka kama imaanayo ee aan ka kacno hurdada oo qabiilka aan iska qabano ee aan raadino Qaranimo
Lion of somalia
written by Shiine , October 19, 2010
Alaha ha unaxaristo m.siyad bare waxan dhihi karaa jale siyad inu ahaa ninki garsiyay dalka alah kasokow heerka u garay dalkayga isaga iyo asxabtisaba marka qof walba ha uduceyo
best president.
written by abdullahi yusuf , October 20, 2010
siyad barre he was a good presiden illahioo naxaristo jannahda fardouso illahi haa gillio wadanka wuxuu kudagiya mashallah


illahi oo naxaristo amin
abdullahi yusuf
BABA SIYAAD
written by ALI M. ABANUR , October 21, 2010
Allaha ha u naxriisto. Siyaad wuxuu ahaa wadani aragti dheer leh qofwaliba oo somali ahna wuu ogaa, laakiin waxa la is waydiinayaa maxaa loo taageeri waayey? Aniga waxaan aamin sanahay in dadka soomaalida inay yihiin dad juhalaa ah aana aqoon waxa iyaga dan u ah. Siyaad tegay halaga fiirsado waxa soo socda.


ALI M. ABANUR MANCHESTER U.K
Mr.
written by Prof. Aden , October 22, 2010
"Hota qabo siyaad oo bal qof kale ku soo dar" waa erayaddii M. N. Shareeco runtii waa la yaabi jiray heestan balse waa u ekaatay.
Balse Somaliyeey ogaadda nolashu waddo toosan ma leh, Dahabka iyo dheemankuna ilaa la gubo waa ciid.
War yaynaan Siyaad dhimaye calaacal ku jirin ee qof waboow isku day inaad noqotid Siyaad II.
Markaas shaki kuma jiro insha allah midkeen unbaa noqon.
illaah ha u naxariistee madaxweynahyni soomaaliya
written by xaaji , October 29, 2010
waxaan illah ugu baryaayaa naxariisti janno allaha ka waraabiyo mana qabo in soomaaliya ay heli doonto ruux asaga oo kale haddii ay isku koonfur iyo waqooyi iyo bar iyo galbeedba..........................
...
written by cllaahi axmed , November 01, 2010
ILLaah ayaan ubaryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo aabe siyaad waa aabihii wadankaan
Dalkuu siduu ahaan jitay & Maanta.....
written by Aadan , November 14, 2010
Alle ha u naxariisto marka hore Aabihii ummada Soomaaliyeed [Jaale Maxamed Siyaad Barre] Runtii waa waxaan la iska indho tiri karin waxyaabihii uu qabtay jaale siyaad iyo kacaankii uu hogaaminayey ba waana mid ay ummada soomaaliyeed midheheedii gurteen haseyeeshee kooxo jabhado ah oo haddana maamulo labaxay ayaa kala daadiyey iyo qaar kaloo u shaqeeya cadowga ummada soomaaliyeed oo ay ugu horayso Ethiopia.


By Dr.adan abdi
Illaahow sharaftii noo soo celi
aamiin....aamiin....aamiin
all kuu naxariisy madaale
written by cali sh. axmed , November 14, 2010
waxaan hubaa in soomaali bislaatey imtixaan farabadana lasoo mariyey kadib markay ilaahey kucaasiyeen burburiyeena wixii barwaaqo iyo nabadelyo siiyey marka hala toobadkeeno maxamd siyaadna alaha unaxiirsto wadani dadkiisa iyo dalkiisa jecel ayuu ahaa waxna laga bartey

...
written by caaqil yare , November 15, 2010
asc umada muslimiinta ah janadii fardoowsa ilaah hakawaraabiyo jaale maxamad siyaab bare oo ahaa muwaaadin soomaaliyeed islamarkaana uu udhabar adeegay dalkiisa soo uhor marin lahaa waayo waxaa kaafi iyo kaladheeri ah somaliya seey ahaan jirtay iyo seehada tahay ayadoo soomareen madax weena yaal farabadan ayagoo aanan waxbakudarin somaliya in eey burburiyaa mooyee soomaaliyeey ma idiin kasoo bixi doonaa helyeey sida jaale siyaad janada ilaah hakawaraabiyee waayo waxaan dareemnay umada soomaaliyeed in eeysan jirim muwaadin usoo jeeda soo kudhisi lahaa dalka somaliya oo ujeedojaga raadis ookaliyah marke ilaah hanoo hagaajiyo dalkeena iin shaa alaah soomaliyeey kashaqeeya xurnimada soomaaliyeed
Wadani dal iyop dal jecel ku caan ahaa
written by Axmed Cabdi Maxamed , December 04, 2010
Iyadoo taariikhdii Kacaankii libineed ee Soomaaliya ay ka soo wareegtay muddo ku dhow 20 sano, ayaa weli waxaa quluubta Soomaalida aan ka go'ayn sidii uu ahaa Hogaamihii Kacaankaas ALLAHA u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo isagoo kale uusan horay u soo marin ka dibna aan la arkin.
AUN Marxuun Maxamad Siyaad Barre waxaa la qirayaa mid rabay iyo midaan rabinba in uu ahaa Wadani jecel horumarka dalkiisa iyo dadkiisaba, ahaana nin naxariis badan oo jecel agoonta iyo masaakiinta, waxaana ka marag kacaya siduu u ruriyay agoontii ugana dhigay Ubixii Dalka.
ALLAHA ugu naxariisto Halyeeygaas samo falkiisii badnaa ee illaa iyo hadda muuqanaya iyadoo ay ka soo wareegtay rubuc qarni ku dhowaad burbur ah
...
written by cimraan mohamad max.ud , December 13, 2010
allaha unaxariisto geesigii somaliyed aanan jirin ilaa iyo hada cida soo labeysa asiga lkn waxa is wiidin mudan yaa ka dambeeyey bur burkii wadankeni bilacdi sharafti iyo wngi badana waxa ka dambeeyey labo cadaw aan dhihi karo labadas aya ka dambeeya bur burki wadankeni waana marekanka iyo ruushka ayaga nooga ma dambeen bur bur maalinti ee dhaheen madaxa weene heena ee caadis ku saaren in uu ciidimidisa dib ugu soo ciliyo gudaha somiliyo marka ee arkeen awooda iyo kartida ee leeyihiin ciidamadi wadankeni oo soma jeesti yaashi ahaa ee lagu amrey in ee dib uso laabtan kadib dhimasho iyo dhaawac fara badan maalinkas ayuu bur bury wadankeni sharafta lahaa kana dhigay manta wadanka aduunka ugu sharafta xun lkn hadii leesku duubna lahaa iyo mantaba wadankena ma bur buren waxan maqli jiray shacab xun majiro ee waxa jira madax xun ee allah nasiiyo doladii horay mid u ek waayo taaso kale lama helaayo aamiin aamiin
allaha unaxariis siyaad bare
written by sh/ siyaad abukar , December 29, 2010
waxu ahaa nin aad udal jecel malaga sheekeen karo maanta wayo dalku wuxuu marayo iyo wax maanta uu yahay walabo kala fog marka allah u naxariisto marxuum siyaad bare illahayna janada haka waraabiyo marxuumka
ALLE janatul fardowsa haka waraabiyo
written by Cumar Muxsin Maxamed Yislam , January 09, 2011
ALLE ha u naxriisto Madax weyne Jaalle Maxamed Siyaad Bare waxa uu ahaa nin wadani ah jecelna dadkiisa waxaa kale uu ahaa geesi kor u soo qaaday wadankiisa SOMALIIA ilaa iyo haatan ma jiro nin la mid ama u soo dhowaan kara xataa run ahaantii taariikhdiisa halkaan laguma soo koobi kare balse waan xuseynaa oo keliya
ALLE janatul Fardowsa haka waraabiyo
Aaaaaamiiiiiiiiiiin Aaaaaamiiiiiiiiiiin Aaaaaamiiiiiiiiiiin
Salaan Sare Dhamaan umadda Soomaaliyeed
written by Guled , January 22, 2011
Waxaan salaan sare hawada u soo marinayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee ku nool gaafaha dunida. Waxaan leeyahay teliya waxa uu ka soo dhex baxaa dadka oo uu ka soo abuurmaa. Sidaas daraaddeed, waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa "nin tegay tebistii waa nin jooba ceebtii", taas oo ka dhigan in Siyaab Barre si lixaad leh ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed u tebtay waa ceebteenna. Taliyuhu waa dadka, dadkuna waa taliyaha ee garwaaqsada oo xataa tijaabiya kuwa xun haddaad rabtaan, si ku san loo helo. Taliskii yimaadaba ha mucaaradina inta uu sal dhigan ee Soomaaliyeey qunyar bal!

Waad mahadsan tihiin dhamaantiin.

Guled
Mr
written by Aden Gacansare , January 22, 2011
Jaalle Siyaad waxaa Alle uga baryaynaa naxariistii janatul fardowsa. Dadka Somaliyeed in badan oo ka mid ah waa ku qaldameen mana ay garan dadaalkii uu u galay horumarita dadka iyo dalka Somaliyeed.
Waa uu dhintay oo alow noosoo celi ma dhahayno balse waxaan leenahay Alow jaalle Siyaad oo kale noo sahal.
Amiin
...
written by SSC , February 25, 2011
Raxamahullah Al Xaaji Mohamed Siyaad,

Waxa lagu xasuustaa horumarkii uu dalka Somalia gaadhsiiyey mudadii uu xilka hayey waxaana ka mid ah.
1) Kobcinta dhaqaalaha waddanka.
2) Dhismaha infrustucture cusub - sida wasaaradihii, wershado cusub, Jaamacaddo, waddooyin.
3) Dhismaha waxbarashada - school cusub min caasimad ilaa tuulooyinka, Jaamacado kala duwan
4) Dhismihii Ciidamada qalabka sida ee somalia.
5) Qoraalkii Af Somaliga - ka hor intaan la hirgelin mashruucan 8% somalida ayaa waxna qori jirtay waxna akhriyi jirtay, markuu af somaligu hirgalay waxay gaadhay 92% inta wax akhridaa.
6) Daryeelka dadka abaarahu ama daadadku wax yeeleeyaan. Dujuuma, Sablaale.
7) Kobcinta Daryeelka caafimaadka - Hopitals badan oo la dhisay, iyo kulliyad caafimaad iyo mid kalkaaliye caafimaad (nursing) oo dhidibadda loo taagay.
8) Wax soo saarka beeraha oo kor loo qaaday.
Waxaan wax ku soo bartay Somalia intii uu Madaxweyne Mohammed Siyad Barre dalka hogaaminayey waxbarasho lacag la'aaneed min Elementry school ilaa Jaamacadda Gahayr, waa nasiib aan anigu helay laakiin caruuro iyo Somali badan oo iga dambaysay aanay helin.. really sad!!!!!!.
Ilaahoow u naxariiso Mohammed Siyaad Barre - aaammiiin yaa rabbi
waxaan kudhashey magaalada janaale ee kutaal shabeelaha hoose
written by aadan sheekh maxamed barakaan , March 30, 2011
s/c allow kuunaxariiso waayo wuxuu halyeey geesi ah aan weligii dib loo arki doonin
hargeisa somaliya
written by yousuf ahmed mataan , April 30, 2011
waxaan idiin odhan lahaa siyaad bare somali ka hor maysan jirin ka dibna maysan jirin
waxay dad qiimo leh noqotay intii uu madaxweynahaa ahaa
jaale maxamed siyaad bare
ethiopia
written by cabdishakur maxamud dubad , May 20, 2011
allaha u naxariist e professor siyad bare ka hor somali ma jirin kadibna majirto
waxaan leeyahay naxariistii jano allaha siiyo
written by buraale , May 24, 2011
Qof walba taariikhda ayaa qoraysa balse dhalinta soomaaliyeed ee maanta waxaa la idinka baahanyahay inaad waawaajibka idin saaran gudataan waad aragtaan wadanku meesha uu marayo . allaha unaxariistee qodbooyinkii waanada iyo wax usheega umada waxan dhihi lahaa iyaga oomaqal ah web ka ha soogaliy assalaamu calykum
waxaan illaah kaaga baryayaa janadii fardowso inuu galiyo geesigii somaaliya
written by mohamed abdi guure , December 05, 2011
marka hore waxkase taariqda ayaa qorto tariiqdana waxaay sheegtay inuu ahaa nin wadani ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba jecel laakiin waxaa dabagalay dad umadooda xaasid ku ah oo aan kala jecleen wadan iyo dadba mana u maleenayo nin lamida inuu somarayo somaliya ,,aloow unaxariiso mahamed siyaad bare
Mr.
written by Ali Mohamed Sh Hassan Soofe , December 10, 2011
Allaha U naxariisto Aabihii Umadda Jaale Maxamed Siyaad Barre waxa lagugu xasuusan Karo kuma soo kobi karno halkaan ama qormo qur ah sidaa daradeed waxaan xusayaa dhowr arimood oo kooban:-
a: Hal abuuro aad sarreeya
1.dajinta aragti sare oo ah yool u beegsanyay sida mida xaadirka, mudad dhexe iyo mid mustaqbaleed, tasoo aan usoo qaadan karno,
Dhaqaale, Waxbarasho, Caafimaad iyo dhismooyinka adeega Bulshada,
Abaabulida bulshada oo ku jaheysan sidii loo gaari lahaa yoolalka la higsanaayo iyada oo la adeegsanyo Media ah iyo isu soo baxa dadweynaha iyo dhiiri galin ay ka qeyb qaadaneyso dowlada sida madaxweynaha, wasiiro, iyo mas'uuliyiinta kale ee dowlada taas oo aheyd mid joogto ah:- sida dhismihii iskuulada qasabka ahaa oo dadku kawada qeyb qaateen iyada oo qofka shaqeynayaa galinka horaa galibtee uu lasoo diyaar garoobi jirey xoogiisa, kan galabtii shaqeeyana uu subaxdii xoogiisa keeni jirey iyada mashruucaas dalka lagu dhisayay ee dadku u yaqanaan ISKAA WAXQUBSO, waxayna ka mid tahay wax yaabaha lagu xasuusto Aabihii umada waxaana halku dhiga dhismahaas ahaa sidatan " JAALLE DHOOBADDA ANA DHAGAXA, DHISMO WEEYEE, KII KA DHUUNTEE DHIBKA DIIDOW DHAXAL KUMA LIHID" Arinkaas oo ahaa arinka lagu dhisay dhismaha ama infratructure uu leeyahay dhamaan dalka Somliyeed. Taasoo ah bilowgii Scientifc Socialist Ideolaogy initiatives. haddii aan sii wado Ilmadda ayaa isoo dhaafeysa marka aan dib u eedo waxa aan ku badalnay haddii aynu nahay Dadka Somaliyeed, waxaan warkeyga kusoo afmeerayaa . Allaha weyn ha u naxariisto Madaxweynihii Umadda Somaliyeed Jaale Maxamed Siyaad Barre.
Alle Dambigiisa ha dhaafo
written by Mohamed Hassan , January 22, 2012
Wax badan oon noo muuqan marki uu noolaa ayaa maanta noo muuqdo, hoggaamiye xor ah oo wixi uu doono qaadan karo, ciddi uu doonana dhihi karo maya isagaa ugu dambeeyey,waxaan xusuustaa buu aan akhriyey kudhawaad 40 sano ka hor oo uu qoray nin masri ah, qayb ka mid ah ayuu uga hadlaayey sida uu ku bartay ruushka, maxamed siyaad isagoo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayuu dalal uu talyaaniga iyo jarmalka ay ka mid yihiin uu booqday si uu ciidamada xoogga ugu helo hub, waxa aloo soo sheegay in aan diyaar loo ahaydn in milatary soomaaliyeed la qalabeeyo lana xoojiyo, markaasuu soo maray masar waxa uu la kulmay madaxwayne jamaal cabdi naasir oo marki uu uga sheekeeyey waxa uu yurub kala kulmay, ku yiri midowga soofiyeeti ayaan kula xiriirsiinaa.. halkaas ayuu ka bilowday xiriirki ka dhexeeyey midowga soofiyeeti iyo maxamed siyaad barre kaasoo kenay in soomaaliya hesho ciidan xoog leh oo gilgilay dalalka gumaysta dhulalaka soomaaliyeed. maanta ma u malayhee in ay dhici doonto in la helo soomaali xoog leh... Ethiopia ma oggolaahee in la helo soomaali mar kale cabsi galisa.. iska dhaaf taas ee ma oggolaahee in la helo nin soomaaliyee oo madax ah oo dhehi karo MAYA wax ay iyadu wadato xitaaba ha ahaatee naagtaada noo keen .......Allaha u naxariisto... qaladaad waa galay laakiin waxa uu ahaa nin wadan jeceylku ku waynyahay.. waxaana riday kuwo sidi uu dhihi jirayba : dalka waa u beec haddii ay meesha yimaadaa... bal ka warran ninka wasiir iskaashi caalami aan soomaali u ahay dhahaayey ee kenya ka gaday badda soomaaliyeed... bal ka warran ninka wasiirka caadimaad lagusheegayey ee lacag ku qaatay in badaha iyo dhula soomaaliyeed qashin lagu shubo.. waxaa ka sii daran nimanka madaxwayne yaasha sheeganayo oo kuwaasna wasiirro u yihiin....dambi ma leh oo waa niman og in ay damiir laaweyaal yihiin.. meeshana ay ku joogaan raalli garaynta kuwi soo caleema saaray.. waa kuwa ay matalaan
SIYAAD MARAR BADAN SHACABKA SOOMAALIYEED WAA KU XUSUUSAN DOONAAN.....SIDI AAD MAALINTI AAD XAMAR KA BAXAYSAY AAD TIRI: WAXAAN RAJAYNAA IN AY MAALIN YIMAADAAN DAD KA HADLA OO RUNTA KA SHEEGA TAARIIKHDA.
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search

Buug Cusub / New Book