Jaalle Siyaad waxuu uu 27/7/83 ka furay xaruntii Jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho, Dood Cilmiyeedkii 2aad oo ay ka qab galeen Macallimiintii Jaamacadda Ummadda iyo Aqoonyahanno ka tirsan ha'adaha Qaranka.
Waxa Khudbad qiimo leh ka jeediyey Jaalle Siyaad oo si ballaaran uga warramay waxyeellooyinka qabiilku u leeyahay Bulshada, xaq dhaqaale, siyaasad, iyo guud ahaan horumarka Ummadda.
"Qabiilku wuxuu yahay mid soo jireen ah Ummadaha Adduunkuna ay soo wada mareen, balse ay jiraan dalal badan oo ka xoroobay waxyeelladiisa, kuwaasoo mar qura aan gaarin guushaas, hase yeeshee ey marxalado kala duwan ka soo mareen ka madax bannaanaashada dhiilooyinka Qabiilka.
Ma jirto mana jiri doonto in Ummadi horumar gaarto iyadoo aan si cilmi ah uga gudbin waxyaabaha hakin kara in ay gaarto guul wax qabad ee xagga dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada ee Qabiilku Aabbaha u yahay.
Waxaa lama huraan ah in aynu ogaano heerka iyo halka ay dunidu ka marayso horukaca, isla markaasna aar la nidaamnaa niyad, rabitaan iyo yididiilooyin aynu ku higsaneyno horumarka asaagayagu gaaray, taasoo xaqiiqa du sida ay tahay lagu gaari karo ku dhaqanka cilmiga iyo ka fogaanshaha wixii dhib u dhac inoo keenaya.
Marka heer Qaran ilaa heer qoys si caddaan ah iyo aragti waddaninimo looga doodo layskuna tusaaleeyo sida looga gudbi lahaa turunturrooyinka Qabiilka, shaki kuma jiro in markaas la siibayo tiir ka mid ah tiirarka uu qabiilku ku taagan yahay lana helayo saldhig adag iyo goobo lagaga duulo ciribtirka qabiilka oo ah cadowga ugu weyn oo ay Ummadi leedahay.
Waxa Qaran dhismi karaa marka bulshadiisu ay ka xorowdo ama laga tirtiro raadadka Qabiilka iyo wixii la halmaala.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed waa in ay gutaan doorka weyn ee laga sugayo in ay ka qaataan dadaalka loogu jiro in Ummadda Soomaaliyeed ay gaarto horumarka ay higsanayso, taas oo ku imaan karta marka Indheergaradku si ficil ah aqoontooda ugu dabbaqaan fulinta hawl maalmeedka Qarameed iyo la dagaallanka Qabiilka.
Aqoonyahanka dhabta ah waa kan ku fekera sidii uu Ummaddisa ugu badbaadin lahaa dib u dhaca uu le leeyahay Qabiilku isla markaasna ku hamiya goor kasta in uu noqdo horseedaha, toosiyaha bulshada sidii ay u gaari lahayd horukac dhan kasta ah.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed waa in uu noqdaa mid guda abaalka ay Ummaddu ku leedahay, abaalkaa oo uu ku gudi karo in uu ahaado mid ku baraarujiya bulshada waddada horumarineed isaga oo ay ku beeran tahay isku kalsooni waddaninimo.
Qof kastaba waxa uu qabto ama u tari Ummadiisa taariikhda ayaa qoreysa waxaana loo baahan yahay in dhallinyarada Aqoonyahanka ahi ay meel hore ka galaan taariikhda socota iyo gaaritaanka kharaadka ay Ummadu u baahan tahay.
Haddaba Dood cilmiyeedkaan waxa laga sugayaa in waxyaabaha ka soo baxaa saldhig u noqdaan tillaabooyinka lagu ciribtirayo Qabiilka si loo abuuro bulsho ka caafimaad qabta Qabiil ee u soo jeedda horumarinta dalka iyo dadkeeda.
Waxaan idinku boorinayaa in aad howshiina saldhig ugu dhigtaan cadaalad iyo dareen waddanimo si miraha ka so baxaa u noqdaan kuwo lagu gaaro yididiilooyinka iyo ujeeddooyinka Dooddaasi.
Waxaan ugu dambeystii bogaadin u soo jeedinayaa ha'adihii soo qaba qaabiyey dooddaasi anigoo u rajeynaya indheergaratada ka qayb qaadaynsaa guul iyo waxqabad horumarineed."
written by Somali doon , January 28, 2010
written by hussein , March 16, 2010
written by Maxamed Xasan , March 22, 2010
Mahadsanid,
Maxamed Xasan





