You are here: Home Khudbado Khudbaddii ugu horeysay uu Madaxweynihii Soomaaliya uu ku sheegay in Af Soomaaliga la qori doono Oct. 21 1972
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Khudbaddii ugu horeysay uu Madaxweynihii Soomaaliya uu ku sheegay in Af Soomaaliga la qori doono Oct. 21 1972

E-mail

...Waxaan kale oo aan isleeyahay uguna bishaaraynayaa dadka Soomaaliyeed in caawa la qaaday qaraar oo Goleyaaashu ay gaareen go'aan ah Af Soomaaligii in la dhigo. Afkii hooyo in la qoro wixii ka dambeeya maantana afkii xaqa ahaa oo dalka lagu maamulayey inuu isaga noqdo.

Kaas oo lagu dhigayo xuruurfta loo yaqaan Laatiin iyadoo loola jeedayna in uu yahay midda keliya oo durbadiiba hirgelin karta haddii la yiraahdo afkii hooyo haba la dhigo amaba dhaqaalaha dalku uusan ka maarmi karin inuu xruuf kala qaato, taaso u baahnaan kari lahayd alaabo badan oo malyuunaad lacag gaarta in lagu gado amabase waqti dheer ay u baahato intii allaabadaas laga sameeyo ay dhici kari lahayd. 

Waxaa kale oo  haddaan ka xuso tacliinta barbarkeeda hoose ilaa barbarkeeda sarae waa isku xirxiran tahay.  Marka haddii aan ku xisaabtamo tacliinta qiimaha ayugu xiran tahay ama ay leedahay, adduunku wuxuu leeyahay macaamilo badan oo ka dhaxaysa ama beecsharuu isugu xiran yahay, ama tacliin buu isugu xiran yahay; qolo keligeed gees u noolaan kartaana ma jirto.

 Adduunku intiisa badanina xaruuftaas ayay ku isticmaashaa, qolo kastana waxay jeceshahay in afkeeda dad badanu ay bartaan oo uu fido. haddii ay dhacdo xuruuf kale in lagu dhigo waxaa imaan kari lahayd inu go'doon noqdo oo ay suuro gasho inuusan fidin, isla markii waxaa haddana  laga maarmaan ah ama qiimo khaas inay leedahay...

Comments (21)add
aabihii umada
written by Adam hajji , August 06, 2009
Allah ha unaxariisto aabihii umada
Shariif mahamed Siyaad - radiyalaahu canhu
written by Ahmed yare , August 09, 2009
Walalayaalow maanta ka dib ha dhina wax kale oo Shariif mahamed ugu yeera.
Waa ninka Shiikh zaaid ugu duceeyay Somalia isagoo kale inuu u dhasho.
waa ninkii uu yiri Shiikh zaaid " ma taqaanaan muwaadinka kaliya ee carbeed ee markaan jeega magaciisa ku qoray igu soo celiyaya oo yiri hadaad aniga i siisay waad mahadsantahay oo ma rabo lacag hadaad soomali siisayna ku qor Bangiga Dhexe ee Soomaliya" hadalkaasna waxuu yimid markuu Cabdiqaasim intuu Cheque 9 milyan ah oo magaciisa lagu qoray intuu eegay jeebkiisa ku sii ritay oo ducana u bilabay isagoo leh Shikh Zaaidaw cimrigaada allaha dheereeyo
bal isu fiiri. waa ninka aan nina nooga dambaynin. Taariikhdaa i sheegi doonto hadaan fiicnaa iyo hadaan xumahaba waxay ahaayeen hadalada uu ku celcelin jiray. Inti uu xiri jiray iyo intuu umdaa ka yurayn jiray baa maanta fursadii haystoo waxuu naga celin jiray waa inagaa dhaxalyna- wadaad xume, dhuuni Raac, shisheeye kalkaal, danayste, iimaanlaawi, qaran dumiye iwm .
bal eeg cid kale daaye Shariifkii shalay yimid baa cimaarado ka gatay qaahira oo caruurtiisii gaystay halkaas , Shariif mahamed Siyaadna hal Boos uu leeyahay Xamar waa laga waayay, Koonto dibadaa ay lacagi u taalna waa lasoo waayay caruurtiisana waaynu wada ogayn sida ay meel walbo oo dalak gusdihiisa ah noola joogeen oo iskuulada noola fadhiisan jireen
Fadlan Odagaa hal xuso oo hala siyaarto oo ilaah haloo baryo inuu naxariistii janno geeyo
Ilaahoow u naxariiso oo Qabriga u nuuri oo Jano ugu bishaaree..........Aamiin
written by Faarax , August 11, 2009
Madaxweyne Maxammed Siyaad Barre wuxuu ahaa wadani dhab ah had iyo jeerna danta wadankiisa ka hor mariya tiisa shakhsi ahaaneed. wuxuu ahaa halyeey wadankiisa had iyo jeer difaaca kana ilaaliya cadawga mid dibadeed iyo mid gudahaba.

Taas waxaa ka markhaati ah waad aragtaan 20-kii sano ee la soo dhaafay marxalada aynu ku jirney. hadii ay sidan ku sii socotana waxaaba halis ku jira magaca soomaliyeed oo waxaaba dhici karta in la yidhaahdo beri bay dadkaasi jireen.

Sidaa darteed anigu shakhsi ahaan waxaan u arkaa Maxamed Siyaad Barre in uu(Ilaah ka sokow) ahaa Gaadh-hayaha wadanka (THE GUARDIAN OF THE NATION).

Markaa Soomaaliyeey Maxamed Siyaad Xusuusta oo u qira wuxuu ahaa una duceeya oo Alle bari u sammeeya.

Illaahoow Maxammed Siyaad Janatul Fardowsa ugu bishaare, Soomaalina dhibka iyo rafaadka haysta ka saar...AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN


...
written by Jaale Guulwade Axmed Ali Askar - Laascaano. , August 24, 2009
Siyaad wuxuu ahaa nin fariid ah oo badheedhihiisa hadla oo sheegan kara waxa uu rabo una rabo umaddiisa.

Kacaankii barakaysnaa iyo ujeedooyinkii uu u dhigay umaaddu in ay higsato waxay ahaayeen kuwo ku ka soo go'ay maskaxda jaale siyaad kuna bislaada ka bacdina markii aad u bislaadeen ay noqotay in uu umadda u iftiimiyo kuna hago hilinkii kacaankii barakaysnaa.

Waxaan ahaa taliyeyaashii ugu firfircoonaa ciidankii guulwadayaasha welina waxaan ka seexan la'ahay sida xil kasnimada ahayd ee uu Aaabe Siyaad hogaanka noogu hayey iyo waxa maanta ku habsaday arladii uu ka dhuuntay Aabaheen.

Nooloow Aaabe taariikhdaadu waa laabta.


...
written by Wadani , August 30, 2009
I love that guy. He was real somalian. These "qabqable diineedyada" are
just traits which supposed to be excuted already now.


Muwaadin sharaf leh, oo somaliya dhisay
written by Cali Gardheere , October 23, 2009
Illaahow Macallinkii Kacaanka u Naxriiso,wuxuu ahaa waddani somaali ah oon dabadii la heli doonin.
Yaaba badali karaya waxqabadki guulwadaha?
written by Wiil Soomali ah , October 25, 2009
pernaamijyadi waaga u hirgeliyay waliged mid lagaari doona maahan sida iska wax u qabso ee dhismaha wadooyinka iyo wax soo saarida ahaa uu mujaahidku hirgeliyay ..ilaahow janadi uga dhis qasri wayn oo dago mudane jaale siad aabihi dalki lumay ee somalia
Mahmaah khaldan oo Soomaalidu tiri: "GAAL DIL GARTIISANA SII"
written by Xabaal suge e-Mail. ugashersi@hotmail.com , November 08, 2009
Anigoo ka cabsanaya Allaha i abuuray ee aan u sajuudo Marxuum M.S.Barre, wuxuu ahaa Wadani,dalkiisa jecel inuu ka xoroobo gacan shisheeye,iskuna fillaado
dhinac kasta,jeclaana in 5ta qaybood ee soomaliyeed laysku keenno,nin geesi ah,
waxaana ka markhaati ah cadowga ummadda soomaliyeed,wuxuuna ummadda kala dagaallami jiray ,kana dhaadhacsiin jiray inaysan kala qaybsamin,iyadoo uu oran jiray cadowga gudaha iyo kan dibadaba waxay doonayaan in la idiin baabi'iyo oo laydiin kala qoqobo,qaybiil kastana uu dhinac u go'o,oo jirtaankiinnu halkaas ku baabo'o,oo ay idiin kala qaybsadaan gumeysayaasha dariska ah iyadoo gumeysayaashii hore ay maal gallinayaan,loona soo marayo:Caado qatayaal,imaa-n laawayaal, wax matarayaal.Wuxuu oran jiray:"war ma dhereg gunimo baan qaadanaa mise Gaajo gobonima leh ayaan qaadanaa"? wuxuu kaloo oran jiray qaadiyaasha maxkamada"war markii sharcigu ku leeyahay qofkaan far go' maxaad
Jeeni-qararka u gooysaan",wuxuu kaloo oran jiray "Xaaqinku waa dhammaadaa laakin CIIDO ma dhamaato dalkiina wax ka qabsada",waxaan kaloo xasuustaa in dowladda Kenya xasuuqday dadka somaliyed ee kenya dega waxuu yiri hadaysan xasuuqa joojin ama markale ku celiso 24saac ayaan ku qabsaneynaa Kenya oo dhan. M.Siyaad annagu soomaali ahaan iskuma waafaqayno wuxuu ahaa laakiin ha la weydiiyo doorkii uu ka soo qaatay: ururuada africa,ama dowladaha africanka ah ee ahayn KENYA IYO ITOOBIYA, jabuuti oo kaliya imisa soomaaliyeed oo dhiigoodii u hurtay:Waxaan xasuustaa in Daraawiishta soomaaliya la geeyey xuduudka somaliya iyo jabuuti tuulo la yiraahdo"LOWYACADO" markii ay baabi'iyeen ciidamadii Gumeystaha ayaa kaarayaal aan Cabadu karin laga dalbay Baareys(france) kaarayaashii ciidamadii soomaaliyeed xabad iyagoon ku ridin ayey shaaga kaaraha wada mariyeen,wax yar ayaa ka baxsaday,dadka wadaniyiinta ah ee xaqiiqda og ha la weydiiyo,imisa dowladood oo africaan ah ayaa xoriyad qaatatay markuu ahaa gudoomiyaha ururka Africa,ummadahaas oo dhan ha la weydiiyo wuxuu ahaa Marxuun M.S.Barre,waxaa kaloo la weydiinayaa Maanta dadka Masiibadu ku habsatay wuxuu ahaa intooda runta sheegta.Walaalayaal wuxuu naga waani jiray oo uu nooga digi jiray waa midda maanta na haysata oo qabiil kasta uu dhiniciisa u go'ay oo maamul sheegtay, cadowgii uu uga digi jirayna uu maanta hogaaminayo,meeshii uu farta ugu fiiqana lagu yaacayo iyadoo afka lagu wato dhiigga haweentiisa,caruurtiisa,ehelladiisa,dadkiina ka dhigay mid dhintay,mid dhaawac ah,mid silic ku nool iyo mid isku dhiibay cadowgii uu uga digi jirey markuu noolaa,waxna ay isku dhiibeen gumeystayaashii hore,kuna dhalleen,kuna koreen,xambaarsadeen yihiin fekerkoodii,caadadoodii,aqlaaqdoodii,diintoodii, oo qaatay jinsiyadoodii,marka wuxuu ka hadli jiray waa taas,qoyaskasta iyo qof kasta waxaa la siiyaa,oo ay ku horan yihiin Xafiiska loo yaqaanno"WELFARE" cayrta,kuwii dalka jajabiyey ee cadowga u horseedayna intii soo carartay ee wadamadaan soo gashay waxay u wada egyihiin"lost dog" Ey dhumay,oo meelahaas ka qayliya,oo aadan kala garan karin inuu "waalan yahay iyo in uu caadi yahay"
Adinkoo raali iga ah waan ku dheeraaday qoraalkaan mana dhameyn karo wixii aan soo marnay sideennaba inaan hadalo oo aan dadka u ekaano ma ahan.
Qofkasta oo Soomaali ah wax sharaf ah adduunka kuma leh,waan wada qaawanahay,calalka qoorta noogu xiran iyo dharkaan qabno micne ma sameynayo mar haddaan soomaali nahay.

Illahay xaqa ha nagu duwo,dalkeenna iyo dadkeenba noo hagaajiyo.
As/Wr/wr

jaalle siyaad. waxgaradna og waxmagaradna yeelkii.
written by written by hussein qurac , November 29, 2009
jaalle maxamed siyaad, wuxuu ahaa nin ruurtii daacad u haa dalkiisa iyo dadkiisa danta caamka ahna kahormarinjiray tiisa qaaska ah waxbadana uqabtay umada soomaliyeed dhamaan.ilaahay haunaxariisto janadiina hakawaraabiyo.inkastoo laxasdana taariikhdaa hada xustay.
ma waxlalasimaa soo maray soomalia
written by ladan ladan@live.com , February 27, 2010
waxaan ahaa ardaydii ugu horeysay ee lagu furay jamacada culuunta siyaasad
waxaanan wali kasamriyn xamar sidii ay ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay Maxamed Siyaad Bare wuxuu ahaa wiil soomali u dhasay isagaana soomali dhisay xagwalba kuwamaanta dumiyeyna soomali nimo ayey sheeganayaan waa kaaf iyo kaladheeri!!!!!!!!!!!!!!
Gool wade Siyaa
written by ladan@live.com , March 02, 2010
dad aan aqoon u lahayn wuxuu galay iyo wuxuu gudayna aan garanay ama iska indha tiraaya ayaa Maxamed siyaad ala ha'u naxariistee wax kasheegaya wuxuu ahaa wadani dadkiisa iyo dalkiisaba jecel waa astaanta aan 20kii sano ee nasoo dhaafay cid lagu arkay aaney jirin waxaa layidhi meel Aar ka kacay Ator fadh fadhiisey
...
written by Medeey Aliyow , March 20, 2010
Siad, wuxuu ahaa real patrioic. The Guardian of our beloved country and one of the the founding figure of Somali Nation-State. Waxaa ka danbeyey cawaan duurka ku jira oo aan aqoon nidaamka iyo qeeynuunka dawliga. Concept of Nation-State. Waxaa duurka ka yimid oo ku xaaray bilicdii iyo casmadi uu dhisay duligii Ceeydiid, Ali MAHADI, Qayare, muuse sudi, Cato IWM. Nimankaan aan aqoonta dawladed lahayn ayaa marxumka uga danbeeyey Xamar , waaa aad aragteen xamar waxay kadhigeen ghost town, sababtoo ah waxba ma dhamaangostiga markad fiirisid jahilnimadooda, habdhaqannololoodka iyo weliba sidaa ay isku dilaan oo aan waxba isugu ogoleyn iyo welib sida ayan u rabin Soomaalikalena inay wax qabsato. Ka waran hadii uumaanta marxumka Ilaahay noloshau dhafi laha iyo talada dalkaba muqdiso ma sidaanbay ahaan laheyd, Isbital digfeer ma xaflad aroos baa lagu qabsan lahaa, Isbitaal Banaadir ma makiinada cajiinka lagushiido ayaa ka furnaanlahayd.loooool. What a sad joke. Cid fahmi karta ma lahaan hab dhaqankaan noocaan ah. Siad waxa uu qabatay waa maragmadoonto in taariiqda xusi doonto xili Soomaali meel waliba ay joogto ay heeysato dhibaato rabaani ah iyo waayo aduun geedi socod badan oo saameeyey qoomki Soomaaliyeed ee ku kala baahsan aduunka dacaladiisa.

Ugu danbeyn Marxum Maxamadoow, Ilaahay aan kaaga tuugay qabriwaasac ah iyo inuu kugu nasteexeeyo naxariistiisii Janatulfardowsa. AAAAAAAAAAAAAAMIIN.
c/o iswedan
written by daauud duqow axmed , April 11, 2010
alaha u naxariistee marxuum Xaaji Maxamed Siyaad Barre, ma aha hogaamiye la hilmaami karo hadii ilaahay laga baqayo, sababtoo ah xaaji maxamed wuxuu ahaa hogaamiye u dhashay qof kasto oo ku abtirsado soomaali, jecelna wadankiisa , umadiisa, mana soo marayo hogaamiye la mid ah inay helaan soomaali, xaaji maxamed siyaad bare wax qabadkii uu u qabtay umada soomaaliyeed laguma soo koobi karo qoraal, ama hadal waa wax cad oo aan mugdi ku jirin, walaalayaa bal eega wadankeenii soomaaliya, bal eega markuu na hogaaminayey alaha u naxariistee ( janaraal maxamed siyaad bare) bal eega walaalayaal maanta wadankeena siduu yahay. miyuu u egyahay meel lagu noolaan karo ma yahay meel bini aadan ku noolaan karo , walaalayaal bal eega wadankeenii ahaa wadama kuwa ugu aday soo gelitaankiisa, walaalayaal bal eega wadankeenii sharafta badnaa ee laduunka laga amaani jiray, mahadaas waxaa lahaa hogaamiyihii sharafta badnaa ee xaaji maxamed siyaad bare.
KU DHASHAY BAYDHABO JANAAY
written by CABDOW CALI CALOW , August 08, 2010
CAAFIMAAD EEBO KU SIYAA ,DADKA AQRIYA MEESHAN,ANIGA SI FIICAN AYAAN U XASUUSTAA MARKII JAALLE SIYAAD KU IMAADAY BAYDHABO ,UU IMAADAY ISKUULKEYNA ,ANIGA OO IRAAHDAY SALAAM ALLAYKUM,JAWAABKIISA MUXUU AHAA , WA ALAYKUM ALSALAM,UU RIYAHDAY ADIGA MA CARAB MAA TAHAY,JAWAAB KEEYA WUXUU AHAA ,ANNIGA WAXAYNU NAHAY DHALINYARADA OO KACAANKAAH IYO JACEEL BAYDHABO,I SOOMALIA DEENA AAN ILOWEYNIN,MUXUU YIRAHDAY GEESI ,WILKAAN SI FIICAN AYUU U HADLAYAA ,BERI REERKISA AYAAN RABAA INAAN LA HADLO.KA DIB WAXAAN SI FIICAN U XASUUSTA ,MARKAAN KA QAYBKALNAY XARBIKII AMXARADA,ANIGA WAXAAN KA SHAQEEYEY BOOSTADA BAYDHAHO ,WAXAANA MARKAA MADAX KA AHAA BOOSTADA MUSLIX SI FIICAN AYAAN U XASUUSTAA,MARK UU RIYAAHDAY MA AQAANU MUXU YAHAY WILKAAN MUXUU KA SAMEEYA MEESHAN,OO NA DHAHNAY,ANIGU QARANKA AYAAN LA JOOGNAA,HADDAAD ADIGA WAX KALE HASTO SHEEKO KALE.HADALKAA WAXAA YIRAY ADEERKEYGA MUSLAH ,KA DIB AABEHEY WUXUU LAHAA FUNDUQ OO IMAAD MARKA STAT DADWANAGSAN OO SOOMALI AH KUNA HADLO AFKA RUUSHKA ,KA DIBNA AAN JECLAAHAY WADENKA OO YIRAAHDEEN RUUSH.SALAAM WEYN ABDULAHI RUSH,RIIGO,SAID XAAJI,MOH.YARE ,AHMED ADENY ,IYO DADKII ISKUULKA AYNU WAX LA BARANAY BAYDHABO JANAAY
...
written by ruqiyo , November 26, 2010
wiil wiil loo waayey maxamad siyaad ilaahow kuu naxariiso taariikhdaada waan dayac tiraynaa qalin dahaba iyo diiwaan xariiraan ku daabacaynaa .
Taariiq aan tirmeen
written by All_Xikaaya , September 21, 2011
Runtii maxamed siyaad bare naxariistii jano alaha ka waraabiye waxuu ahaa ruux ilaa hey ku maneestey Caqli, garaad iimaan soo jiidasho, qadarinta adamiga iyo qiimeenta bini adan nimada, qabiilka aad ayuu u nacbanaa jahilnimada wuu ka soo horjeedey waxuu had iyo gooor ku dhiiri gelinjiray asxaabtiisa siduu wadanka iyo dadkuba ku hor mari lahaayeen, eysanba u baahan gacan shisheeye asagoo ka dhiidhinaaya gumeesi iyo naxariis daradiisa si loogu kaaftoomoo aan dibdanba looga ogolaan ama soo habeesanba dhul somali leedahay ayuu waxuu go aan sadey inuu alifo inaan sameesano luqad inoo gaara sirteenana ku qarsan karno isu amini karno, xogteenana ku wadaagi karno aduunkana ey inooga heebeystaan, waana gaaray natiijadiisii waatan maanta aan leenahay afsomali aan ku faano niraahno afkeenii hooyo, sumcadena iyo sharafteenana inoo dhoortay,
waxaan warkeyga kusoo gabagabeen carabta ayaa dhihi jirtay nin dheer oo caqli leh waxaa ugu danbeeyey cumar bini qidhaab ana waxaan hada leeyahay Caaqil umud isu keena nafsadiisana u hura siyaad baraa ugu danbeeyey, kumaan darin inuu rabigii ina uumay inoosoo saari doono mikale ,
from mogadisho
written by JAMA ALI , May 23, 2014
anigu waxaan ahaa dhalinyaridiii kacaankii barakaysnaa ka dib dhashay balse
waxaaan in badan ka bartay wx qabadka kacaanki barakaysnaa runtii maya
mid la dafiri karo
wax qabadki JAALE MAXAMED SIYAAD BARRE ALAAH u naxariistee
wadani dhah daacad ah ayaan ugh yeeraa aniga jaalle maxamed siyaad
DHALINYARADA SOOMALIYEED waxaan usheegi lahaa in aan ku dhawaaqno
amino in san anaga wax qabsan karno tashan karno isku filnaan karno sida aanu ka baranay
kacaankii barakaysnaa anaga aa isku mashquulin jeeblayaasha hadda madaxda ka ah dalka
aanu ku dhwaaqno xisbi samata bixin oo an kubahowno ka dhalinyaro ahaan
kuna beegno 21 oktober ka dibna san ku biirno ciidamada qalabka sida
si ay noogu fududaato in san talada dalka si makaxi ku jirto ula wareegno
anagoo qabsanayna waqti dhaw ..... waxaan markale idinla qaysanayaa xasuusta
KACAANKI BARAKAYSNAA IYO MARXUUMKA JAAALLEE MAXAMED SIYAAD BARRE
WBILAAHI TOWFIIQ





farta
written by qaran , April 18, 2015
qorista farta af-soomaaligu waa hawshii ugu muga balaadhnayd shaqooyinkii kacaanka.................

...
written by yaasiin yare , July 21, 2016
Allaha unaxarii qabrigii allah a u waasiciyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN
Runta lagama gamdabdee see tahaa loo sheegaa
written by Abwan all xikaaya , February 07, 2018
Alaha unaxariistee Maxaned siyaad bare waxuu ahaa gesigii Afrika waxuu ahaa waxgaradkii Afrika waxuu ahaa iftiinkii umuda somaliyeed 10 kii sanee ugu horeeyey uu mdaxwenaha ahaa waxey soaliya gaartay quwada ugu dareesa Afrika dhanka melitariga ee laga cabsada
Jamaal cabdinasir markuu ku duulaayay yahuuda halkii lagu shiray waxey eheed barlamaanka somaliya madaxwenaha kaliya ee intaas oo cidan ubalan qaadey iney dagaalka kala qeebqataa ee muslina siyaad bare ayuu ahaa
Beeni raad malhee maxeynu maanta heynaa aweys sumacadeenii awey garaadkeenii aawey caqiliinteenii waxey ku dhamadeen oo wada qariyay qabiil iyo jufo oo xasidnimo iyo caro ebe moyee waxkale eysan kadhaxlin isha alaah alihii ina uumay adoomadiisa ma moogana sideyno ehees si kasii wacan weyno garidoonaa ilaah idinkii Asalama caleykum
Geesi aan dib loo heli doonin
written by Sahal , November 17, 2022
Waan u darsanay aabo siyaad. Gadaashis dab lama shidan. Tuugo waxaa dalkii dhax jooga nooc walbe leh. Alaa faraj ka sugeenaa.....
Write comment
smaller | bigger

busy
 
Custom Search