Khudbaddii ugu horreesay ee uu ummada Soomaaliyeed U jeediyay Madaxweynaha JDS Jaalle Siyaad 23 Oktoobar 1969
Waxaan doonayaa inaan caddeeyo sababtii ku wacnayd la wareegidda dalka oo ay Ciidammada Qalabka Sida ku tallaabsadeen, waxaan kaloo doonayaa dadkeennu in ay ogaadaan wax waliba in ay caadi yihiin, wax dhibaato ahina aysan ka imaan taladii ciidammada dalka oo idil, wuxuu gacanta ugu jiraa Xoogga Dalka iyo Booliiska, dadweynuhuna waa ku raalli, waana degganyahay, oo waa ku faraxsan yahay
Lama huraan bay ahayd Ciidammada Qalabka Sida in ay talada dalka soo fara gelshaan, mana suuroobeyn in la iska indha-tiro xummaantii dalka tiilay, sida musuqmaasuqa, laaluushka, qaraabakiilka, tuugeysiga xoolaha dawladda, caddaalad-dariida, xormo-dariida, diinta iyo qawaanninta dalka oo sharciyadii ka degsanaa la iska tuuray, dadkiina waxaa loo horseeday in ay ku kacaan wax alla wixii ay doonaan.
Ma jirto koox ama qoys raaxo ku noolaan kara haddi aysan qawaaniinta iyo xeerarka maamuus u yeelan, haddii qawaaniinta la tuuro, wax horumar ah oo ummadi gaari kartaa ma jiraan, waxaynu u soo joognay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen ku-takri-falka xoolaha dawladda iyo hantida Qaranka, cashuurtii dadweynaha laga soo ururiyey ayey madaxdu danahooda ugu isticmaali jireen, dalka oo idilna waxa loo adeegsaday sidii hantii gaar ah loo leeyahay, taasoo ummadda halis gelisay, gacan cadowna gelin lahayd.
Musuqmaasuqii wuxuu socdaba wuxuu heerkii ugu sarreeyey gaaray madaxdii dalka in la dilo kolkii lagu dhiirraday burbur eyey Soomaaliya qarka u saarnayd, xag dhaqaale, iyo xaq siyaasdeedba, taariikhdeenna iyo qarankeennuba halis weyn bay ku jireen.
Annagu waxaannu ahayn Gaar-hayayaasha dalka iyo xeerarkiisa, haddana waxaa naloo dhaariyey danaha ummadda, sidee baynu isu moogeysiin karnaa kolka qawaaniintii aan waardiyaha ka ahayn ay burburinayaan?
Taas baana sabab u ahayd soo fara-gelintii arrimaha dalka aynu soo fara gelinnay, ruuxii u qaata awood-raadis inaannu kursiga u nimid waa gefsan yahay, waxaannu u nimid qawaaniintii dalka inaanu soo celinno, ummaddana halkay mudan tahay aannu soo joojinno, khasab bay ahayd si degdeg ah inaannu tallaabo u qaadno.
Haddaynu arrintii dhawaan ka dhacday dalka dib u noqonno waxaynu arki karaynaa dal nabad ahi sidii khalkhal loo geliyey.
Askari aysan is-aqoon oo wax eed ah lahayn ayaa dilay Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Iyadoo ay joogaan Hoggaamiyayaashii dalka oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Baarlamaanka ayuu askarigaasi Madaxaweynihii rasaas ku furay.
Sidee baynu arrimahaas iyo kuwa kale oo la mid ah oo ay dadka Soomaalidu og ihiin ugu dul qaadan karnaa, waxaan rajeynaynaa annaga oo Ilaaha weyn la kaashanayna inaan tirtirno xummaanta dalka ka jirta oo aannu raaxo iyo barwaaqo ugu beddelno, dadkeennana u suurto gelinno nabadda ay u baahan yihiin, umana dul-qaadan doonno qas-qadayaasha iyo kuwa qawaaniinta jebinaya.
Waxaannu doonaynaa Dastuurka in la dhowro, dadkuna ay ilaaliyaan isna ixtiraamaan. Waxaannu baabi'in doonaa laaluushka, qaraabakiilka, iyo qabyaaladda, qabyaaladdu waxay ahayd waddadii keli ahayd ee ay sisheeyuhu dadkeenna u qaybiyeen.
Waxaannu la dagaallami doonnaa nooc kasta oo gumeysi ah iyo kuwa u adeega ee dalka gudihiisa ku sugan, kuwa iimaan-laawayyaasha ah ee la qabto iyagoo xummaan ku kacaya dadkeenna ayaan hor-keeni doonnaa, dabadeedna muwaadiniinta kale ee toosan waan ka takoori doonnaa.
Waddo kasta oo uu gumeysigu dalkeenna iyo arrimihiisa ka so geli kara waannu awdi doonnaa, qawmiyad Soomaaliyeed oo xoog leh haddana midaysan, nabadna ku wada nool ayaannu dhisi doonnnaa.
Haddii loo baahdo xoogga aannu haysaanno oo dhan ayaannu ku adeegsan doonnaa, si aynu u xoojinno Diinta Islaamka oo lagu cayaaray, waxaannu doonaynaa Soomaaliya inaan ka dhigno waddan sharaf leh, dibedda iyo gudahaba, waxaannu dadka Soomaalida ah u horseedeynaa barwaaqada dhulka ku aasan in ay kala soo baxaan, iska daayaan baryada ummadaha kale.
Waxaan doonaynaa saaxiibnimada ummadaha kale ee doonaya in ay nala saaxiibaan, nabadda adduunka ayaannu taageereynaa, waxaannuna ka hor-jeednaa wax alla wixii wax gumeysta ama gudaha dalka hajoogeen ama dibeddaba.
Dadka SOomaaliyeed iyo dalkooda, annaga oo ka wakiil ah, ayaannu talada la wareegnay, waxaan jeclaan lahaa dadka Soomaaliyeed oo idil inay u tafo xeytaan dhismaha dalkooda, in ay dhisaan ummad xoog leh, xoog iyo awood iyo maskax waxay haystaan inay u isticmaalaan horumarka dalkooda baryadan ka fogaadaan.
Sidaad Raadiyaha ka maqasheen, waxaa la qabtay Baabuur dawladdu leedahay oo Tagsi laga dhigtay, saddex maalmood oo qura ayaannu talada dalka haynay, danta aannu leennahayna tallaabadaas aan qaadnay baa u marag ah, dadka Soomaaliyeed oo idil, waxaannu ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan, si aannu u xaqiijinno horumar iyo guud ahaan hagaajinta xaaladda.
Gumeystayaasha doonaya inaannu mar walba barinnana waxay rabaa inaan gaajo, cudur, iyo jahli ku waarno, been badan ayey fidin doonaan, si ay danahayaga nadiifka ah u beddelaan oo waji xun u yeelaan, waxay isku dayi doonaan inay adduunka iyo weliba dawladaha Afrika beentoodaas ka dhaadhiciyaan, beentaas ka sokow, magacyo xun-xun ayey inoo bixin doonaan.
Hadda oo la joogo waxay urursanayaan hub, lacag, iyo wax alla wixii ay nagula dagaallami karaan.
Waxaan ku faraxsanahay midnimada Ciidammada Qalabka Sida iyo Ummadda Soomaaliyeed, ummaddu waxay na siisay tageero dhab ah, taasoo aan ka mahadcelinayno.
Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ha noolaato.
Ha noolaato Tawradde dalkeenna.

written by Xabaalsuge , October 07, 2010
written by Maxamed , January 02, 2011
written by Mohamed , January 15, 2011
Afkeenii markii aad qortee awal la liidayay , dadkeenii idlaan lahaa sidaad ugu adeegaysey ......
iska dhaaf ee waxaa la hilmaami karin ABAARTII DABA DHEER oo dad iyo duunyada dhulka dhigtey... waad ogaydeen ama maqasheen sidii uu ugu gurmadey iyadoo aan kaalmi shisheeye wax lagu gaarsiinayn oo ciidamadii qalabka sida iyo dadweynahaba ay ka qayb qaadanayeen.
written by Mahad abdi hassan , July 11, 2011
written by Max'med sh daahir (kabayare) , August 09, 2011
Jaale siyaad waxuu taray, am qabtayna ma ahan kuwo daah saaran ama cidi dabooli kartaa. balseinagaa ku gafnay walibo tahay marqaati madoonto. "WAR DUQI DOONA DUCANA UGU DARA" ayaa ahayd oraah uu ku nuux nuuxsaday, waa yeel caqli usaaxiib ah, ladhihi karana inay ka turjumaysay, afkaar badan oo ay in badani qabto. kadib markay soo if baxday wixi lagu jiroo dhan ba in ay ahaayeen borwaaqo iyo rayn rayn. marka loo eego gulufka colaadeed ee harqiyay, gayigii soomalaaliyeed ee waayo lo riyaaqay dibad iyo gudaba. Waxaanse oranayaa, danuub yari malihi waxaan gaysanayna, waxa lakoobi karaa ma ahan ay nu ale u cararno isuna dhiibno asagaa awoodiisu badan thay kana towbad keeno gafkaan galnay. Marxukaasna ilahay naxariistiisa haka waraabiyo .
written by maxamed , May 24, 2012
written by ABWAAN SOMALIYEED , June 07, 2012
written by yahya shabash , September 02, 2012
written by abdi guuleed , January 04, 2013
written by Xuseen , April 11, 2013
Ilaahow unaxariiso boqorkii hore