You are here: Home Khudbado Jaalle Siyaad iyo aragtidiisa nabadeed ee ku aaden Soomaali Galbeed iyo NFD sanadkii - 1970
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Siyaad iyo aragtidiisa nabadeed ee ku aaden Soomaali Galbeed iyo NFD sanadkii - 1970

E-mail

Waqitigi bilowgii Dawladii Kacaank Soomaaliyeed waxay ahayd xilli aanan laga been abuuri karin sharciga tilmaamayay xaqa ay ummaduhu u leeyihiin in ay u halgamaan madax-bannaanidooda. Iyada oo ay taasi jirtay ayaa dowladdii Kacaanka ahayd waxay si xoog leh isugu deyday in ay si nabad ah wax kaga hesho dowladaha haysta dhulka Soomaalidu leedahay. Jaalle Siyaad oo wareysi ay idaacadda BBC-da la yeelatay bilowgii sanadihii 1970-aadkii ayuu arintaas ku tilmaamay. Hadalkiisii waxaa kamid ahaa:

Dalalka Soomaaliyeed oo maqan horay baanu u sheegnay in aanu doonayno in ay ku soo biiraan dalkii hooyo. Taasi wax qarsoon maaha. Haddaba habka lagu doonayaa waa kee?

Awalan, siyaasad keligeed meel fariisan kartaa ma jirto. Siyaasaddu siyaasado kale bay ama dhashaa ama ku xiran tahay. Siyaasadda weyn oo aan anagu qabnaa waxaa weeye, meelo badan baa Afrika laga gumeysanayaa. Afrikana, waxaanu is-leenahay, xornimo siyaasi ah, wax uun waa ka haysataa. Laakiin xornimada runta ahi siyaasad keliya maahan, wey ka sii ballaaran tahay. Waxaa weeye dhaqaalaha, waxaa weeye sancada, waxaa weeye macaamilka iyo isu-tagga, waxaa weeye qeybta xaqa ah in ay ka qaadato aduunka maamulka la maamulayo. Ayaan darro, kama qaadatee waa loo taliyaa. Marba talo la goostay ayaa ku soo finiinta.

Haddaba markii Afrikaanimo weyni ay nagu jirto, waxa ka dhexeeya annaga iyo wixii jiiraankayaga ah sidee loo maamulayaa weeye hadalku. Waxay taasi nagu dhalinaysaa, awalan, dad ahaan iyo dowlad ahaan, ma aaminsanin in dad Afrikaan ah, inta banaatiikh isugu dhiibaan ajnabi ay isku baaba'ashaan. Dhiiga Afrikaanka, intii la dhaqaaleyn karo in la dhaqaaleeyo ayaan qabnaa. Runtii, qadiyaddii Soomaali weyna waa joogtaa. Marka siyaasaddayadu waxaa weeye in aanu ku wadno (nabad) illaa aakhiro laxda. Waana aan ka guul gaareynaa aad baanu ugu kalsoon nahay, si sharaf leh, dawaa'ilkaas, dalalkii Soomaaliyeed qaarkood haysta. Si aan iyagana ceeb ku ahayn, annagana aan dilan nagu ahayn in aanu wax u qeybsano. Oo aanu gaarno in caqliga Afrikaanka taliyo, intii uu qoriga talin lahaa, iyo ninka isticmaarka ah oo daaqadda taagan. Hase taliyee in uu ku taliyo mid roon oo ay u aayaan ilmaha Soomaaliyeed ee danbe.

Comments (11)add
Allaha u naxariisto,una dambi dhaafo marxuumkaas(wadani geesi ah)
written by xabal suge , November 25, 2009
as/wr/wr,walaalayaal,soomaalidu cadaalad iyo garasho xumo darteed waxay ku maah maahdaa(gaalka dil gartiisana sii),haddii uu gaalku gar leeyahay maxaaba loo dillin? taas waxaan ula jeedaa wax aan cadaallad ka sameynayno ma jiraan,sababtoo ah waxaa nagu jirta nacayb shaqsi ama qabiil,taasoo nagala weyn caqiidadeenna diiniga ah, marka marxuumkaani waa ninkii dal iyo dad gumeyste kala qoqobay isku furay,oo wadaagay wax walba,shaqo,rayi,ganacsi,guur,hanti,daris,diidayna in qof soomaaliah hoos loo dhigo,lana yiraahdo waa midgaan,tumaal,yaxar iwm,waxuu isku meel fariisiyey dadkii la liidi jiray iyo kii wax liidi jiray,waxuu madax ka dhigay dadkii la liidi jiray,kana sar mariyey kii wax gumeysan jiray,fekerkiisuna waxuu ahaa 5ta soomaaliyed oo laysku keenno,oo mid noqota,dalkiisa iyo dadkiisa oo uu hormariyo dhinac walba, marka qabiilaadkii tirada badnaa ee xoogga iyo kibirka badnaa ayaa u adkeesan waayey horumarka deg dega ahaa ee uu gaaray dalkaasi iyo dadkaasiba,heshiis ayaa lagu lagu gaaray in la burburiyo horumarkaas iyo fekradaha uu wato ninkaan askariga ah kana hormaray dawladihii 9 sano dhisnaa ee qabiilaadka waaweyn hogaaminayeen,waxaa lagu heshiiyey in la burburiyo wadanka,gobol gobol loo kala go,o,waana tan maanta dalkii oo dhan iyo dadkii oo dhan wada waalan yihiin,dullina u wada egnahay,adduunyaduna nagu qosleyso,badahana ku wada daadanayno,marka reer dad la moodow fekerka iyo wax qabadka ka qaata marxuumkaas,akhiriyana khudbadihiisii.
walaalkiin xabaal suge.
Geesigii Qaranka Jaalle Siyaad waxuu ahaa Geesi Afrika jecel Nabad kuwada noolashaha Afrika
written by Prince Hanad , January 09, 2010
Waxaa Danta ku jirtaa in wax lagu heli karo Nabad iyo Wada-Hadal aan Dagaal lagu raadin, sida ka muuqata Hadalka Aabihii Somalia Jaalle Siyaad waxuu rabay inuu Nabad iyo Diblomasiyad inuu ku soo celiyo Dhulka Somalida ee ilaa Maanta 2010 Gacanta ku hayaan Kenya iyo Ethiopia, laakin way la fahmi waayeen iyagoo ku Talo qaadanaya kuwii marka horeba HADIYAD usiiyay Dhulkeena waa Isticmaarkii reer Europe ee Britain,taas waxay sababtay in Maxa'ed Siyaad Allaha u naxariistee go'aan ku gaaro in Somalida xorta ah waa Jamhuuriyada Somalia Dagaal gasho , Guulo badan oo la filayn ka gaarnay 1977, laakin ayaan darro markale, waxaa Gumaytihii Dagaalka si toos ah u soo galay oo la saftay Ethiopia, insha allaah waa la xoraynayaa Somali-Galbeed iyo Somalida NFD.
siyaad bare
written by warsame abdimohamed , June 10, 2010
waxaan umaleeynayaa asaga oo kale soomali in uusan kadhalan doonin
tagero cusub.
written by waa ikanaa anigana , October 14, 2010
wakhtii jaalle siyad caqligu iima kala sixi karin waxa dhabta ah ee ka soconayay dalkeeyga hooyo(soomaaliya)
Laakiin markaan dib u eego intaan ka xusuusto Runtii Jaaluhu Ujeedo aad u fog oo kuwa dalalka kale oo afrikaanka uhu ku dhiiran waayeen ayuuw dhabarka u dhigtay kuna dhiiraday.
ma dhihi karo fikradahaasi weey wada saxsanaayeen laakiin marka loo eego marxaladihii jiray wakhtigaas geesigu wadanka wuxuuw ka dhigay mid aad u xoog badan,waxaa kale ee uuw ahaa madaxweynaha madaxweneyaasha kale ee afrika,taasna waxaa daliil u ah caasimada kampala ee wadanka uganda waxaa ku yaalo laami loogu magac saray geesiga (Siyad bare road)
waxaan kale oon xusuustaa in ceeydiid wadankii burburiyay oo haraadigii ceeydiid maalinkasta marba magac nooc ah la baxaan si aan soomaalidu weligeed dowlad u helin.

Ugu danbayntii.
siyaad bare waxaa laga dhaxlay sharaf soomaalinimo/dhisme adag oo dhanka meliteriga ah/iyo isagoo gumeyteyaasha wexeey rabeen ka diiday sidaasna ciqaab gaajo ugu soo jiiday shacbiga soomaaliyeed.

ceeydiid,,,, dad baabi,in/wadan burburin/gurigaan anaa qabsaday/kufsi/dhiiga somaaliyeed oo maalinkasta qubta/qaxootinimo hore looga faani jiray/ka hor imaansho cidkasta oo dowlad soomaaliyeed raadis ah.

labadaani ma noqon karaan kuwo lays barbar dhigi karo waxaan runtii codkeyga siiyay jaalle siyaad,anigoon ku taageersanayn layntii culimadii soomaliyeed iyo sinaanta ragga iyo dumarka.



taageere
written by saadiq , May 14, 2011
allaha u naxariisto oo jinadii eebo ha geliyo wadan aanan gamban ayuu ahaa caqli saafiyane leh umada afrikaankane 100 sano ka horeeya.
...
written by zaki89 , May 26, 2011
ninkaan nin caadi ma aha nin waxaaye kalii taliyaa saas ay tahay waa nin wadanka u dadaalay hormariyana
wuxuu ka fiican yahay stupiinta hada madaxda hayaan
wadani
written by mahad , June 12, 2011
S/caleykum,walaalayaal mohamed siyaad barre allaha u naxariisto,xiligiisi iyo maanta marxalada uu wadanku marayo wax isu dhow ma ahan,calan baan ku hoosnoolayn qaranimo nidaam iyo kala dambeyn ayaa jirtay caruurteenu waxbarasho ilaa heer jaamacadeed oo bilaasha ayey heysteen,nabad baan heysaney caalamkana aqoonsi weyn baan ku lahayn.maantana soomaali baabaeeda waan aragnay ee bal sidee qaranimadeeni ku soo ceshan karnaa? Mise ahlu sunna,al- shabaab,xisbul islaam, iyo firqooyin kaloon maqal baynu taageerna?ummad islaama oo sunni ah baynu nahay,qabiil wax lagu keeni waa, diintiina waad aragtiin inay qolaba qolada kale kaafirineyso. Waxaan ku soo gabagabeynaaa aynu midowno gacmahana isqabsano,allana aynu ka barino dembi dhaaaf,ragga kuraasta isku haysta inagaa heerkaas gaarsiinay,ogsoonow ilaahey ka sokow in awoodu ay gacaneena ku jirto shacab midoobaa qaran dhisi kara ee aynu badbaadino wadankan mahiga,musaveni iyo iskusheega qaramada midoobay xal kuuma hayaan,wabillahi towfiq
Wadani
written by Omar abdi , November 18, 2011
Markasta oo aan aqriyo ama aan dhagaysto qudbooyinkii
Allaha unaxariistee jaale siyaad qiirad baan la ooyaa
Dhibaatada nahaysatana hadaan nahay soomaaali waa
Xaasid nimo nicayb intana waxaa keeney qabyaalad waayo
Waxaan rabnaa in aan wada sino rag aan illaahey simin
Jaalle
goorta aad nimco iyo nabad ku jirto ma garatid gaajo iyo colaad waxa ay tahay
written by warsame , November 22, 2011
soomaali waagii kacaanka ee lagu jirey nimcada iyo nabad galyada sababta ay ku timid wax garanayey
waa yaraa kii garanayeyna waxuu saluugsanaa nimcadaa iyo nabad galyada uu heystey
waxaana qabaa dadkii saluug sanaa nabda iyo nimcada ayaa dhibka maanta taagan keeney
waxyna garawsadeen hadda iney nimcadii iyo nabadii ay heysteen iska daadiyeen waana heli la yihiin ilaa
maanta war yaa war inleen talo isuma kaa kaa sheegto.
...
written by asad wadani , February 27, 2012
maasha allah runt ii waxaan halkan uga maahd celinayaa dhmaan asxaabta isku hawshay
in ay soo uruuri yaan taariikh nololeed kii madax wayne jaalle mohamed siyaad bare
alla ha u naxariis tee runtii anuu wakhtigaa maan jirin
laakin waxaan laa iiga sheke yay taarikhda dawladii kaacaan ka ahyd
runtii waxay ahyd dawlad demo qoraadi ah waxa ay ahyd dawlad africa oo dhan guul usoo hooysay
runtii dadka soomaliyeedna waa ay garan waayeen taa wan taa maanta nabsigii somalia hayo
waxaaan allah subxanahu wat caalaa]kabaryayaa in alllah u naxariisto marxuum jalle mohamed siad bare ]

wan ka xumahay in aan madax deenii ku kacnay hadana meel xille is dhignay
written by mahad cabdulle maxamad , September 02, 2014
runtiii wan ka xumahay in aan madax deenii ku kacnay hadana meel xille is dhignay, ALAH HA U NAXARIISTO JAALLE SIYAAD, WADANI DHAB AH AYUU AHAAN, CIDII KA DAMAYSEY, BURBURKII DALKANA WAY TAGEEN. KHASAARO AYAY USOO JIIDEEN, BAL MAY NODAYAAN
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search