You are here: Home Khudbado Hadal Yar Hawl Badan Iyo Hanuunsanaan - 1971
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Hadal Yar Hawl Badan Iyo Hanuunsanaan - 1971

E-mail

Khubaddi Jaalle Siyaad ka akhriyey Xarunta Tacliinta Dadka Waaweeyn

Jaalleyaal, waad salaaman tihiin, waxay runtii ii tahay sharaf weyn in aan ka qayb galo caawa shirkakan ujeeda in shaqo muddo la hayey la gunaanado, waxay ila tahay hadda ka hor baannu guddonsanay hadal yar iyo hanuunsanaan, wa- xaynnu u guddoonsanaynaa waxay ahayd ujeeddadeedu in aynnu baranno hab cusub oo inoo tilmaamaya inaynnu dantee- nna u toosno. Markii wixii kheyr leh la sheegayo wax xun in la garab dhigo oo lagu dhereriyo in aan la sheegin daruuri ma aha, macniWi waxaa weeye haddee wax kastoo adduunka yaalla waa in laysku dhereriyaa, wixii fiicanna, waana in la she- egaa, si waxa fiican lagu macaansadana waa in waxa xun la sheego. Waxaan u noqonayaa marka taariikhdeennii hore, waxaa ilaa muddo jiri jirtay in wixii weynu ay u badan yihiin in dadka Soomaalida ah la iska horjeediyo, in waxa dhibaata- dooda ah loo kala sheego, in la isku diro, in taas haddii dib loo raaco ay waligeed raad ku yeelan jirtay, sida ay Ilaahey uga durkaan, maxaa wacay qof islaam ah qofka ka shaqeynayaa oc ku fakiraaya inuu wax u dhimo, ama qatalo, ama uu nab- caysto, haddee haddii ayan culumadu been inoo sheegeyn kaas ehlonaar waakan lagu sheegaa. Hooggaas waxaa sal u aha- an jiray markii dadka shicbiga ah la isku diro, markii la qay- biyo, oo haddee haddii wax isku dirmaan qayb baa imaanay- sa ay qaybsamaan, waxey salkeedu ahaan jirtay inaanuu u gu- mowno oo*markaas uu na abbaansado mid aan waxba nooga

dan aheyn, bal ku raaxaysanaya ama ka faa'idaysanaya innaga ducufkeenna, iyo liidnimadeenna, iyo jahaladeenna, iyo fiqiir- nimadeenna, iyo aqoondarrideenna caamka ah ka faa'ideysa- naaya, in abbaan loo noqodo. Sida marar badanba haatan aad u aragto kuwo badan oo innaga ama noo joogi jiray, ama haatanba muuqoodii uu joogo, oo laba gaal kala jecel, oo car igala hadal leh,oo af daafacaya, oo leh kanaa ka gobsan, wixii uu lahaa illowsan, ee markay wax kale ammaanayaan aan ga- raneyn wixiisii inuu ka tegayo. Markaas isagu naftiisii inuu xaqiro, iyo dalkiisii iyo ummaddiisii aan weli citiqaadsan^yn ilaa alaankan baad arkaysaa kuwo ku diriraya oo kala jecel afaka shisheeyaha. Haddii ay sidaas ahaan jirtay muddoo- yinkii dambana aad moodday inay aad u sii badan tahay ama- base looba qaatay sidaasba ummadda inteeda badani in sidaa- suba ay fiican tahay, waxaad moodaysay in ay khatar gelinay- say midnimadeennii ummadahaan Soomaaliyeed bal daayoo, xataa iimaankeennii islaanimo in ay dhibaato weyn u keenay- say, in ay keenaysay in qof qof ku kalsoonu inusan jirin. Had- dee haddii ayan kalsooni jirin pp aamin qab qof aad ku aamin qabtaa uusan jirin, micnaheedu waxaa weeye wax kuu qabsa- mayaa in-ayan jirin. Markaas kala dhaqaaq in danteennu ku dhamaatay, markaas xarunta ama dugsigakan sameyntiisu ujeeddo la'aan ma aheyn. Waxay aheyd inaannu ku faaqidno dhibaatada ummaddeenna kala gaaraysay, horey u kala gaari jirtay, iyo inaannu istusno sidii ugu kheyr roonayd, ama ad- duunka ugu faa'iido roonayd oo innaga nafteenna ah, maxaa wacay taladu adaa ku nool baa la yiriye iyadu kuguma noola. Nafteenna iyo danteennu meesha ay ku jirto innaynno waafa- jinno, wada jirkeenna inay ku xiran tahay.

Midda labaad, ummad baynnu nahay, sharaf baynnu lee- nahay, Soomaali baa nala yiraahdaa, dalna waa dul deggenna- hay, oo innagu aynnu sheeganno, sidii aymiu si sharaf leh ugu noolaan lahayn oo waddaninimada xaggeed haddii la aadana aynnu ugu daneyn laheyn. Dadka Soomaalidu waa dad isla- am ahee diinta xaggeeda haddii la aadana haddee Ilaaheyba sow kii inaga xaaraameeyey inaynnu is-xamanno, isnabcaysa- nno, isxaasidno, dhabarka iska wareenno, laaluushno, iskhiya- amaynno. Marka inaannu diinta daryeello oo aannu niraah- no war wixii aakhiro waa jirtaa, caradaadu ilaahow ayan nagu dhicin, caro Ilaah baa nagu dhacaysa haddii aynnu saas ku soconno, iyadan aannu ka fogaanno. Marka ujeeddadii taas bay ahayd, waxay ahayd dadkii bislaashka loo dagaal siiyey, oo walaala ahaa, inaannu ku heshiisiinno, waxay ahayd inaa- nnu xusuusinno aakhiraddiisa iyo adduunkiisaba, labadaba sbarafkiisa aadamiga ah inaannu xusuusinno, in matka aakhi- ro iyo adduunba in qofkii aannu fahamsiinno inay faa'iido ugu jirto, si kastaba ha loo eegee inuu qofka walaalkiis ah garab- sado, ee uusan cadowsan. Waa taas ujeeddadii ay lahayd dugsigakan sameyntiisu, isagu kaligiis uusan aheyn, dugsiyaal- ku waa badnaayeen aynnu ku doonaynnaa inaynnu gaarno he- erkaas. Kuwit uu haatan Jaalle Cabdirisaaq tirinayey baa ka mid ah, kuwo badan oo aan haatan muuqannin oo weyneyn baa jira, oo intaas aannu hoosta ka wadno, maxaa wacay wax Ilaahay abuurtay oo la tabco waxaa ugu fiican qofka aadamiga ah, sharafkiisa in la muujiyo yaa ugu fiican, xoolo la tabco qof- kaa u ah, wax may socdaan ama qabsamaan, dhaqaalo, cilmi, wax kastaba. Hadduu qofkii dammiirka ka dilan yahay, oo niyadda uu ka jaban yahay oo waxa uu xaq ama adduunka jo- ogiditsa uu xaq ugu leeyahay, ama awooddiisu le'egtahay isagu uu qabsan karo oo gaari karo, haddii uu ka malaasan yahay oo uu ka oodan yahay, ma ay suurtowdo matka in dalka wax u qabsamaan, ma suurtowdo ummadda inaga dambaysa oo ah dhallmyara Soomaaliyeed aakhiricooda dambe inay dulli ka baxdo,ma ay suurtowdo, marka hore in damiirku nagu soo noqdo weeyaan. Taas Soomaalidu marar badan waa iyada hadal badan, dhibaatona badnaan jirtay, waxay oran jireen markii ceel biyo yar si xoola dalkaas jooga looga warrabiyo, waxaa loo baahan yahay dadka xoolaha lahu inay heshiiyaan, haddii ay isku diriraan xoolihii cabbimayaan. Haddee marka dadka Soomaalida guud ahaan haddii la fiiriyo, waxaad mood- daa xarunmadaxdii dadka Soomaaliyeed inay tahay Xamar, haddii aannu halkaas ku sugno sidee baa dadkii bannaanka ji- ray ay u biskoonayaan? Tnaanu iyaga wixii muddo dheer lagu abuurayey ilaa waqtigii isticmaarka oo heerar badan soo marayey inaynnu fahamsiinno, innaga oo ku kalsoon in ay dad aadami ah yihiin. in dad sharaf leh ay yihiin, in dad kala garan kara waxa xun iyo waxa san ay yihiin, tilmaanta xun iyo mid- da sanna kala garan kara inaannu iyaga aad u garan siinno. Midda labaad waxaan xusuus nahay dadkii dadka ugu waa- weynaa inaannu ku bilawnay dugsigakan, taas oo aannu uga ieedney iyagu ha bilaabeen, iyaga dersigooda carruuta iyo xa- asaska guriga ay ugu tagayaan, iyagoo wanaajinaya aakhirado- oda iyo sharafta waddankooda, ummad ahaantooda, haddana maslaxadda dadka ee ay dhici karto ineyan weli gaarin inay gartaanniin, iyaguna markooda dersigaas la siiyey oo ah kii ku wanaagsanaa aakhirada, araa adduunka sharafkoodu uu ku wanaagsanaa ama aakhirkooda maslaxaddu ay ku xirneyd. Waxa aynnu doonaynno oo idil waxaa weeye sidaannu hadda ka horba u sheegnay, dhibaatada ummadda haysa oo ama ka haysa dhaqaalaxumada ama ka haysa ummadda ahaanteeda, inaynnu isku baraarujinno yey ahayd danteeda weyn. Isla markiina hadal been ah keliya inaannaan ku socon, hadal iyo ficil inaynnu isgees dhigno, taas oo aan loo kala sokeynnin, ee qof waliba waajibka ka saaran sida kan kale uu u saaran ya- hay. Taas oo ku foorarta haddii layna xado waa gaar oo qof- kii na xada isaga ayaa u mus/uul ah, laakiin runta aynnu isku ognahay waa inaynnaan ku kala laheyn, wax kala bursanayn- nin, aynnaan isxadeyn, aynnaan isxaqireyn, oo is-addoonsanay- nnin, aynaan is-hayaanadeynaynnin, oo abtirsiinyo been ah, anaa mudan been ah inaannaan tirsanaynin. Ujeedda guud- ka ahi 'inay tahay qof waliba xornimadiisa guud ahaanta ahayd inuu gaarkiisa u helo. Midka jaahilka ah, galti ah oo taas aan danaynnin oo dhurwaaga ahna inaynnu meel uga wada jeesanno, oo niraahno war naga joog, Soomaali intaad lumin kartay waad lumisaye, laguu deyn mayo, haddee kaasna inaynnu gees isaga qabanno innaga oo wada arkaynna beentiisa.

Habkii marka aannu wax u qaibsan laheyn mabda' dheer waa la sheegaa, laakiin marar badan dhibaato waxay ku jirtaa dhabbihii loo mari lahaa sidii wixii loo qaban lahaa, waxaan aad rabto sidii aad ku gaari lahayd. Fashilku wuxuu ka yi- maadaa isla markii inaan lagu heshiin dhabbihii waxaas loo mari lahaa, inaan la isla garannin, masalan waxaan hubaa mid kastoo rajci ah, mid kastoo keligi-cuna ah, mid kastoo beenlo- w, afmiinshaar iyo mudamdan, kuwa noocaas ahu inay jiraan. Haddana Soomaalidu waxay tiraahdaa «fulay kaa lib jecel,* haddii Soomaali wada wanaagsan oo qurux badan ay helayaan iyaga ninna kama jecla, waxaynnu keli ah oo isku diiddan nahay dhabbihii loo mari lahaa.

Annagu waxaannu leenahay war dhabbihii xalaasha ahaa oo aakhiro iyo adduunba loo mari lahaa waa kaas, isaguna wu- xuu ku jiraa ururkeenna iyo toosmada wax wada qabsiga. Isa- guna wuxuu leeyahay mayee firirka ayuu ku jira, anigu inaan nintooxsado oo ninba gooni u nintooxsado ayuu ku jira, 8aas buu isna leeyahay. Marka dhabbihii baannu isku diidsan na- hay, runtii waxaan leeyahay qof innaga ah oo aan maanta jec- laadeen inuu barwaaqo dhex gab ma jiro, xataa kuwa goca- naya,cabaadaya oo balada sheegayaa. Nin oday ah oo wax garad ah, dadka Ilaahay yaqaan, haddana beentu ay la qurmu- un tahay runta iyo geesinnimaduna aad ula fiican tahay ayaa ii sheegayey, oo wuxuu lahaa annagu waxay tahay ma naqaan, laakiin iimaandarro ayaa jirta markaas wuxuu ka warramayey dadka becshariga ah, gacanta bay uun taagayaan ma leh, bee- csharo ma leh. Markaas wuxuu yiri, haddii aan sii su'aalay isaguna beecmushtar ayuu ahaa, wax la qabto kuu sheegi ma yaan. «Marka war xagge wuxu u socdaan baan marar badan isiraahdaa, buu yiri. Waxaan iri aan kuu sheego meesha ay wax ku jiraan, meesha ay wax ku jiraan waxaa weeye ninkaa- su ma garan beecsharada, inuu isagu ordi jiray, oo dullaal ahaa waa uu ogaa, laakiin runtiise ma uusan garannin beecsharada Soomaaliyeed xaggee joogtay, yaa haystay, xaggee bay maray- say? Ma garannin, waxaan maqashiis nahay nabigii caleehi salaam ayaa laba nin u yimaadeen, waxay yiraahdeen noo du- cee nabiyow. Wuxuu yiri maxaad tihiin. Waxay jiraahdeen beecshri baannu nahay. Maxaad ka beecmushtartaa? Buu mid weydiiyey. Wuxuu yiri dhar baan ka beecmushtaraa. Wuxuu yiri nebigii nin yahow dharka ka beecmushtaraa kheyr Allaha kuugu daro. Midkii kale ayuu yiri, maxaad ka beec- mushtartaa? Cunnada ayaan ka beecmushtaraa ayuu yiri, nabigu waa ka aamusay, ayaa la yiri. Mar kaasuu yiri yaa rasuulu Laahi ninkii kaleba waad u ducaysaye aniga maxaad iiga aamustay? Waxaan kaaga aamusay buu yiri ninka dharka gataa wuxuu jecel yahay in adduunka oo dhan barwaaqo yahay oo dharkiisu u gadmo, ninka cunnada gataana wuxuu jecel yahay in abaari dhacdo oo belo dhacdo, oo xoolihiisufta qaali noqdaan, marka adiga kuu ducayn mayo, maxaa yeeley si xoolahaagu barako ku yeeshaan waa in abaari dhacdo, aba- aina ummadda Ilaahey ugu duceyn mayo. Bal haatan kuwa Soomaalida ahu ma garannin, waxa haddaannu haatan beec- sharadii wax uun faro gelinney, ma garannin inaannu ulajeed- no dadka'Soomaalida ah oo islaamka ah oo dhibban, ma uusan garannin, ma oran karo, kuma dhaco, shicbiga uma sheegi ka- ro, maxaa wacay inayan run aheyn way og yihiin. Marka inuu saas yiraahdo maxay ku huraysaa? Waxaad ku cilmi leedi- hiin faallayaal kacaanku maalmtii uu dhashay, waxaa laysku dayey in la fariisiyo oo xagga dhaqaalaha laga fariisiyo, Ilaah mahadiis ha ku gaadho, waynnu garannay, waannu la dhirray waxna uma soconnin cadowga. Waxay ahayd heer laga soo gudbay, waloow iimaan laawe uusan qancaynnin uusan ogeyn, runtiise waxa ku wareegsan uusan ogeyn, in lala socdo lana ogyahay, uusan mama ku xisaabtamin in gacan adagu ay ga- arayso markii uu is — hor taago, isagoo dan dicfiya oo aan sal lahayd, faa'iid raandhiis dheer wax aan leheyn isaga oo ku fakaraya markii uu hor istaago maslaxadda caamka ah, isagoo aan wada ogeyn oo qaldan buu weli ku gunuunucayaa. Laakiin waxaan leeyahay heerkeedii iyadana waa laga gudbay, ee heerka hadda nagu soo socdo waxaa weeye haddii iyada oo mahadda ummadda Soomaaliyeed oo hadda idinku aad igala joogtaan iyo dadweynaha ay fadligeeda lahaayeen qonofka la- gu dhuftay oo qof waliba yiri war dantaydii garannay, innagu ma xiraynno dugsiga, ee uu sii badanayo, waynnu sii ballaari- naynaa, waxaynnu u ballaarinaynnaa inaynnu aakhiradeeima ku wanaagsanno, ummaddeenna ku midaysanno, cadowgeen- na aynnu isaga celinno, sidaas ayaynnu u sii ballaarinaynnaa, ma xiraynno xaruntaan oo kale oo aan keligeed ku ahayn hala- kan meelo badan baa furmaya ilaa dadka Soomaalidu runtoo- da ay gartaan, anoo og inta badani, inay garteen. Laakiin haddana kalsooni buuxda inay helaanniin, oo markaas iyaga oo is- garansiiyey mabaadiidooda iyo ficilkii daba dhigaan oo ku dara vaannin, inay markaas ku duulaan hubaal, oo ayan ku duulin tuhun.


Waxaan moodaayaa lagama maarmaan inaan taabto, sidaasu waa fiican tahay afka in laga yiraahdaa, ficilkiina in wax aynnu u aqoon sanno qofkii u ikhlaas ah iyo qofkii daalin ah oo ka hor jeeda. Waa inaynnu calaamad aynnu isku af garanno leenahay. Calaamadda aynnu isku af garanaynnaa marka waxa waaye marka u haireysa qofka ikhlaas ka u ah dadka Soomaalida ah wanaagooda iyo horukacooda in uu ku shaqaynayo markastaba, uusan eryeynnin, ee uu waxqabad iyo cladnimo uu ku socdo. Qofka waxaad ku aqoonaysaa laba- dii qof oo dagaalsan inuu heshiisiiyo, inuusan ka shaqeen laba qof oo islaam ah inuu isku diri, inuu isku xumeeyo oo isku jaa- garan garaa waxaa weeye inuu u diyaar yahay inuu u dhibaa- juufio, waa calaamadda lagu garan karaa. Calaamadda lagu toodo xornimada dadka Soomaaliyeed, saddexaad waxaa weyee inuu oggolaato oo qiro laba qpf oo Soomaalida ahi inay isku xaqyihiin, ilaah inuu wada abuuray, in dalkooda iyo ilaa hooda iyo sharafka inay u siman yihiin, oo uusan qof mulki u lah- ayn oo jeebka ugu jirin, oo markii uu rabo la soo xadeyn oo ma- rkuu rabo qof uusan siinaynnin, waa calaamad lagu yaqaan.

Markii uu qof kale oo Soomaali ah xaqirayo waad garanay- saa inuu yahay daalin, oo meelo u gulucaynayo waa inaad gara- taa. Calaamadda lagu yaqaan waxaa weeyifegaqsoorka inuu oggol yahay, haddaynnu inteenaanu saaka wada dhaqaaqno oo shaqa u foefno, waa inuu oggol yahay in aad adigu shaqada ka- ga badsatay, wixii soo baxayna qaadato. Waa inuusan damcin inuu ku noolaadaqof kale dushiis, waa inuu aaminaa mabaa- diidaas ah xaqsobl&a, ee wixii aynnu qabanayimo waa waxa uu dadku leeyahay. Midda u dambaysa, waa inuu u diyaar yahay in wax la qabto, in wax la barto in dhaqaalaha la kororsado, mushtamacii. ummaddaan waxa xun lala diriro waxa sanna in lagu hanuunsamo waa inuu ku shaqaynayo mabaadiida caynka- as ah, waa irtuu wuxuu u halgamaa ay yihiin in maanta wax si- >aadaan, maxaannu siyaadinnaa, i&kuul baannu dhisnaa ma waddaannu samaynnaa, ma beer-baannu fallaa, ma warshad baannu samaynaa? Inuu xusuusan yahay oo dhibsanayo qofka Soomaaliga ah oo suuqa shaqo la' kuna taahayo .allow yaa ka bi'iya gaajada iyo dhibka allow yaa kafujiya, waa inay qalbigiisa ku jirtaa. Waa calaamadda lagu yaqaan, waa shan qodob oo aad ku kala aqoonsan kartaa qofka ikhlw^a ah iyo qofka daalinka ah, shanta qodob waa inay magac u yeelaan. ama shanta qodob waa in ay mab- da' ku fariistaanniin. Mabda'a ay ku fariisanayaan waa kii ahaa Hawl iyo Hantiwadaagga Cilmiga ahaa, muxuu cilmi ku yahay? Cilmigu waxaa weeye aqoon si rasmi ah oo gun ah loo dersay, loogana dabo tagey weeyaan, aqoon male aan ku socon weeye, aqoon xaqiiqa ku socoto weeye cilmigu. Shantaas. mabda'a keli ah oo wadi kara waxaa weeye kaas hawl iyo hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, kaas oo jideynaya intaasu haddii ayan soconnin, ishtiraaki haddii uusan jirin istic maar baa jira, isticmaar haddii uusan jirin raasomaaliya ayaa jiita, raasumaaliya hadday jirto, micnaheedu waxaa weeye dad- ku inuu dabaqad kala yeesho, qofna dhiigiisa in la cabbo weeye qofna addoon inuu noqdo oo xamaalo weeyaan. Waxaa weeye dadku inuu wax kala bursado oo kala mudan yahay weeyaan, oc qofna qof qof ah uu yahay, qofna qof daayeer ah uu yahay. Marka ishtiraakiyada ku dhisan aqoonta raalaha ah baa marka noqonaysa dhabihii lagu yiqiinnay, marka maxaad ka soo wa- dday midka ishtiraakiga la colloofcaya, mark^ shantii xubnood ma oggola, waa ka been anigu ishtiraakiga "ma rabo, shanta xubnoodna waa oggolahay, been buu sheegayaa, weligiin ha rumaysannina.

Waxaa runtii xoogga weynu jju ku jiraa in aad adigu aqo- onsan tahay dadnimadaada aadamiga ah markaas bay kaa suu- rowdaa shanta qodob inaad aqbasho, maraas bay kaa suuroobi kartaa inaad ishtiraakiga cilmiga ah rumaysid. Ishtiraaki waxaa Weeye wax shirik lagu yahay, waxaa weeye danteenna ayaa shirik lagu yahay, wax wada qabsigeeda ayaa shirik lagu yahay, cilmi haddii ay tahay waxaa weeye aqoon run ah lagu qabsado, maaha mid been ah. Markaas waxaa weeye haddii uusan kuwa- as rabin runtii kuwa kale ma rabo, waa ka been sheegayaa, waxaa iska suurtowda rabid la'aantu inay sababa badan ku tixnaa- do, inay jahalo ku timaado. Waxaa la yiri ishtiraaki cilmiga gaalnimo weeye, waxaa suura gasho in loogu sheekeeyey, oo waddad xume ku sheekeeyo. Culumada fiican weligey wax kama sheego waad ogtihiin, waana taabacsanahay, ee midka ilaah been ka sheega waa inaannu la dirirnaa. Wuxuu ku jiraa daalimiinta kuwa ugu waaweyn, maxaa wacay bal haddaba idi- nku caqligiina ku eega, adduunka Ilaah muxuu u sameeyey, in- nagana muxuu inoo sameeyey, haddii aynaan ku manaafacaad- eyn? Mid baa wuxuu i leeyahay innagu aakhiro ayaynnu wax ku leenahay ee adduunka wax kuma Iihiin, gacmaha waa inaan-nu siku laabannaa. Marka runtii meel ay ku taal baabka ilaa- hey ma jiro, marka haddii lacalla uu wax arkay baab la nasaqay inuu daba haysto, awoodna inuusan u yeelannin kii nasaqay oo ummadda maslaxaddeeda u yimid inuusan garanaynnin. Marka ama ha u jeedo oo isticmaar waa hore ha ku soo abuurto, ama jahalo ha u geyso awood ama aqoon dheer oo uu ku gaaro- na ma leh. Dadka waxaa ugu xun qofka galtiga ah waxna lama dhacsiiyo waxna kaama maqlo, waxna ka kibir badan, weligiin bal ogaada waa caada uu leeyahay, calaamadda qofka ikh- laaska fiican ah waxaa lagu yaqaan, ama runtii reer magaalkagartay nolosha adduunka macnaheeda, waxaad ku garanaysaa kibir ma leh, qaylo ma leh, shanqar ma leh. Markii uu kula hadlayo ama wax aad garato ayuu kuu sheegi, ama wixii aad u sheegto oo micne leh ayuu kaa qaadan. Ilaahey adduunka uu abuuray muxuu dadkiisa ugu dhex abuuray haddii uusan dan- naynnin inay iyagu wax ku qabsadaan, muxuu samaca u siiyey, xoogga muxuu u siiyey caqliga muxuu u siiyey, awoodda waxay soo dhaafeen ay ku xusuustaan, wixii markaas joogana ay ku garan karaan, waxa soo socdaa ay ku maleeyaan, ilaahay muxuu u siiyey, ma ilaahey baa wax been beeninayey, ma been beenbay ahayd inuu jtetx ku qabsado? Marka, midka kule innagu aakhi- ro ayannuui'leenahay, aakhirana waa leenahay, adduunna waa leenahay baan ku oranayaa. Adduunka ilaahey wuxuu u soo dejiyey inaannu ku noolaanno oo ku dhaqanno, oo qofku intii uu nool yahay uu nolool fiican iyo xayaato, fiican uu ku gaaro. Marka waxa uu u leeyahay gaalo ayaa leh adduunka sow inuu gaal hoostii i geliyo ma aha iyo cagtiisa oo addoon iga dhigo?

Waxaa la mid ah midka aan xusuusneyn Hodan iyo Wardhiigley duurkeeda shishe. Anigu waa tagaa, dadka joogo inayan wadda haysan baan ogahay, waxaan ogahay inayan bi- yo haysan, waxaan ogahay inayan nal haysan, waxaan ogahay in gawaaridda biyaha qaadaa inayan u geli karin. Anigu waa ka warqabaaye isna haka warqabo waxa ay ku nool yihiin. Waxaana waajibku nagu yahay ummadda aannu ka dhalan- nay waxaannu u qaban karno inaannu u qabannaa. Marka ma ka warqaba isagu? Wuxuu ku leeyahay maya, ee sidaas weeye ishtiraakiyadu. War ishtiraakiyo waxba kama taqaan- nide baal dambe akhriyoo is ka tag, waagaad dad noqoto ha la gaaro.

Marar badan baan idin iri dalku waa taajir dadkuna waa faqiir, fiqirnimada inngaa oggol, intaynnu innagu oggolnahay ka bixi maynno. Sida aynnu kaga bixi karnaa waxaa weeye inaynnu garano runta, waxaana idiinka marag ah qof waliba .dib ha u kaco, laba sano ayaynnu soo soconnay ee waxa aytinu khasirnay iyo waxa aynnu qabannay ha ku tihnaamo wixii ka horreeyey ha ku tilmaamo. Yaa wax ina siiya, inoogu abaal sheeganaya innaga xooggeenna iyo maskaxdeenna mooyaane? Marka haddii aynnu Jaallayaal mabda'a isaga ah intii aynhu ku dagaallanno aynnu horey u sii wadno, ma aynnu gaari kar- naa? Waxaynnu gaari karnaa inaynnu si kastaba u xorowno, dhaqaalaha inaynnu, ka xorowno, tacliinta inaynnu ka xorowno, inaynnu caafimaadka iyo ummaddeenna nolosheeda ka xorowno, mabdi'iyan inaynnu u xorowno, dad Ilaahna ku kal- soon iyagu isku kalsoon inaynnu nahay. Marka dadka adduunka ku nool oo dadnimo ah wax ula qaybsanno oo qaybta- yda xalaasha ah inaannu qaadano, markaas aakhirkeeda dam- be inaynnu gaarno midnimo, haatanba kuma taag yerin, oo ninna ma hoes fadhinee, oo adduunka shalay sidii nalooga hay- stay maanta nalooga ma haystee. Waa ku doodnaa waana ku daagaallannaa xubinteennana waynnu ka qaadannaa, idinka wax laydin ka barto qof waliba ra'igiisa inuu cabiro inuu ca- biro uusan waxba qarin, idinka in laydin ka barto, idinku ina-ad bartaan, waxa la baranayaa inay tahay danteenii sidee qab- sannaa? Innagu nolol wanaagsan oo walaalnimo ah iyo qalbi macaan oo ikhlaas ah sidee ugu wada noolaannaa, sidee baynunu waxa inaka shisheeya oo cadawga ah uga xorownaa? Haddii la koobo kaas weeyaan mabda'eennu.

Marka waxaan aad u ammaanayaa qolooyinkii hawshaan nooga hooseeyey oo ama Xafiiska Xirirka Dadweynaha ama Wasaaradda Tacliinta oo aad isugu taxalujiyey door weynna ka ciyaaray in dadka Soomaalida ah dhibaatada laga saaro, maskaxtoodana lagu guubaabiyo oo loogu yeero sida aakhiro iyo adduunba u roon. Ammaantaas ayaan iyaga leeyahay, in kastoo aan leeyahay xarunta daalimiin waa ku badan yihiin, haddana waxaa ka badan dadka fiican oo ma ay suura galeen waxyaabo badan oo idiin hagaagay inaad hagaagsataan, ma ayan suura galeen, haddaydaan ummaddweynihiinnu ayan da- gaal weyn ka gelin. Waxaan ammaan weyn leeyahay gabdha- ha taariikhiyaiina u lahaan jiray markii ay dhibtu joogto in ay dagaallamaan, haatanna walow cadow ku agwareegayo haddana door weyn ka ciyaarayaan, aad baan u ammaanayaa. Waxaan aad u ammaanayaa culumada kala baxday oo wadaad-xu- me iyo Ilaah-aqood u kala baxeen. Dhagaxtuur halkaannu hadda iiga muuqda, markii la dhisay baa kuwo waxay yiraah- deen sanab weeye, Ilaahay waa laga furtay. Marka waxay ku tusaysaa daalin la soo dirsaday inuu yahay, maxaa yeelay sanab maxaa lagu yaqaan, sow in la caabudo lagu ma yaqaan? Haddee Dhagaxtuur innagu walaalahaya dhintay baannu ku xusuusannaaye, ma annagaa caabudna?' Xataa haddii aad u sii dhabagasho, xataa diinta ma yaqaanniin, waa kuwa daalin- ka runta ah. Sanabka waa la caabudaa, waa lagu tukadaa, waa la syaartaa, annagu kuna tukan maynno, Ilaahna uma na- qaan. Laakiin dhiggii dadkayagii ku daatay meesha baannu xusuusanaynnaa. Markuu soo faray nin isagu dadkii dhiig- giisu ku daatay ama dagaalyahankoodii, ama ummaddoodii markuu inta suubsaday adiga inta kuu yimaado ku yiraahdo xaaraan weeye, ha u dhaawaanin, si aad jaahil waligaa u ahaa- ;to, ama taariikhdaadu u xabaalanto weeye ujeeddadiisu. Had- daan soo koobo aad baanu u ammaanayaa culimada geesiyaal- ka ah oo inta bannaanka u soo baxeen kuwaas rajciyiinta ah geedka ku xireen oo u diideen masaajidyada inay ka hadlaan, inay ku dhuuntaan moo^ee. Marka kuwaas iyaga ah waxaa- nnu leenahay dadka ikhyaarta ah, runtii walow la yiraahdo qaarkood «qawda maqashii waxna ha u qaban,» madaxa uun bay meesha tusaan, iyaga keli ah baa iskeena. Laakiin gurya- hooda inay ka shaqeeyaan ma oggola, xaafadaha qaarkood lagu sheegey. Iyaga waxaan rajaynayaa inay dad fiican noqdaan oo ay kasoo baxaan taas- Waxaa la yiraahdaa xafiisyadu ma socdaan, dadka waa lagu xaqiraa, Ilaah baan idinku dharsha- ye innagu lama jirnee ha qarinnina, celiya daayeerradaas. Markii uu leeyahay tawraddaa tiri beentii weeye, tawraddu ma dhi- hin, shir baan idin ku sheegayaa, beentiis weeye, waxa xun tawraddu ma guddoomiso. Tawraddu waxay leedahay dadka shicbiga ah ha loo shaqeeyo oo ha loo hagar baxo, oo muraad- kooda ha loo qabto. Midka hor taaganuna daalin qarsoon weeye, kollayna waannu ka daba imaan doonnaaye inta ka hor- raysa yuusan idin diline iska celiya ayaannu idin leenahay. Waxaa la yiraahdaa laaluush baa la qaataa, waraaqu kuu so- con meyso jeer aad toban shilin bixiso, markii biyantooniga la- ga bilaabo illaa meesha kore. Haddii aad bixsaan labada gacmool kaw Allaha idin siiyo. Waaxaan taas u leeyahay haddee sidee buu ku joogsanayaa haddii aadan adigu diidhin? Midkaan iimaanbeelaha ah waa hore ayuu lumay, mana bis- koonayo, sidee bay marka ku baaba'aysaa xaaraantii, xaqaaga- na sidee ku halaysaa haddii adigu weli sii bixinay'so, oo saacad- da yar oo dhibku ku qabsanayo aad ka baqdo? Waxaan idin leeyahay laaluush ha bixinnina, sheega ha la xiree, oo ha laga qabto shicbiga. Dadkii suuqa ayey dhooban yihiin, dhallin- yaraddeennii mutacallimka ahayd oo wada shaqa doonaysa ayaa suuqa dhooban kuwaas baannu ku beddelaynaa midka durbaan been ah qof.ikhlaas ah, oo islaam ah, oo Soomaalli ah, tuuga ah, oo daalinka ah oo shicbiga xadaya. Isla markii oo waddani ah kuwa wax ka sheegaya daalimiin weeye, kuwa- asna la collooba, ma aha, kuma jirto nadaamkeenna, ma rabno innagu been, ma rabno midka been iyo masabid la wareegaya. Kollayba waa ehlunaar, waddaninnimo xumaddisa yuusain idiin sheekayn, ka wareega. Haddii aad u gara'taan inuu saas ya- hayna ha qarinnina ee qolada ku shaqa leh u sheegoo waxaad tiraahdaan kaasu waa daaliii, sacabka uu tumayaa waa beenti, habeenkii qurun buu shiriyaa, maalintii halkaasuu ka baxaa, shaydaan buu la shiraa kaasu kheyr malaha, sheega oo ha qarinnina.

Markaas waxay ahayd inaan idiinku mahad naqo hawshii aad qabateen, horey u qabateen xaafad xaafadaba, waana inoo sii socon doonaan dersiyaalkeennu walow dad khaas ah ay sii noqon doonto inay bixiyaan. Haatanna haddii Alia idmo xa- afadihii baad ku noqon doontaan, shaqada sannada waynnu bilaabaynnaa. Waxaan rajaynayaa, annaguna waa idin dhex imanaynaa inuu qof waliba maradiisa kor u soo xayto oo faro dhuudhuuban oo sulub ah inaynnu la dirirro, waa in gacma- heennu noqdaan gacmo shaqaysta, ma aha gacmo sulub ah oo dhuudhuuban, waa iriay xagtin yeeshaan. Waan fiiriyaa qofkii i salaama gacantiisa, waan taabtaa, markii ay sulub tahay- na runtii waxaan garanaya in rajcinnimadii ku dambayso, ama rajcinnimo maskaxda ah ha noqoto oo dibusocodkii maskax- dii uusan haatan wax lahaannine, maskaxdii inuu rajci ka yahay iyo qalbigii, inuu rajci ka yahay waa ii muuqataa. Maxaa wacay uma quuro wax adag, hawl adag inuu gacantiisa ku qab- to, weli uma quurin. Marka sidee buu u xoroobayaa, xorni- mo been ah oo dhalanteed ah oo riyo keli ah, laakiin aan la ta- aban karin inuu haysto ayuu doonayaa. Waxaan leeyahay annaguna shaqada waannu idin kala hawl gelaynnaa, waxaan- nu rajaynaynnaa labadii sano waad shaqaynayseene si go'aan leh oo kalsooni ah shaqada aynnu hadda bilaabi doonno inaynnu u wada qabanno, salaamu calaykum warax ma tulaahi wa- barakaatuhu.

Comments (4)add
madaxwynihii ugu danbeeyay soomaliya tha last somali prs
written by farxan sheeq maxamuud , May 11, 2010
waxan huba oon lee yahay in soomaliya jaale siyad alaha unaxariistee aysan dawlad wadaag ah oo hanan karta bulshada soomaaliyeed kadib aysan helen sidaa awged waxan wanagsan soomalidu inay ogaato qabiil iyo qaran inaysan wada shaqayn karin waxan jeclan laha inan soo qoro bog kaamil ah oon uga waramayo wax qabad kii jaale maxamed siyad bare aniga oo uga hadlaya si xaqiiqda ah ee bulsha waynta soomaaliyed intooda waxgarata ay igu raaci doonaan in sha alah
...
written by jamac cali jaamac , September 03, 2010
maansha allaah maansha allaah waxaan ahay wiil dhalinyaraah waxaan aad iyo aad u jeclahay doowlad iyo nabad waxaan marar badan ku fakaraah soomalia sidee ayay dowlad u yeelankartaa da,daydu waa 24 sano waxaan aad iyo aad u xiiseyaah dowladii mahamed siyaad barre ok
somalia dhisitanked uu dhamaday walahi waxa qabsaday dad moryana
written by muktar , November 02, 2010
marna lagama yaabo inay somalia dib udhisanto sida xaqiiqada ah dadku yaanay dalin sababtoo ah dadka hada mesha haystaa waa dad calooshoda ushaqaystayaal ah oo ku dan gadhiya umada somaliyed kuwakale ee qabsan doonaana waa sidaas oo kale somalia waxay noqotay the died cycle rajo haka sugina dadyahow somalia ee magackale sheegtoo calamka gala madaxweynana waxa ugu danbeeyey jaale maxamed siyaad bare oo ahaa nin somalia daacad u ah wadaad xumihii uu sheegi jirayna wakaa somalia haysta bye bye somalia
alow noo deji
written by dhab ka hadal , March 14, 2011
asalamu aleykum dhamaan asxaata iyo shaqalaha webka salaan qaali ah iyo mahadnaq idilkinba salaan ka dib waxaan ilaah uga baryayaa inuu u dambi dhaafo janadiisana galiyo madaweyneheenii ruuxiga ahaa wadaniga ahaa geesiga ahaa jalle mahamed siyad barre . waxaan xasuusinayaa walaalkeyga muktar rajada ilaah lagama quusto somalina waa ummad ilaah abuurtey asagaana imtixaan u keeney oo ku wada imtixaankiisa markii uu doonan u soo dejin kara wanaag iyo qayr iyo barwaaqo adigase qof ahaan ha ka raji dhicin raxmada ilaah anagoodhan ka ummad ahaana ilaah rajadiisa inaan ka rajidhacno waa nagu qalad ee aloow noo deji inoona soo bixi mid adna kuu daacad ah anagana noo daacad oo nagu xukumo waxaan adna gaf kugu aheyn anagana inoo horseeda nabad iyo barwaaqo aamiin
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search