You are here: Home Khudbado Afrika waa inay isu talisaa - 1971
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Afrika waa inay isu talisaa - 1971

E-mail

Khudbaddii Jaalle Siyaad u jeediyey Shirkii Dawladaha Afrikada Bari iyo Afrikada Dhexe

Sarreeye Boqorow, Mudaneyaalka iyo ergooyinka sharafka leh, waa salaaman tihiin, waxaana marka hore mahad weyn u celinayaa Madaxda qaayaha leh oggolaantii ay oggalaadeen iney ka soo qayb galaan fadhigan qaayaha leh oo Afrikada Dhexe iyo tan Bari ah. Anoo garanaya iney hawlo badan ku lahaayeen dalkoodii qaarkoodna ay safar dheer u soo galeen khasaatan Sarreeye Boqor Haile Selasie I, Bresident Nyerere, Bresident Ngouabi iyo saaxiibo kale. Taas yacni ishaareysa shaki uusan ku jirin meesha aannu maanta mareyno haddii la eego nin dalkiisa ka tegi karaa ma jiro ama waa yar yahay. Mahaddaas ka dib waxaan mahad aad u sii weyn u celinayaa Wasiiradii Danaha Kharijka oo hawl qaaya leh halka ka qabtay, gaareynna heer ay inoo fududeeyeen hawshii inagu soo aad lahayd innaga madaxda dalalka. Aad bay u ammanaan yihiin oon aan u ammaanayaa, anigoo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed. In kasta oo Afrika isu dhowdhowdahay ama jiiraan u tahay ayan isu afgarannin oo isgaranwaaga iyada ku jira iska bixin, ama aynnu u hawoonaynnay maalin Africa iney noqoto mid qur ah ayna ka qaadato xubin weyn adduunka taladiisa, iyada oo aynnu hubno haddii xoolo la yiraahdona, adduunka kuwa ugu xoolo badan ay tahay, hadii dad la yiraahdona ummad aan caddadyareyn ay leedahay, hadii la yiraahdo sida Alla u sameeyeyna si ka fiican ma jirto. Markaas haddi aanan ku sii fogaan nin hadalka oo dulucda ka raaco, waxay ila tahay in saannu horeyba u sheegnay, ama walaalaheen haddaba u tilmaamayeen, inaynnu run ku dhaqanno, runta oo dugsaneysa inaynnu ka noqonno run sheeg danaheenna, kana bixinno waxa runta ka fogaan kara, si cad oo dacaad ah ugu wada hadalno danaheena.

Waxaa jid noqon kara lagama maarmaanna wey tahay inaannu aqoonsanno cadaawadeenna, ama ha qarsoonaado ama bannaankaba ha la soo taagnaado, taasoo aan imminka wado kuwa hadda faraha aynnu ku taageynno iney muuqdaan, laakiin waxaad haddana moodda hadii aannu ka run sheegeynno cadaawad ka qurmoon, ka xoog badan, ka khatal badan, haddana noogu muuqaneysa sidii saaxiib, ma jirto. Inaannu garanno cadaawadeennu waa ayo, saaxiibkeennuna waa ayo? Inaannu damacno waxa xaq aynnu u leenahay inaynnu helno waa sida keliya aynnu ku gaari karno xornimadeena.

Intaas anigoo iri, raadinaya inaanan ku fogaannin hadalkha, haddana ha gaadho mahaddeydu sidii habboonayd ee ay noola shaqeeyeen, amaba ay u fufueeyeen hawlaheenna oo idil qoloda Xoghayayaasha ah, sidii habbooneyd oo madaxda Afkrica oo halkan isugu timid sidii ay u xallileen hawlihii. Aniga oo ay iidoorteen inaan hawsha wado sidii ay igu xishmadeeyeen, Soomalida dadka ah, Guddiga Sare ee Kacaanka, Dawladda iyo aniga shaqsigayga mahad weyn ayaannu celinaynnaa giddigiin siyaarada iyo fududeydinta hawsha intada.

Waxaan kulligiin idinku casimaynnaa dadkan Soomaalida ah. Ammaan qaaya weyn waxa leh qoloda Xoghayayaasha oo awood u yeeshay inkastoo shaqadoodu aad ayan u muuqannin iney diyaar gareeyaan wixii ama la soo jeediyey amaba la goostay oo laysku raacay oo xaajooyin ah. Waxaan mahad weyn u celinayaa Bresident Numeyri oo an ka beddelay kursigan oo ah wadaha hawsan oo isaguna ilaa meeshan haatan aannu joogno ku soo simay, isagoo si fiican hawlihii ama danihii isku duwiddooda gobolkan ka koobma Afrikada Dhexe iyo tan Bari. Intaas ka dib waxaan aad mahad ugu sii celinayaa madaxda dalalkooda ka wakiil ah sidii habboonayd oo xilkaska ahayd oo aan ugu yeeri karo si waqitga cusub la socota weeye, oo xaajooyinkii cuscuslaa, qaarkoodana ay garaarayeen oo khuseeyey Afrikada Dhexe iyo midda Bari, ama khuseeyey walaalahayaya weli la gumeysto, ama ku taxaluqay kuwa xorta ah oo la hadadayo, sida Sambiya oo kale mawqifkii cadda oo ay is ka istaageen, iyo nidnimadii, iyo geesinnimadii, iyo kal bannaanaan ay u gooyeen go'aanada lagama maamaanka ah.

Waxay ila tahay waqti lumis bay noqon doontaa hadii aan ku dheerado hadallo hore golaha looga gooyey ama hore loo yiri. Markaas walaalayaal sidii uu sheegayey Boqor Haile Selasie I, ama uu  u sheegayey Mwalimu Julius Nyerere Madaxweynahaha Tansaniya, waxay ila tahay dhismaha waaxdan ama labada waxood ee Afrika ey ka kooban tahay wada shaqayntoodu waxay u tahay daawo weyn, lana imaan karta caafimaad daa'iman ah dadka ay ka koobmaan. Waxay matel u noqon kartaa waaxaha kale ee Afrika iney iyaguna sidaas u ururaan oo danahoode u qabsadaan. Waxay daawo u noqon kartaa in ay waxyaalaha ku dhex jiri kara wadamada Afrikada ah oo yar-yarka ah qaybinna kara isgargaarkooda iyo maskaxdooda iyo isfahamkooda, ka gadaalna cudur aan bogsan u noqon kara danahooda iney iyaguna sidaas oo kale u ruruaan ayna raadiyaan ineyan ku liminnin inta yaryar danaha waaweyn. Wuxuu urukan oo kale daawo u yahay Afrika. Haddii Afrika sida ay isugu dhowdahay isu afgarato. Waxaan idin ku soo dhoweynayaa inaad nagala qayb gashaan siyaarada sannadii labaad aannu u dabbaaldegaynno Kacaankayaga oo saadambe ah. Aay ayaad u mahadsan tihiin. Mahad weyn dhegaysiga aad i dhegeysateen oo qaayaha leh, iyo khaas ahaan hadalladii wanaagsanaa ee uu Boqoro Haile Selasie I halkan ka jiri oo annaga noo soo jeedinayey dadka Soomaalida, Bresident Nyerere iyo madaxda kalena aad ayaan ugu mahadinayaa.

 

 

Comments (3)add
...
written by faduma , November 29, 2010
Alla hadalas sey u fiicnaayen yaa mar ka soo cesha akhiro warabahan ha naga celiye, naxariisti jano allah siiyo tariikh fiican waa ka tagaye wase lagu xaaray.
oohin
written by ahmed takoi , December 08, 2010
marwalbo oon akhriyo taarikhdii hore ee soomaaliya ama habkii wanaagsanaa ee maamulkii mahamed siyaad bare, iyo xaalada aan hada ku jirno waxaa ka timaado ilmo aad u kulul in dhaheyga. su aashu waxay tahay madaamo uu siyaad bare naga qarsoomay ma heli doonaa isaga oo kale wadani laga jecelyahay somaliya ama na iloow siiya taariikhda foosha xun ee ku habsatay umada soomaliya, siyaad wuxuu ah tafatiraha xumaanta soomaalida iyo ka ilaaliyaha cadowga somaaliya, waa iga talo somaaliyey raadiya wiil isagoo kale ah ama alla ha noo garto oo ha noo keeno mid naga badbaadiyo daneystayaasha ku ciyaaraayo wadanka iyo shacabkaba...........
murug
written by c/qaadir yuusuf maxmed , March 10, 2012
alaha hasiiyo naxariis iyo nabad galyo karkiisa maxamed siyaa bare waan ninkii ugu horeeye uguna danbeeye oo madax sax ah kanoqde soomaaliya gadaashiina wax sax ah majiraayaan waa hadii ilaah loo noqon asagana waxaa laga gale danbi ee hana lacafiyo waxuuna ahaa nin muwaadhin ladhihi soomaali ah somaaliyeey isu tashta
Write comment
smaller | bigger

busy
 

Custom Search