Kaalintii Jaalle Siyaad Ka Qaatay Wadajirka Afrika

Print

Madaxweynihi Golaha Sare ee Kacaanka, Jaalle Siyaad, isaga oo fulinaya himilooyinka guud ee Kacaanka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan siyaasadda dibedda ee Soomaaliya, qayb weyn buu ka qaatay xoojinta iyo taab-gelinta wadajirka qaaradda Africa, iyo xoraynta dadka Africa ee weli ku jiray gumeysiga shisheeye, sida Simbabwe, Koonfur-AFrica, Nambiya, Xeebta Soomaaliyeed, iwm. Dawrkii Soomaaliya ka qaadatay dhex-dhexaadinta Ugandha iyo Tansaaniya iyo heshiiskii nabadeed ee labadaas dal ee walaalaha ahi gaareen wuxuu muujiyey in kacaanka Soomaaliyeed ku mintidayo wadajirka Africa, oo ayan marnaba uu suuro gelin in gumeystayaalku isku laayaan dadka Africa, taas oo ah himiladooda weyn. Sidaas darteed, Ururka Midowga Africa, iyaga oo tixgelinaya siyaasadda horukaca ah ee Kacaanka Soomaaliyeed ku socdo, kalsooni weynna ku qaba kartida iyo waaya-aragnimada Jaalle Siyaad ku hoggaaminayo Soomaaliya, waxay Madaxtooyaddi qaaradda oo idil ee sannadii 1974-1975 u dhiibeen Jaalle Siyaad bishii Juun 1974kii, markii Shirweynihii 11aad ee Africa Xorta ah lagu qabtay magaala-madaxda Soomaaliyeed, Xamar. Taasi sharaf weyb bay u ahayd Soomaaliya, isla markaasna mas'uuliyad culus bay ahayd oo Africa ka sugeysey Jaalle Siyaad in uu fuliyo.

Sannada uu madaxtooyada hayey guulow waaweyn buu Jaalle Siyaad u soo hoyiyey Africa guud ahaan sharaftii Soomaaliyana sare bay u sii kacday. Markii horeba Madaxweynuhu socdaal dheer buu ku so maray dalal badan oo Africa ah, si uu madaxda dalalkaas ugala tashado arrimaha qaaradda, iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka jira.

Jaalle Siyaad wuxuu kale oo ka qayb galay, isaga oo Afrika ka wakiil ah, Shirweynihii 29aad ee Ummadaha Midoobey ee New York lagu qabtay Sebtembar 1974kii. Khudbaddiisii taariikhda gashay. Jaalle Siyaad wuxu ururka adduunka hor dhigay ariimaha culculus ee gaar ahaan ku saabsan qaaradda Africa, sida xoraynta dalalkii weli ku jiray gumeysiga shisheeye, baabi'inta fikradda foosha xun ee midabtakoorka ee caddaanka yari kaga dhaqmaan Koonfur-Africa, xaqa qofka oo la aqoonsado, baahida loo qabo in nabad iyo xasillooni waarta uga dhacdo adduunka oo idil, si horukac, sinnaan iyo barwaaqo aadamigu u gaaro. Talooyinka iyo tusaalaha Jaalle Siyaad u soo jeediyey shirweynaha adduunka waxay ahaayeen tallaabooyin wax weyn ka taray tixgelinta Africa iyo dawrka ay ku leedahay adduunka.