Maxamed Siyaad Barre, madaxweynihii u danbeeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya

Print

By Garaad Ciise Gabay

Asalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakaatuhu Maantay oo kale markay taariiqdu aheyd oktoobar 21,1969

Soomaaliya waxaa looga dabaaldegay curashadii kacaankii Barekeysanaa oo dalka soomaaliyeed ka curtay. Umada Soomaaliyeed oo aan heysanin hogaamiye mudo tadoba Cisho ah ayaa xaaladu waxay mareysan mida maantay mid ka daran Waxaana halmar umadii Soomaaliyeed ka farxiyaay cidamadii Soomaaliyeed ee kalaha Maleteriga iyo Booliiska oo la wareegay Taladii dalka waxaana la qaaday Heeso badan oo aan is orankaro Waxay muujineysan farxda umada Soomaaliyeed ayqabeen.

Maantay oo ay taariiqdu tahay Oktoobar 21, 2008 oo ay kasoo wareegtay 39 sano markii uu Kacaankii uu hogaaminayay AUN marxuum Maxamed Siyaad Barre taladii wadanka la wareegay Oktoobar 21, 1969 ayaa waxaa la'is weydiinayaa waxa ay ku sugan tahay xaaladda dadka iyo dhulka Soomaaliyeed?  21-ka Oktooba ayaa waxaa lagu xasuustaa dabaaldagii ama fantasyihii weynaa ee sanad walba ka dhici jiray dalka Soomaaliyeed, taas oo ay in badan ku xasuusanayaan macna Dowladnimada iyo qiimaheeda.

Waxaa La ogaaday in (Allaha u naxariistee marxuum madaxeyne Maxamed Siyaad Barre) uu ahaa nin muwaadin ah oo jeclaa Dalkiisa iyo dadkiisa, ayada oo ay in badan oo bulshada caalamka ka mid ah ay is weydiinayaan "dib danbe umadda Soomaaliyeed ma'usoo mari doonaa asaga oo kale?."

Aaway dalkii iyo dadkii waa kaas la kala qeybinayo oo la rabo in qeybna lagu daro ITOOBIYA, qaarna KENYA?  Waxaa hubaal ah in Soomaaliya aysan dib danbe ku soo naqon doonin sidii hore, waxaanana dad badani xilagaan la joogo markay daawadaan sidii uu waa hore ahaan jiray Wadankii Soomaaliya ay ooyaan xasuus darteed iyo waayihii nabada iyo Caanaha lagu jiray, waana hubaal in la xasuusan doono dowladii Soomaaliyeed ee sharafta iyo wanaag u soo jiiday dalkoodii Hooyo Allaha u naxariistee marxuum madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweyne wadani ahaa oo aan xadin xoolihii umada Soomaaliyeed gudaha iyo dibada iyo dhamaan ilmo Maxamed Siyaad Barre qofkii rabana xaqiiqdaas ha ila soo xiriiro.

Maantayna Soomaaliya waxay ku socotaa 21 sano oo dowlad la'aan ah,  marka waxaa iga Su'aal ah 21-kii sano ee ay dowladda jirtay bal ha la barbar dhigo jawaabtana waxaa la weydiinaya Taariiqda oo marwalba runta sheegta, waxaan arkay website badan iyo dad badan oo weli wax ka sheega Alle ha'u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku sheegayaa in uu ahaa KALIGII TALIYE, balse aan sheegin waxay geesteen 18 sano ee la soo dhafay KULIGOOD TELIYAASHA!.

Cilmigu caqliga ma kordhiyaa?  Jawaabtu waa maya. Hadaad ka hadashaan KELIGII TELIYE, maad ka hadashaan KULIGOOD TELIYAASHA iyo faa'iido daradooda?  Waxaana u dan leeyahay kuwa isku heysta inay cilmi leeyihiin, yaqaana sida loo qoro afka gaalada
siiba ingiriiska iska daaya marxuumka.

NABEY NOOMA TALIN  
MASKAX NOOGA ROON
NACABKAA HA JABO     
NOOLOW SIYAAD NOOLOW

NACAS IYO NIN RAGA    
MARKAY MADAX NOQDAAN
AYAA LAKALA NACAA
NOOLOW... NOOLOW, SIYAAD NOOLOW!!!

A.U.N  Marxuun Maxamed Siyaad Barre
Xoghayihii guud ee XHKS, isla markaana ahaa
Madaxweynihii Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliyeed