You are here: Home
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Apr29

Carabinieri Police College in Italy - 1952

image

Magacyada ka qaybgalayaasha tababarka layli saraakiil:

Kuwa taagan - bidix ka bilaaw:

1) Cabdalla Cali Maxamed "Cabdalla Sanjeex" Carab.
2) Dauud Cabdulle Xirsi;
3) Cabdiraxmaan Muumin Xaaji (reer Baraawe);
4) Maxamed Cali Cabdow "Cadani" (Carab);
5) Maxamed Bin Qamiis;
6) Maxamed Siyaad Barre;
7) Mursal Xaaji  lagu naanaysi jiray Rinaldi;
8) Maxamed Caynaanshe Guuleed;

Kuwa fadhiya - bidix ka bilaaw:

1) Maxamed Ibraahim Liiqliiqato;
2) Cabdi Jeelle Cawaale;
3) Axmed Yaasiin "Doobbiyo";
4) Maxamed Abshir Muuse;
5) Cabdalla Xaaji Axmed;
6) Xuseen Kulmiye Afrax;
7) Cabdulqaadir Sanuur reer Baraawe

     
Mar05

Xafladii Soo dhaweenta buugga Cusub ee London

Xafladii Soo dhaweenta buugga Cusub ee London, 3rd March 2012 “Somali President Mohammed Siad Barre, His Life and Legacy”


Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ku saabsaneeyd buug cusub oo dhawaan la qoray ee uu qoray qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mohamed Ibraahim Shire.
Waxaa buuggan uu xambaarsan yahay taariikhda muggaleh la soo bandhiigay qoraaga
buggan Cabdicasiis Ibraahim Cali (Xildhibaan).

Qoraaga buuggan waxa uu si hufan oga hadlay sababtii ku dhalisay inuu isku taxluujiyo ee uu juhdi badan galiyo inuu isku dubarido taarikhdaas kadibna qoro buuggan. Qoraaga oo hadlikiisii sii wata ayaa wuxuu ku qotomiyay qornadan buuggan inay tahay taariikh Lagamamaarmaan u ah Ummadda Soomaaliyeed iyo weliba jiilka dhalinta yare e soo hanaqaaday 21kan sano ee burburku socdo.

Waxaa uu buugan ku saabsan yahay waxqabadkii Kacaankii 21kii October 1969 ilaa 26kii Janaayo 1991 iyo waliba taariikh nololeedkii A. U. N Jaalle Mohamed Siyaad Barre. Xafladddan ayaa waxaa si mug buuxa leh oga hadlay maddaxdii qarankii Soomaliyeed,aqoonyahano, dhalinyaro Soomaliyeed iyo dadkale oo aad u farabadan. Madaxdii iyo masuuliyiintii ka hadashay ayaa waxay ahaayeen masuuliyiin aad u xusto taariikhda dalka Soomaaliya iyo weliba geeska Africa.

Waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka mida ahaa Dr Cabdulqadir Cali Boolaay, Kaaliyii XHKS Cabdulqadir Haaji Mohamed, Gen Yuusuf Ahmed Salxaan, Wasiirkii hore eewarfaafinta Faarah Daahir Afeey iyo masuuliyiin tira badan oo buddhigo u ahaataariikhdaas muhiinka u ah Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kaloo halkaas hadalka qaatay aqoonyahano, odayaan, waxgarad, haweenka iyo dhalinyaro kakala socota goboldada dalka. Waxaa halkaas heeso qiiro leh tiriyay abwaanCabdiriaaq Ahmed Faarah (Gaadaco)

Waxaa xafladaan lagu soo bandhigay qaabkii hoggaameed ee dalka Soomaaliya uu ku Gaaray baarka sare ee dowladaha dunida Africa iyo weliba dunida Arabta, sumcad weyna ku yeeshay ama ka kasbaday dalalka caalamka.

Xafladdi ayaa ku soo gaba-gaboowday jawi aad iyo aad ay dadkii joogay ugu qiiroodeen

 
Page 7 of 15


Custom Search

 


Buug Cusub / New Book


Khudbadii ugu dambeesay 1991 Version 2

Khudbadii ugu dambeesay 1991

Latest Comments