Maalinta 21-ka Jannaayo 1973, waa maalin weyn oo taariikh dalkeenna iyo dadweynaheennaba u leh, maxaa yeelay, waa maalintii Guddigii Golaha Sare ee Kacaanku go'aan ku gaaray in laga dhaqan geliyo Afkeenna hooyo dugsiyada, maamulka Dawladda iyo dhaqankeenna oo idilba. Maalintaasa dadweynaheennu ka xooroobey xagga dhaqanka iyo fakarkaba. Sida la wada ogyahay Afku waa hubka keliya oo lagu dhowro, laguna diiwaaniyo suugamaha iyo murtiyaha.
21-ka Jannaayo 1973, waa maalintii qarannimada Soomaalidu ay lugaha ku istaagtay, lagana aqoonsaday adduunka oo idil. Isla maalitnaas dadweynaheennu wuxuu bilaabay, sidii loogu taabbo gelin lahaa aqoonta adduunka taalla Afkeenna hooyo. Qoraalka Af Soomaaligu intaas oo keliya kuma ekaannine, haddana waxaa loogu isticmaalay kicinta dadweynaha. Isaga oo ka hadlaya ariintaas, Jaalle Siyaad, wuxuu yiri:
... Ma Doonaynno in ummaddeennu u qaybsanto in yar oo warqadda isku afgarata iyo in badan oo hadal keliya wax isku gaarsiisa; mana doonaynno in ummaddeennu ay ku qaybsanto in yar oo akhriska ku korisa aqoonteeda iyo in badan oo aragtideedu ku dhisan tahay wax garadkooda.