By Abdi Jama Aw-Aden
Max’d Siyaad Barre awoowgi Barre Cabdulle Yuusuf waxaa lagu dilay dagaalladii sokeeye isagoo madi ah.Wuxuu markaas ifka uga tagay 7 nin oo kala ahaa:
1-Xasan Barre Cabdulle oo lagu dilay dagaalkii ba’naa ee Qaranro-Balo oo dhex maray dh/dhaqaaqii Daraawiish iyo xoogaggii ka soo horjeeday,wuxuuna ahaa Darwiish.
2-Muuse Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalladii Daraawiish,isagoo Darwiish ah.
3-Xirsi Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalkii Talyaanigu ku qabsaday Itoobiya 1936 isagoo ah askari Talyaani.
4-Siyaad Barre Cabdulle waxaa lagu dilay Mirrig abbaartii 1926 wuxuuna ka mid ahaa kacdoonkii Fallaago oo ka horyimid gumeystaha Talyaaniga 5-Faarax-Madow Barre Cabdulle waxaa lagu dilay degaanka Wardheer isagoo socoto ah,waxaana loo dilay dakane qabiil.
6-Max’uud Barre Cabdulle wuxuu ku dhintay dhulka GEDO tii allaana u timid.
7-Jaamac Barre Cabdulle tii allaa u timid,wuxuuna dhintay abbaartii 1938dii isagaana ugu dambeeyay ilma Barre.