...Waxaan kale oo aan isleeyahay uguna bishaaraynayaa dadka Soomaaliyeed in caawa la qaaday qaraar oo Goleyaaashu ay gaareen go'aan ah Af Soomaaligii in la dhigo. Afkii hooyo in la qoro wixii ka dambeeya maantana afkii xaqa ahaa oo dalka lagu maamulayey inuu isaga noqdo.
Kaas oo lagu dhigayo xuruurfta loo yaqaan Laatiin iyadoo loola jeedayna in uu yahay midda keliya oo durbadiiba hirgelin karta haddii la yiraahdo afkii hooyo haba la dhigo amaba dhaqaalaha dalku uusan ka maarmi karin inuu xruuf kala qaato, taaso u baahnaan kari lahayd alaabo badan oo malyuunaad lacag gaarta in lagu gado amabase waqti dheer ay u baahato intii allaabadaas laga sameeyo ay dhici kari lahayd.
Waxaa kale oo haddaan ka xuso tacliinta barbarkeeda hoose ilaa barbarkeeda sarae waa isku xirxiran tahay. Marka haddii aan ku xisaabtamo tacliinta qiimaha ayugu xiran tahay ama ay leedahay, adduunku wuxuu leeyahay macaamilo badan oo ka dhaxaysa ama beecsharuu isugu xiran yahay, ama tacliin buu isugu xiran yahay; qolo keligeed gees u noolaan kartaana ma jirto.
Adduunku intiisa badanina xaruuftaas ayay ku isticmaashaa, qolo kastana waxay jeceshahay in afkeeda dad badanu ay bartaan oo uu fido. haddii ay dhacdo xuruuf kale in lagu dhigo waxaa imaan kari lahayd inu go'doon noqdo oo ay suuro gasho inuusan fidin, isla markii waxaa haddana laga maarmaan ah ama qiimo khaas inay leedahay...