You are here: Home
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Search

Somali President Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Maxamed Siyaad Barre - JaalleSiyaad.com

Nov16

Yaa Xor ah?

Mar uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre ka warramayey xornimo, wuxuu yiri,
... Haddii aynnu rabno inaynnu hore u marno, waa inaynnu ku shaqaynnaa inay Soomaaliya midowdo; Jaalle! ku shaqee Soomaaliya inay xorowdo, xornimo maskaxda ah, xornimo xaqdhawr ah, xornimo hawada wax kordhiska ah. Xornimo markaan leeyahay waxaan ulajeedaa Soomaaliya waa inay addoonnimada ka baxadaa meel ay joogtaba!...
Shaqalaha, iyo xoogsatada ka shaqaysa Wasaaradaha iyo Wakaaladaha iskood u mamadaxbannaan, hadal uu u jeediyey 4tii Agoosto 1973, bay ku jirtey kudhbadani
 
Oct22

Taariikhda 21ka Oktoobar

By Maxamed Gaarane Aaden

1969 Talada wadanka soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii Qalabka siday oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre waxaana uu hayay talada dalka 21 sano Muxuu qabtay Kacaankaas Barakaysnaa? Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii waxaa maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaanta u dheerayd musuqmaasuq, qabyaaladd iyo fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd. Ammaankii iyo kala dambeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiillada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan. Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelyo darradii ay ku biyo shubatay in ( AUN ) Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay. Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu laayay, waxaana dadweynihii xilligaas ay ku calaacalayeen Xooggii Dalkoow Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay, dhowr ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku cabbireen xilligaas musuqmaasuqa dareenkooda hab suugaaneed, waxayna ku maansoodeen “Inqilaab hurdaduu ku jiro la hubsan doone” oo uu abwaan Nuur Cali Qonof tiriyay, sidoo kalena abwaan Qaasim ayaa isaguna tiriyay tixaha ay ka midka yihiin

 
Oct07

21-ka Jannaayo 1973 Waa Taariikh aan la halmaami karin

Maalinta 21-ka Jannaayo 1973, waa maalin weyn oo taariikh dalkeenna iyo dadweynaheennaba u leh, maxaa yeelay, waa maalintii Guddigii Golaha Sare ee Kacaanku go'aan ku gaaray in laga dhaqan geliyo Afkeenna hooyo dugsiyada, maamulka Dawladda iyo dhaqankeenna oo idilba. Maalintaasa dadweynaheennu ka xooroobey xagga dhaqanka iyo fakarkaba. Sida la wada ogyahay Afku waa hubka keliya oo lagu dhowro, laguna diiwaaniyo suugamaha iyo murtiyaha.

21-ka Jannaayo 1973, waa maalintii qarannimada Soomaalidu ay lugaha ku istaagtay, lagana aqoonsaday adduunka oo idil. Isla maalitnaas dadweynaheennu wuxuu bilaabay, sidii loogu taabbo gelin lahaa aqoonta adduunka taalla Afkeenna hooyo. Qoraalka Af Soomaaligu intaas oo keliya kuma ekaannine, haddana waxaa loogu isticmaalay kicinta dadweynaha. Isaga oo ka hadlaya ariintaas, Jaalle Siyaad, wuxuu yiri:

 

... Ma Doonaynno in ummaddeennu u qaybsanto in yar oo warqadda isku afgarata iyo in badan oo hadal keliya wax isku gaarsiisa; mana doonaynno in ummaddeennu ay ku qaybsanto in yar oo akhriska ku korisa aqoonteeda iyo in badan oo aragtideedu ku dhisan tahay wax garadkooda.

 

 
Oct06

Qabiilka iyo Qaranka - 1983

Jaalle Siyaad waxuu uu 27/7/83 ka furay xaruntii Jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho, Dood Cilmiyeedkii 2aad oo ay ka qab galeen Macallimiintii Jaamacadda Ummadda iyo Aqoonyahanno ka tirsan ha'adaha Qaranka.

Waxa Khudbad qiimo leh ka jeediyey Jaalle Siyaad oo si ballaaran uga warramay waxyeellooyinka qabiilku u leeyahay Bulshada, xaq dhaqaale, siyaasad, iyo guud ahaan horumarka Ummadda.

 

 
Page 19 of 20

Custom Search

 


Buug Cusub / New Book


Khudbadii ugu dambeesay 1991 Version 2

Khudbadii ugu dambeesay 1991

Latest Comments