Madaxweynihi Golaha Sare ee Kacaanka, Jaalle Siyaad, isaga oo fulinaya himilooyinka guud ee Kacaanka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan siyaasadda dibedda ee Soomaaliya, qayb weyn buu ka qaatay xoojinta iyo taab-gelinta wadajirka qaaradda Africa, iyo xoraynta dadka Africa ee weli ku jiray gumeysiga shisheeye, sida Simbabwe, Koonfur-AFrica, Nambiya, Xeebta Soomaaliyeed, iwm. Dawrkii Soomaaliya ka qaadatay dhex-dhexaadinta Ugandha iyo Tansaaniya iyo heshiiskii nabadeed ee labadaas dal ee walaalaha ahi gaareen wuxuu muujiyey in kacaanka Soomaaliyeed ku mintidayo wadajirka Africa, oo ayan marnaba uu suuro gelin in gumeystayaalku isku laayaan dadka Africa, taas oo ah himiladooda weyn. Sidaas darteed, Ururka Midowga Africa, iyaga oo tixgelinaya siyaasadda horukaca ah ee Kacaanka Soomaaliyeed ku socdo, kalsooni weynna ku qaba kartida iyo waaya-aragnimada Jaalle Siyaad ku hoggaaminayo Soomaaliya, waxay Madaxtooyaddi qaaradda oo idil ee sannadii 1974-1975 u dhiibeen Jaalle Siyaad bishii Juun 1974kii, markii Shirweynihii 11aad ee Africa Xorta ah lagu qabtay magaala-madaxda Soomaaliyeed, Xamar. Taasi sharaf weyb bay u ahayd Soomaaliya, isla markaasna mas'uuliyad culus bay ahayd oo Africa ka sugeysey Jaalle Siyaad in uu fuliyo.